Home » News »

Wafdigii culumada oo hawlo kala duwan ka qabtay magaalada Gaalkacyo

Wafdigu wuxuu soo gaaray magaalada habeenimadii jimcaha ee 24/01/13. Intii uu joogayna wuxuu muxaadarooyin iyo kalimado waano iyo wacyigalin ah ka jeediyey masaajida Abuuhureyra, Salaaxudiin, Shaafici iyo Nuurul-yaqiin. Wuxuu la yeeshay maamulka dacwada gobolka iyo odayaasha magaalada fadhiyo lagaga wada hadlayey dardargalinta dacwada gobolka Mudug, tayaynta waxbarashada diiniga ah, walaalaynta bulshada Soomaaliyeed, ka hortagga fasaadka iyo marinhabowga ku socda bulshada gaar ahaan burcadnimada, qabyaaladda iyo colaadaha joogtada noqday.

Waxaa kale oo wafdigu kulamo la qaatay madaxa Jaamacadda Bariga Afrika faraca Gaalkacyo, maamulaha mac-hadka Alfaaruuq ee culuumta shareecada iyo luqada carabiga, waxayna is dhaafsadeen warbixino ku lug leh mu’assasadaha tacliimiga iyo dacwiga ah, iyo waxqabadkooda.

Wafdigu wuxuu booqday dhismaha Xaraunta Alxikma ee Dacwada iyo Hanuuninta oo ay dhismeheeda iska kaashadeen Hay’adda Alxikma iyo dadweynaha deegaanku, waxayna soo indha-indheeyeen dhismaha iyo qaybaha xaruntu ka kooban tahay, waxaana kormeerkaas ku weheliyey madaxa guddiga dacwada gobolka iyo ku xigeenkiisa, iyo qaar ka mida guddiga maamulka xarunta oo uu ka mid ahaa Eng. Cumar dheere, Sheekh Aadan Maxamed Cigaal iyo Maxamuud Aw Faarax .

Intaa ka dib waxaa lagu qabtay Hotel-ka Aaran kulan lagaga hadlayey qabashada xafladda furitaanka xarunta Alxikma iyo siyaabihii looga faa’iidaysan lahaa, waxaana kulankaas ka soo qaybgalay: masuuliyiinta dacwada gobolka, guddiga maamulka Markazka iyo wafdigii culumada, waxaana la goostay in markazka degdeg loo furo, in uu noqdo xarun dacwadeed oo lagu qabto dawrooyinka, muxaadarooyinka, nadwooyinka iwm, in laga dhex furo mac-had diini ah oo heer dugsi sare ah, in lagu qabto koorsooyin xirfadeed iyo tababaro macalinimo, daacinimo iwm.

cumar-samatar

Waxaa kale oo wafdigu booqday dugsiga sare ee Cumar Samatar, wuxuuna maamulaha dugsiga ka dhagaystay warbixin kooban oo ku saabsan taariikhda dugsiga, marxaladihii uu soo maray, waxqabadkiisii iyo meesha maanta uu marayo, ka dibna Sh. Axmed C/samad ayaa ardayda u jeediyey muxaadaro taabanaysa dhinacyo badan oo dhalinyarada khusaysa, mowduucyada uu soo qaadayna waxaa ka mid ahaa: nimcada islaaminimada, barashada diinta iyo ku dhaqankeeda, xoojinta cibaadada, wanaajinta akhlaaqda, iska ilaalinta raacidda moodooyinka, ka fogaanshaha qabyaaladda iwm. Ugu dambayn maamulaha ayaa wafdiga inta aanu sagootiyin ku soo wareejiyey qeybaha kala duwan ee dugsiga.

Waxaa soo tebiyey
Sh. Axmed Cabdisamad
alwaqaar@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.