Home » Faallo »

Aan Garteena kala goosane gartaada ma qaadan? Q. 2aad | Sh. Shakuul

Sh. Maxamed Ibraahim Shakuul

Qaybtii 2aad.

shiikh_shakuul

 

Hordhac iyo Araar. (Qaybtii 2aad)

Mahad Alle ka dib, Waxaan u mahadcelinyaa akhuunaa Yaasiin Garaad, qoraalkiisa 2aad. Inkastoo aanan walaalkay anigu si rasmi ah uga dalban ama ku kallifin inuu is cadeeyo, oo aan tilmaamay inay fiicnaan lahayd oo kaliya in uu waxyaabaha qaarkood cadeeyo, hadana waxaan si gaar ah uga mahad celinayaa is xilqaankiisa sida uu caddeeyey arrimaha qaarkood. Waxaase xusid in arrimaha qaarkood aan sidaas lagaga gudbi Karin loona baahan yahay in la saxo. Qodobada aan is leeyahay qabasho “Mu’aakhadaat” ayey mudan yihiin waxaa ka mid ah:

  1. Yuu u hadlaa ama matalaa Qoraagu?

Hadalada yaabka leh aadna uga fog xaqiiqda ee uu walaalkey tilmaamay waxaa ka mid ah inuu sheegtay inuu matalo dad gaar ah waxaa ka mid ahaa erayadiisa “Waxaa jirta cid aan matalo oo af-keeda ku hadlo”. Ka dibna wuxuu xusay afraad iyo kooxo kala duwan oo u sheegtay inuu matalo. Sheegashadaasi ma aha mid sax ah mana matalo kooxahaas iyo afraadaas taariikhda leh toona, mana jirto meel lagu doortay ama loogu idmaday inuu afkooda ku hadlo, bal waxaa dhici karta inay dadkaas uu tilmaamay qaarkood u arkaan nin iyaga cadow ah iyaga kana bari noqon lahaayeen.

Waxaan dhab ah in waxa kaliya ee uu qoraagu oo turjumi karaa ay tahay aragtidiisa shakhsiga ah ee ku wajahan waaqicaas, sida qof kasta oo muwaadin ah uga hadli  karo aragtidiisa ama taageradiisa ku wajahan masiirka ummada, sidaas awgeed waa sheegasho aan waxba ka jirin. Qofkuna inuu shaati aad uga wayn xirto ma habboona.

Akhristow Sheegashada noocan oo kale ah ee qofku sheegto wax uusan lahayn sida inuu sheegto mansab, tamthiil (matalid), dhul, dhaqaale iwm waxay ka mid tahay waxyaabaha keenay burburka iyo khilaafka ummada Soomaaliyeed illaa maanta haysta, waxaynu marwalba aragnaa rag sheeganaya inay matalaan beel ama afhayeen u yahay koox taasoo aanay waxba ka jirin sidaa awgeed waxaa fiican inuu walaalkay ka waantoobi arrinkaas.

Anigu shakhsi ahaan kuma hadlayo afka culimda, kan ganacsatada, kan aqoonyahanada, kan qabiilka iyo mid xarako toona, majirto cid aan matalayo oo aan ka ahayn aragtidayda shakhsiga ah, taas micnaheeda ma aha inaysan jirin cid aan taageersanahay ama aan ka tirsanahay ama la dhacsanahay fakarkooda.

  • 2.       Yaasiin Diinta Ma wadanka ayaa uga muhiimsan?

Waxaa ka mid ah erayada uu qoraagu ku nuuxnuuxsaday: “Waxaan matalaa cid kasta oo Soomaaliya oo neceb kana soo horjeeda Ethiopia iyo Kenya!” Hadalkan yaabka leh wuxuu muujinayaa in Yaasiin uu walahiisa  (al-walaa wal-baraa) siiyey cid kasta oo Soomaali ah oo neceb kana soo horjeeda Ethiopia iyo Kenya. Waxaa ka muuqato hadalkiisa inuusan dan ka lahayn haddii ciddaas ay xattaa gaalnimo ku cadahay, waxa uu danaynayo ay tahay oo kaliya inuu qofku dalalkaas neceb yahay! Sideedaba qofka Muslimka ah waxaa la rabaa inuu ogaado in neceybkiisa iyo jeceylkiisu uu ku xidhan yahay halka uu qofkaas ka jooga diinta Allaah, mana ah inuu walahaasi ku xidhnaado wax kale sida qabiilka, wadanka iwm. Nabiguna SAW wuxuu yiri “Walahayga waxaa iska leh Ilaahay iyo Mu’miniinta saalixiinta ah”

Hadaba Waxaa nasiib darro in uu qoraagu walahiisa siiyey dad ay cadahay inay gaalnimo cad ku dhaceen iyo kuwa la taagan inay wadaniyad u dagaalamayaan, Wuxuuna sheegtay inuu safkooda ku jiro, taasina waxay daaha ka fayday  in qoraaga wadaniyadu uga wayn tahay diinta.

