Home » Faallo »

Shiikh Shakuul: Aan garteena kala goosanee gogol inoo xaar! | Q.2aad

Shiikh Shakuul gartayda waan qaadan hadaad I qancisid

Mahad dhamaanteed Illaahay baa iska leh, Nabad galyo iyo naxariisu nabigeenii Muxamed (SWC) korkiisa ha ahaato.

Illaahay waxaan ka baryayaa inuu xaqa natuso awood aan ku raacnana nasiiyo. Sidoo kale Illaahay waxaan ka baryayaa inuu beenta iyo xaqdarada natuso isla mar ahaantaasna nasiiyo awood aan uga fogaano.

Illaahoow waxaan kaa magan galayaa inaan cid dulmiyo ama aniga la idulmiyo. 

Ugu horayn waxaan mahad u celinayaa dhamaan aqristayaashii igala soo xiriiray dunida daafaheeda kala duwan markay aqriyeen qoraalkii aan ugu magac daray “Sh. Shakuul aan garteena kala goosanee gogol inoo xaar”

Waxaan kale oo aan mahad u celinayaa Sh. Shakuul laftiisa oo soo qoray qoraal uu ciwaan uga dhigay:Aan Garteena kala goosane gartaada ma qaadan?

Qoraalka Shiikha qofkii aan fursad u helin wali inuu aqriyo wuxuu ka heli karaa linkigan

https://somalitalk.com/2013/01/26/shakuul/.

In kastoo qoraalka Shiikhu soo qoray uu yahay arar(horu dhac)  kooban uuna balan qaaday inuu soo dhamaystiri doono qoraalka isla mar ahaantaasna uu dhamaan ka soo jawaabi doono waxyaabihii aan Shiikha ku eedeeyey waxaan qoraalkan uga jawaabi doonaa su’aalo dhowr ah oo Shiikhu I soo waydiiyey si ay ugu fududaato inuu qoraalka dambe u soo dhamaystiro.

Codsi ku socda Shiikh Shakuul:

Walaalkay Shiikh Shakuul aniga iyo adigu waxaan nahay dad Soomaaliya, dadka aan la hadleyno oo qoraaladeena aqrisanayaana waa Soomaali. Qoraalkaaga waxaa ku badan luuqado aan Af-Soomaali ahayn sida Carabi aniga shaqsiyan dhib iguma ahan oo waaan fahmayaa luuqadaha aad is ticmaaleysid laakiin waxaan dareensanahay in dhamaan dadka qoraaladeena aqrisanayaa aysan u fududeyn in ay fahmaan Carabi iyo English. Sidaa darteed waxaan kaa codsan lahaa in aad intii tabartaa ah isku daydid in aad Af-Soomaali ku koobtid qoraalka si aysan aqristayaasheenu u lumin ama uga qadin aqoon is weydaarsigeena iyo doodeena.

Codsi ku socda aqristayaasha

Dad badan oo aqristayaasha kamid ah oo taageersan Shiikh Shakuul ayaa cay iyo af-lagaado ii soo qoraya kuwo kalena Shiikh Shakuul ayey cay iyo af-lagaado u qorayaan ayagoo iska dhigaya in ay aniga itaageerayaan. Dadkaas dhamaan waxaan ka codsan lahaa walaalayaal cayda iyo af-lagaadadu maahan akhlaaq iyo wax fiican midna, gaar ahaan dadka Muslimiintaa dhaqan kooda ka mid maahan af-xumadu. Sidaa daraadeed waxaan codsan lahaa in la xishoodo oo la joojiyo af-lagaadada. Waxaanu waa dood iyo aqoon isweydaarsi , hadii aad ka faa’iidansan kartaan doodan ka faa’iideysta hadii kale af-lagaadada iyo xad gudubka joojiya.

Jawaabaha waxyaabaha uu Sh. Shakuul igu eedeeyey iyo waxyaabihii uu iga codsaday

Shiikh Shakuul waxyaabaha ii igu eedeeyey qaarkood waxaan u arkaa gar iyo jid u baahan in laga garbaxo ama laga jawaabo qaarkoodna waxaan u arkaa gef iyo gardaro aana Sh. Shakuul ka mudneyn laakiin aana dhib u arag in la igu eedeeyo ana aan ka garbaxo.

