Home » Maqaallo »

Bal Ila Fiiri,Intaadan ku Farxin Valantine’s Day.

 

Mahad oo dhan Rabbi ayay u sugnaatey. Nabi Muxammedna naxariis iyo nabad gelyo dushiisa allaha yeelo. Intaa ka dib.

Ibnu cammad al-asfahaani ayaa laga soo weriyay hadal macnihiisu yahay: “Qof ma jiro qoraal sameynayo maalin, illaa waxaa la dhihi doonaa maalinta ku xigta: sidaan in lagu bedelo ayaa wanaagsanaan lahayd, in waxaasi lagudaro ayaa ficnaan lahayd, kan in lasoo hormariyo ayaa haboonaan lahayd, midkan in laga tago ayaa qurxoonaan lahayd. Midani waa cibrooyinka tan ugu weyn, waxayna tusinaysaa in dadku dhammaan ay gaasir (nuqsaan)yihiin”.

Sababta keentay Maqaalkan: kadib markii aan arki waayay maqaal Af-Soomaali ku qoran oo si gaar ah u taabanay Mowduucan  ayaan go’aansadey inaan wadaanteyda u rito,si bulshda Soomaaliyeed –si gaar ah dhalinyarada- ay wax u ogaadaan maalinta ay u dabaal degayaan wax ay ku dhisantahay, anigoo xasuusan in aqoontayda ay tahay mid hooseysa.

Codsi: Waxaan ka codsanayaa dhammaan Culimada & aqoonyahanada Soomaaliyeed in Buugaag, Maqaallo taxane ah  ay ka diyaariyaan Mowduucan. Sidoo kale,  dhammaan inta akhrisay maqaalkan, waxaan ka codsanayaa in ay  saxaan wixii khalad ah, dhameystiraan wixii naqsi ah, anigoo uga mahad celinayo arinkaasi.

Hordhac: “Xaley illaa saqdii dhaxe waan soo jeeday!!!”  ayuu igu yiri sxb si gaar ah iigu dhowaa. “oo maxaa dhacey?” ayaan weydiiyay. “oo lama socotid miyaa taariikhda?” ayuu mar kale I weydiiyay. “haa waan la socdaa taariikhda, waana 14” ayaan mar kale u jawaabey. “14-th February, waa Valantines day, waana maalinta Jaceylka adduunka oo dhan!!!” waa sheeko na dhexmartey aniga iyo Sxbkeyga Mukhtaar inkabadan 10 sanno ka hor, waana maalintii iigu horeysay oo aan maqlo Maalinta jaceylka “ Valantine’s day”.

Ummad ama koox kasta waxay leedahay waxyaabo ay si gaar ah u ilaashato, sida: Diinta, Dalka, dhaqamada IWM, qofkii ku xadgudbana wuxuu muteysanayaa ciqaab adag. Dhaqanku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ilaalin kara jiritaanka bulshada, sida uu qabo Xaafid Ibraahim: {Ummadi way sii jiraysaa inta ay dhaqankoodii haystaan, haddii dhaqankoodi  baaba’o way baaba’ayaan}.

Haddii aanu nahay Ummad Muslimiin ah, Soomaalina ah, Waxaa laga maarmaan ah in aan ilaashanno Diinteenii & dhaqankeena. Lagana hortago dhammaan wixii dhaawici karo.

Waxaa waqtiyadii danbe soo ifbaxay, waxyaabo fara badan oo ka hor imaanaya dhaqankii suubanaa ee Soomaaliyeed. Waxaana arintaasi ugu badan dhalinyarada – si gaar ah gabdhaha- kuwaasi oo si indho la’aan uga shidaal qaadanay reer Galbeedka Xummaan iyo wanaagba. Nabigeenii Muxammed [NNKH] wuu caddeeyay arinkaa, wuxuuna yiri: {لتتبعن سنن من كان قبلكم حذو القذة بالقذة، حتى لو دخلوا جحر ضب لدخلتموه. قالوا يارسول الله: اليهود والنصارى؟ قال: فمن؟}. Waxaa maanta kuu muuqanaya in looga dayadey: xirashada dharka, Xiirashada (jarashada) timaha iyo la qeybsiga farxadaha, sida maalinta 14-ka Febraayo IWM.

Hadaba Maxay tahay sheekada (qisada) Maalintan?

Qisada Maalintan waxay u baahantahay in dib loo fiiriyo qarnigii 3-aad ee Miilaadiga ama 1700 oo sano ka hor.waana sheeko xiriir qoto dheer la wadaagta Diinta Kirishtanka iyo tan Romaanka. Mana jirto meel  diin ama dhaqan muslim ay kala xiriirto.  Waxaa jira sheekooyin fara badan oo laga qoray, balse mid iyo labo aan ka sheego.

