Home » News »

Maxaa keeney weerarkii lagu qaadey Masjidka Xaram 1979?

alhasaniAssalaamu Alaykum. Maanta iyo qoraalkeena waa qiso dhab ah oo dhacday Xaramka mudo iminka laga jooga 34 sano! Qof kasta oo Muslim ah waa fahansanyahay qeymaha iyo qadarinta ay naga mudanthay magaalada barakaysan ee Makka Al-Mukarramah. Makka qof lagu dila iskadaaye, geedaheeda lama ogala in lagooya. Xitaa qofkii niyada xumaan uqaada magaaladaas Allah wuxuu ku abaalmarin doona Cadaabka Aakhira.

Meesha sidaas ah makulatahay inaad weerari laheyd? Haddii ay jawaabtaadu tahay maya, dhiiga qofka muslimka ah oo ladaadiyo ayaa kaxun kacbada oo dhulka lalasimo Ilaahay aktiisa!

20-nov- 1979(1da bisha muxaram 1400H) waa maalin taariikhda kagashay baal madow kadib markii uu kadhacay Baytka Allah dagaal dhiig badan kudaatey oo ay kudhinteen caruur, dumar iyo dadkale oo aan waxbo galabsan.

Mudo 2 isbuuc ah, safafkii Salaadaha waxaa badalay dad meyd ah oo safan saaxada masjidka. Aadaanka 5ta salaadood waxaa badalay rasaas iyo madaafiic aan waqti laheyn. Dhawaafka Safa iyo Marwa waxay noqotay goob ay isku ceyrsadaan dagaalyaaniinta isceyrsanaya.

 

Sidey wax udhaceen? Markii Imaammka Xaramka salaada subax kabaxay, waxaa makarafoonka lawareegey niman aad uhubaysan oo ogeysiis kubixiyey inuu maanta soo baxay Mahdigii lawada sugaayey ‘Sidaas awgeed loo baahan in lala baayactamo si uu ula wareega hogaanka ummadda islaamka!. Qaar kamid ah kooxdii hubaysaneyd (ayagoo iska dhigaya dad caadi ah) ayaa saf usoo galay inay gacan qaadaan Mahdigii.

Waxaa xigtey in laxiro dhamaan albaabada iyo meelaha laga soo galikaro Xaramka! Waardiyaasha Xaramka oo isku dayey inay hor-istaagan toogasho ayaa lagu diley.

Dagaalyaaniin aad utabaran ayaa loo kala qeybiyey dabaqyada sare iyo minaaradaha ayagoo lagu amarsiiyey inay toogtaan haddii ay ciidamada amniga soo weeraraan.

Dadkii gudaha Kacbada joogay waa lakala qeybsamay. Qaar waxay uqaateen inay run tahay oo safka ayey dhinac kagaleen. Qaarkale oo ubadan culimada aqoonta leh way diideen ilaa lagu maquuniyey qori caaradiis!

Imamka Xaramka markii uhoraysay oo makarafone laga qaadey ayaa dhowr jilib iyo feer loo galiyey oo dadkiisa ayuu dhan karaacay.

Dadka joogey Xaramka banaankiisa ee maqlay ogeysiiska ayaa waxaa kudhacay anfariir ayadoo qof weliba meesha uu joogey ka ordey maadama lagaaray Aakhir Zamaankii, meesha ay qaarkale ku soo ordeen Masjidka si ay ugu qeyb galaan Baycada haseyeeshe waxay arkeen masjidka oo wada xiran.

Qisada Mahdiga? Mahdiga iyo goorta uu soo bixi doona waa arin dhab ah oo kusugan kutubta Sunada laakinse sixun loo saadaalinkaro goorta uu soo bixidoona iyo qofka uu yahay intaba.

Mahdiga waa nin wanaagsan oo soo bixidoona Aakhir Zamaanka kahor inta aanu Ciisa (CWS) soo dagin. Ma’ahan qof isa soo sharaxay ama horay loo ogaa ee hal habeyn ayuu Allah ku hanuuninayaa hogaanka ummadda. Sifaadkiisa ugu muhiimsan, waa inuu ku abtirsado qoyska nabiga(ASW) dhanka Xasan iyo Xuseen. Magaciisa iyo magaca aabihiis waa inuu waafaqa magaca nabiga SCW- Muxammad Bin Cabdullah. Waxaa kale oo muhiim ah inay dhacaan arimo kale oo gogoldhig u ah imaanshihiisa.

