Home » Warar »

Dowladda Federaalka oo u Muuqata in ay Xaar- Xaaraneyso Wadadii Dowladii ka Horeeysey ee uu Khilaafka Hareeyey.

 

  • Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo isku khilaafsan sidii loo maarayn lahaa Lacago Deeq ah oo laga heley mid ka mid ah wadamada Khaliijka… Sidoo kale waxay isku khilaafsan yihiin qaabka amaamul u samaynta Kismaayo…
  • iyo Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa  isku khilaafsan xil ka qaadistii Gudoomiyihii Gobolka Bay Cabdi Fitaax Geeseey….

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa Dhawaan waxaa la weydiiyey Su’aal ahayd “Ma laga yaabaa in Madaxda Sare ee Dowlada Federaalka ay ka dhex Abuuranto Khliaaf la mid ah kii ka dhex dhici jirey Madaxdii ka horeeysey.”

Waxaa uu ku jawaabey isaga oo la yaaban Su’aashaas “Marnaba lagama yaabo in aan is Khilaafno , waxaana Sadexdeenna ku heshiisney in Afarta Sanno aan ku Dhameysano Khilaaf La’aan.”

Hadalkaasi ka soo yeerey Madaxweyna ayaa waxaan weydiiyey Aqoonyahan Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Cabdikariim Yuusuf Jaamac bal in uu hirgeli karo hadalka Madaxweynaha ee ah in ay Khilaaf La’aan ku dhameystaan Xilliga ay hayaan Talada dalka, wuxuuna ku jawaabey:

“Aniga waxaan aaamisanahay in uu Khilaaf Imaanayo waayo dadka waa Soomaali waxay Caado u leeyihiin in ay wax isku qabsadaan oo Kilaaf abuuraan sidaa darteed hadda aan kaaga jawaabayo Su’aashaas waxaa ii muuqda Khilaaf u dhaxeeya Madxweynaha iyo Gudoomiyha Baarlamaanka , sidoo kale waxaa jira oo la isla dhexmarayaa in uu Khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ,waxaana filayaan in Khilaafkaasi uu soo shaac baxo waqti aan sidaa u dheereeyn”

Waxaan weydiiyey maadaama aad tahay qof Aqoonyahan oo aad ugu Dhuun Daloola arrimaha Siyaasada Soomaaliya muxuu yahay Khilaafka aad hadda ka dhawaajisey ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Wuxuuna ku jawaabey “Khilaafka waxaa uu ka dhashey markii Gudoomiyha Baarlamaanka Wareegto uu soo saarey uu Xilkii kaga qaadey Gudoomiyihii Gobolka Bay Cabdi Fitaax Geeseey isagoo ah Ku Simaha Madaxweynaha ,taasoo Madaxweynaha si aad ah uga caroodey. Sidoo kale waxaa ka Caroodey Xil ka qaadistaasi qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka oo warqad cabasho ah u gudbiyey Madaxweynaha.”

“Khilaafka kale ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ayaa isagana la xiriirta Lacago Deeq ah oo laga heley mid ka mid ah wadamada Khaliijka taasoo Madaxwyanaha iyo Raiisul Wasaaraha isku qabsadeen qaabkii loo maareeyn lahaa lacagahaasi, waxaana Khilaafkaan ku wareerey Gudoomiyaha Banki-ga dhex oo soo gaartey laba warqadood oo ka kala yimid Xasan Shiikh iyo Saacid ,Wuxuuna Raiisul Wasaaraha uu ku doodayaa maadaama uu yahay Fulintii in looga Dambeeya qaabka loo Qorsheynayo Dhaqaalaha”.

somali-government

Aqoonyahan Cabdikariim waxaa uu sheegey in marka laga soo tago Khilaafyadaan aan ka soo hadalney, waxaa jira Khilaaf kale oo aysan Madaxda Sare ee Dowlada Federaalka aysan Maareeyn kaasoo ku saabsan arrinta Kismaayo, waxaana uu sheegey Aqoonyahankaan in Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha uu midba uu wato Qorshe u gaar ah oo ku saabsan sidii Maamul loogu sameyn lahaa Gobolada Jubooyinka waxaana haatan hakad uu ku yimid habsami u socodkii Shirka la doonayo in maamul loogu sameeyo Goboladaasi.

Khilaafyadaan ayaa aqoonyahankaan uu sheegey in Caqabad ku noqon karaan hanaanka Dowlada Federaalka waa haddii aan deg Xal looga gaarin, waayo Amuuraha la isku haysto ayaa uu sheegey in ay u baahan yihiin in lagu xaliyo si degenaansho ah iyo in ay la yimaadaan Madaxda Sare Dulqaad iyo isku Tanaasul taas ayey kaga gudbi karaan wixii caqabado ah haddii taasi aysan dhicin waxaa imaan doono in Dowlada ay marto habkii ay mareen Dowladii ka horeeysey oo iyadu soo martey Saddex Raiisul Wasaare iyo Sadex Gudoomiye Baarlamaan Muddo Saddex Sanno ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dowladda Federaalka oo u Muuqata in ay Xaar- Xaaraneyso Wadadii Dowladii ka Horeeysey ee uu Khilaafka Hareeyey. "

  1. Run sheeg says:

    ASC waxaan aad u salamaya marka hore Tafatiraha Somalitalk.com. Walaahi Somaliada waxee dhahdaa ” Nin Xilqaad eed qaad”. Qilaaf wuu jiri karaa lakiin su’aasha waxeey tahay sida loo xaliyo? Dadku malaa’ik ma ahan Aragti kala duwan waa leesku qaban karaa. Waxaa haboon in saxaafada iyada dhankeeda ka qaadato markuu Qillaf yimaado sida loodamin lahaa eysan u jaleecsan sidii loohurin lahaa! Anigu shaqsiyan in leesqabto wax yaableh uma arko laakiin sidii eey u xaliyaan ayaan ka eegayaa, ma aduunka hana xaliyo ayeey dhihidoonan oo Ethiopia iyo Kenya ayaa xalineyso mise iyagaa isu tanaasulaayo oo xalinaayo aragtida kala duwan ee dhextaal. Madaxdoo isqilaafto oo aan ku fadhi-dirirno daan Somali uguma jirto haduu qilaaf jiro allah waxaan ka baryeeynaa inuu noqdo mid deg deg ku xalismo aan hakad gelin shaqada wacan ee socato. Allow Dad-Cafimaadqaba iyo Dal-Nabad ah !!!! Amiiiiiiiiiiiin.

  2. cabdalla Haji says:

    jugjug meeshadii joog weeye waayo waxaad moodaa inaysan waxba dhaamin ragii hore inay kaba sii liiitaan mahe waa haddii taasi runtahay iyo khilaaf cusub!!!
    mawuusan jirin wax documentation ah oo agu kala bixi karo awooodaha kala qeexaya?? ma waynan jirin wadaniyad iyo aragti fog oo dawladnimo waayada laisku haysto qorshaha lagu maamulayo gobolada?? wallee soomaali nasiib dara usoo hoyotay waana gablan hadiiba sidaan xaalyahay allaw aadaa wayn

  3. caana mac says:

    walaahi ani ahaan waxey ila tahay qilaafkaan soo kala dhax gali inuu yahay uun lacagtaan carabta laga keenay ani ahaan mawa qawo carabta iney ka tahay caawin lacagtee bixineydo mar walbo hadii lacag laga keeno cacarta waxaa iskugu dhici jiray madaxda dowlada marka lacagtaa waa dabin loo dhigaayo dowlada carabta ma wa okola in somaliya ey noqoto nabad