  • 3. Aragtidi qoraaga ee ku wajahan Xarakaadka.

Waxaa uu walaalkey sheegay inuu khalad iyo ceeb u arko jiritaanka xarakaadka wuxuuna yiri; “anigu waxaan u aqaan ceeb iyo cunsuriyad iyo waliba dib u socodnimo lagula dhex meeraysto dadka Muslimiintaa dhexdooda. Xarako waxay kobcisaa oo xoojisaa nacayb la nebcaado qof Muslim ah ayada oo aysan jirin sabab aan ka ahayn xarakadayda maahan iyo in dadka laga dhaadhiciyo xarakayda kaliya ayaa xaq ah oo Janada Illaahay galeysa” aragtidaas waa gef aad u wayn oo u geystay dhamaan xarakaadka Islaamiga ah oo dhan, mana aha sidaas aragtida shareecadu ka qabto  xarakaadka. Waxaynu ognahay in xarakaadka islaamiga qaar badan oo ka mid ah ay u taagan yihiin kor u qaadida kalmada Ilaahay oo ay u khidmeeyaan dacwada iyo diinta, in hadaba uu la isku wada qabto waa cadaalad daro iyo xadgudub. Waxa shareecdau diiday waa tacasubka indho la’aanta ah oo ah  xaqa oo laga hormariyo xarakada. Waxay Xarakaadka islaamka qaarkood qayb wayn kaqaateen faafinta dacwada, difaaca dalka, diinta iyo dadka.

  • 4. Iska hor imaad (tanaaqud) yaab leh.

Waxaa iyana ah iska hor imaad yaab leh noqday in Yaasiin marna uu sheegto in kooxaha qaarkood uu matalo, marna uu ceeb u dib u socodnimo u arko jiritaankoodaba. Sow hadaba caddaalad darro ma aha in marna lagu faano juhuudda & makaasibta xarakaadka iyo kooxaha kala duwana soo hooyeen, hadana lagu tilmaamo “ceeb cunsiriyad, dib u socodnimo dadka lagula dhex meereysto” waa sida uu hadalka u dhigay, sow hadaba arrinku noqon maayo “kuwa jecel in looga mahad noqo waxaysan samayn” mise “Kuwa hadduu xaqu dhinacoodu soo maro u hogaansama” haddii kalese ka bari noqda.?

  • 5.       Xag jirnimda waa maxay?

Kalmada Xagjirnimo ama Quluwi, khawaarij iyo Takfiir iwm waa kalamado muujinya xadgudub dheeraad oo lagu sameynayo diinta, waxayna waafaqsan tahay alfaada ama kalmadaha shareecada tilmaantay, mana ah wax Bush iwm ay keeneen, loogana leexan maayo dhihidda kalmadahaas shareecadu ogalaatay gaal sheegay dartiis.

Sida la ogyahay shareecadu waa reebtay oo ceebaysay xigjirnimada, waxaanan rumaysanahay inay ka mid tahay jirrooyinka ugu waaweyn ee ay la silcayaan Muslimiinta caalamka meel walba oo ay joogaan, ummada soomaaliyeedna saamigeeda way ka heshay jiradaas, sidaas awgeed In laga hadlo dadkana looga digo Xagjirnimada waxaan u arkaa inay  waajib tahay waana wax Allaah loogu dhawaado. Hadaba xagjir nimadu ma aha wax lagu faano ee wax Ilaahay laga magan galo. Diinteena ma aha mid dhinacna jirta ama u badan ee waa diin toosan oo dhexdhexaad  “Wasad” ah.