 

Dowlada lagu tuhmay Qabsadashada Xaramaka

Markii Xaramka laqabsaday, dhamaan madaxda sare ee qoyska Sacuud dalka way kamaqnaayeen marka laga reebo boqor Khaalid oo isagu xanuunsanaa. Intoodii joogtay

ayaa go’aan ku gaarey inaysan arintaan banaanka ubixin si aysan ugu faa’ideysan wadamo ay isku hayaan hogaanka ummadda sida Masar iyo Ciraaq oo ayaga kashaqaynayey in ummadda lagu mideeyo ‘Carabnimo’

Dhamaan khadka telephonada wadanka ayaa lajarey,waxaa sidoo kale ladhigay ciido dhamaan wadooyinka gala magaalada Makka. Waxaa lamamnuucay warbaahinta aduunka inay timaado oo ay kawaranto dhacdadaan.

Ummadda Islaamka, waxaa kudhacay jahawareer ayagoo la’isweydinaya cida meesha qabsatey inay gaalo ama Muslim yihiin? Ma runbaa inuu Mahdi soo baxay oo lagaaray Aakhir Zamaankii?

Dad badani waxay tuhmeen Shiicada reer Iran oo ayadu howlgalka isbadal ah kawaday Iran. Waxaa tuhunkaas sii xoojiyey ayadoo dhacdadaan kahor, ciidama Sacuudiga iyo shiicada dagan Konfurta wadanka gorada iskula jirey taas oo dhiig badan kudaatey.

Qaarkale waxay lafuuleen reer galbeedka sigaar ah Maraykanka oo isaga  xariir dhow lalaha dowlada sacuudiga. Khumayniga reer Iran oo kafaa’idaysanaya aamuska qoyska reer Sacuud -ayaa kasiidaayey warbaahinta aduunka inuu Maraykanka qabsaday Xaramka maadama uu yahay cadowga 1aad ee Islaamka.

Dad aad ucaraysan ayaa weeraray safaaradaha Maraykanka kuleeyahay wadamada Pakistan, Libya iyo Bangladesh, meesha safaarada Maraykanka ee wadanka Iran ay horay uqabsadeen arday kacaraysan siyaasada Maraykanka.

Dowlada Marayka ayaa cadaadis kusaartay Sacuudiga inay warbaahinta kahadasho oo ay caalamka usheegto ‘cida Xaramka haysato’ inaysan Maraykan shuqul kulaheyn! Hase yeeshe warkii ay soo saartey dowlada Sacuudiga ayaa noqday ‘kadaroo dibi dhel’ kadib markii ay ku gaabsatay in qolooyinka falaago ah rabshad kasameeyeen Xaramka iminka wax laga qabtay ayagoon sheegin cida ay yihiin.

 

Taariikhda Falaagada Xaramka Qabsatay

Juhayman Bin Mohammad Bin Seef Al-Cutaybi waa aas aasaha dhabta ah ee kooxdan. Juhayman wuxuu dhashay 16/September 1936 wadanka Sacuudiga.Inta aanu qaadan fikirkan,Juhayman wuxuu kasoo shaqeeyey ciidamada nabad sugida wadanka Sacuudiga mudo 18 sano.

Juhayman wuxuu kubiirey jaamacada Makka Al-Mukarramah oo uu kabaran jirey ‘Al-Falsafah Al-Islaamiyah’, mudo yar kadib wuxuu uwareegey jaamacada Madinah Al-Munawarah halkaas oo uu kabilaabay fikir diineed kusalaysan in dadka diinta lagu celiyo isagoo xooga saaray dhulka baadiyaha.

Ragii uhoreeyey ee fikradiisa qaatey waxaa kamid ahaa nin la’oron jirey Muxammad Bin Abdullahi Al-Qaxdaani oo qabay Juhayman walaashiis oo kamid ahaa xirta Sheekh Ibn Baaz Allah unaxariiste.

