Home » Faallo »

Shiikh Shakuul: Aan garteena kala goosanee gogol inoo xaar! | Q.3aad

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Mahad oo idil Illaahay baa iska leh nabad gelyo iyo naxariis Nebi Muxamed(SWC) korkiisa ha ahaato.

Sayid Maxamed Cabdule Xassan oo ka hadlayey qolyo asaga oo aan ka fileyn gaadey oo xoolihiisii ka dhacay ayaa wuxuu lahaa erayadan:

Caku iyo wayey hadii la is  caraadaayo, cishadii tagtaan dagaal iga calaal meene…

Ugu horayn aqristayaasha sharafta leh waxaan u cadeynayaa in aan ku faraxsanahay doodan aniga iyo Sh. Shakuul na dhextaal aana diyaar u ahay inay socoto inta salkeeda lagaarayo, waxyaabaha aan isku haysanaana kala cadaanayaan.

Si kastaba h’ahaatee walaalkey SHiikh Shakuul waxaan in badan ka codsadey inuu kasoo jawaabo waxyaabihii uu ku hadley oo dhaliyey doodan, laakiin hada waxaad moodaa in uu doodii u leexiyey erayo sax iyo luuqad daba gal. Si kastaba ha ahaatee haduu Illaahay idmo maqaalkan waxaan uga jawaabayaa dhowr arimood oo Sh. Shakuul kaga hadley qoraalkiiisa dambe ama igu eedeeyey. Intaa kadibna qoraalka waan joojin doonaa oo waxaan fursad siin doonaa Sh. Shakuul inuu ka garbaxo waxyaabihii aan isku haynay, maadaama walaalkay SH. SHakuul qoraalkiisu wali dhaafi la’yahay horudhac iyo arar.

Haduu walaalkay diido inuu ka jawaabo ama ka warwareego waxyaabihii dooda asalka u ahaa, iima muuqato xigmad iyo caqli fasaxaya in aan doodan sii wado waxaana laaban doonaa gogoshaydii iyo gartaydii aan SH. Shakuul u dhigtay.

Eeda 1 aad:

Sh. Shakuul wuxuu igu eedeeyey in aan sheegtay in aan matalo ama kamid ahay dad aana kamid ahayn ama ay dhici karto in ayaguba iga bari noqon lahaa, sidaa daraadeedna ay sheegashadeydu tahay been iyo in aan xirtay shaati iga weyn.

Jawaab: Dadka aan sheegtay in aan matalo ama af-kooda ku hadlo in ay cadaw ii arkaan iyo in ay iga bari noqon lahaayeen go’aankeeda dabcan SH. SHakuul iskamalahan ee malaha ayaga ayey ku fiicnayd in loo daayo hadii ay iga  bari noqonlahaayeen iyo hadii kale. Hadaba waxaa layaab leh in SH. Shakuul go’aamiyo in ay dadkaasu cadaw ii arki lahaayeen igana bari noqon lahaayeen.

Eeda 2 aad ee Sh. Shakuul igu eedeeyey waxay u qorantahay sidan:

Waxaa ka mid ah erayada uu qoraagu ku nuuxnuuxsaday: “Waxaan matalaa cid kasta oo Soomaaliya oo neceb kana soo horjeeda Ethiopia iyo Kenya!” Hadalkan yaabka leh wuxuu muujinayaa in Yaasiin uu walahiisa  (al-walaa wal-baraa) siiyey cid kasta oo Soomaali ah oo neceb kana soo horjeeda Ethiopia iyo Kenya. Waxaa ka muuqato hadalkiisa inuusan dan ka lahayn haddii ciddaas ay xattaa gaalnimo ku cadahay, waxa uu danaynayo ay tahay oo kaliya inuu qofku dalalkaas neceb yahay! Sideedaba qofka Muslimka ah waxaa la rabaa inuu ogaado in neceybkiisa iyo jeceylkiisu uu ku xidhan yahay halka uu qofkaas ka jooga diinta Allaah, mana ah inuu walahaasi ku xidhnaado wax kale sida qabiilka, wadanka iwm. Nabiguna SAW wuxuu yiri “Walahayga waxaa iska leh Ilaahay iyo Mu’miniinta saalixiinta ah”

Jawaab: Sh. Shakuul dadka Soomaaliyeed ee aan anigu sheegey oo iri waan jeclahay waana matalaa kuma jiro kumana ogi hal qof oo aan Muslim ahayn ama gaal ah [walaa nuzakii calalaahi axad] cidna anigu Illaahay uguma tagin laakiin aniga ogaantayda waxaan marqaati ka ahay in ahaayeen dad Muslimiin ah, laakiin adigu cida aad haysatid oo leedahay Gaalnimo ayey ku dhaceen bal noo soo sheeg  aan kaa baranee?

SH. Shakuul adigu yaad siisay walahaaga[Al-walaa-wal-baraa]

SH. Shakuul waxa doodan iyo murankan dhaliyey waxay ahaayeen hadaladii aad adigu ku hadashey oo ahaa Ethiopia iyo Kenya waa mahadsanyihiin iyo dadka ayey bad baadinayaan.Hadaba Ethiopia iyo Kenya anigu waxaan u aqaan wadamo Gaalo ah oo wadan dad Muslimiin ah leeyihiin anta ku duuley dadkiisii xasuuqay, dumarkiisii kufsadey, hantidiisiina burburiyey adiguna aad uga mahad naqdey in ay dadkii Muslimiinta ahaa sidaas u galeen.Marka su’aashu waxay tahay adiga mahad naqa aad Ethiopia iyo Kenya u jeedisay Al-walaa-wal-baraa masoo hoos galayo miyaa?Aniga oo dad Muslimiin ah iri waan jeclahayna Al-walaa-wal-baraageygu waa qaribanyahay miyaa?

