Home » Warar »

Golaha Wasiirada oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda gobolada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe

Warsaxaafadeed

Muqdisho, September 28, 2013—-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah, waxaana shir guddoominayay kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Kheyraadka Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaana kulankan lagu casuumay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho kaasoo sharaxaad ka bixinayay xaaladda amniga gobolka, qorshaha deriseynta, kaalinta gobolka ee amniga caasimadda iyo weliba mashaariicda horumarineed ee gobolku ku howlan yahay.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay xaaladda nololeed ee qoysaskii ku barakacay fataahadii dhowaan uu sameeyey wabiga Shabelle nawaaxiga magaalada Jowhar, kaasoo baabi’iyay dhul beereed baaxad leh, isla markaana jaray isu socodkii wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo gobolka Sh/dhexe. Waxayna goluhu ugu yabooheen gargaar dhaqaale.

Golaha Wasiirada ayaa taageeray qorsheyaasha gobolka ee horumarinta iyo sugida amniga gobolka, waxaana lagu ammaanay kaalinta bilic soo celinta iyo iftiiminta magaalada. Waxayna ugu baaqeen golaha Wasiiradu inay sii dardargeliyaan wada shaqeynta maamulka gobolka Banaadir uu la leeyahay hay’addaha amniga, si loo wiiqo qatarta argagixisada.

Golaha Wasiiradu waxay kulankooda diirada ku saareen xaaladda fatahaada wabiga shabelle ee gobolka Sh/dhexe, waxayna ugu deeqeen lacag dhan Konton kun oo Dollarka mareykanka ah ($50.000), waxayna dhanka kale baaq u jeediyeen hay’addaha gargaar iyaga oo ugu baaqay inay la gaaraab shacabkaasi tabaaleysan caawimaad dhan kastaba leh.

Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Mob.+252-61-5536608

Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.