Home » Warar »

Hay,adda Hormuud Telecom Foundation oo Gaari Gacanno u Qeybisay 40 Qof oo Xoogsato ah.

somalia1
Hey,adda Samafalka Hormuud Telecom Foundation ayaa iyadoo ka Jawaabeysa Codsiga qaar ka mid Xoogsatada ku Xamaalata Gaari Cacanka oo iyagu ahaa kuwo laga ijaaran jiray Gaari Gacannada ay ku shaqeystaan ugu Deeqday 40 gaari gacan.

Hormuud Telecom Foundation oo Gargaarka iyo Horumarinta Bulshada u qaabilsan shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia ayaa Xarunteeda Muqdisho waxay ku soo Bandhigatay 40 Gaari Gacan iyo Dadkii Xoogsatada ahaa ee la Guddoonsiiyey Gaari Gacannaddasi.
Madaxa Hey’adda Hormuud Telecom Foundation C/llaahi Nuur Cusmaan oo Munaasabadda ka hadalay ayaa sheegay in Mashruucaan ay u sameeyeen ka dib codsi uga yimid Xoogsatada ku Xamaasha Gaari Gacanka oo uu sheegay in Maalinkiiba looga kireysan jiray Gaari Gacanka 15,000 ilaa 20,000 Sh.so ah Maalin kasta, maanta laga bilaabana ay xor u yihiin Xooggooda “Gaari Gacammadaan waxaa iska leh dadkaan aad arkeysaan lagamana iibin, kirana lagama rabo”. Masuulkaan ayaa hadalkiisa ku daray inay Gacanta ku hayaan I nkale sidaan oo kalana ay meel Fagaaraha ku bixin doonaan.

Qaar ka mid ah Dadkii la Gudoonsiiyey Gaari Gacannada oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in si weyn ugu faraxsan yihiin ayna Dareemayaan Xorriyad Maaliyadeed, cid kalena aysan la wadaagi doonin wixii ay shaqeystaan waxayna u Mahadceliyeen Hayadda Hormuud Telecom Foundation

Sidoo kale wuxuu sheegay inay haween Caruur Agoon heysta ay Shaqo Abuur u sameyn doonaan kuwaas oo Xilligii Munaasabadaan ku sugnaa Xarunta Hey’adda kuwaa oo Hayadu ku sameyneysey Kormeer Dhinac walba leh
Hey’addan ayaa Wadda howlo xariir ah ay wax ugu qabaneyso dadka Dan yarta ah ee ku nool Gobolka Banaadir iyo Gobolada Dalka waxaana si weyn loogu xasuustaa Mashruucii Ramadaankii la soo dhaafay ay ka fulisay Muqdisho ay ku baxday ka badan Nus Malyuun Doollar.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.