Home » Maqaallo »

Dilkii Sheekh C/Qadir Gacamey AUN Maxaa Looga Dan Lahaa?

xiddig
Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig)

Warku maqalkiisu wuu murugo iyo mashaqo waynaa. Wuuna Indo xumo iyo calool xumo badnaa. Qof walba oo Muslim ah naxdin iyo uur ku taalo ayuu ku reebay. Waligay ma sawiran sifo la mid ah. Una malayn maayo qalbi qof Muslima in uu ku soo dhici karo abid. Kuwii soo maleegay musiibo ayaa ku dhacday. Waana hubaal halaagooda in la arkayo. Alle waxaan ka baryaynaa adduunyada in uu nugu tuso aakhiro intii aan la gaarin aaya xumadooda. Yeey dileen Allaha dilee! Waa Sheekh Caalim ah. Wuxuu ahaa da’. Wuxuu ku jiray masjid gudihiisa. Wuxuu u taagnaa salaadii Rabbigiisa. Intaasba kuma aysan qadarine ee shaydaan baa u qurxiyay ficilkooda. Tollow! maxay u dan lahaayeen kuwii dilay, ujeedo unbaa ka dambaysay dilka Sheekha iyo culumadii kale ee ka horaysaye’. Waxaan is leeyahay qodobada soo socda ayeey kooxdii dishay Sheekha yoolkoodu ahaa.

1.In qof xaqa sheego la waayo. Sheekh C/Qadir AUN sida iska cad waxaa loo dilay hadaladiisii cadcadaa iyo go’aamadiisii geesinimada lahaa. Nin aan ka gaban xaqa oo cadeeya ayuu ahaa. Waana calaamada culumada lugu yaqaano. Xaqa dad badan baa isku daya in ay qariyaan si ay been ugu qaraabtaan. Xaqa dad baa isku daya in ay diidaan una arka danahooda in uu lid ku yahay. Nabi Mohamed (SCW) Xaqa markii uu la yimid, Quraysh oo dhan bay ku kala tageen, waliba qaarkood waxay damceen in ay dilaan oo adduunyada ay dhaafsiiyaan. Sidaas daraadeed, wax cusub ma aha in dadka loo dilo xaqa oo la sheego.

2.Kooxdii Sheekh C/Qadir AUN dishay waa koox is tidhi; inta uu Sheekha joogo ujeedkiina gaari karimaysaan. Marka waa in Sheekha iyo culumada la midka ah aad iska hor leexisaan. Oo boosku markuu banaanaado idinka culumo noqda, dadka u fatwooda, waxa aad doonaysaanna fushada. Waxay aaminsanyihiin maska madaxa ayaa laga dilaa. Sidaas daraadeed dadka cilmiga leh, waa in marka hore la gumaadaa si aan loo helin cid hor istaagi karta.

3. Kooxdii Sheekha dishay AUN, ujeedkooda waa in la dullaysto oo la bah dilo dadka Soomaaliyeed. Si ay arinkaas u hirgasho waa in culumada la warjeefo maadaama culumadu ay yihiin booska kaliya ee Soomaali u badbaada qabta maanta. Oo maxaa dhacaya markii culumada la warjeefo? Dantii la doonayay ayaa si fudud loo fushanayaa. Dullaysigaas waxaa kow ka ah cabsi galin. Dadka markii la cabsi galiyo, way is dhiibaan, wayna hogaansamaan. Kii hadla ama amar diido la yimaadana waa la dilaa. Oo wuxuu tusaalo u noqdaa dadka inta kale. Waa Fircoon dhaqankiisii oo uu kula dhaqmi jiray reer Banii Israaiil.

4. Kooxdii dishay Sheekha AUN waa koox rabtay culumada dhiigooda in ay fududeeyaan. Oo markaas waxaa ka dhalanaya arinkaas cid walba in ay ku dhiirato dhiiga culumada, oo aan dhibaataba loo arkin layntooda. Faa’iido wayn ayaa ugu jirta iyaga arinkaas. Oo waxay helayaan dad ujeedkooda u fuliya si fudud ama si dadban. Laakiin ma oga miyaa, dad badan oo caqli leh dadka in ay ku jiraan.

5. Kooxda Sheekha dishay AUN waxay kaloo doonayaan khayrka iyo wanaaga culumado ay u hayso bulshada in la waayo. Waxaa hubaal ah Sheekh C/Qadir dhimashadiisa khayr badan oo uu waday in lala waayayo sidoo kale. Burburka iyo baahida bulshada iyaga faa’iido ayaa ugu jirta. Sababtoo ah dhalinyaro farabadan oo ay ku shaqaystaan ayeey helayaan. Fursado badan oo ay ku qaraabtaana waa ay u soo baxayaan.

6. Kooxda Sheekha dishay AUN sidoo kale ujeedkooda waa in ay dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed isku diraan. Markii labo qabiil oo walaala ah oo isla dagan wiilashooda loo kala adeegsado dhexdooda, waxaa laga yaabaa xurguf in ay soo kala dhexgasho. Oo hadhow maxaa dhacaya? Waxaa dhacaya in lakala shakiyo oo aan la is aaminin. Iyaga faa’iido ayaa ugu jirta qalalaasaha. Sababtoo ah fal dambiyeedkii ay gaysteen, magac kale ayuu yeelanayaa. Oo markaas waxaa u soo baxaya boor ay isku qarin karaan.

7. Kooxda Sheekha dishay AUN ujeedkooda waa in ay indhaha tiraan Soomaali. Waxay gumaadeen waxgaradkii, aqoonyahankii, culamadii iyo dhamaan haldoorkii ummada. Oo Waxay rabaan cid ka daba hadasha ama la xisaabtanta in la waayo. Sidaasna ficilkii ay doonayaanba si fudud ay u fushadaan.

8. Kooxda culumada dhiigooda ka ganacsata sidoo kale ujeedkooda waa in la waayaa Sheekh fakarkooda halka uu ka soo farcamay dadka u iftiimin kara. Culumadu waa dad kaliya ee yaqaana afkaarta khaldan iyo sida loola dagaalamo. Sheekh C/Qadir AUN afkaarta kooxaha islaamiyiinta ah aad ayuu u yaqaanay. Waa sababta loo beegsaday oo waliba masjid dhexdiisa loogu toogtay.

Ugu dambayntii culumada Soomaaliyeed waa in ay go’aan wax ku ool leh ay la yimaadaan. Cadowga haddii uu badan yahay cududa ayaa la mideeyaa. Go’aankii geesinimada lahaa ee ay soo saareen culumadu bisha 19keedii, waa in la taabo galiyaa. Waxaa haboon cadowga in hal dhinac looga soo wada jeesto.

Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig)

xiddig@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.