Home » Warar »

Xarunta Tababarada, Cilmi Baarista iyo Horumarinta Warbaahinta (CMR) oo Tababar u Furtay 100 Arday.

soma2Xarunta Tababarada, Cilmi Baarista iyo Horumarinta Warbaahinta ee Center For Media Reseach Training And Development oo marka la so Gaabiya Noqoneysa (CMR) ayaa waxa ay Tababar u furtay ilaa 100 arday oo Baranaysa Xirfadda Saxaafadda iyadda oo Kaashanaysa Jaamacadda Horn of Africa iyo Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Munaasabadda oo lagu qabtay Hotelka Mogadishu Guest House ayaa waxaa k asoo qeyb galay xubno ka socday Xukuumadda Soomaaliya, Madaxda Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka, Agaasimayaasha Xarumaha Warbaahinada iyo in ka badan Boqol Ardey oo ah Dufacadii Koowaad ee Xarunta lagu Tababari doono.

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda WarfaafintaMudane C/shakuur Mire oo ka hadlay Madasha wuxuu aad ugu Booriyey Saxafiyiinta in ay xoojiyaan Aqoontooda iyo Khibradooda taasoo lagu heli karo oo kaliya in loo dadaalo waxa uuna ku Tilmaamay in uu yahay Barnaamijkii ugu horeeyey ee noociisa oo kale ah , ahna mid ku haboon xiligan baahidiisa taagan tahay.

Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaliyeed oo ka mid dadkii Fekerka badan ku bixiyey Hirgelinta Xarunta iyo Furida Tabbarkaan ayaa waxa uu ku Tilmaamay in ujeedada Tababaradani ay noqon doonaan kuwo ku haboon Waqtigooda isla markaana ay Dadweynaha ku Caawin doonaan in ay helaan warar sugan oo lagu Kalsoon yahay.

Sidoo kale waxaa Madasha ka hadlay Agaasimaha Idaacadda SImba Mudane Cabdulahi Cali Faarah (Catoosh), Agaasimaha TV Royal Mogadishu, Mudane Fuaad Xaaji Cabdiwali, Agaasimaha Idaacadda Banaadir Mudane Xasan Salaad Xasan (Xasan Lacky), Agaasimaha Idaacadda Mustaqbal.

Sidoo kale Saxafiyadda Nasro Cabdi Bakaal, oo ka tirsan idaacadda Dalsan Radio oo ka hadashay Madasha ayaa waxa ay balan qaaday in ay ku Tabaruci doonto Waqtigeedda kana mid noqon doonto Barayaasha Xaruntan

Axmed Cabdi ceynab oo ku hadlayey Magaca xarunta ayaa ka Warbixiyey sida ay ku dhalatay Fakarka lagu Aasaasay Xarunta Tababarada, Cilmi Baarista iyo Horumarinta Warbaahinta (CMR) iyo Ujeedooyinka ka dambeeya Hirgelinteeda ayna iska Xilsaareen Aqoonyahanadda Soomaaliyeed sidii loo heli lahaa Saxafiyiin u qalma Howshooda una soo Bandhiga Warar sugan oo ka qayb qaata Horumarinta Bulshadda.

Ceynab wuxuu Tilmaamay in Fakarka arrinta uu lahaa allaha u Naxriistee Ustaad C/qaadir Jiirow Sharma’arke oo ka tirsanaa Idaacadda Mustaqbal ,isla markaana loo arkay in ay jirto baahi ah in la helo Saxafiyiin aad u Tababaran oo Xirfad ahaan aad u yaqaana Shaqada Saxaafadda iyo Qalabka la Adeegsanayo intaba.

Sida aynu ka Xaqiijinay Madaxda Xarunta waxaa Casharada gudbinaya Dhalinyaro Wiilal iyo Gabdho isugu jira oo Shahaado Jaamacadeed ka heysta Culuumta Warbaahinta isla markaana Khibrad mudo fog ah u leh Xirfadda Warbaahinta.

Xaruntan CMR ayaa noqoneysa tii ugu horreysay oo nooceeda ah oo Soomaaliya laga hirgeliyo, in ka badan 100 Ardey ayaa mar xaladaan ugu horeeysa ka Faa’ideysaneysa Tababar dhinaca Saxaafadda ah oo mudo Sideed Bilood ah socon doonta.

Maxamed Cabdinuur oo isagana ku hadlay Magaca Jaamacadda Horn Of Africa ayaa balan qaaday in ay Suuqa Saxaafadda Soomaliyeed ku soo Kordhin doonaan Wariyayaal Tayo leh waxa uuna u Mahadceliyey Dhamaan Idaacaddaha, Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee iska Kaashaday Furidda Xaruntan

Xaruntan ayaa waxa ay Shaqo Wadaag la noqon doontaa Qaar ka mid ah idaacaddaha Magaaladda Muqdisho iyo Goboladda Dalka Sida: Radio Risaala, Gool FM, Radio Iftin, Royal Television, Star FM, Kulmiye New Network (KNN) , Radio Dhusamareeb, Mustaqbal Radio, Access Television, Radio
Xamar – Voice of Democracy (VOD), Dalsan Radio, SIMBA Radio, Radio Banadir iyo Kasmo Radio.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.