Home » Warar »

Dowladda Federaalka oo uu soo Wajahey Cadaadis Caalami ah oo ku aadan Dacwada Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Dadka kale ee la xiran

Xasan Shire Shiikh “Markii hore ayaa Dacwdaan Madaxeedii Majo loo rogey marka waxaa ku talinayaa ….

”Dowladda Federaalka waxay dooneysaa in Shaarkeeda uu u Caddaado, Hayada ku lugta leh Dacwdaan waxay Dooneysaa in ay Nadiif ka noqoto Kiiskaan, halka Booliiskuna uu doonayo in isna Shaarkiisa u Caddaado, marka waxaa meesha ku dhibaateysan waa…”

korontooo

Waxaa maanta oo Talaado ah Taariikhduna ay tahay 5-ta Bisha February waxaa la filayaa in Maxakamada la horkeeni Doono Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Afar Xubnood oo la xiran kuwaas oo lagu haysto hadal la xiriira Fal Kufsi ah oo been abuur lagu Tilmaamey, hase yeehee waxay ku doodayaan dadkaan in aysan wax been abuur ah sameynin ee ay u Xiran yihiin si Cadaalodaro ah.

Dacwadaan oo mudooyinkaan ka soctey Maxkamada Sare ayaa waxa Dowladda Federaalka soo wajahaya Cadaadis Caalami ah oo ku aadan Dacwadaan waxaana cadaadiskaan uu ka imaanayaa Qaramada Midoobey , Hayadaha Xaquuqda Aadanaha iyo Warbaahinta Gudaha iyo Dibadda kuwaas oo Codsanaya in Dacwadda ay u dhacdo si Cadaalad ah ,waxayna Dowladda ka Codsadeen in faraha kala baxdo Dacwdaasi .

Qareen Madaxbanaan oo diidey Magaciisa loo isticmaalo Saxaafada ayaa wax ka weydiiyey sida uu u arko Dacwdaan oo muddo 25 maalmood ah socotey waxaa uu yiri ”Dowladda Federaalka waxay dooneysaa in uu Shaarkeeda uu u Caddaado, Hayada ku lugta leh dacwdaan waxay dooneysaa in ay Nadiif ka noqoto Kiiskaan, halka Booliiskuna uu doponayo in isna Shaarkiisa u Caddaado, marka waxaa meesha ku dhibaateysan Wariye Cabdicasiis Koronto iyo dadka kale ee Dhibatada ku dhacdey , marka waxaan ku talin lahaa in Dacwadaan loo saaro Guddi Dhex dhexaad ah oo si dhab ah u soo baara Dacwadaan”

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon oo ka hadlayey dacwdaan ayaa sheegey in Cabdicasiis iyo Dadka kale ee la xiran aan dhihi karey in si deg deg ah loo sii daayo balse waxaa uu sheegey in uu dhaafi kari Waayey Cadaalada waxaa uu sii raaciyey “Meel aan maro ayaan waayey oo ku aadan Dacwdaan marka waxaa rajeynayaa in si wanaagsan ay ku dhamaato Dacwadaan oo mudada Dheer Soo jiitameysey” , sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Xasan Shiikh oo isna ku baaqey in Dacwada loo haysto Wariye Cabdicasiis Koronto ay hesho Garsoor Cadaalad ah .

shireeXasan Shire Shiikh oo ka mid Difaacayayasha Xaquuqda aadanaha oo ka hadlayey Dacwadaan ayaa yiri “Bilowgii Dacwdaan ayaa Madaxeedii Majo loo rogey marka waxaan u soo jeedinayaa in dacwadda loo haysto Wariye Cabdicasiis Koronto iyo dhibanayaasha kale ee la xiran in ay helaan Garsoor Cadaalad ah,anagana waxaa dacwada noo dhageysanaya ama fadhiya dad ka tirsan Difaacayaasha Xaquuqda aadanaha .“

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.