Home » Warar »

Daladda SOYDEN oo Degmooyinka Gobolka Banaadir ka oo Furtey Wajigii Labaad ee Barnaamij loogu Magacdarey Tiraanyo Bixin

Waxaa Hotelka Palace City ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad uu soo qabanqaabiyey Dallada SOYDEN taasoo ku saabsaneyd Wajiga labaad ee Barnaamij loogu Magacdarey Tiiraanyo Bixin kaasoo ka soco doono muddo Laba Bilood ah 16-ka Degmo ee Gobolka Banaadir,waxaana ka qaybgaley Guddiyada Nabada ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Wasiiro, Madaxda Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaaadir , waxaana Barnaamijkaan Maalgelinaya Hayada Qaramada Midoobey u qaabilsan Haweenka ee (UN Women)

soyd1Waxaa ugu horeyn halkaasi ka Hadley Gudoomiyha Daladda Soyden Cismaan Muxyadiin Macalin (Shaatax) waxaana uu sheegey in Barnaamijkaan uu yahay mid ay ka qab qaadanayaan Guddiyada Nabada ee Degmooyinka Gobolka Banaadiir sid dadka loogu wacyigeliyo arrimAha Dib u heshiosiinta iyo Nabadda kaasoo uu sheegey in uu Daba Socon doono Barnaamij kale oo loogu Magacdarey Tiiraanyo Bixin maadaama uu dalka ka dhaceen Xadgududbyo waaweyn mudadii 22 kii Sanno ee la soo dhaafey.

Mudane Tahlili waxaa uu sheegey in Barnaamijka Tiiraanyo Bixinta uu Xooga saari doono Dhinaca Haweenka maadaama ay ahaayeen Haweenka kuwii ay ku dhaceen Dhibaatooyinkii ugu badnaa ee dalka soo marey , waxaa kale uu sheegey in Barnaamjikii hore ee loo qabtey Degmaayinka Gobolka Banaadir ee Tiiraanyo bixinta si weyn loogu faaiiidey , wuxuuna u soo jeediyey Guddiyada Nabadda ee Degmooyinka Gobolka Banaadir in ays laba jibaaraan Dadaalkooda ku aadan Nabada , Dib u Heshiisiinta iyo Tiiraanyo Bixinta.

Waxaa kaloo Munaasbadaas ka Hadley Gudoomiye ku xigeen Gobolka Banaadir Shiikh Cali Guure oo isgana sheegey in loo baahan yahay in dadka is Cafiyaan maadaama is Cafintaasi ay ka helayaan Ajar iyo Xasanaad , sidoo kale waxaa uu sheegey in Diinta Islaamka ay nafareyso in Dadka isku duqaaataan islamarkaa ay isku Sabraan taasoo uu sheegey in lagu Gaari karo Nabad iyo Horumar.

soyd2Munaasabadaas intii ay socotey mararka qaar dadka lagu Maaweelinayey Suugaan ka turjumeysey Nabada iyo Dib u heshiisiinta ,waxaa kaloo ka haldey Gudoomiyha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isaga soo dhaweeyey Barnaamjika Tiiraanyo Bixinta ee ay wado Dalada Soyden maadaama Wajigiisii hore si weyn looga faaiidey , waxaa uu u soo jeediyey dadka wada Barnaamjikaan in Barnaamjika Tiiraanyo Bixinta la gaarsiyo Hayadaha Dowlada maadaama ay jiraan dad Tiiraanyo ka qaba Habka Dowladnimo ee Jira , sidoo kale waxaa uu u soo jeediyey dadka ku nool Gobolka Banaadir in Dadaal u gaalaan sidii Shaqsiyaadka haysta Hantida dad kale uu leeyahay loogu Celin lahaa

“Dad baa Tiiraanyo ka qaba Habka 4.5 ,waa in Dadkaasi laga baabi’yaa Tiiraanyadaas, Dad baa Tiiraanyo ka qaba Magaalada Muqdisho iyana waa in dadkaas Tiiraanyadaas laga baabii’yaa, waa in dhamaan Bulshada Soomaaliyeed Tiiraanyada laga tiraa “ayuu si kulul u yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Waxaa Furey Barnaamjikaan Wasiir ku Xigeen Cadaalada iyo Dib u Heshiisiinta Marwo Fahmo Axmed Nuur oo u mahadcelisey intii isku soo Dubaridey Barnamjika TiiraaNyo Bixiinta waxayna ku tilmaamnte Barnaamjikaan mid wax ka taraya Dib u heshiisiin iyo Nabad Dhab ah oo ka dhacda guud ahaan Dalka waxayna Ka Codsatey Dallada Soyden ku howlan Barnaamijka Tiiraanyo Bixinta in ay gaarsiiiyaan Gobolada Dalka oo dhan sidoo kale waxay soo dhaweysey hadalkii Gudoomiyaha Gobokak Banaadir ee ahaa Barnaamijka la gaarsiiyo Hayadaha Dowladda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinKhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.