1.      Codsiga 1 aad ee Shiikh Shakuul wuxuu u qoranyahay sidan:

Qoraaga waxaan leeyahay  malaha waxaa fiicayd inuu bixiyoTacriif dheeraad ah ku saabsan qoraaga liftigiisa si aan ogaado qofka aan la garramayo. Waa kuma horta?Sababtoo ah waxaad mararka qaarkood arkaysa qoraagu isagoo leh “Yeelimayno” si jamac ah u hadlaya, ama sidii qof mas’uuliyad haya. Hadaba Yuu matalayaa, Ma cid uu afhayeen u yahay ayaa jirta ama uu aragtidooda matalaya ayaa jirta

2.      Jawaab: In aad iweydiisid cida aan u hadlo iyo qolyaha aan matalo waa sax waana gar laakiin in aad i su’aashid waxaan ahay (tacriif) gar iiguma lihid ana kuma qasbani laakiin labada waan kaaga jawaabin.

Yaan ahay (tacriif)

Shiikh Shakuul magacaygu waa Yasin Abdi Jama dadka in badan oo kamida waxay ii yaqaanaan (Yasin Garad) waxaan ku noolahay wadanka Maraykanka gaar ahaan gobalka Minnesota.

Caqiiqadayda iyo waxa aan rumaysanahay

Waxaan ahay qof Muslim ah kuna faanaya inuu Muslimyahay, waxaa xalaal ii ah oo aan rumaysanahay wixii Illaahay iyo Rasuulkiisii Nebi Muxamed (SWC) xalaaleeyeen oo ku yimid Kitaabka Qura’aankaa iyo Sunada Nebi Muxamed(SWC). Waxaa xaraan iga ah wixii Illaahay iyo Rasuulkiisu xaaraantinimeeyeen kuna xaaraantinimeeyeen Kitaabka iyo Sunada Nebiga (SWC).

Aqoontayda (My educational background)

Wax barashadaydii Dugsiga sare ilaayo Jaamacada heer Master waxaan ku qaatay Dalka Maraykanka. Taqaquskaygu waa Caafimaadka Bulshada iyo ka hortaga cudurada faafa (Public Health) gaar ahaan Maternity and Child Health.Hadana waxaan ahay ardey caafimaad.Wax barashadeydii hoose dhex waxaan ku soo qaatay school ku yaaley Xamar gaar ahaan xaafada xamar jadiid oo la oran jiray Amiir-nuur hoose dhexe.

Intaasu waxaan rajaynayaa in ay Shiikh Shakuul ugu filantahay is-sheegida (tacriifka) uu iga codsaday.

Yaan u hadlaa ama matalaa:

Shiikh Shakuul wuxuu I weydiiyey in ay jirto cid aan matalo ama aan codkeeda ku hadlo?Jawaabtu waa haa, Shiikh Shakuul waxaa jirta cid aan matalo oo af-keeda ku hadlo ayaduna imatasha oo af-kayga ku hadasha waana cid kasta oo Soomaaliya oo neceb kana soo horjeeda Ethiopia iyo Kenya iyo siyaasadooda ku wajahan Soomaaliya. Ama hanoqdaan kuwo dhintay oo mootan ama ha noqdaan kuwo nool oo maantay jooga. Kuwa dhintay oo aan matolo oo hadii ay maantay jooji lahaayeen aan safkooda gali lahaa waxaa kamid:

Axmed Ibraahiim (Axmed Gurey), Sayid Maxamed C/lle Xassan, Shiikh Xassan Barsame, Shiikh Mukhtaar, Maxamuud Xarbi, Nasiib Buundo, Aden C/lle Cusmaan (Aden Cade), Maxamed Siyaad Bare, Maqtal Daahir Iyo kuwo kale oo badan oo aana magacooda halkan ku soo koobi Karin dhamaantood Illaahay ha u naxariisto. Waxaan jeclahay meesha ay ka is taageen Gumaystaha Ethiopia iyo mawqufkii geesinimada lahaa ee ay ka qaateen Gumaystaha Ethiopia ee aad adigu maantay u mahad celinaysid.

