Home » Warar »

Idaacadda Dalsan oo Tababar ku Saabsan Amnigga iyo Badbaada Saxafiga u Qabatey Suxufiyiin ka Socotey Qaybaha ka Duwan ee Warbaahinta Muqdisho

Tababar Mudo Hal Maalin ah soconayay oo uu soo Qaban qaabiyay Maamulka RADIO DALSAN uuna fududeeyay Ururka Difaacayaasha Saxafiyiinta Aduunka ee CPJ Saldhigiisuna yahay Magaalada NEW YORK ee Wadanka Mareykanka ayaa lagu qabtay Hotelka Mogadishu Guest House ee Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho

somali10 somali11Tababarkan ayaa waxaa in ka badan 30 Saxafi oo ka howlgala Magaalada Muqdisho lagu siiyay casharo ku saabsan qaabka ugu Sahlan ee Wariyeyaashu ay si Taxadar leh howshooda ugu Wadan karaan Gudaha Waddan ay Colaado Ragaadiyeen iyo Goobaha Halista ah sida Soomaaliya.

Munaasabad gaar ah oo lagu furayay Seminar ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha Idaacada Dalsan Xasan Cali Geesey waxaana uu si gaar ahaaneed uga waramay Muhiimada ay leeyihiin Casharada lagu qaadanayo oo uu tilmaamay inay wax weyn ka tarayaan qaab howleedka Wariyaha fursada u hela isagoo uga Mahadceliyay dhamaan ka soo qeyb galayaashii goobta fadhiyay sidii ay u aqbaleen Dalabkii Maamulka Idaacada DALSAN oo ugu yaboohday in ay ka faa’iideystaan Casharo xaga Amniga ku aadan oo ay bixinayaan Macalimiin loo soo xulay.

Agaasimuhu waxaa uu si gaar ah ugu Mahadceliyay Afhayeenka Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/wali iyo Madaxa Xafiiska Bariga Afrika ee Tv-ga Universal C/laahi Xirsi oo labaduba ka mid ah Bahda Saxaafada Soomaaliyeed kana soo qeyb galay Furitaankii Seminaarka.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya oo Munaasabadii Furitaanka ka hadlayna waxaa uu sheegay in uu ku Farxsan yahay howshan ay iska Kaashadeen CPJ Iyo Radio Dalsan isagoo ku Dhiirigaliyay Bahda Saxaafada Soomaaliyeed in ay feejignaan dheeraad ah ku howl galaan gaar ahaan marka ay ka shaqeynayaan Goobaha Halista ah sida Soomaaliya oo kale.

Madaxa Tv-ga Universal ee Bariga Afrika Cabdulaahi Xirsi kulmiye oo Gabagabadii FuritaankaTababarkaasi ka hadlay ayaa isna waxaa uu si guud ula dar daarmay Bahda Saxaafada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwii Tababarka qaadanaayay isagoo siiyay Talooyin wax ku ool ah oo ku aadan Amnigooda iyo sidii Wararka ay Bulshada u tebinayaan ay uga dhigi lahaayeen kuwo run ah oo ilaalinaya Amnigiisa iyo Amniga Guud ee Ummada.

Tababarkan ayaa waxaa Casharada ka bixinaayay Macalimiinta kala ah Cali Maxamad Xalane, liibaan Cabdi Cali oo labaduba u shaqeeya Wakaaladaha Wararka Caalamiga ah iyo Nasra Cabdi Cismaan (Bakaal) oo ka tirsan Howl wadeenada Idaacada Dalsan Shahaado heer Jaamaadeed ahna ka heysata Cilmiga Saxaafada.

Saxafiyiintii ka Qeyb galay Seminarka ayaa waxa ay ku tilmaameen Tababarka mid Muhiimad gaar ah u leh Saxafiyiinta Soomaaliyeed, iyagoo Dal badayna in La joogteeyo, Mas’uuluyiinta Idaacada Dalsan-na uga Mahadceliyay Abaabulkeeda ku Aadan Hirgel;inta Tababarkaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

somali12

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.