Home » Warar »

Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo Dilka Shiikh Cabdulqaadir Gacameey ku Macneeyay mid Lagu Doonayo in Dadka Lagu Indha Tiro.

Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyyed Shiikh Bashiir Axmed salaad ayaa ka hadlay Dilkii maalinimadii Shalay magaalada garoowe lagu Dilay Shiikh Cabdulqaadir Nuur faarax . Guddoomiyaha ayaa sheegay in dilkaasu yahay mid looga dan leeyahay sidii loola dagaalami lahaa dadka wax galka ah oo ay ka mid yihiin Culumada, Aqoonyahanka iyo Dadka wax galka Bulshada u ah.

culimo001Shiikh Bashiir oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Dilka Shiikhu aanay waxba kaga Nusqaameyn Fidinta Diinta Islaamka isagoona sheegay in xiliyadii hore gaar ahaana xiligii Rasuulkeena suubanaa uu joogay in sidan oo kale la isugu dayi jiray in laga hor yimaado Diinta isla markaana la dilo Ciddii loo arko in ay Diinta Fidinayso.

Shiikh bashiir ayaa ka hadlay Taariikhda inta uu ka yaqaano Shiikh Cabdulqaadir isagoona sheegay inuu ka mid ahaa Culumada Soomaaliyeed ee mowqifka adag iska taagta Diinta isagoona sheegay in muddo dheer uu ku soo jiray fidinta Diinta Islaamka.

Guddoomiyaha hay’adda ayaa dhamaanba Tacsi u Diray Qoyskii Asxaabtii iyo Umadda Soomaaliyeed meel walba oo joogta isagoona Alle uga baryay in naxariistii janno uu ka Waraabiyo. Shiikh Cabdulqaadir Gacaneey ayaa la filayaa in maanta gelinka danbe lagu Aaso Gudaha magaalada garoowe iyadoo halkasna ay gaarayaan qaybo kala duwan oo ka kala imaanaya dalka dibaddiisa iyo gudihiisa si ay uga qayb galaan Tacsida Shiikha.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.