Kuwa nool oo aan kamid ahay.

Waxaan taageersanahay oo aan kamid noqday dhamaan dhaq dhaqaaqyadii ka soo horjeestay gumaystaha Ethiopia 20 sano ee lasoo dhaafay sida Jamhadii Xoraynta Soomaali Galbeed, Geesiyaasha xaq u dirirka ONLF, Midowgii Maxaakim Islaamka, ururkii dib u xoraynta ee lagu dhisay Eretria oo aan goob joog ahaa markii iyo meeshii lagu dhisay, ururadii Qurba joogta oo aan kamid ahaa ururkii United Somali Diaspora(USD). Iyo kuwo kale oo aana halkan ku soo koobi karin.

Marka Shiikh Shakuul hadii aad rabtid in aad ogaatid aniga cida aan matalayo oo af-kooda ku hadlo waa kuwaas iyo cid kasta oo neceb kana soo horjeeda Gumaystayaasha Dalkayaga, Dadkayaga, iyo Diintayada nagu haysta.

Eeda Shiikh Shakuul ii soo jeediyey waxay u qorantahay sidan:

“Waxaa iyana muhiim inaan xuso in marka la fiiriyo siyaaqa hadalka qoraaga u socdo,  laga dareemayo  in qoraagu ka mid yahay dadka u olooleeya fikirka xag jirka ee ay qaabaan kooxaha  qaarkood isla markaana ay dhici karto inuu gabbaad ka dhiganayo warbaahinta dhexdhexaadka”

Jawaab:

Waxaan qabaa in hadalkanu yahay gef iyo meel ka dhac aana Shiikh Shakuul ka mudnayn kana is-taahilin waayo anigu qoraalkaygii hore kuma oran kumana jirin meel aan ku iri Shiikh Shakuul waa gaal iyo Muslim maaha midna, sidoo kale ma oran Shiikh Shakuul koox iyo xarako gooni ah ayuu ka tirsanyahay kaliya waxaan sheegey arimo aan u arkayey in uu ku qaldanyahay. Hadaba su’aashu waxay tahay maxaa keeney in aniga igu dhaho xag jir iyo wax lamida.

Mida kale qoraalkii hore waxaan ku sheegey marar badan oo aan Shiikh Shakuul Salaad ku daba tukadey ama Muxaadaro mid jimce iyo midkalaba ka dhageystay hadaan xag jir ahay oo aan gaalnimo ka aaminsanahay maxaan ula tukan jiray oo waqtigayga qaaligaa ugu bixin jiray qodbadihiisa. Mise waxaan xag jir noqday markii aniga iyo adigu wax is ku qabanay.

Waxaan kaloo qoraalkaygii ku sheegey in aniga aana kamid ahayn kooxaha iyo xarakooyinka Muslimiintaa ee isku haya fikirka Diinta. Mida kale hadaladan miyeyna ahayn hadaladii uu ku hadli jiray ninkii aniga iyo adiga mar madaxweynaha noo ahaa ee George W. Bush asagaa qofkii kasoo horjeestaba dhihi jiray waa argagixiso iyo xag jir, goormay hadaladanu noqdeen hadalo kasoo yeera culumo iyo dad Diin sheeganaya, waa yaab!!!

Mida xigta walaal Shiikh Shakuul anigoo cadeeyey in aana xarako iyo koox ka tirsanayn hadaad sidan iila dhaqmaysid sidee ula dhaqantaa Muslimiinta kale ee kaa fikirka duwan mise u cadaalad fashaa ilama ahan.

Aragtidayda ku saabsan xarakooyinka iyo kooxaha Muslimiintaa:

Sida hadalka Shiikh Shakuul ka muuqata wuxuu jeclaan lahaa in aan iraahdo waxaan ka mid ahay koox hebla iyo kuwa xag jirkaa ee uu sheegayo. Waxaan Radio Muqdisho ka maqli jiray maanso ay qaadi  jireen kooxihii fanaaniinta qaranka oo ay erayadeedii kamid ahayd kuwanu:

“Aduunyadu waa caynba cayn, waxaad ceebta u taqaan, qofbay camalkiisa tahay”

Shiikh Shakuul walaal hadii adigu aad xarako iyo koox laga mid noqdo sharaf iyo xaq u taqaanid anigu waxaan u aqaan ceeb iyo cunsuriyad iyo waliba dib u socodnimo lagula dhex meeraysto dadka Muslimiintaa dhexdooda. Xarako waxay kobcisaa oo xoojisaa nacayb la nebcaado qof Muslim ah ayada oo aysan jirin sabab aan ka ahayn xarakadayda maahan iyo in dadka laga dhaadhiciyo xarakayda kaliya ayaa xaq ah oo Janada Illaahay galeysa.