6. Arrimo aan u arko marin habaabin:

  • Waxaa qoraagu tilmaamay in aan iri dadka iga soo horjeeda waa Sufaha ama jaahil, warkaas ma aha run, waxaan anigu maangaab, sufaha, jaahil u aqaanaa ama aan ku tilmaamay dadka banaystay cirdiga, maalka iyo dhiiga muslimiinta ah ee ka soo horjeeda iyag, ee ma aha qofkii aniga aragtidayda khilaafa. Arrinkaas waa marin habaabin, waxaana daliil kuugu filan inaan qoraalkayga ku cadeeyey in adiga oo iga soo horjeeda aanan hadana rumaysnayn inaad kuwaas ka mid tahay.
  • Waxaa xusid mudan inaan rumaysnahay inay wali ii muuqata in DHICI KARTO in marka la fiiriyo siyaaqa hadalka qoraaga u socdo,  laga dareemayo  in qoraagu ka mid yahay dadka u olooleeya fikirka xag jirka ee ay qaabaan kooxaha qaarkood, arrinkaasna wali kama qancin, waxaanan ururinyaa xaqaa’iq arrintaas ku saabsan oo aan hordhaceedii helay.
  • Waxaa uu qoraagu yiri: Maxaa adiga kaa dhigay lama canaantaan? Anigu runtii ma ahi lama canaantaan, horeyna waan u tilmaayay inaan khaldami karo, naseexadana waan oggolahay, dariiqeedana waan aqaanaa, laakiin inaan khaldanahy sow inaan garwaaqsado ama la igu cadeeyo ma aha? Mise xukunkiiba waad ridday saaxiib?. Sow madhici karto in adiga uu fahamku kugu qalloocday oo aad khaldantahay? Yaase mudan oo xaq u leh inuu dadka saxo? Waxaa kale oon aad ula yaabanahay waxa qoraaga “Yaasiin Garaad”  shakhsi ahaan uu isugu qanciyey inuu isagu yahay midka mudan inuu dadka canaanato oo uu saxo, muxuuse ku mutay martabadaas isla markaana uu noqday midka isaga xaqa ku taagan ee dadka saxa oo kala hora sidii xoolihii?  Arrinkaasi sow isku kadsoomi ama quruur noqon maayo?.
  • Midda ku saabsan hebel baa Ethiopia ammaanay oo sidaas baa ku dhacday hadalkii dheeraa, waa hadal aan sax ahayn, runtii ma aha sawirkaas mid sax ah, waxaanan rumaysan inaan qoraaga uga xog ogaalsanahay waaqica geeska Afrika ka jira maanta.

Anigu waxay ila tahay in uu farqi wayn u dhexeeyo dagaaladii hore iyo waxa maanta dhacaya. Si kastaba ha ahaatee waxaan jeclahay in aan arrimaha la xiriira Ethiopia, Kenya, Somalia iyo waxa hada dhacaya waxaan ka qabo kaga hadlo  qoraaladayda dambe insha Allaah.

Ugu dambeystii, walaal si aan doodda u gudo galno waxaa ila quman in aan isla qaadano 3 qodob:

  1. In uusan midkeena matalaynin cid gooni ah kuna hadlaynin afka urur ama koox gaar ah.
  2. In masiirka ummada ka hadalkeeda loo simanahay.
  3. In waxa aan cabirayno ay tahay aragtideena shakhsiga ah oo kaliya.

Intaas hadaan isla qaadano waxaan rumaysnahay in aynu is fahmi karno, dood wanaag caafimaad qabtana aynu sii wadan karno insha Allaah.

Sh. Maxamed Ibraahim Shakuul

###

Qoraalladdii Shakuul iyo garaad ka akhri halkan: http://somalitalk.com/tag/shakuul/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

26 Jawaabood " Aan Garteena kala goosane gartaada ma qaadan? Q. 2aad | Sh. Shakuul "

  1. SC Salaan sharaf qaali ah, bahda Somalitalk & kaalinta aad UMADA Soomaaliyeed ugu jirtaan, salaan kadib.

    Waxaan mudo laga joogo dhowr bilood maqlay nin aan saaxiibo nahay oo la yiraahdo Dr Abdi oo aad uga careysan Sheikh Shakuul & Wareysigiisa. Xiligaas anigu ma dhegeysan. Balse waxaan nasiib wanaag ku daawaday Somalitalk, waxaan sidoo kale akhriyay qoraalkii Yaasiin Garaad. Waxaan sidoo kale akhriyay qaybtii labad ee Shakuul, hadaba waxaan codsan lahaa in dood u dhacda Video Conference loo qabto labada nin, kadibna lagu casumo rag xilkas ah, Af Soomaaligana ku xeel dheer.

    Waxaan kaloo ku darayaa in dad badani ay KA careysN yihiin rag badanina ay leeyihiin Hadii ay culumadii sidan sameyneyso maxaa laga filayaa dadka caamada ah. Waana dareen qatartiisa leh.