Juhayman iyo Muxammad Abdullaahi waxay kamid ahaayeen dhallinyaro badan oo saluugsaneyd nidaamka qoyska boqortooda iyo inay kabaxayeen balama badan oo ay horay ulagaleen shacabka iyo culimada Diinta.Dhanka kale Jumayman iyo kooxdiisa waxay kutuhmeen culimadii waaweyneyd oo ay u arkayeen inay lashaqeynayaan nadiimka qoyska oo aysan gudaneyn ‘Al-Amr Bil macroof wannahyu Canil-munkar’

Juhayman iyo kooxdiisa waxay kuqanceen in lagaaray goortii uu soo bixilahaa Mahdigii lasugayey kadib markii ay arkeen waxyaabo badan oo aduunka kadhacaya. Waxa lasheegaya inay hal habeyn riyo ku arkeen inuu Muxammad Bin Abdullaahi Al-Qaxtaani yahay Mahdigii lasugaayey. Muxammad oo ahaa nin cibaado badan oo xaafid Qur’an ah ayaa sheegey inuusan dhamaystiri karin shuuradaha ‘Mahdinimada‘ maadama uusan ku abtirsan Nabiga (SAW) haseyeeshe Juhayman ayaa kuqanciyey Abdullaahi Bin Muxammad inuu sheekto inuu Quraysh kasoo jeedo asal ahaan.

Dowlada Sacuudiga ayaa gudaha utaxaabtay qaar kamid ah markii la arkay khatarta ay soo wadaan mustaqbalka dhow kahor weerarkan Xaramka. Culimada Sacuudiga sida Sheekh Ibn Baz ayaa kacodsadey dowlada inay iska cafiso ‘waa intaas’ oo ay kanoqdaan fikirkaan.

Sida ay hubka ku soo galiyeen masjidka,

Waxaa jirta laba sheeko oo arintaas kusaabsan. Waa mida hore, waxay lasoo galeen Xaramka ayagoo xanbaarsan santuuqyada meydadka lagu qaado oo hub kabuuxaan. Xaramka, salaad weliba waxaa lakeenaa meyd lagusido Santuuq siloogu tukado.

Mida labaad, falaagada waxay laheshiiyeen shirkada Bin Laden oo mas’uul ka aheyd dhismaha Xaramka oo laheyd albaab ugaar ah halkaas oo kasoo galiyeen hub fara badan. Mid ay noqotaba, waxaa lasoo galiyey hub aad uculus oo ay ciidama sacuudiga utaagwaayeen mudo labo isbuuc ah.

Sidee looga xureeyey Xaramka?

Waxaa lasheegaya inay dowlada Sacuudiga kala tashatay Culimada in xoog la adeegsado kadib markii ay diideen inay isa soo dhiibaan.

Qoraaga layirahdo Yaroslav Trofimov oo qoray buuga layirahdo ‘the siege of Mecca‘ oo la’oronkaro waa buugaagta yar ee arintaan laga qoray dhacdadaan- wuxu sheegaya inay jireen ciidamada Faransiis ah oo gacan kageystey how-galka laakinse aysan galin Xaramka gudahiisa.

Xuraynta waxay martey 3marxaladood. Marxalada 1aad waxaa la’adeegsadey ciidama nabad-sugida haseyeeshe madaxa wey soo galinwaayeen xaramka aktiisa kadib markii madaxa lagawada tooktey.

Marxalada 2aad waxaa loo yeerey ciidamada militaryiga, kumaandooska iyo kuwa sida khaaska ah loo tababaray.

Ciidamadan oo isticmaalaya hubkga kiisa kala duwan iyo gawaarida gaashaaman, waxay kuguulaysteen inay xureeyaan ilaa Xajar Aswadka markaas oo ay falaagada isku gureen godka hoose ee dhismaha xaramka.

Dagaalkaas wuxuu ahaa mid ay kuhoobteen labada dhinac. Saraakiisha ciidamada hogaaminaysa waxay noqdeen mid dhintey, mid dhaawac ah iyo mid laqafaashey oo godka lala galay.