Abwaankii Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle) Illaahay ha u naxariisto ayaa asagoo qolyo Muslimiin ah duraya gabay wuxuu ku lahaa “Adigana balo kuu leh in aad Bohosha igu jiidataa”

Marka walaal Shiikh Shakuul in aad aniga igu xaraysid qaanad yar oo layiraahdo xarako iyo xagjirnimo dhici mayso ee waqtiga ha isaga qaadin.

Maxaa adiga kaa dhigey lama canaantaan:

Sanidkii 1996 Maalintii uu Korneyl Cumar Xaaji Masele ku dhawaaqay in Ethiopia tahay walaal caawinaya oo ka qabanaya cadaw layiraahdo Al-Itaxaad oo ku soo duuley, Soomaali inteeda badan wadaad iyo wadani waa lagu kacay waxaana lagu xukumay inuu yahay Khaainu wadan ku Hadley khalad soona kaxaysta cadawgii umada Soomaaliyeed. Wadaadadu intaas waa sii dhaafeen oo waxay hoosta ka xariiqeen in Cumar Xaaji Masale gaaloobay oo Diinta Islaamka kabaxay waxa uu ku hadley iyo waxa uu sameeyey dartood.

Maalintii C/laahi Yusuf yiri waxaan codsanayaa 20,000 oo ciidanka Ethiopia oo aan Soomaaliya ku qabto, Soomaali dal iyo dabadba waa ku kacdey waxaana lagu xukumay Mujrim khaa’inu wadan ah waxaana lagula dagaaley Af iyo Adin intaba. Culumadii Soomaaliyeed in badan oo kamida waxay istaageen in uu C/laahi Yuusuf Diinta ka baxay waxaa kamid ahaa culimada sidaa ku tagey SH. Cumar Faaruuq Illaahay ha u naxariistee.

Maalintii Cali Maxamed Geedi yiri hadii Aduun weynuhu Somaliland aqoonsanayo anagu waxba kama qabno, Soomaali meel ay joogtaba wadaad, wadani iyo waranle waa lagu kacay waxaa layiri waa khaa’inu wadan dalka kala jaraya oo Ethiopia u shaqeeya. Waxaan xasuustaa heer Baarlamaankii Dawladii Geedi laga hor aqriyey qoraal uu qoray wiilka hada wariyaha ka ah Al-Jazeera Fahad Yasin oo uga hadlayey waxa Geedi ku hadley oo dadkii qoraalka lagu dul aqrinayey qaarkood ilmeeyeen. Xasuuso waxa ilmaynayey waa xubno kamid ahaa Baarlamaankii Dawladii C/laahi Yusuf oo la lahaa waa gaalo.Calaa kuli xaal dagaalkii Geedi lagu qaaday hadalkaas dartiis looma kala harin.

Maalintii Xuseen Caydiid ku dhawaaqay in Ethiopia iyo Soomaaliya aysan kala lahayn xaduud iyo Passport, Soomaali inteeda badan waa laga soo horjeestay oo waxaa la isugu daray nacalad iyo habaar waxaana lagu xukumay inuu yahay khaa’inu wadan Illaahay iyo Rasuul ka furtay.

Waxaan taagnaa oo goob joog ahaa shirkii dib u xoraynta ee kadhici jiray Asmara Eretria oo inta Xuseen Caydiid dadka soo  hor istaagey yiri waan qaldamay ee hala iska kay cafiyo. Maalintaas cidna kama dhageysan oo waxaa lagu lahaa tuug khaa’inu wadan ah ayaad tahay.