Sh. Shakuu anigu sheikh maahi oo Diinta Islaamka Jaamacad ugama bixin laakiin jaahil kama ahi, waxaa Diinta Islaamka la igu baray in qofkii qof muslim ah oo gardaro lagu dilayo ku farxa ama u dabaal daga dilkiisa uu lamid yahay kii diley qofka oo kale. Hadaba, SH. Shakuul ma arintan ayaa been ah oo waxa nala baray ayaan waxba ka jirin? mise adigaan aqoon u lahayn?  mise sharcigan ayaad ka koraysaa oo adiga kuma qabto?  Maxaa keenay in aad gaalo dal iyo dad Muslimiin ah ku duushey oo xasuuqaysa aad u hambalyeysid aadna ku doodid walaha [AL-walaa-walbaraa] Illaahay iyo Muslimiinta kaliya ayaa iska leh? Ma dadka Jubooyin lagu laynayo ayaan Muslimiin ahayn mise kuwa laynaya ayaan gaalo ahayn? maxaa keeney  in aad u mahad celisid wadamada anta dad muslimiin ah dalkoodii ugu tagey xasuuqaya?  Bal arinta naga jaahil bixi?

Eeda 3 aad

Sh. Shakuul wuxuu igu eedeeyey in aan ku qaldanahay in aan kamid ahaansha xarakooyinka ku tilmaamo dib u socodnimo iyo cunsuriyad lagula dhex meereysto dadka Muslimiintaa hadaladiisana waxaa kamid ahaa kuwan:

Waxaynu ognahay in xarakaadka islaamiga qaar badan oo ka mid ah ay u taagan yihiin kor u qaadida kalmada Ilaahay oo ay u khidmeeyaan dacwada iyo diinta, in hadaba uu la isku wada qabto waa cadaalad daro iyo xadgudub. Waxa shareecdau diiday waa tacasubka indho la’aanta ah oo ah  xaqa oo laga hormariyo xarakada. Waxay Xarakaadka islaamka qaarkood qayb wayn kaqaateen faafinta dacwada, difaaca dalka, diinta iyo dadka.

Jawaab: SH. Shakuul waxaad kasoo qaadaa in ay jirto xaroko wada saxan oo u taagan wanaaga iyo in ay xumaanta reebto waxaana filayaa in aad aaminsantahay in xarakadaasu tahay mida adigu aad ka tirsantahay ama aad fikirdeeda taageersantahay waayo hadii aad aaminsantahay in xarako iyo koox kale ka fiicantahay midaada waad ka bixi lahayd taada oo waxaad geli lahayd mida fiican. Hadii aan hadalkaaga sidaa u qaadano oo aad aaminsantahay in  xaqa laga hormariyo xarakada maxaa  keeney in aad Muslimiin gaalo xasuuqayso u mahadnaqdid gaaladii iyo cadawgii xasuuqayey? Maxaan cunsiriyad iyo nacayb aad xarako u qabtid ahayn oo arintan kaa keeni kara? ma Ethiopia iyo Kenya ayaa kaaga sokeeya kuwa ay xasuuqayaan? bal waxaad noo sheegtaa hadii aad xaqa garab taagantahay sababta aad Ethiopia iyo Kenya ugu hambalyeynaysid in ay Soomaali laayeen oo guryahoodii burburiyeen gabdhahoodiina kufsadeen? 

SH. Shakuul adigu yaad u hadashaa ama matashaa?

SH. Shakuulwuxuu qoraalkan ku cadeeyey in aysan jirin cid uu u hadlo ama matalo markuu arintaas  ka  hadlayeyna wuxuu yiri sidan:

. Anigu shakhsi ahaan kuma hadlayo afka culimda, kan ganacsatada, kan aqoonyahanada, kan qabiilka iyo mid xarako toona, majirto cid aan matalayo oo aan ka ahayn aragtidayda shakhsiga ah, taas micnaheeda ma aha inaysan jirin cid aan taageersanahay ama aan ka tirsanahay ama la dhacsanahay fakarkooda

Su’aal? Sh. Shakuu hadii aad dib u dhageysatid waraysigaagii aad Ethiopia iyo Kenya ugu mahadnaqaysay waxaad tiri sidan:

“Anagu waxaanu leenahay way mahadsanyihiin oo dadkay badbaadinayaan”

SH. Shakuul hadaladunu waxay u hadlayaan qaab wadar ah (Jamac ah) waayo maad oran anigu waxaan leeyahay ee waxaad leedahay anagu waxaanu leenahay?

Su’aal? SH. SHakuul waayo qoladan aad u hadleysid oo isku daraysid mar hadaad hada leedahay anigu cidna uma hadlo mana matalo. Ma inta Ethiopia iyo Kenya jecelbaa?Mise waa xarakadaada iyo koox daada?

Ethiopia mrkaan anigu wato waa xaq iyo Diin marka dadka kale wataana waa gaalnimo

Waxaa layiri hooyo Soomaaliyeed baa Ari ka dhumay markaas bay waxay ku ducaysatay [Illaahow Arigeygii xero wadaad ha iga galin] dadkii la joogey baa ku yiri Arigu cadaw badan buuleeyahay oo bahalo iyo tuugo ugu horeeyaan ee maxaad wadaad kaliya Illaahay uga magan gelisay [xirsi xirtay] hooyadii baa waxay ku jawaabtay baa layiri “wadaad arigeyga qiil uu ku banaysto iyo midi uu ku qasho midna ma waayi doono”