Waxaa xusid mudan in askarta qaar diideen inay Kacbada Allah xabad kufuraan laakinse lagu amray.

Marka ay arin halkaas marayso ayaa loo baahdey khubaro kale oo howshaan gacan kageysata.

Wadamo badan sida Jordan, Pakistan iyo Maroco ayaa muujiyey inay diyaar uyihiin inay soo diraan ciidamo haseyeeshe Sacuudiga ayaa kagaabsadey ayagoo kabaqay inay ‘hadhow’ kufaragaliyaan ‘maamulka Makka iyo Madinah‘ iyo inay kumanasheegtaan.

Waxay dantu dhaafiweydey in lamaciinsado xagaas iyo reer Yurub iyo raga xooga badan.

Marayka waa iska soo taagay oo horay ayaa loogu tuhunsanaa inay arintaan kadanbeeyaan. Haddii lagu arko ciidamo ay leeyihiin Makka iyo meel udhow, waxay kabaqeen inay arinta noqoto ‘dab banziin lagu shubay’.

Wadanka France ayaa muujiyey inay diyaar uyihiin inay buuxiyaan booska Maraykanka.

Kulan iyo wadatashi badan kadib, France waxay soo dirtey 3 nin oo khubara ah iyo diyaarad xanbaarsan Sun khatar ah oo lamid ah tii ciidama Russia u isticmaaleen Tiyaatarka Moscow 2002.

Dad badan waxay aaminsanyihiin in 3da nin ee Faransiska ah soo galeen Xaramka oo ayagu hogaaminayeen ciidama meesha galay laakinse waxaa loo badanyahay inay  arintaas sax aheyn.

Komandooska Sacuudiga oo xanbaarsan suntii Faransiiska ayaa galay godkii ay kujireen falaagada ilaa laxureeyey meesha oo dhan. Dad badan waa ladilay, dad badana waa lasoo qabqabtey ayagoo nool suuxsan.

Xagee kudanbeeyey Mahdigii iyo Juhayman?

Muxammad Bin Abdullaahi wuxuu kudhintey dagaaladii ugu horeeyey ee lagu xuraynayey qeybta sare ee Masjidka. Dhowr jeer oo looga digay inuu ka gabada xabada, wuxuu dhihi jirey ‘suurto gal ma’ahan inan dhinto ilaa aan guto howshii Allah ii soo saaray’.

Qaar kamid ah falaagada oo ogaadey geerida Mahdiga ayaa muujiyey walaac kusaabsan dagaalka iyo sida uu xaq uyahay iyo in lagaarey Aakhir Zamaankii haseyeeshe Juhayman ayaa amar kusiiyey inay iska aamusaan oo aysan gaarsiin dagaalyaaniinta kale.

Juhayman iyo dagaalyaaniin badan ayaa gacanta lagu soo dhigey ayagoo dhaawac ah iyo qaar lasuuxsan Sunta.

Waxaa cajiib ah dagaalka intaas socday inay dumar iyo caruur meesha kujireen. Waxaa kale oo cajiib ah dadkaas waxay kunoolaayeen Timir iyo biyaha zamzamka oo ay u isticmaali jireen daawo ahaan qofkii dhaawacmo.

Juhayman markii laqabtey waa uu diidey inuu hadlo ilaa ay uyimaadeen qaar culimadiisa ah markaas oo uu weydiistey in danbidhaaf loo weydiyo Allah.

Sanad kadib Juhayman iyo ugu yaraan 67 qof oo kale ayaa lagu tooktey magaalooyin kala duwan wadanka Sacuudiga. Waxa jira qaar kale oo kabadbaadey xukunkaas oo lacafiyey mudo markii ay xirnaayeen.

Walaalyaal waan idinku dheereeyey welina kama jawaabin su’aashii aan kubilaabay haseyeeshe adinka ayaan idiin dhaafaya inaad kabaartaan qoraalka dhexdiisa ‘sababta’!

Intaan markale kulmi doona inshallah waa walaalkiin Adam Abdi Abuzuhri oo idin leh wasalaamu Alaykum.

Abuzuhri1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.