Home » Maqaallo »

“Ahmiyada wax akhriska.

 

W/D. farhan Hussein elmi, (sultan)

Waxaa jirta xikmad oranaysa akhriyaha maant waa hogaamiyaha beri.

wax akhrinta waxaa lagu tiriyaa in ay tahay hab kamid ah hababka ugu fiican ee

insaanku ku kasbado wax badan oo kamid ah aqoonta culuunta iyo fikradaha,

waxa ayna gaarsiisaa in Insaanku noqdo mid horumarsan dhan walba oo noloshiisa kamid ah, cilmi ahaan cafimaad ahaan dhaqaala ahaan, bulsha ahaan, siyaasad ahaan,

dhaqan ahaan, waxa ayna u furtaaa dariiq iyo maskax balaaran oo ay adkeed gaarideeda,

waxa la sheegaa maktabadii ugu horaysay ee faraacinadii hore in albaabkeeda hore ay ku qoreen, “Halkaan waa quudka nafta, iyo daawada caqliyada”

Halka sidoo kale lagu tiriyo wax aqrinta ilaha ugu badan ay kasoo burqadaan cilmiga iyo aqoonta, uguna balaaran,

iyada oo ay ku dadaaleen umadaha baraarugsan, faafinta cilmiga iyo sahlida hababka lagu helo, waxa ayna furaha koowaad ka dhigteen, ku dhiiri galinta dadkooda wax aqriska, iyo in ay kashaqeeyaan ku dhex faafinta bulshada qeybaheeda kala duwan,

wax aqrinta waxa ay ahayd walina tahay hababka ugu muhiimsan ee soo minguurinta

miraha caqliga basharkii hore, waxyaabihii ay hindiseen, dhaqankiisii fanka iyo suugaantiisii, iyo waxqabadkiisii,

wax aqrintana waa sifa u gooni ah shucuubta horumartay kuwaasoo mar walba ku dadaala maskax weyn oo xigta horumar ballaaran,

wax aqrinta waxa ay leedahay ahmiyad aad u ballaran oo aan inta lagu soo koobi karin bilowgii usoo ifbixii dunida nuurka islam, kalimadii u horeysay ee jibriil kula hadlay suubanaha, (nnkh)

waxa ay ahayd (IQRA) aqri!! waxa aad ka dhuuxi kartaa halkan, ahmiyada ay uleedahay culuunta iyo aqoonta wax aqrinta,

casrigaan aynu noolahay wax aqrinta waxa ay kamid noqotay nolol mal meedka muwaadin kasta, wax aqrintana waa wadada kaliya ee waxa alifida iyo soo sarida mu’alifiin hindisayaal mufakiriin,(dad fakar fog leh)

umadaha wax aqriya, waa umadaha sutiga u haya caalamka, umadaha wax aqriyaa waa umadaha xoroobay, maxaa yeelay wax aqrinta waxaa ay kaa fogaynaysaa jahliga, khuraafaadka, iyo dib u dhaca,

waxa ay ka qortay hay’ada (Scott Foresman) wax aqrinta oraah aad u qurux badnayn, barnaamij bandhiga aqriska buugaagta caalamiga, ee lagu qabtay santiago sanadii 1997-dii cinwaankeeduna uu ahaa, “Waxaa badali doonaa caalamka” oraahdaa oo ahayd,

maalin maalmaha kamid ah, waxaa caalamka badali doona cunug yar,

waxaan siin doonaa cunugaas yar hadiyad dhadhankeeda ka go’in waligeed,

hadiyad caalamka hortiisa keenaysa, kana dhigaysa dadka dunida ugu hodansan uguna qanisan, Hadiyadaasna waa wax AKHRINTA)taas oo u furi doonta labada indhood,

dareenkana waxaa kiciya sheekooyinka taas oo kadhigaysa caruurta in ay dareemaan kobcaan fakaraan,

ma jiro,wax I joojin kara, mxaa yeelay qalbigayga waxa uu garanayaa, macanaha wax AkhRISKA, iyo awooda ay leedahay,

Waxa uu yiri Abaas al-aqadi wax aqrinta waxa ay da’da insaanka ugu dartaa da’kale. Waana da’da qoraayaasha mufakriinta aqoonyahanada, culumada falsafada, i.w.m

Majirin caalim weyn ama mu’alif weyn. Haduu jirana wuxa uu aad ugu mammanaa wax aqrinta. Waxa ayna u ahayd wada uu u maro cilmiga iyo wax curinta,

Tusaale ahaan aan u soo qaadano ( (Philo Franz Worth) mu’alifkii television-ka.

Wuxuu ahaa “Philo” arday aad u dadaal badan

Aad iyo aadna u jecel uguna mamman, wax “AQRISKA” waxaa lasheegaa in uuu aqriyayay dhammaan wixii maktabada school-ka yaalay ee ka hadlayay codka iyo ilayska, iyo waxa loo yaqaano (silent movie) ama filimaanta aan codka lahayn, hamigiisa wuxuu ahaa in uu kulmiyo codka iyo muuqaalka filimka,

Mudo “Philo” markii uu akhriyaya daraaseeyay, waxa ayna dhahaan waxa uu akhriyay akhrisris aad u ballaaran,

Ilaa uu kagaaray waxa uu ku haminayay, waxaana loogu wanqalay alifida television-ka magiciisa.

dadka waxa curiya dadka waxa alifa mufakiriinta iyo aqoonyahan kasta cilmigii uu doono haku xeeldheeraadee waa dad annaga nagamid ah laakiin

cilmiga waxa ay ka dhigteen wadan ay dagaan,

wax AKHrintana wado ay u sii maraan,

dhab ahaantii waxa aynu u wada baahanahay, ( (The Reading Clinic) isbitaalka wax aKHriska muhiimadiisuna tahay baraarujinta dadka ahmiyada wax akhrinta,

qofkii maanta u fiirsada xaalada umadeena. Oo aan orankaro waa bulsha dhan walba ka burburtay, dhaqaala ahaan caafimaad ahaan siyaasad ahaaan amni ahaaan ijtimaaci ahaan deegaan ahaan waxbarasha ahaan,moral ahaan akhlaaq ahaan. Kuna habsaday gaajo colaado jahli abaaro burbur iyo barakac

Meel u fiyowna aysan jirin, dhan walba oo aad ka eegto,

dadka waxaa badbaadiya marka ay marayaan marxaladaaan oo kale ee quusta joogta intooda waxa akhrisa.

ee ay ku jirto damiir wadaninimo iyo mid diineed.

aqoon yahankeena imisa buug ayuu aqriyaa bishii!!!.? Imisa ayuu ku booriyaa dadka

wax aqriska iyo wax qorida Aniga iyo adigase imisa ayaan aqrinaa bishiii??? Imisa ayaan bulshadeena ku boorinaa wax aqriska iyo wax qorida, imisa qof ayaanse barnaa sida wax loo qoro iyo sida wax loo akhriyo.

Hadii aynaan wax aqrin waxna qorin ma gaari doono wax horumar ah. Gaar ahaan casrigaan aynu noolahay oo lagu tiriyo casrigii cilmiga

W/D. farhan Hussein elmi. (sultan)

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " “Ahmiyada wax akhriska. "

  1. Keyse Xasan says:

    Asc. Waxan ahaa aqriste mudo toban sano ka badan 26ka sano een jiro hadana waxan aqristay kama badna dhawr maqal oo midkaani kujiro iyo xoogaa buugaag ah kii marxuum abdullahi yusuf(ILAAHEY HA UNA XARIISTEE )uu ka mid yahay waxan dhihi lahaa sultan adigu waqti igamaalumin