Sheekooyinka noocan oo kale ah waxay mar marka qoorkood sawir ka bixinayaan sida dadka ehlu diinkaa ay umada ugu cayaari karaan markay ayagu qaribmaan. Waxaan arintan uga jeedaa Qoraalkaygii hore waxaan ku soo sheegey inta dad Soomaali ah oo Ethiopia soo raacay ama taageeray lagu gaaleysiiyey ama lagu takooray.SH. Shakuul ma waxaad naleedahay Ethiopia markaan anigu wato waa xaq oo lagama hadli karo marka jamhadaha iyo dagaal oogayaashu soo kaxaystaana waa gaalnimo iyo munaafaqnimo? Waxaan qoraalkaygii hore ku sheegey walaalkay Shakuul oo hortayda kayiri Muslim Muslim gaal uguma tago, maantana isla asagii ayaa anta waxaan ku hadla waliba difaacaya inuu umahad celiyo in Ethiopia iyo Kenya Soomaali qabsadaan.Tanoo kale waa meesha Soomaalidu ka tiraahdo “lajiifiyaana banana, la joojiyaana banana”

Sh. Shakuul hadii arintu tahay Ethiopia markaan anigu wato waa xaq iyo diin markii qolyaha kale wataana waa gaalnimo noo sheeg, hadii kale bal cadee oo fasir waxaad kawadid Ethiopia way mahadsantahay. Mida kale hada ka hor waxaad tiri Gaalada ciidahooda [holidays] sida Christmas iyo Thanks giving ka in laga qayb galo ama loogu tahniyadeeyo waa xaaraam. Su’aal hadii in Ciidooda loogu tahniyadeeyo xaaraamtahay in markay dalka iyo dadka Muslimkaa qabsadaan loo mahad celiyo ma xalaalbaa? Bal arintan iga jaahil bixi?

Dhaawaca iyo Dhibaatada arintanu u keeni karto Culimada

Wax badanbaa jamhado iyo dagaal oogayaal Ethiopia u mahad celiyey ama soo kaxaystay Af iyo Adin lagula diriray lana gaaleysiiyey laakiin hadii maanta Shiikh leeyahay Ethiopia iyo Kenya waa mahadsanyihiin in ay Soomaaliya qabsasadaan iyo dadka ayey bad baadinayaan, isla mar ahaantaana ay culimadii hadalkan ka aamusaan oo ilaa hada aan lahayn wadaad leh waxaanu sax maahan, waxaan hubaa in arintanu furi doonto al-baab dhib badan iyo doodo aan xal loo heli doonin.

  1. Maxaa loogu jawaabin dadkii hore loogula dagaaley ama loogu gaaleysiiyey in ay Ethiopia wateen?
  2. Sidee caamo mar dambe loogu qancin wadaad baa sax ah oo Diinta ka run sheegaya? Hadii wadaad maantay leeyahay Ethiopia tii hore maahan

Waxaan hubaa in arintanu gubi doonto kaarkii culimadii shaley lahaa Ethiopia waa cadaw Illaahay maantana leh waa Ethiopia cusub,  waayo horey waxaa loo gubay oo laga aamin baxay kaarkii Dawladnimada, kii qabiilka, iyo kii siyaasada. Tanina waxay gubi doontaa kaarkii wadaada noocaas ah? Waayo waxaa loo fasiri doonaa Ethiopia markii dadka kale uga mahad celiyaan xasuuqa shacabka Soomaaliyeed wadaadadu waa gaaleysiiyaan arinkaas  laakiin markii ayagu u mahad celiyaan waa banaantahay

Sh. Shakuul In aan Ethiopia amaanay sax mahan,Yasina anigaa uga xog ogaalsan waaqiciga Africa

Sh. Shakuul wuxuu yiri in aan Ethiopia amaanay sax ma’ahan Yaasiina anigaa uga xog ogaalsan arimaha Africa hadalkiisuna waakan:

  • Midda ku saabsan hebel baa Ethiopia ammaanay oo sidaas baa ku dhacday hadalkii dheeraa, waa hadal aan sax ahayn, runtii ma aha sawirkaas mid sax ah, waxaanan rumaysan inaan qoraaga uga xog ogaalsanahay waaqica geeska Afrika ka jira manta. Anigu waxay ila tahay in uu farqi wayn u dhexeeyo dagaaladii hore iyo waxa maanta dhacaya

Jawaab: Horta qafku wuxuu amaan u yaqaan asaga ayey ku xirantahay laakiin waxaa Illaahay mahadiis ah in hadalka SH. Shakuul ku hadley uu yahay mid duuban oo lahayo, in uu amaan yahay iyo in uusan ahayna waxay u taalaa dad weynaha dhageytay oo aan anigu ka midka ahay sidaa daraadeed eedan waxba kama oranyo.

Mida ku saabsan in aad rumaysantahay in aad iiga xog ogaalsantahay arimaha Africa waxaan kaleeyahay Sh. Shakuul waa laga yaabaa oo kuguma diidani in aad iga xog ogaalsantahay, laakiin bal aan hal ku dhaho.

Sh. Shakuul ka sokoow in aan ahay qof Soomaali ah oo canshuurtii ummadda Soomaaliyeed school lagu geeyey, ka sokoow in aan ahay qof wadanka Soomaaliya waqooyi iyo Koonfurba ku noolaaday oo kala yaqaan, ka sokoow in aan Ethiopia iyo Kenyaba arkay oo ku noolaaday.  Taqaquskayga 2aad ee Jaamacada wuxuu ahaa taariikhda Africa gaar ahaan East Africa[ancient and contemporary  history of Africa]. Waxaan aqriyey 100 laal buug oo laga qoray taariikhda Africa mid hore iyo mid dambaba.Waxaan ka sameeyey cilmi baaris igu filan ilaa xad.Waxaan aqriyey inta heshiis ee Ethiopia iyo Kenya kala saxiixdeen si ay Soomaaliya u curyaamiyaan. Waxaa ugu horeeyey kii ay 1960 kala saxiixdeen oo la oran jiray “Ethiopia and Kenya joint army against Soomaaliya” waxaad faah faahintiisa ugu noqon kartaa Buugga layiraahdo Somali’s self-destruction. Waxaan aqriyey dhamaan Khudbadihii iyo siyaasadihii madaxdii Ethiopia soo martay boqolaalkii sano ee lasoo dhaafay ay ka yiraahdeen Soomaaliya, ka soo biloow Mililic ilaayo Meleze Zanawi dhawaan dhintay.Waxaan aqriyey heshiiska ay hada 2 da maamul ee Ethiopia iyo Kenya kala saxiixdeen oo layiraahdo “Grand Stabilization’ oo ay ku cadahay waxa ay Soomaali la maaganyihiin.