Waxaan xasuustaa Cumar Xaaji Masale oo cadaynaya in uu ku qaldamay soo raacitaankii Ethiopia oo waliba leh Ethiopia waa cadaw raba in ay Soomaaliya qabsato. C/laahi Yusuf wuxuu dhintay asagoo Ethiopia kasoo  horjeeda oo arintaas darteed ayaa xukunkiisii loo bur buriyey laakiin in badan oo Soomaali ah ugama garaabin arintaas iyo kasoo  horjeedsigaas.

Xasuuso Cumar Xaaji iyo C/Laahi Yusuf waxay kamid ahaayeen saraakiishii xooga dalka Soomaaliyeed ee ka qaybgashey dagaaladii Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan dagaalkii 77  oo waliba magac fiican iyo darajo ku heley arintaas. Laakiin markay qaldameen Soomaali kama helin tix galin iyo toobad aqbal midna taariikhdoodii horana looguma naxariisan.

Su’aal Shiikh Shakuul: ragan aan magacooda soo sheegey waa Soomaali, waa Muslim oo lama hayo meel ay dhaheen Diinta ayaan ka baxnay, kaliya waxa ay eedeen oo lagu takooray waxay ahayd waxa adigu aad maantay ku hadleysid oo kale. Waxay dhaheen Ethiopia waa mahadsantahay iyo xaqbay u leedahay in ay arimaha Soomaaliya talo ku yeelato. Masaxbaa in ayagana sidaas loola dhaqmo adigana qofkii kaa soo horjeestaa markaad tiri Ethiopia iyo Kenya waa mahadsanyihiina aad tiraahdid waa xag jir iyo waa jaahil (Sufaha) waa eray aad ku adeegsatay qoraalkaaga. Marka Shiikh Shakuul maxaa adiga kaa dhigey lama canaante aan lataaban karin umada kalena ka dhigey markay dhahaan Ethiopia waa mahadsantahay mujrimiin iyo xagjiro Illaahay ka furtay oo kugu xad gudbay.

Qaybtan aad tiri: “isla markaana ay dhici karto inuu gabbaad ka dhiganayo warbaahinta dhexdhexaadka”

Waa gef iyo gardaro aad igu samaynaysid waayo anigu 15 sano kabadan ayaan saxaafada Soomaalida wax ku qorayey ama mida la iska arko kaga hadlayey arimaha Soomaaliya marka waxaa fiicnaan lahayd bal in aad isoo baartid inta aadan igu tuhmin xag jir hada saxaafada boos ka raadinaya.

Geba gebadii iyo Gunaanadkii

Shiikh shakuul waxaan filayaa in aan ka jawaabay dhamaan su’aalihii aad igu soo weydiisay qoraalkaagii hor u dhaca ahaa, hadii ay jiraan wax aana ka jawaabina qoraaladeena dambe ayaan uga jawaabidoon In-shaa Allaah. Waxaan kale oo kaa sugayaa qoraalkii aad balan qaaday oo aad tiri eedaha qoraagu ii soo jeediyey waan ka jawaabi doonaa.

[Wa in cudtum cudnaa]. Hadii aad ku noqotana waan ku noqon doonaa. 

Yasin Abdi Jama (Yasin Garad)

Gara0022@gmail.com

Qoraaladii Hore: https://somalitalk.com/tag/shakuul/ 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

14 Jawaabood " Shiikh Shakuul: Aan garteena kala goosanee gogol inoo xaar! | Q.2aad "

  1. asc wr. wbr, ugu horayn waxaan umahad celinayaa allaah ka dib waxaan aad ugu mahdinayaa walaalda webka somalitalk, oo inoo fududeeyay inaan meeshan kala socono daadn taariiqiga ah, hadii yaasiin iyo shakuul ay qaabka ay ku bilaabeen kuwadaan waxaan qabaa in guul lakala gaari doono oo uu soo bixi doono shaqsiga qaldamay , waxaanan u malynayaa hadii doodan aanan la qaloocin ay noqondoonto mid dhaxal gal ah oo ka joojisa qof walba inuu saxaafada ama idaacadaha ama goobaha la,iska arko quxuu doono ka yiraah , isilaalin inay dhaxashiiso dadka oo ay afkooda intuusan ka soo bixin hadal ay aad uga baaraan dagaan, sheeq shakuul iyo yaasiin daah baad furteen waxaana rajayanayaa in shaqsi kasta oo idinka mid ah uu xigmad adeegsado , labadiinaba waxaa idinka muuqata balaaqo aan caadi ahay allena ruuxoo doonuu siiyaa xikmada ruuxii xikmad la siiyana qayr badan baa ahaadaya ama la siiyay, ku shukriya alle hana u adeegsanina meel aan haboonayn qayrka alle hanawada tuso…