  2. WADANI says:

    Yaasiin Allaha khayr ku siiyo ,runtii Shakuul ma aha nin Diimeed mana aha nin Wadaniya,waxa uu aaminsan yahay in uu yahay ni Itobiyan ah marka ma kula tahay in uu dan Somaliya u wado ,waxaaba ka daran waxa uu aaminsan yahay in uu yahay Kenyan,waxa kaloo uu aaminsan yahay in Itobiya iyo Kenya ay xaq u leeyihiin Jubooyinka,Xamar xaq ma u lee yihiin ?su’aashaas bal ha la waydiiyo

  3. ASCWW.

    Laba ama sadax aan u kala saaro. Meesha qaali majoogo inkasta oo aan jeclaan lahaa in Shakuul uu umadda hor yimaado maadaama uu Af somaliga yaqaan uu toos oga jawaabo su’aalaha.
    Maata masiirkayaga kama hadli karo isaga oo waa ethiopian hadane dhalasha kenya ah watta.
    Gammuun Gilgilasho kaama haree.
    Dadka u doodaya Shakuul warkoodu waxaa uu kusoo aruuray sheeka waa caaqil waa caalim , sheekha iyo wiilka maa laysla simmaa. Aniga yaasiin ma aqaan, laakiin yaasiin oo nin dhalinyara ah ayaa ka faham iyo maskax furan shakuul.
    Dhanka al akh yaasiin waxaan leeyahay Sii wad su’aalaha iyo eedda illaa uu shakuul kasoo laabanayo qaladkiisa.
    Shakuul waxaan leeyahay laba arin ama su’aalaha toos oga jawaab ama qoraal dambe oo Q3aad ah ha ina soo gaarsiin
    WSww

  4. Runti yassin garad waxba mesha kuma hayo ee haka firsado, sheikh ibrahim shakul wa caqil, wadad, iyo aqonyahan somaliyed. anigu waxan dihi laha in u yassin gaartisa qaato . runtina sheikh haka rali noqdo wayo yassin wa shaqsi gafay.

  5. shacab says:

    dad weynow markaan akhristay yasiin qoraalkisa waxaa ii cadaatay asaga iyo tageerayashaa in ay yihiin all shabaab haddaba sheekheena shakuul ah illaah waxuu ugu teeqay xigmad , garasho ,aqoon .siyaasad,intaba ma ahan in uu garan waa yay jawaabta aad sheegesaan ee waa taqaanaa yaasiin sheekha qarashadiisa in aad u horeesa ee waxaan lee yahay sheekheena ku waas oo kale waa laga aa musaa sababtoo ah haddalka sheekh ayaa quu daneesaan xumaan ayaa radisaan wanaag soomali waa u diideen all shaab waa la idin fahmay hadhuumanina ee is cadeeya haddaad tihiin niman rag ah oo illaah yaqaano sheekhena idiima qalmo.

  6. Xasan says:

    Sh Shakuul Xaalkiisu waa sida “bisad Guri lagu xirtay” waxaana Odhan lahaa Yassin Garaad Ogayda Marka utur inkasta ooy hadaba xisaabi la jiro oo su,aalo uuna ka jawaabin’ haddana ayaan lagu kallifin Sheekha Inuu caytamo.

  7. ibnu alifle says:

    tani waa qowda maqashii waxna how qaban wadaniyad aan meela gaadhsiisnayn oo afka baarkiisa ah dhul nooma xoraynayso somali xaydha ay afka noo marmarinayso hanaga dayso iyadoon ognahay hagardaamaday nagu hayso sheekh shakuul haduu itoobiya tagay danbi uma noqonayso wardher na ehelkiisa jooga inuu soo booqdo wax ka mabnuucaya malaha kuwii goday tagay iyo madaxdii ururkii al itaxaad wax xitaa dhaliilaya ma arag haday u arkeen in qori AK 47 ah aan waxba lagu xoraynayn ooy dalkoodi tageen danbiga ay idinka galeen ma garanayo cul;imada la xagxaganayo halayska daayo

  8. Abdirahman says:

    Shakuul madoonayo inuu ka jawaabo su’aalaha waal yaashiin ee yaan lagu daalin akhiyaareey

  9. Minnesota man says:

    Sh. Shakuul wax fiican la imoow. Subxanallaaah maxaa kugu dhacay? Al-walaaga aad sheegeeysid maad ku dabakhtid kaaad adigu aaminsantahay

  10. alxaji says:

    Dhammaan waxaan salaamayaa ummada Soomaaliyeed ee la socota maqaaladan iyo kuwa aan akhriyin maqaalada intaba gaar ahaan waxaan salmayaa Somalitalk Asalaamu Calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu. Salaan ka dib Sh Shakuul mid baan odhanlahaa yaasiina mid baan oranlahaa. Aan ku horeeyo Sheekh shakuul. Sh su aalo ayaa lagu waydiiyay su aalihii ka jawaab. waxa kaliya ee aad qoraalkaaga ku muujisay waxay tahay inaad iftiimisay aqoonyarida diimeed ee yasiin garaad iyo qaladdaadkii uu galay si uu doodiisa u gudbiyo.waxaan qoraalkaaga ka muuqato inaad rabti inaad yasiin ku karbaashtid aqoontada diimeed iyo da, da. Somaalidu waxay ku maahmaahdaa falaari gilgilasho kaaga ma hadho ee sh su aalaha ka soo jawaab. Yasiina waxaan dhihi lahaa gartaada waxaa la naqsadaa intaadan geed tagin.Haddii aad go, aansatay inaad sheekha radisid laba wado inaad mid uun qaado ayaa kuu furnayd. Mida kowaad inaad dooddaada qaab diini iyo masaa, il diini ah aad ku dhistid waa wax la fahmikaro. Ta labaad inaad inaad ku dhistid waddaninimo iyo soomaalinimo iyana waa wax la fahmikaro. Dooddaadu midna kuma salaysna labada waad dhex orday taas baana keentay inuu sheekhu daldaloolo kaa helo. Waxaan kale oo rabaa inaan yasiin xussuusiyo dooddihiisa waxaa ku badan shalay sidan baad qabtay ama aaminsanayd maanta sidan baad leedahay. Yasiinow ceeb iyo cay midna ma in uu qofku badalo rayi ama aragti mar la saxsanayd haddii uu u arko in aragtidii hore khaldanayd ama tan danbe ay ka faa, iido badantahay. Waxaan kale oo aan yasiin u sheegi lahaa arigtidaadu qurana ma aha xadiisna ma ah sidaa daraadeed ogolaw inaad saxnaankartid lagana saxnaankaro.Qoraalkayga waxaan ku gabogabaynayaa intaadan falin ka fiirso ama hubsiimo hal baa lasiistaa.

  11. ibnu alifle says:

    nin kan yaasin hadii uu awoodo shaqsiyan inuu fikirkiisa u cabaro oo ani iyo hebal iyo hebla iyo lug ku xaadhashada uu meel iska sooo dhigayo waan qabaa inay doodu qurux badnaan qoralka sheekha maxamad ibarahim shakuul waa cadyahay hadal aan araar iyo duluc lahayna waa ruux aan madax iyo minjo lahayn somalidaa waxay ku maahmaahda {ama araar hore lahoow ama adkaysin danbe lahow} hadii uusan hada ka araaaran waa mid isga kusoo laaban doonta awaaqibteedu inabadn oo somali ah yaa kala saari la ama kala garan la wadaninimada iyo diintoodan muqadaska ah farqiga u dhaxeeya oo maanta xaalkoodu alaha sahlo yahay bal u fiirso sharif ninkan wataa sida uu u hadlayo { Wadaadku wuxuu qoray in Mudane Yaasiin Garaad kala weyntahay Diinta Islaamka Wadaniyadda} shaki kaa galayn imaankiisa mar ka uu wadaninimo iyo diinta is garab dhigayo waan ku daalnay wadaniyad af laga sheeganayo oon qalbiga u dhaadhacsanayn wax qabadna lahayn somali badana waa sidaas maba jeclayn shaqsiyan inuuu inuu sheekhu shul iyo shal is galiyo dad magac doon ahna ay wadwadaan meelahaas waxba yayna ila durkin

    gabagabada sheekha hadalkiisa ayuu ku jiraa nuxurka doodu hadii la qaato way midho dhali hadii magacyo iyo iyo shatiyaal dhowr ah lagu hadlana warkaa saxnimadiisu wuu yaraan doona gabagabadana taan sheekha uga yaabana yaa iman
    sadexda qodob
    In uusan midkeena matalaynin cid gooni ah kuna hadlaynin afka urur ama koox gaar ah.
    1 In masiirka ummada ka hadalkeeda loo simanahay.
    2 In waxa aan cabirayno ay tahay aragtideena shakhsiga ah oo kaliya.
    3 Intaas hadaan isla qaadano waxaan rumaysnahay in aynu is fahmi karno, dood wanaag caafimaad qabtana aynu sii wadan karno insha Allaah.

  12. Somali says:

    Shakuul khyre alle ha siiyo in uu u nacnacda yasin naga aamusiiyo. Waxaa la yaab ah dadka is barbar dhigaya yasin iyo shakuul. Yasin ood og tihiin in xataa uuna nin fayow ahayn meel uu u socdo iyo meel ka socdo lama garanyo. Waxaa ka muuqata, nin manhajku ka wareersan yahay. ma wadaniyad buu iska dooni, ma shabaab taageero u yahay. Waxaan iska fahansanahay in ayna midna ahay waqtiga xasaasiga ee lagu jiro ee kala guurka ayuu doonaa in uu faaiideyso, i tus nimo, iyo halagaa sheeko. Yaa yaqaan yasin? Waxaa laga yaabaa in aydaan cadaalad ahayn, ama kuwa indhaha iyo dhegaha la aad tihiin! ama aydaan cadaalad ahayn. Aan isu dayno yaasiin meesha laga soo haro aan argne.