Marka ma xuma oo waad iga xog ogaalsanaan kartaa ee bal ii sheeg sirta iyo khibradaha qarsoon ee aad adigu haysid ee ku saabsan taariikhda Africa iyo cadaynta cusub ee aad u haysid in Ethiopia aysan ahayn Ethiopiadii hore?  Mida kale hadalkanu soo maahan hadaladii ay dagaal oogayaashu oran jireen in Ethiopia da hada jirtaa ka duwantahay Ethiopia dii hore?  miyaan wadaadada iyo culimadu oran jirin waa beentood oo Ethiopia waa Ethiopia dii hore iyo mid ka xun? mise idinkuna maanta ayaad aqbasheen in ay tahay Ethiopia cusub? Soomaalidii hore waxay ku ducaysan jireen [Illaahow dhulka korkiisa hanagu fadeexayn, hoostiisana hanagu cadaabin] waxay kaloo oran jireen [Illaahoow maya iyo haa isku meel hanooga yeersiin]

Malaha ninkii yiri Duul culumo waashaan nahay waxbaa la tusay

Sh. Shakuul wuxuu iga codsaday 3 da arimood ee hoos ku qoran

  1. 1.     In uusan midkeena matalaynin cid gooni ah kuna hadlaynin afka urur ama koox gaar ah.
  2. 2.     In masiirka ummada ka hadalkeeda loo simanahay.
  3. 3.     In waxa aan cabirayno ay tahay aragtideena shakhsiga ah oo kaliya.

Diyaar

Sh. Shakuul si garta iyo gogoshu u fududaato waan kaa yeeley, saacadan laga bilaabo  majirto cid aan naftayda ahayn oo aan matalo ama u hadlo, dalka, dadka, iyo taladuna waa naga dhaxaysaa oo mid keena gaar uma lahan,  ee waxaan kaa codsanyaa in aad iga qancisid waxyaabaha aan kugu haysto. Muslimoow ka marqaati noqo! waxaan sugaaba waa in la iiga jawaabo su’aalaha aan SH. Shakuul weydiiyey.

Cudur daar ku socda aqristayaasha

Aqristayaasha waxaan uga cudur daaranayaa in qoraalku dheeryahay laakiin waxaan rajaynayaa in aan ka jawaabay badi waxyaabihii uu Sh. Shakuul Isu’aaley ama igu eedeeyey.Waxaan balan qaadayaa in aana qoraalada dambe gaabiyo haduu Illaahay idmo waadna mahadsantihiin.

garaad

Yasin Jama

Gara0022@gmail.com

Qoraalladdii Shakuul iyo garaad ka akhri halkan: https://somalitalk.com/tag/shakuul/

VIDEO-ga Halkan ka daawo

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

28 Jawaabood " Shiikh Shakuul: Aan garteena kala goosanee gogol inoo xaar! | Q.3aad "

  1. ASC WR WB dhamaan walaalaha somaliyeed iyo bahda SOMALITALK.COM, salaan kadib, sheikh shakuul macalin keyaga waxaan odhan lahaa su’alaha lagu weydiyey dartood yaasiin qolo ama xarako haku riixin, runtii dadbadan baa qaba fikirkisa, Ethiopia meel noodhig, Kenya kama sharyara Ethiopia oo waxay ku mashqul saneyd Sudan weyna ku gulaysatey, hada waxay usoo jeesatey mashruuca jubooyinka SOMALIA, lkn marna ma iinan filayn in wadaadadeynii qaar taageeri doonto cadawga somali, sikastaba waxan sugeyna waa qoralkaga danbe Sheikh shakuul isdebci oo mabda aaga hadifaacin jawaabtu wey sahlan tahayee. aniga waxan ahay ardaygaaga hada ku sugan Italy balse yaasiin waxan kasimanahay qiirada wadaninimo waxana jira su’alo aan kuweydiin lahaa lkn kamid ah qoralada yaasiin wixii dood kale ahna idinka iyo dadweynaha soomaaliyeed. Mida kale aadanaha waa gefaa waxa laguugu haystana waa siyaasad.

  2. Guuleed says:

    Sorry Maxamed Dheere waxaan u la jeedey waa Faysal/Cph/DK. not Maxamed dheere. my mistake

  3. Guuleed says:

    War ninkaaga maxamed dheere sheeganaya doodanu waxay ka qiima badantahay waxyaabo badan oo laga yaabo in aad waqtigaaga adigu galisid. Wax badana waan ka faa’iidaysanay walaalaha doodaya ee hadii adigu aadan rabin anaga ha na caburin ee noo dhaaf. Walaalaha doodaya waxay soo bandhigeen taariikh, diin, xogo badan oo aanaan anagu hore u ogeyn, hadii aadan rabin waxaan maxaad rabtaa? mawaxaad rabtay in gacanta la is ku dilo ilaan doodu waa xadaarad iyo ilbaxnimo e. Fadlan xishood anagana naga xishood walaalaha doodayana ka xishood oo af-lagaadada ka daa.

  4. Ilaa hadda way caddahay in wadaadka shakuul ah uusan meesha keenin wax akhristayaashu ku qancaan marka ma la is dhihi karaa wadaadku sheekhnimada waxay u ahayd jaranjaro uu u marayay gaarista hadaf aduunyaad

  5. ____Ma dood baa mise waa Dan seeg??____

    Saddexdan qolo mid ba midh baan leeyahay.