1-    Isagoo cadeeyay inuu soo xigtay tixraacyo[Maraajic] fara badan Sh. Khaalid bin C/raxmaan al-shaayic  ayaa leh: “Muddo hadda laga joogo 1700 oo sano, Wathaniyada waxay ahayd mid ku faafsan Roomaaniyiinta. Mid iyaga ka mid ah oo loo yaqaano VALANTINE ayaa damcay inuu ka baxo diintii Roomanka una soo wareego tan Kirishtanka, lkn dowladda Romaanka ayaa ninkii dishay. Markii muddo lasii joogey, oo Romaaniyiintii ay qaateen diinta Kirishtanka ayaa maalintii la dilay Valantine waxay sameeyeen dabaaldeg, si loo xasuusto Valantine & si looga qoomameeyo [shalaayo] dilkiisa”.

 

2-    “Maalinta 14-ka Feb waa maalin la xushmeeyo mid ka mid ah Ilaahyada ay rumeysanyihiin Romaaniyiinta, waana midda lagu magacaabo: YUUNO {يونو} Waxaana lagu sheegaa inay tahay Boqorada Ilaahyada Romaaniyiinta, waxaana si gaar ah loogu xilsaarey dumarka iyo guurka. Waxay yiraahdeen Maalintan waa in ay noqotaa maalin loo dabaal dego guurka & Jaceylka”.

3-    “Hogaamiyihii Roomaaniyiinta ee lagu magacaabi jiray {Kalawdiyoos 2-aad} [Claudius 2] ayaa dhibaato ku noqotey in inbadan oo ragga ka mid ah ay ciidan u noqdaan, markii uu baarey sababta, ayaa waxaa  u cadaatey in Ragga guursadey ay dhib ku tahay in ay ka tagaan Xaasaskaooda & caruurtooda, kadib, wuxu ammar ku bixiyay in ragga ay guurka joojiyaan. Waxaa soo baxay Valantine wuxuuna diiday amarkii hogaamiyaha, wuxuuna bilaabey in Kaniisadda dhexdeeda wax ku mehriyo si qarsoodi ah. Waxaa arintii loo sheegay hogaamiye Claudius2, kadibna wuxuu dilay 14-kii Feb 269M”. si loo xasuusto taariikhdaas ayaa loo sameeyay maalin la xuso.

Lkn Dr. Khaadim Xuseen ayaa dood xoogan ka qaba arinkan, wuxuuna leeyahay: “Waxaan shaki ka qabaa sheekadan, waayo waxay ka hor imaanaysaa xaalada wadaadada Kirishtanka laga soo bilaabo waqtiyadii hore illaa xilligan hadda la joogo. sababtoo ah, waxay  wadaadadu dadka ugu baaqaan doobnimo iyo in dumarka laga fogaado. Sideen u rumeysanayaa in Wadaadka diinta kirishtanka uu dad ugu yeero waxyaabo ka hor imaanaya mabaadi’diisa”.

Isla Dr. khaadim ayaa markale ku nuuxnuuxsadey: “kadib markii aan raac-raacey taariikhda Valantine, noloshiisana aan ka fiiriyay dhowr meelood, waxaa ii soo baxay: in Valantine uu ahaa nin jaceyl waaley, hal maalinna uusan noqon wadaad diimeed…”.

Hadaba, waxaa halkaasi kaaga muuqda in Maalintani ay xariir toos ah la leedahay diinta kirishtanka. Aysan meelna uga soo dhicin dhaqan iyo diin Islaam toona. Qof walibana waa inuu ku dadaalaa wixii dantiisa Aduunyo I  yo tan Aakhiro ay ku jirto, kana fogaado wixii intaa dhaafsisan.

Waxyaabaha loogu dabaaldego Maalintan:

1-    In la muujiyo farxad iyo rayn-rayn, sida maalmaha ciidaha kale.

2-    In la isweydaarsado ubaxyo guduudan, si loo muujiyo Jaceyl.

3- In la isdhaafsado Waraaqo ama haddiyado ay ku qorantahay areyo Jaceyl. Sida: NOQO VALANTINE-KEYGA!!! “be my Valantine!!!” .

4- In la isweydaarsado Hambalyo.

5-    In la qabto xaflado lagu dhafro, ayna isku dhexgalaan ragga iyo dumarka.

Diinta Islaamka maxay ka qabtaa Maalintan?

Islaamku waa diin dadka ugu yeerta dhowrsasho, aqoon, horumar, nabad, caafimaad iyo badbaado. Waana midda ilaalisa danta ummada iyo tan shakhsiga. Hadaba Islaamka  wuxuuna amrey wax kasta oo wanaaga ah, wuxuuna diiday wax kasta oo qofka dhib u horseedi kara, sida maalintan oo kale.

Culimada Muslimiinta way ka hadleen arimahaan iyo kuwa la mid ah. Sida sheekul islaam ibnu Taymiya kitaabkiisa “إقتضاء الصراط المستقيم” uu inbadan ka Hadley la qeybsiga farxadaha gaalada.