  13. Muslimo says:

    Asalamu calykum wrwb dhamaan walalaha Masha allaah walaha ay doodu u socoto
    doodan waxay ila tahay inanu ka faidaysano.
    .Waxan ku wanin shekha iyo walalken garaad. anany kala cadhonin ee dooda ay si hufan u wadan Cadifada iyo seflabod nimana ka fogadan iyo waxa dooda u keni kara inay jogasato ama laynkedii ka baxado oo meel kale ado
    ..akharisata yasha waxan ku wanin inaysan waxa xukumin. ay ka faidasyatan walalaha Aflagadadana jojiyaan ileen iyagu maaha dadkii dooda kala sari laha. haday damacan inay waxa ka dhahana fikir koda ka hadalaan Aniga fikir kayga 2walalaba waxay ila muqadan rag culus oo laga faidi karo waxanse darenasanahay shekha shakuul meelo fog fog oo uu ka hadlaay akharisata yasha qar inanay fahamin
    …..sida marakuu leyahay…. wadaniyada miyaa diinata kaga horaysa. .. akharisatayashii wabay ku cebeyeen shekha arinakas khalad bay u arakeen qarakood…. lakiin arinakas wa sax diinata iyaa ka horeysa wadaniyada… hadad islaam tahay waxa walaba wa inay diinata kaga horeyso
    …. waxanse filaya walal ken garad taas inuu garowasan dono isagu wa garanayaa diinata inay horeyso wadaniyada ka dambeyso. maraka Akharisata yashoow xukunka daga daga ah daya caga dhigata ogadana 2 qoraa arinka ay ka wada hadalayan inuu diin ku salaysan yahay ee iska hadal ahayn
    anan ka faidaysano waxaba dhici karata inay noo hor sedaan arin somalida an lagu aqonin jirin oo ah inay hadal isku qan ciyaan asc wrwb

  14. Sh shakuul, wixi laga sugayay 2weeks ma waxay ka badin waayeen halahaan. Shiiqow doodda ha nuxur dilin dadbaa idin aqrisanayo arar iyo hordhac ha ku haynin ee wixi lagu weydiiyey guda gal kana gar bax!?

  15. Shariif says:

    Wax aad Looga Naxo Wadaniyad Nacaybka Wadaadka.

    Wadaadku wuxuu qoray in Mudane Yaasiin Garaad kala weyntahay Diinta Islaamka Wadaniyadda isaga oo yiri;

    “In qoraaga wadaniyadu uga wayn tahay diinta”. Ma ceeb bay noqotay in la isku dhaliilo wadaniyadd, halka wadaadku si cad u qirtay xaqnimada Ethiopia u leedahay Gumeysiga Soomaali Galbeed(Ogaden) iyo haysashadda qaybo kamid ah Soomaaliya.

    Waxaa iska cad in wadaadku balaadhiyey Dooda, oo uu fara gashtay Wadaniyiintii Soomaaliyeed oo uu ka dhigay in Fikirkoodu yahay Gaalnimo sida ku cad qoraalkiisa.

    Wadaadka dadka halaga qabto oo mala awaalkiisa xikmad iyo caqli halagu difaaco. Saa waa wadaadoo garwaaqsan mahayee.

  16. Wadani says:

    Waa Wallaahi Billaahi! ( Geeraar kusocda Ganacsade Shakuul).

    Walaalkay iga weynoow
    Ku wanaagsan ahowoo
    Walaalow inna daa
    Waxaagii iska hayso
    Waxaygiina ku biirsoo
    Walaalow inna daa!
    ———
    Haddaadse wanaada diido
    Waa wallaahi billaahi!
    Waa waduurka quraanka
    Warmo duudku qalloocdiyo
    Nin weyn oo warwareemiyo
    Wax xun uun iga eego
    Wax xillun iga eego!!

    Ganacsade Shakuul waxaan odhan lahaa, Kolna Xisaabta aad isku geysatay isbixin mayso Walle. Arinka Yaasiin Garaad waa gooni ee kan Ogadenia iyo iskaashiga adiga iyo Nabadsugidda Itoobiya markeeda hala gaadho.