    1- Walaalaha Somalitalk waxaan leeyahay akhristayaasha Soomaaliyeed ee aan ka mid ka ahay waxay idiinka barteen qoraallo sugan, oo leh tixraac ay kaabayaal u yihiin i tus oo i taabsii….ha ku bedelinina doodahan ma dhalayska ah ee huwan dareemada caadifadeed & Qalin ku dirir aan maslaxad aduun iyo mid aakhiro toonna ugu jirin Bulshada.
    2-Labadan Doode waxaan leeyahay ” Enough is enough ” ama khayr ku hadla ama iska aamusa, wakhtiga aad doodan ku qoraysaan idin kama go’o, wakhtiga aannu ku akhrinaynaana nagama go’o. ma aha xiligii yooyootanka,ee waa xiligii caqligu shaqayn lahaa…mid walba oo idinka mid ah aqoon buu sheeganayaa ,hoostiisana hilibkii iyo baahidii bulshada ayaa wadhan…”hadal yar & hawl badan”
    3-Adhi qulux qulux kama il-baxo…. dadweynaha waxaan leeyahay kama il-baxdaan miyaa sacab xaq-darro.iyo laba is haya oo si indha la’aan ah loo kala TAAGEERO.dantiinna ku foofa ilaahay ha idiin naxariisteeee_____

  6. Asc . illaah baa mahad leh , nabad iyo naxariisna nabigeena dushiisa ha ahaato . intaa kadib sida aynu lawada socono kenya iyo ethiopia colaad dheer oo taariikhi ah ayeynu laheyn hadaynu somalinahay gaar ahaan ethiopia . midaas waa lawada ogyahay sheekh iyo sharwadeba . ethiopia colaadihii ina dhexmarey waxaa ugu mugweynaa kuwii todobaatamaadkii oo kusaleysnaa u hiilinta iyo taageerida somali galbeed waxaa cudud iyo ciidanba ladhisey olnf meeshey kudambeysay iyo dhibaatadey kageysatey somali galbeed wax qarsoon maaha . waxaa xigtey dagaaladii al-itaxaadka iyo kacdoonkii maxkamadaha oo somalidu taageertey min bari illaa bugux , ayagiina waxay uxuubsiibteen al-shabaab oo ethiopia daaye gudaha somalia waxay kageysteen aynu ognahay . marka maanta waxa ugu weyn oo ina horyaal maaha wixii hore oo kuwaasi waa qoran yihiin , waxa ina horyaal waa — dhulkii somali galbeed oo dadku dareemayo nolol iyo horumar iyo iney dhistaan jawi ay mustaqbalkooda kaga tashankaraan somali badanna taagooro maal iyo maskaxba kuheysta cabsida ugu weyn ee ay iska eegayaana tahay olnf. — waxaa kaloo ina horyaal dalkii somali-weyn oo qofkaliya oo loo aayi kari lahaa madaxa laga jarayo , waxaa ugu weyn oo dadku iska eegayaana al-shabaabtahay. !

  7. Omar says:

    Asc dhamaan somaliyey mida 1aad somaliyey noqdo daawadayaal kaliya oo
    Doodu meeshey u socoto dhageysta markey soo xiranto aan u kala gar-noqno
    Wlaalaha garamayo siiba wlaalka yaasiiin garto uu gogosha u dhigatay
    Marka ay kasoo dhamato labada wlaaLo aan u kala gar noqno mida kale
    Aniga iyo somalida is ticmaasho ereyga R oo ka dhiga Dh oo guro
    Kadhaa kadhaa GAR AAN Dhiganee gogol inoo xaara goorma ayaa
    R lagu badalay DH oo la yiri DH halaga dhigo tusaale 1 marka la leeyahy
    Xiriiriye oo ay dad u qoraan XIDHIIDHIYE afsomaliga wAA naqaan blz ka
    Daaya lahjadaha aad ka dhigeysaan caaam wabillaaahi toowfiiq

  8. Haggar says:

    mahadi waa ta Rabbi, nabadgelyana Suubanaheena(ssw) dushii ha ahaato.
    intaa ka dib aad baan idiin salaamayaa akhristayaasha fikradaha ka dhiibta doodan u dhaxaysa yaasiin iyo Sh sakuul, iyagana si gaar ah ayaan u salaamayaa.
    salaan kadib waxaan u akhrinaa doodan inaan goobjoog ka noqono qaabka ay u dhacayso kana faa’iidaysano wixii aqoon ah ee ay xambaarsan tahay.
    waxaadse moodaa in ay u muuqato doodu in ay noqotay labo madax iyo dadkii kala taageerayey.
    dhowr su’aalood oo kooban yaan jeclaan lahaa in aan isweydiino.
    1.laba qof hadii ay doodayaan yaa kala saara?
    2.Rabbi ka baq iyo Rag iska dhici meel mawada galaan?
    3.goorma ayuu qofku gartiisa qaadan karaa?
    4.cayda iyo afxumidu ma taageeraa?
    ugu danbayntii waxaan odhan lahaa aynu ilaalino dood wanaaga oo barano sida hadalka iyo wax isu sheega wax loogu kala goosto oo weliba loogu kala badiyo iyadoo aan wax la isyeelin.