Sidoo kale, culimada ka hadley waxaa ka mid ah. Ibnu Cutheymiyiin, Fowzaan, Bakar ibnu C/laahi Abuu Zeyd,  Jabareyn iyo kuwa kale oo fara badan.  Jawaabihii {Iftadii} dhammaan ay ka bixiyeen waxay isku raaceen in u dabaaldegidda maalintaan ay tahay mid xaaraam ah, iyagoo u cuskanayo adillo farabadan. Waxaan ka mid ah xadiiska: [من تشبه بقوم فهو منهم]. jawaabihii ay bixiyeena waa kuwan:

فتوى اللجنة الدائمة في عيد الحب
فتوى رقم ( 21203 ) وتاريخ 23/11/1420 هـ .

الحمد لله وحده والصلاة والسلام على من لانبي بعده … وبعد :
فقد اطلعت اللجنة الدائمة للبحوث العلمية والإفتاء على ما ورد إلى سماحة المفتي العام من المستفتي / عبد الله آل ربيعة ، والمحال إلى اللجنة من الأمانة العامة لهيئة كبار العلماء برقم (5324 ) وتاريخ 3/11/1420 هـ . وقد سأل المستفتي سؤالاً هذا نصه : ( يحتفل بعض الناس في اليوم الرابع عشر من شهر فبراير 14/2 من كل سنة ميلادية بيوم الحب (( فالنتين داي )) . (( day valentine )) . ويتهادون الورود الحمراء ويلبسون اللون الأحمر ويهنئون بعضهم وتقوم بعض محلات الحلويات بصنع حلويات باللون الأحمر ويرسم عليها قلوب وتعمل بعض المحلات إعلانات على بضائعها التي تخص هذا اليوم فما هو رأيكم :
أولاً : الاحتفال بهذا اليوم ؟
ثانياً : الشراء من المحلات في هذا اليوم ؟
ثالثاً : بيع أصحاب المحلات ( غير المحتفلة ) لمن يحتفل ببعض ما يهدى في هذا اليوم ؟
وجزاكم الله خيراً … ) .
وبعد دراسة اللجنة للاستفتاء أجابت بأنه دلت الأدلة الصريحة من الكتاب والسنة – وعلى ذلك أجمع سلف الأمة – أن الأعياد في الإسلام اثنان فقط هما : عيد الفطر وعيد الأضحى وما عداهما من الأعياد سواء كانت متعلقة بشخصٍ أو جماعة أو حَدَثٍ أو أي معنى من المعاني فهي أعياد مبتدعة لا يجوز لأهل الإسلام فعلها ولا إقرارها ولا إظهار الفرح بها ولا الإعانة عليها بشيء لأن ذلك من تعدي حدود الله ومن يتعدى حدود الله فقد ظلم نفسه ، وإذا انضاف إلى العيد المخترع كونه من أعياد الكفار فهذا إثم إلى إثم لأن في ذلك تشبهاً بهم ونوع موالاة لهم وقد نهى الله سبحانه المؤمنين عن التشبه بهم وعن موالاتهم في كتابه العزيز وثبت عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال : (( من تشبه بقوم فهو منهم )) . وعيد الحب هو من جنس ما ذكر لأنه من الأعياد الوثنية النصرانية فلا يحل لمسلم يؤمن بالله واليوم الآخر أن يفعله أو أن يقره أو أن يهنئ بل الواجب تركه واجتنابه استجابة لله ورسوله وبعداً عن أسباب سخط الله وعقوبته ، كما يحرم على المسلم الإعانة على هذا العيد أو غيره من الأعياد المحرمة بأي شيء من أكلٍ أو شرب أو بيع أو شراء أو صناعة أو هدية أو مراسلة أو إعلان أو غير ذلك لأن ذلك كله من التعاون على الإثم والعدوان ومعصية الله والرسول والله جل وعلا يقول : (( وتعاونوا على البر والتقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان واتقوا الله إن الله شديد العقاب )) .
ويجب على المسلم الاعتصام بالكتاب والسنة في جميع أحواله لاسيما في أوقات الفتن وكثرة الفساد ، وعليه أن يكون فطناً حذراً من الوقوع في ضلالات المغضوب عليهم والضالين والفاسقين الذين لا يرجون لله وقاراً ولا يرفعون بالإسلام رأساً ، وعلى المسلم أن يلجأ إلى الله تعالى بطلب هدايته والثبات عليها فإنه لا هادي إلا الله ولا مثبت إلا هو سبحانه وبالله التوفيق . وصلى الله على نبينا محمد وآله وصحبه وسلم ،،،،،،،،

اللجنة الدائمة للبحوث العلمية والإفتاء
الرئيس
عبد العزيز بن عبد الله بن محمد آل الشيخ
عضو
صالح بن فوزان الفوزان
عضو
عبد الله بن عبد الرحمن الغديان
عضو
بكر بن عبد الله أبو زيد

Maxamed sh. Xasan ibraahim.

Bachelor of Sharia – Islamic University

Xakiim444@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.