Home » Faallo »

Madaxweynaha Puntland oo ka Tacsiyeyey geeridii Suldaan Cabdi Cali Sonkor

Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun.

tacsiAnigoo ku hadlaya magacayga, magaca Dowladda Puntland iyo magaca Shacabka Reer Puntland, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii, Ehelladii, iyo dhammaan shacabka gobollada Jubbooyinka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, oo aan uga tacsiyeynaayo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Suldaan Cabdi Cali Sonkor, oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee beelaha degan gobollada Jubbooyinka oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, Qoyskiisii, Ehelladiisii, Asxaabtiisii iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed-na ka siiyo Samir iyo Iimaan.

Aamiin.

Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole)

Madaxweynaha Dowladda Puntland


Communications Office
The Puntland Presidency
Office: +252 90 — 794312 / 794040 / 794776 / 794597 / 799128

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.