Home » Archive Maalinta April 25th, 2013

Ururka Dhalinyarda SYAO OO Tartan Loogu Magacdarey Isdhexgalka Dhalinyarda ku soo Gabagabeysey Magaalada Baydhabo.

Apr 25, 2013
Ururka u dooda Xuquuqda Dhalinyarada Soomaaliya ee SYAO ayaa ku soo Gabagabeeyay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Tartan Isboorti oo muddo Todobaad socday, kaasoo ay ka qeyb galeen kooxo ka dhisan magaalada.Tartankan oo loogu magac daray is dhexgalka Dhalinyarada ku nool Gobolka Bay ayaa kooxaha ka qeyb galay ay ahaayeen kuwo isa soo reebay, waxaana Finalka ama ciyaartii u dambeysay u soo baxay Kooxaha... 

Waxay dileen isagoo Ilaahay difaacaya!

Apr 25, 2013
Habeenkii Jimcuhu soo galayey ee maalintiisa Sheekh C/qaadir la dilay ayaan masjidka Al-hudaa ka jeediyey Muxaadaro. Sheekhu goor dambe ayuu yimid. Markaan darsigii dhameeyey ayuu makarafoonka qaatay. Wuxuu ka hadlay muuqaal foolxun oo magaalada ku soo kordhay, kaas oo ah in la arkay dad Ilaahay iyo diinta caayaya.  Read More →

Xarakada Al-Islaax oo Warsaxaafadeed ay soo Saartay ku Beenisay in Ururkooda uu la Midoobay Urur kale

Apr 25, 2013
War-Saxafadeed ay Xarakada Al-Islaax ee Soomaaliya ay soo saartay ayay ku sheegtay inaysan jirin wax Urur ah oo ay la Midoobeen, iyagoo war arrintan ku saabsan oo maalmo ka hor kasoo baxay Muqdisho ku tilmaamay mid been abuur ah.  Read More →

Is faham la’aan iyo shaki soo kala dhexgalay dowlada federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya

Apr 25, 2013
Hordhac: Ciidamada dalka Itoobiya ayaa waxaa ay qayb weyn ka qaateen dagaalkii lala galay xarakada Al-shabaab ee dalka soomaaliya. Meelo badan oo gaboblada oo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta soomaaliya ayaa waxaa fadhiya ciidamada Itoobiya, waxaana ay dagaal joogto ah kula jiraan maleeshiyada xarakada al-shabaab. Dowlada cusub ee soomaaliya iyo guud ahaan Amisom ayaan weli ku guuleysan iney ciidamo...