  2. Abdirahman says:

    SC
    “Nin iswaalaba waabiyaa helay” adeer yaasiin khayr ilaahay ha ku siiyo, waxaad gutay waajib ku saarnaa oo aad siduu ahaa u gudatay, wadaadka shakuulna waxaan leenahay wali waxaa aduunka jooga wiilal soomaaliyeed oo Proud ah cidnana aan magan uga ahayn ianay yidhaahdaan waxa umadooda iyo dalkoodaba lagu dhibaatayno.

    ShAkuul:Ethiopia xaqbay uleedahay wayna mahadsan tahay!, adeer waxba kama duwanid Adeerkay Cumar xaaji masale…ee Abbassinia meeshay kugu tuuri doonto ayumbaa is waydiin leh.

  3. Guuleed says:

    Ahmed Kuluc waa adiga ku cel celinaya Cali Dhalin e mahaayadaha sirdoonka ayaad u shaqaysaa oo waxaad isleedahay akhbaar ayaad gudbinaysaa. War ninkan magac buu leeyahay ee isku xishood ha kala daba ordin magac uusan sheegene. Mida kale adiguba magac kale ayaad leedahay oo waxaa lugu yiraahdaa Ahmed Siraad ee maad sheegatid in taad Yasin Cali kala daba ordaysid. Xaasidnimo iyo Jaajuusnimo waa midda Soomaali Galbeed Gumaysi aan laga bixin galisay.

  4. Muslimah says:

    Asc wrwb
    Waxan raba inan sual dhex dhigo akharisata yasha iyo qoraaga yasiinaba
    Dadka ku dhaqan Somali galabed somalinimada miyaa laga xiga??

    Miyanay u soo dagalamin xoraynata somaliya???

    Sideedaba xoraynata soomaligalabeed Yaalaga sugayaa ma dadgara ma qabil gara??

    Qabaridahare iyo Manisota tee magalo Somali ah???

    Manata JUBALAN waxa ka hadala Somali oo dhan oo shegata Jabutiyaan ba shegatay, somalilander ba shegatay, puntalander ba sehgatay rer Mudugba shegatay, hadiiba uu yahay rer qabaridahare aniga ma qabo inu yahay shakul rer qabari dahare maxu kaga goni yahay kuwa kale ee wada hanaqal tagaya???

    Yasiin walalkay doodada Hadii ay diin ku saleysanatahay dintu ma diidaysa ninka muslimka ah hadii uu sida kale ugu qalamo xukum gobol inuu qabato in loogu diido gobalkaa umadan dhalan hadiiba ay jirato inusan u dhalan????

    Walalakay Yaasiin waxan leyahay wa sax inaad shekha shakuul su.alo waydiiso lakiin waligaa iska ilali inaad si fudud melo xasasi ah kula gaadho. Somaligalabed howashedu wa inoo wada talaa wanageeda wan wada lenahay dhibatedana wana wada gadhaysaa. Wabilaahi tawfiiq intii I dhibasata icafiya walalayaan..

