Home » Warar »

Ra’iisal Wasaaraha oo cambaareeyey weerarkii Fashilmay ee qof naftiisa haligay ku soo qaaday Madaxtooyada

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha:

January 29, 2013——Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa cambaareeyey weerarkii Fashilmay ee uu nin naftiisa Hiligay ku soo qaaday meel ku dhow hoyga uu degan yahay oo ku yaala Xarunta Madaxtooyada.

Weerarkan oo uu ku dhintay mid ka mid ah Askartii illaalada ka aheyd hoyga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex Askari, waxaana sidoo kale halkaasi ku Haligmay shaqsigii is qarxiyay, oo la aaminsan yahay inuu ka tirsanaa kooxaha Nabadiidka ah ee Al shabaab.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/llaahi Ciil Mooge Xirsi ayuu ku sheegay in falkaasi uu ahaa mid Fashilmay ayna ka hortageen Askarta Dowladda ee illaalada ka ahaa Madaxtooyada, wuxuuna xusay in Xukuumadu ay ka hortagyso falalk ceynkan oo kale ah.

“Falkani wuxuu cadeyn u yahay sida Xukuumadu ugu howlan tahay Sugida Amniga maadaama laga hortegay ruuxii doonayay inuu isku qarxiyo Xafiisyada madaxda Dowladda” ayuu yiri Mudane Ciil Mooge oo xusay in kooxaha Nabadiidku ay marayaan heer Naf la caari ah.

Wasiirka ayaa xusay in kooxaha Nabadiidka ah ay ujeedadoodu tahay in dalka Soomaaliya uusan noqon dal Xuduudo leh, isla markaana leh Dowlad matasha, balse Madaxda Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in Soomaaliya ay tahay Dal madaxbanaan oo Xuduudo leh, sidoo kalena leh Dowlad iyaga matashada oo ay shacabku raali ka yihiin.

Ugu dambeyntiina, Wasiirku waxa uu Tacsi u diray, isaga oo ku hadlaya magaca Xukuumada Qoyskii, Qaraabadii iyo Ummadda Soomaaliyeed, geeridii ku timid Askarigii saaka ku geeriyooday falkan Fuleynimada ah, isaga oo u rajeeyey kuwa dhaawaca ahna inuu alle Bogsiiyo.

—–DHAMAAD—–

Garad Salad Hersi
Press Officer PM Office
Mob.+252-61-5536608


Warsaxaafadeed xafiiska Madaxweynaha ee shirka Addis Ababa

(Muqdishu,Somalia,Janaayo,29 )2013Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maaalintii labaad ka qeyb galay shirka Midowga Africa uga socda Addis Ababa.

R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Marwo Fawziyo Yusuf Adam, Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiyo Mudane Siciid Yusuf Nuur, iyo qaar ka mid ah la-taliyayayaasha Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka qeyb galay shirkaan.

Madaxweynaha ayaa maanta la kulmay Madaxa labaad ee Bankiga aduunka mudane Makhtar Diap iyo wafdi uu hogaaminayay,waxaana ay ka hadleen qaabkii Bankiga Aduunka uga kaalmeyn lahaay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay horumar ka gaarto dhinaca hab- maamuleedka dakhliga iyo canshuuraha.

Kulankaan oo maanta lasoo afjaray ayaa Soomaaliya u noqonayso mid taarikhi ah maadaama Madaxweynaha lagu casuumay in uu khudbad dheer oo ka hadlayso arimo badan oo muhiim ah ka jeediyo oo ay ka mid yihiin Amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa deris-wanaag iyo horumar.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamud iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa caawa waxey u dhoofayaan Xarunta Midowga Yurub (EU) ee Brussels kadib markii uu Madaxweynaha ka helay casuumaad rasmi ah ururka Midowga Yurub. Madaxweynaha ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa Madax kala duwan ee ka tirsan Midowga Yurub (EU)

Safaradda Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah Lixda Tiir Siyaasadeed ee dowlladda oo ku aadan in sare loo qaado xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka. Waxaa mudan in hoosta laga xariiqo in dhamaan Madaxda Dowladdaha Afrika, Xoghaya Guud ee Qaramadda Middobay, iyo Midowga Yurub in dhamaan ay aad u soo dhaweeyeen safarkii uu Madaxweynaha ku tagay dalka Maraykanka iyo aqoonsigii dhawaan dalkaas uu aqoonsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib muddo kor u dhaafaysa 20sanno.

Communication Office

Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.