Home » Warar »

Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo Deeq ay soo Dhiibeen Walaalaha Muslimiinta Waqooyiga Ameerika ka qaybiyey Magaalada Muqdisho

haro-reliefHayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) waxay Gargaar gaarsiisey dad Indhoolayalaal ah oo ku jira Kaamka Indhoolayaasha ee Dergamada wadajir , Ardey iyana Ina Indhoolayaal ah oo dhigta Dugsiga Indhoolayaasha ee Al Nuur sidoo kale waxay Deeq u badan Joodariyaal ay gaarsiisey dad ku jira Isbitaalka dadka Dhimarka La’ ee Ahlu Khayr waxay dadka la siiyey Deeqdaas Gargaarka ay ku kala Sugnaayeen Degmooyinka Wadajir , Xamar Jabjab iyo Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho

Dadkaas Dhibaatooyinka kala duwan qaba ayaa ka koobnaa 200 oo Qoys Raashinka la siiyey ayaa isagu Jirey Bariis , Bur ,Sonkor , Saliid ,iyo Joodariyaal waxaana inta ay qaybintaas Socotey dusha ka eegayey Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Hayadda HARO ee Xafiiskeeda Magaalada Muqdisho kuwaas oo u Kuurgalayey sida ay qaybinta u socoto iyo in la gaarsiiyey dadkii u baahnaa Gargaarkaasi

Deeqdaan Balaaran ayaa waxaa soo dhiibey Walaalaha Muslimiinta ee Waqooyiga Ameerika kuwaas oo ku so hagaajiyey Hayadda HARO si ay u gaarsiiyaan dadka u baahan Deeqdaas , waxaana markii la qaybiyey Deeqdaas Saxaafadda la Hadley Shiikh Bashiir Maxamed oo ka socdey dadka Indhoolayayasha ah iyo Cabdiraxamaan Ahlu Khayr oo ka socdey Isbitaalka Dhimirka ee Ahlu Khayr iyagoo ugu horeyntii u Mahadceliyey Walaalaha Muslimiinta ee Waqooyiga Ameerika iyo iyo Hayadii loo soo Wakiishey Qaybinta Deeqdaas ee HARO iyagoo Ilaah uga baryey in uu ugu bedelo mid ka Khayr badan.

Hayadda HARO waa Hayad Samafal oo ka Howlgasha guud ahaan Dalka Soomaaliya waana Hayad Caawinta markasta dadka Dhibaateysan waxayna Deeqo Gargaar oo fara badan ay hore ugu qaybiyeen dhamaan Gobolada Soomaaliyeed waxayna Masuuliyinta Hayadda u mahadceliyeen Walaalaha Muslimiinta ee Waqooyiga Ameeerika iyo intii ku gacansiisey qaybinta Gargaarkaas kala duwanaa , iyagoo sheegey in ay halkaa ka sii wadi doonaan Caawinta Ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.