  5. Axmed Kuluc says:

    Biami lilaah
    Hal waxaan leeyahay yaasiin Garaad oo magaciisa saxda ah yahay(Cali Dhalin) Walaal yaasiin mid waasax wadanka in ladifaaco loona taagnaado wixii dhib ku ah hadaan u daayo hadalkaaga aad shakuul kuhaysato markii iigu danbeysay hooyadaa waxay kunooleed ethiopia, adigu waad tagtay maxey tahay waxa dadka reer Qabridahre kunoqdeen ajaanib dadka iyo dalka Soomaaliya danbikagaley adiguna ehelkaaga kunoolyihiin meshaad necebtahay waalaga haajiraaye?
    Arinta labaad waxaan ognahay in aad asmara dadkii ololaha soomaaliya laguburburinayey kawaday aad kamid aheyd soo ma ogeen asmara in ay kamid aheyd ethiopia dii hore hadana ay tahay tan soomaali cadowga ku ah oo maalin kasta hub ay soo dirtay laga qabto xeebaha soomaaliya,
    hanoqonin ku wii layi (daka wanaag maad fareysaan idinkana naftiina miyaad ilaabeysaan).
    Sheekh Shakuulna waxaan dhahayaa aad baan uxiiseyneynaa in aad sharaxtid mahad celinta ethiopia,
    w w w

  6. maxamed says:

    RUNTII wax badan baa ii baxay, waxbadan baan soo aragnay dad qabqablayaal dagaal ah oo guumaystayaasha la safta laakiin arinta layaabka leh waxay tahay nin sheekh sheeganaya oo gaalada iyo guumaystayaasha ku fikir noqda waxayna arintan keenaysaa jariimo ka wayn tii qabqablayaasha ay galeen sababtoo ah dadka caamada ah ayaa laga yaabaa inay ka boodaan ruux kastoo culumo u nasab sheegta kadib ay dadkii ka lumaan dariiqii ilaahay u jideeyay

  7. Abdi says:

    Waa layaab Shiikh Shakuul Mawaxaa laga sugayaa inuu sharxo sida ay Ethiopia/Kenya/international Comity ay xaq ugu yeesheen in soomalia dagmooyinkeeda iyo gobaladeeda ay maamul u dhisaan/ama wax ka dhisan
    tolow ma daliil diiniyah ayuu keenidoonaa in gaaladu musliminta maamul u samayso
    mase tusaale kale oo soomalidu ay maamul usamaysay kenya ama Ethiopia
    mase wadan kale oo wadamada dariskiisu maamulaan dagmooyinkiisa iyo gobaladiisa oo kudayasho mudan
    mase waa xeer u gooni ah soomalida
    mase arintu maankayga gadaye waa madaxnimo ku doon xaq iyo baadilba
    bal jawaabta aan sugno

  8. khusuusi says:

    ASC waxaan sugeynaaba waa Shiikha jawaabta uu bixin doono. inkasto oo aana anigu taageerin dooda sida shaqsiga ah la isku beegsaddo haddana tani si ayey ii xiiso gelineysaa, maadaama aan dooddan meelo badan ka saameynayso ama raad kaga yeelan karto sawirkeeda guud dad aan sheeko wadaag nahay. bal sheekhu siduu uga dabaasho aan eegno. Fadlan sheekh nooso dedeji jawaabta.

  9. Runsheeg says:

    Doodo si fiican bay usocotaa ee raga isu daaya afjoogo looma hadlo

    anagana aan sugno kobtey ku ebyoonto ujeedaduna xaqdoon ha ahaato

    walalka ustaad c/risaaq waxaa kaa muuqata inaad afsomaliga maahir ku tahay ee bal noo fasir todobada S ee aad sheegtay gaar ahaan aniga maba fahmin midka 4aad & 5aan mahadsanid

  10. Yasiin Cabdi, waxaan ku heestaa dhoor arin.
    1.Naseexadu ma’ahan web site in wax la’isugu sheegaa ee cad’deyso dantaada.
    2.Markaad Sheekha leedahay af carabiga naga daa ood ula jeedo inaad aqoontiisa iyo tan akhristayaashaba liido, bal u fiirso inta erey oo carabi aad adiga isla meeshaa ku hadashay: ” Anigu shaqsiyan………”.
    3.Markaad Sheekha af lagaadada reeb leedahay miyeysan af lagaada aheen inaad Sheekha Etopian ku tilmaanto. Oo hadii Soomaali-nimada daacad kaa tahay maxaad Qabri Dahar dadkeeda ugu tilmaantay shisheeye.
    4.Markuu Sheekhu ku yiri is sheeg maxaad Minneapolis u sheegatay, asagba halkuu ku dhashay adiga ayaa noo sheegaye.