    Ganacsade Shakuulow, adeer In aan laguu jeedin ha moodin, waxaa lajoogaa goortii aad isdaba qaban lahayd!!!! Haddii garashadeeda aad leedahay!! Maxaan kaa haysanaa naddaa adeer, Annaga oo Soomaalida Ogadenia ah. Dhibkaagii baa ee faraha naga qaad!!!

    Yaasiin Garaadow, adeer wakhti yuusan kaa qaadin isma maqlo Ganacsadahan raba inuu ku dhuunto qabyaalad, Tigree iyo xaqdaro kale.

  17. Sheekh Shakuul, naseexo walaalnimo! Adigoo eegeysid dadka lasocda qoraaladiina ee fikirkooda dhiibanaya oo aan eegeyn Yaasin, fadlan faahfaahin buuxda kabixi arimaha aad kaga dhawaajisay Videoga si loo helo dad badan oo kuqanca dooda ugu yaraan.
    Haddii aad lasocotid fikradaha dadweynaha ee lasaaray dhamaan 4tii qoraal ee aad soo gudbiseen waxaad dareemaysaa in laguqancin jawaabaha ilaa iyo iminka aad soo kortey, waxaana filaya inuu hadafkaada ahaa inaad waxqancisid .
    Waxaana la’isku raacsanyahay inaan Yaasin waxba uharin maadama uu su’aalo kiciyey. Waxaadna isku daydaa inaad qancisid dadka ee aadan focuska saarin Yaasin iyo waxyaabaha kale ee qoraalkiisa laxariira.
    Tacliiq dheer waxaan kuqoray qoraalkaadii hore.
    Waad mahadsantihiin dhamaan

  18. C.llahi says:

    Shiiqa kheer allah hasiiye lkn waxa iga suaal ah xagjirnimo waa eray somali ah haddii carabi lagu fasiro ma wuxuu naqanaa Quluwi? Xagjirnimo waa Tadarruf; Quluwi iyo khawaarijna ku macna ma ahan marka marinhabaabinta hala daayo.

  19. fallaadhi gilgilasho kaagama hadho!

    @Shacab: iska daa taageerada indhaha la’ ee aad Sh. Shakuul u haysid, Yaasiin wax jiruu ka hadlay ee sheekhu haka jawaabo haddii kale ha gar gaato.

    maxaa loogu meeraysanayaa Yaasiin taariikhdiisa. Wuxuu doono ha ahaado, iskuma xidhna wuxuu isagu yahay iyo hadalka Sh. Shakuul lagu haysto ee u baahan caddayn iyo garbax.

  20. NAASIR says:

    Bismilaah. Kolay aniga ilaa hada min 2da qoraal ee ay is dhaafsadeen sheekha iyo yaasin garaad waan la socday. Ma doonayo in aan ka hordhaco laakin waxaa meesha iiga muuqata in sheekha xaalkiisu yahay neef gowracan geedo kama waabto. Ilahaa hada sheekha waxii dooda keenay iyo su,aalihii la waydiiyay kama uusan jawaabin mida kale sheekhu waxuu sheegay ” Ilaa hada waxaan barayaa ninkaas” oo maxaad u baaranaysaa ma waxaad rabtaa in aad ceebtiisa soo raadiso walee xaalku waxuu naga marayaa ninkii yiri ” Duul culimo waashay baan nahay”

  21. shacab says:

    Masha’allaah SHeekh Shakuul wa sheekh balaaqo leh dadka wax fahansiiya umana malaynayo in Wiilkan Yaasin la leeyahay iyo SHeekhu isu darajo yihiin , sabatoo ah xag cilmi, xag akhlaaq, iyo xag sumcada bulshada dhexdeedadaba farqi baa u dhaxeeyay, Yaasiin waxaan leeyahay hadaad caannimo rabtid sidaan ma’ahan, tan kale taariikhdaada markaad ka sheekaysay baan yaqiinsaday inaadan waligaa cidna ka guulaysan, sababtoo ah waxaad sheegatay Maxkamdihi oo aan ogayn meeshay ku danbeeyeen iyo wixi dhalinyaro dad’doodu u dhaxayso 30-ilaa15jir ku haligmay, waxaaba kasii daran oo ceeb kugu ah inaad dhahdo isbahaysigi Asmara bn kujiray Shame on you