  9. kulan says:

    asalaamu calaykum w.w
    dhammaan waan salaamay soomaalida meel kasta oo ay joogto salaan kaddib
    waxaa diinteennu noo sheegtay in adduun jacayl iyo aaqiro jacayl ay san isku meel galayn marka xisaabtan ka adduunku kugu bato waxad illobaaysaa xilkii kaasaarnaa diintan iyo dadka islaamka ah sidaa daraadeed shiikha inuu shir siyaasadeed ka hadlo mooyee goormaa ugu dambaysay xalaqaadkii diiniga ahaa iyo dacwadii inuu taageero gaalo madowdana waxaa ku kalifay adduun jacayl mana dhici karto inay qalbi ku kulmaan adduunyo jacayl iyo diin u adeeg taas yaan marna la sugin yaasiinna waxaan leenahay thanks boog iyo kaan karo soomaali ku dhex jirtay ayaad iftiimisay tooshna ku ifisay waxaan se hubaa inuusan sheekhu jawaab u ahayn su’aalaha la wayadiiyay waayo jawaabta saxda ah ee ka bixin lahaa waxay ka hor imaanayaan danahiisa adduun sida mansabka iyo maalka iimaankuna sida diintu noo sheegtay uu nusqaamaa wuuna siyaadaa haddii iimaankiisu xoogleeyahay wuxuu ka raalli galin doonaa umadda soomaaliyeed erayadii xalool xumada ku abuuray hooyo kasta oo la kufsaday gabarkasta oo la faraxumeeyay agoon kasta oo aabihii la dilay oo ay dileey kufsadeen dhaceen xasuuqeen gaalo madoowdu ilaahoow xaqa natus aamiin aamiin

  10. axmed says:

    asc dhamaantiin walaalayaal salam kadib .
    YAASIIN IYO SHAKUUL waxaan indinka codsanaynaa
    1- in aadnan kumashquulin erey bixin iyo sixid luuqadeed toona .
    2- in aan ninkiina kusoo celin hadalka ninka kale ee uu tilmaamo kaliya .
    3-yaasiin inuu joojiyo kajawaabida waxyaabaha aan tooska ukhusayn dooda ,
    4- shakuul inuu guda galo doooda oo ararta iyo hadalka aan macnaha hayn joojiyo
    UGAAR AH YAASIIN : walaal hadalkaaga mararka qaar waxa loofahmi karaa inaad waad oodhan usaarinayso hadalka shakuul taasina saxmaahan ee shakuul iyo inta kuwaa faqsan ku ekee arinta .

    aqristayaasha qaarkood ayaa yiri YAASIIN koox ayuu katirsanyahay xaqna umaleh inuu su’aalahan shakuul waydiiyo ARAGTIDAYDA : su’aalahan meles zenawi xitaa hadduu waydiiyo shakuul anagu dan kama lihin likin jawaabta somali ayaa karabta hadalka uu kuhadlay dartii !

    SU’AALAHA YAASIIN HADDAAN KUWA KALE UGU DARO SHAKUUL
    1-farqiga udhexeeya dagaaladii hore ee ethiopia iyo kuwan bal noosheeg keese mudan in lethiopia ooga mahadceliyo ?

    2- hadalkaaga videoga waxa lafahmayaa qoraalo laqoreyna aan ku aqriyey inaad rabto madaxtinimo kismaayo hadey taasi runtahay kenya oo qabsatey kismayo inaad hoostagto xageebey kubanantahay mise waad ladagaalamaysaa waa kasaareysaa ?

  11. Maxamed says:

    Salan sharaf ayaan udirayaa yaasiin garaad.
    Sheekadu waxay taagantagay ala maxaa garadka igu watay
    sheekh shakuu wuu fashilan yahaye ha iska yidhaaho walal waan fashilahaye iska kaydaaa

    intaas waxaan ugu darayaa akhristayaasha shakuu waxa uuyahay waa la ogyahay itoobiyaanimo ayuuu uxuub siibtay maalin dhawaydana waxaa laga dhigay gudomiyaha jaliyada lamagac baxday itoobiya

    yuuna umada soomaliyeed sirin ee sigaar ah ha la isooga ogado mahad waxaa iska le Somalitalk

  12. xanafi says:

    ASCW WALAALHA KORJOOGTADA AH DAAYA CAYTINTA MA AHA WAX DOODA U FIICAN ANAGANA AAN DHUUXNO NUXURKA DOODA WAAD MAHADSANTIHIIN

  13. mohamed nur says:

    alxamdulilahi wasalalahu wasalam cala nabiyinaa mohamed CSW,waa mahadsantihiin walaalaha somali talk , iyo walaalaha yaasiin garaad iyo sheekh shakuul,waan akhriyay yaasiin garaad iyo sheekh shakuul qoraalada afarta ah ay is dhaafsadeen ,ilaa hada sheekha lagama haayo jawaab ku saabsan suaalaha dooda ka kacday , sheekha wuxuu qoraaladiisa ku mashquulay eed iyo wax ka sheega qoraaga wuxuna kusii hanjabay inuu xogo qoraaga la loolamayo raadin doono ,sheekh waxaa laguugu heystaa wixii hogaamiyo kooxeedyadii ethoipia lagu heystaye taas oo nasiib xumo anaga dhan nagu ah iyo ceeb in sheekhu itthoipia difaaceeda lagu heysto ee fadlan suaalaha ka jawaab hadii kale iska sheego in lagaa gar helay mahadsanidiin

  14. fiin says:

    Asc Dhaman Musliminta Fahmaysa Qoraalkaan.
    waxaan Bararujin lahaa Yaasin Waalkay Afsomaliga kataa Quraan-ka

  15. Waxaan kutalinaya mar 3aad in laga fogaado arinta gobolada soomaaliyeed ee Ethiopia gacanta kuhayso si ay dooda ubaahin ee lagu koobnaado arimaha videoga lagu sheegey ee laxariiro maamul usamaynta jubooyinka ee lasheegey inay dad aan soomaali aheyn xaq uleeyihiin inay maamul sameynta kaqeyb qaataan.