  11. asc salaan kadib waxaa aan leehay Shakuul in uu ka laabata gaf ka uu u geestaya walalaka yaasiin garaaad. arinta labaad aan ugu naseexaynaayo waa in uu is ka fiiriyo mustaxlia cilmiyaadka oo is ticmaalyo waxa aan ka wdao magacaga uu isticamaalyo sida argaxiso,seelfa bood, waxa waxii la mid ah.
    Eradaya ARGAXISO ama XAGJIR waxa isticmaalo dadka caaajisiinta.Uga danbeen Shakuul war towbda way firan tahay iska toobad keen inta ay goori goor tahay macangaag iyo madax adeega isak daaaaaa. waxa aad ku hadshay way duuban yahiin cidana tafsiir uguma baahno iyo in loo aqriya illaah u towbad keen.

  12. kahin nur says:

    asc wr marka hore, waxaan filayaa hadii daacad laga yahay in wax la is tuso iyadoo loo marayo hannaan xadaaradeed oo cidna cid kale dhaawaceyn sharafkooda, waxaan qabaa in ay noqon karto dood dhaxal gal ah oo furi karta albaab wax isweydaarsi iyo is qancin. waxaan kula dardaarmi lahaa walaalaha dooda wadaagaya inay ka dheeraadaan cayda, aflagaadada, iyo wax kasta oo dulmi noqon kara, waxaan kaloo xasuusinayaa mar kale inay Rabi cabsidiisu kala weynaato rag iska celinta, waxaana lama huraana in hadii laga xujo adkaado midkiin inaad qirataan oo aydaan noqon meel ku dheg aan laga furfuri Karin.

  13. Bismilaah,
    ugu horeyn waxaan umahad celinayaa labaddan jilib-carro ee isu bariiqa-daadsaday,waxaana rajaynayaa inayna noqonin qafalmarjacyo ooy kala gar naqsan doonaan una wada doodi doonaan sidii niman xidaaro ah , oon cadho ,caaytan,caraatan ,caga jugleeyn iyo ceebayn toona lahayn,sidoo kale waxaan filayaa in ay gartooda gardaadindoonaan rag digo jabiyay oo leh miidaan ay wax kumiizaamaan,islamarkaana aan ahayn uus miirad,waxaanse sidii hal abuuradii horeba ku howraareen hogotusaaleeyn lahaay in ayna gartani gali 7nin oo kala ah:-
    1.Nin Sireed,2.Nin Sooreed,3.Nin Safeed,4.Nin Sar-saree,5.Nin Sineed,6.Nin Sabi ah ,iyo 7.Nin sirqoobay toona.
    Waad mahadsantihiin.

  14. Ahmed says:

    Asc marka hore waxaan u mahad naqayaa somalitalk oo noo ogolaaday in aan fikrat aan halkan ka dhiibano.
    Aan wax yar ka iraahdo qoraalka mejatan ku qoran .oo uu jaale yasin uuqorey.
    Marka hore waad ku mahadsantahay in aad wadaadkan aad wax ka qortid oo isagu kugumo heysto ee waxaan layaabka ah in aad qoraalkaada aad ku soo qaadatay in ey soomaaliya u burburtay raadin xaquuq soomaaliyeed oo aad halkaa aad ka saartay mid ii gumeysiga u adeegii qabiileysiga lugta ku hayey oo burburiyey wadankii oo idil. Qoraalkaada waxaa laga dhadhansankaraa in aad u aaminsantahay dadka iyo dalka soomalida ey gumeystaan Ethiopia iyo kenya in ey leeyihiin dalkaa Soomaliyeed dadkuna yihiin mawaadiin dalkaa udhashay markaad wadaadka u xaglineysid sidaa anoo difaaceyn wadaadka uu qoraalkaadu uu ku socdo . Anigu waxaan qabaa in uu wadaadku ookeliya uu u baahneyn in uu istaaqfureysto miyeyna kula qumaneyn jalle yasin?
    Waxaan kuu arkaa nin wax bartay maadaama aad daneneysid iskoolada sare qudbadahooda ama aad xiiso u heysid wax ka qorista dadka qaldan laakiin ha hilmaamin taada in aad saxdit walaal :)