  22. Halgaad says:

    Waxaan aad ula yaabay sida hadaladda qaloocsan ee jid la’aanta ah Mohamed Ibraahim ugu indho adagyahay. Wuxuu ku dhaliilay Qoraagga kale Yaasiin Garaad in uu dareenkiisu yahay mid ku salaysan Waddaniyad u jeedkiisuna uu yahay mid isir nacayb ku salaysan oo uusan wax diin ah shaqo ku lahayn. Haddii aadan dal Diintiisa u madaxbanaan haysan xageebaad diinta ku faafin! Kiina cilmiga leh ha kabilaabo qaraabadiisa (Aqrabadiisa) waa dariiqii Nabbi Mohamed CSW halkii uu ku dhashay ayuu ka bilaabay dacwadda ee muusan la soo qixin. Sheekhu mar uu BBC-da Somaaliga ah la hadlayay oo uu ku sugnaa Area Wardheer sannaddii 2010 wuxuu yidhi waxaan soo arkay dhul ubaahan in la maal gashaddo cajiib. Muusan ka hadlin sida dadka halkaa dagani ugu baahan yihiin in ay helaan meel ay diintoodda si maxad banaan ugu caabudaan haddana wuxuu leehay anigaa diinta u dhow oo aan cidna necbayn. Islaamnimaddu waxay keentay al-xorriyah basharku wax masoosaaro haddii uusan xor ahayn, xorriyaddaana waxaa asal u ah rabbi mooyee in aan cidkale loo addoon noqon. Gayiga Soomaaliyeed dhankuu dooniba hajiree halkee maanta gacan shisheeye ka madax banaan oo ay ducaadooddu cabsi la’aan seexdaan? jawaabtu waa meella.

  23. ikhyaar says:

    yaasiin garaad hada jawaab kale uma eka inuu diyaariyo waayo wadaadku wali jawaabtii waa ku maqantahay labo jawaabood oo arar ah oo waliba kooban maxaa intaas dheer lkn yaasiin in uusan hadalkiisu nasteexo ahyn ayaa muuqata balse uu yahay mintid farayar oo cidiyo ku dirir ah oo waliba waxba hambayn.

  24. khusuusi says:

    Waan sugeyney hadalka Sheekh Shakuul. laakiin waxaa meesha ka cad wali in labo qof oo Soomaali ah hadalka isku fahmeyn. taasi waa sababta aynu bilaa dawlad u nahay 22 sano.
    Yaasiin Garaad iyo Sheekh Shakuulba ninba ninka kale inuu xumihiisa iyo ceebtiisa fago ayuu rabaa. Mid waliba waxa uu u fiirsanayaa ka kale hadalkiisa kelmad khalad ah. marka danbena waxay dhihi doonaan hebelow kelmad shaqal dheer ahayd ayaad shaqal gaaban ka dhigtey.
    Fikrad is waydaarsi iyo Isku-Fiirsasho waa labo kala duwan hadaad fikrad is waydaarsaneysan mawduuca ka hadla ku saabsan arimaha ay ka bilaabantey sheekadu, hadii aad idinku isku mashquuleysaana inbox iskugu dira warkiina wax bulshada lala wadaagi karo meesha kuma haysaane.

  25. axmed says:

    asc . aragtideyda qoraalka sh/shakuul inkastoo uu horudhac u ekeysiiyey hadana marnaba jawaab cad uma noqon karo qoraalkii Yaasiin garaad sababtoo ah inta badan arrimihii uu kahadley yaasiin sooma hadalqaadin shakuul intuu dib udhigtey marka lagareebo jawaabaha uu bixiyeyna waa kuwo u eg ‘nin daaqaadey xumbo cuskey ‘ sababtuna waa in dhamaan jawaabaha wadaadku mahan kuwo cad-cad dadiilkoodana in qasab lugu keeney ayey u egtahay .

    su’aal aan layaabey oo ah :( Yaasiin Diinta Ma wadanka ayaa uga muhiimsan? )
    sheekhow waxaad noosheegtaa hadaan fasirkaaga ku aadan hadalka yaasiin kuuraacno inaad noosheego qofka somali ah hadana itoobiya iyo kenya neceb ee hadana gaalnimadu kucadaatey waajibna aytahay in beri laga noqdo ?
    su’aal kale dadka wadaniyad udagaalamaya magaaloobeen ? ciddiise safkooda kashaa ALWALAA WAL BARAA miyaa lugu dhisayaa xukunkooda?

    waxan jeclaan lahaa sheekhu inuu ixtiraamo aqoonta iyo aragtida aqristayaasha oo waxa uu qorayaa noqdaan wax qiimo iyo cilmi kudhisan ee aan ahayn hadalo sadxi ah oo an wax macnaa lahayn ama cuskasho waxan daliil noqonayn ,

  26. gaabow says:

    waxan u arkaa aniga in uusan wali ka jawaabin wixii la waydiiyey ayna ka muuqato cabsi iyo fulaynimo meesha uu ku noolyahay awgeed