Home » Maqaallo »

Saxafiyiinta Soomaalida Koonfur Africa oo Cambaareeyey Xariga Wariyaha Dalsan Radio oo in Muddo ah u xeran Dowlada Soomaaliya

Waxay u egtahay in ereyadii cambaareynta ay naga sii dhamaanayaan, si kasta oo aan u qeeylino ama u cabanayo, iyo codkeena si kasta oo uu u dheeryahay in aysan jirin cid dheg jalaq u siineysa, laakiin sidaasi oo ay tahay, cambaareynta waa xoriyadaha faro ku tiriska ah ee noo haray, gaar ahaan marka aan dalka dibasiisa joogno.

Xariga wariyaha Dalsan Radio, ee magaalada Muqdisho, kaliya ma ahan xaq daro, ee waa ku tagrifal awooda dowladeed, tanina waxa ay hoosta ka xariiqeysaa walwalka dad badan oo shacab ah ka haya in la helo dowlad dalka ka dhalata.

ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Koonfur Africa (SOJASA) kaliya dhib kuma qabaan in wariye la xiro, ee waa in xabsiga lagu hayo muddo intan laa’eg iyada oo aanan maxkamad la horkeenin.

Liiska magacyada xunxun ee Soomaaliya aduunka oga naaday, sida argagixiso, burcad badeed, macaluul, musuqmaasuq, iyo dagaalo sokeeye, waxaa hubaal ah in uu si isa soo taraysa ugu soo biirayo magaca kale ee xun ee ah dal lagu tunto xuquuqda bini’aadamka ee asaasiga ah.

Magacani xun waxa uu saameyn xun ku leeyahay dublamaasiyadda Soomaaliya la leedahay aduunka, waxana ay tani ragaadin doontaa xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee wadamada horey u maray lala leeyahay.

Xariga wariyahani waxa ay kusoo beegmeysaa xili madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu aduunka tusaya muuqaalka wanaagsan ee Soomaaliya, isagoo khudbadihiisa fagaarayaasha caalamka ka sheega in Soomaaliya ay soo hagaagtay, tahayna dowlad xubin ka ah beesha caalamka oo adeeceysa qawaaniinta caalamiga ah.

Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Koonfur Africa marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano )SOJASA) waxay ugu baaqaynaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in ay tixgaliyaan cabashooyinka warfidiyeenada, xoriyadiisana usoo celiyaan wariyaha xiran.

Waxaa ku saxiixan warsaxaafadeedkani gudoomiyaha Ururka saxafiyiinta Soomaalida Koonfur Africa (SOJASA)

Mudane Maxamed Muuse Nuur (Deeqdarajo)

Koonfur Africa, Cape Town,
deeqdarajo36@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.