  16. diirye says:

    SC WR WB .Salaan kadib waxaan marka hore u mahacelinyaa walaalha bahda SOMALITALK,itaa ka bacdi,doodi waxey ku fiicantahey in waxa la isku hayo ama dooda keeney la abaaro,waxaad moodaa in SHEEKHU ka leexleexanayo waxa la wey diiyey inuu ka jawaabo. hadii arintu saa tahey waxaan walaalka YAASIIN GARAAD u soo jeedin lahaa in uusan mar danbe u jawaabin SHIIKHA hadii uusan ka hadlin waxa lagu heysto.

  17. somaliweyn says:

    ascw yasiin waxaan ku siin tallo walaalnimo dadkaan dabada ka wado iska daa iskadaa waan is naqaanaa ee kooxa haan aad ka mid tahay iska cadeeso sida ONLF iyo AL SHABAAB oo ku adeegsado nin rag ayuu illaah ka dhigee is cadee Akhristayaasha ku tageersan waan fahan sanahay isku kooxaa tihiin wax ka soo qaad maleh sheekhana shakuul ah waa xigmad iyo caqli ku fadhiyo oo gasho iyo karte badanee madan garan in uu haddalkaga iyo damiir xumada ka gaabsaday sheekhow dar allah iskaga bax doodaan noqotay mid ciyaal ama caay ay ee akhristayaasha u fahmeen iskaga har pls

  18. Bismilaah,wassalaatu wasalaamu calaa rasuulilaah.
    wabacdu.
    waxay usaansaan egtahay in Sheekh Shakuul oo qoraaladiisii hore umuuqdeen kuwo hirkoraadin ama dabaaljoogteeyn iyo yool baar ah ,walina hiraqa joogay oon moolkii iyo meerto meertadii lagu madlanaa aan tiinbanin, inuu markale helay fursad uu ku yara lug dambe gundhis dhul dhigo , maadaama walaalka Yaasiin Garaad ah uusoo hinqaday su’aalo hor leh ooy tahay in jawaab loo hello,waxaa iyana qoraalada Yaasiin laga dheehan karaa eray bixin hore loogu adeegsaday wadaadada qaarkood oo sheekhan ay olog yihiin taas oo sheekha unoqon karta ullo booco oos kusii tukubo!Waxaa awal horeba cibaaro cajiib ah ahayd sida walaalkii weerarka lahaay uu difaaca ugalay!ee dib loogu gaaciyay loona mashquuliyay.
    Ugu dambeeyn Waxaan ka digayaa in arintu noqoto labbadii nin ee lagu ballamay iney baratamaan eelagusoo baraarugay iyadoo midbo dhinac ubeeygagay ee kii gadaal ubooday markii la wareeystay yidhi”ninbo dhinac ubadi”,waayo sheekh shakuul waxuu sheegay inuu ku raad joogo Xam-xam hoose oola xidhiidha axwaasha walaalka Yaasiin ah iyo cidda ay danwadaagta(stake holders) arintani ku yihiin,hadalkaas oo laga dhadhansan karo inuu sheekhu soo bandhigi rabo sibiq/ sito ama gabi dhac hore oo loo qaban karo Yaasiin ,dooduna kaga xidhmi karto.

  19. Gabarsoomaliyeed says:

    Qoraaga Yaasin Illaah Haku Xifdiyo Waad Kaharaysay Si Diineed Caqli Gal Waxaana Oola Hadayashay Siwaxgarad Basle Sidii Caruurtii Buu Madadaalinaya Dadka

    Ninkaan Shakuula Ma Ithoopiyan Buuu Noqday
    Muxuusa Kahadlayaa?
    Wallaalkeen Yaasin Aniga Waxaan Dhihi lahaa Haduu Labo Mar Sooqorri Waayay Arimaha Lagu Haysto ama Sadax mar.Hakasugin Illaa Meermeerin Maooyyee;;Duul Cullumo Waalattay Weeye Wallee

  20. SUNNI says:

    Reer Xamarku waxa ay yirahdaan”cimrigaaga oo raago geel dhalaas ku tusaa” oo macnaheedu yahay intaad nooshahay wax kasta waad arkaysaa,ninka saas u hadlayo maanta suufi ma’han cilmaanina ma’ahan waana waxa aan la yaabanahay oo aan maahmaahdan u soo qaatay.bal Itoobiyadii hore xagga naga dhig tan cusub sow tii Gedo ku dishay maalin qura dad ku dhow 100 qof oo u badan dhalinyaro xaafidul qur’aan ah,qaar badan oo dhalinyaradaasi ka mid ah waxa ay k soo jeedeen Kililka 5aad.Itoobiyada cusub sow ma’ahan tii Xamar ku dhishay 10,000 kun oo qof kuna barakicisay have ka mid ah dadkii Xamar ku noolaa,Sheekhow yaa sameeyey Ceelasha Biyaha?Itoobiyda cusub sow ma’aha midii Culamadii Tabliiqa ku xasuuqday Masjid Xamar ku yaalo. sow ma’ahan Gaala madowdan aad difaacayso kuwii kufsaday boqolaalka Gabdhood ee Muslimaadka ah,maxaa Amxaaro looga mahadcelinayaa oo aan ahayn dhib ay gaysteen yaa !!
    Shakuulow Itoobiyada cusub ee aad naga gadeyso waad og tahay dilka,kufsiga iyo xariga ay ka wadaan Kililka 5aad ee aad adiguba ka soo jeedo.hana iska ilaawin Jariimadii ay Kenyaatigu ka gaysteen Gaarisa oo waliba hoos tagto iyaga,Jubooyinka iyo Gedo iyagu ka sheekeyn ma’lahan,Gaba gabadii waxa aan leeyahay adiga iyo kuwa kula midka ah inta taako dhul ah oo ay Soomali leedahay haystaan Itoobiya iyo Kenya waa labo cadow waan iska celineynaa insha alaah.qof walbana waxa uu yahay taariikhda ayaa xusi doonta ee ha war wareeginee ka garbax waxa laguugu haysto.wabilahi towfiiq

  21. Abdirahman says:

    sc

    Dooddu wadaadka way ku jiiftaa mana filayo inuu wax kale u haray markaan akhriyay qoraalkiisii hore oo runtii si wanaagsan u qornaa qoraal ahaan, laakiin, aan marnaba taaban qodobadii muhiimk ahaa ee walaalku waydiiyay.

    Waxaan kaloo ideaydiinayaaba inay sheikha suurta gal u tahay inuuba odhan karo waxyaabo Abbassinia iyo Kenyaba ay dhibsan karaan oo ka hor imanaya wixii uu awal tvga ka sheegay

  22. cabdallahh says:

    Fadlan labadiinnuba ixtiraama shucuurta aqritayaasha oo hadalkiinnu mawduuci ha noqdo, joojiyana doodda eray bixinta iyo jiid-jiidka luuqadeed.

  23. NAASIR says:

    Bismilaah! Xaalada waxay taagantahay Alow sahal sabab too ah sheekha su,aalihii la waydiiyay aad buu uga meeraysanayaa ” duul culimo waashay baan nahay ” Sheekha jawaab sax ah ha ka soo bixiyo fadlan su,aalaha la waydiiyay ha iska daayo sixida qoraalada uu saxayee soomalida waxay dhahdaa ” Rag iska celi iyo rabbi ka cabso meel ma wada galaan” marka waan khaldanahay ee walaal hadaad i saxday mahadsanid waxii gartayda ahna waa qaadan dheh sheekh ama jawaabo waafi ah keen wabilaahi towfiiq.

  24. Qalinle says:

    Doodu sifiican bay u socotaa xiiso badana weyleedahay in kastoo ay gar cadaawe u egtahay, laakiin waxaa ii muuqata in Shiikh Shakuul doodu ku jangeerto asaguna uusan diyaar u ahayn in uu garbaxo. SHiikh Shakuul bina aadam baad tahay oo waad qaldami kartaa qodobada lagugu haystana kuwo la dufaaci karo uma eka ee fadlan dooda ha daba dheereyn ee qiro khaladkaaga kana noqo mahad celinta aad u jeedisay Ethiopia iyo Kenya.

  25. somali says:

    Yaasiin, waxaaan u arkaa in uu dadaaley. Muhiim maaheyn in suaal kasta soo guubiyo ee in uu jawaabta inta badan qoro ayey ahayd si hadalku u dheeraanin oo celclis u noqon. Pointiga kale ee meesha ku jira waxaa waxay ahayd in Yasin uu ku points dheeraad ah oo ka baxsan jawaabaha uu ka jawaabayey. Haddii wixii suaal iyo jawaab noqoto xiiso badan ma leh ee waxaan fiican nuxur dooda hoos loo dego ee ah aragtida siyaasadeed ama waaqici ee ku dhisan xikmad, xog ogaal, garasho diineed iyo mid maado oo qofku ku kala saari karo qaladka iyo saxda taas oo masiirka ummada wax uga qaban karo…..

  26. khusuusi says:

    Ugu horeyn waad ku mahadsantahay inaad warkaaga si degdeg usoo gudbisey. Sheekhana waanu ka codsan inuu soo dedejiyo insha alah.
    Waxaa iska cad inaad kooxo iyo fikrado jira aad kala taageersantihiin. oo dabcan Sheeku isaguba wuuba sheegey in kooxaha diinta ka mid ahaanshahoodu ay arin fiicantahay. Adiga Yaasiin ahina si dadban (indiract) ayaad u taageersantahay koox aan waliba bulshada soomaalida maanta laga taageersaneyn ( waa sida wararkaaga hore u badanyihiin laakiin kuguma caddaa). Markaas ayaana Sheekadu akhris leedahay oo ay nagu soconeysaa.
    Midbaana ogahay Sheekhyadan beryahan garka iskala soo wada baxay (inkastoona aana Sheekh Shakuul aqoon u lahayn isaga) intooda badani ma gar qaataan oo iney iyagu cid walba iskula saxanyihiin bey u haystaan dadka kalena way iskala waynyihiin.
    Bal idinba waad arki doontaan.

  27. Shakuul wuxuu taagan yahay malaha meeshii ay Qab-qablayaashu taagnaayeen sannoooyin ka hor. Ethiopiayaa wax nala jecel iyo Soomaaliyadda iyadaa ka fiican danteenay waddaa wixii ina dhexmaray ee cadowtinimo ahaa waa dhamaaday. Arrintaa Soomaalina way qaayibi la’dahay Ethiopiana waydayn la dahay, maalin walba mid fikirkeedda u heelan oo maslaxadiisa dhaqaale ama kooxeed ku ilaahadda ayey heshaa oo ammaanna. Choice kale malaha Shakuul oo aan ammaanta Ethiopia iyo Kenya ahayn. Kooxdiisii Itixaad, UWSLF, what ever ayaa mucaskarka Ethiopia gaashaan la noqday oo muslimiinta la dhibaateeya, maxaad ka sugaysaan marka in uu sheego. Kenyana Dhaqaalihiisiibaa ka yaalla Nafiyo maalba marka in uu difaaco mooyee maxaa waxkale in uu sheego hadda ka sugi mayno.

  28. Maxmuud says:

    Shakuul, please being evasive and answer the original question. How can you praise what Kenya and/or Ethiopia doing in Somalia?

    I guess its waste of time debating with Shakuul while he openly supported what Meles and Iley are doing in Wardheer, Dhagahbuur, Qabridahar, etc.

    Shakuul does not care what Iley or Ethiopian military does in Ogaden and Somali as long as he is awarded business contracts by these culprits. How does anyone with pure Somali blood praises Ethiopia, Kenya, and Iley’s Liyuu police? I am speechless and he even has the audacity of thinking becoming Jubbaland’s regional president?? War maxaa laba’ay!!