Home » Warar »

Qaybaha kala Duwan ee Warbaahinta oo si weyn u Muujiyey in aysan Madaxbanaaneyn

Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Warbaahinta Magaalada Muqdisho iyo Wariyayaasha ka hawl gala ayaa kulan ballaaran ku yeeshay gudaha Magaalada Muqdisho.Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee Nusoj ayaa ahaa mid looga hadlayay Tacadiyadda loo gaysto Saxafiyinta Soomaaliyeed xilli ay Gudanayaan Waajibaadkooda Saxafanimo.

Kulanka ayaa waxaa khudbado qiiro ka soo jeediyay qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii shirka soo xaadirtay kuwaas oo dhamaantoodba ka hadlayay Tacadiyada loo gaysto Saxafiyiinta Soomaaliyeed.Kulanka ayaa si gaar ah loo xusay Weriye Cabdicasiis Cabdi Nuur (Koronro) oo In ka badan laba Todobaad ku jira gacanta Dawladda iyadoona la sheegay in Wariyayahaas uu si Cadaaladdarro ah u xiran yahay.

Kulanka ayaa si weyn wax la isaga weydiiyay sida Saxafiyiinta iyo Xukuumadda federaalka Soomaaliya u wada shaqayn lahayeen iyadoo la tix raacayo Qodobadii hadda ka hor Baarlamaankii ku Meel gaarka Soomaaliya la hor geeyay.

Maxamed Ibraahim Bakistaan oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka hadashay goobtaas ayaa waxa uu baaq u diray Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya isagoona weydiistay in Xukuumaddu wax ka qabato dhibaatooyinka lagu hayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Qaybhii Warbaahinta ee ka qayb gashey Kulankaasi ayaa halkaa ku soo bandhigey Banaanbax u ekaa in Saxaafada aysan Madaxbaaaneyn islamarkaana maalin waliba lagula kaco tacadiyo Xaquuqda Aadanaha sida Dil, Xarig, Hanjabaad iyo wixii la mid ah waxayna halkaa ku miijiyeen Astaamo ay ka mid ahaayeen iyaga oo Afka Sharooto iska saarey islamarkaan Gacmaha ka xiran , waxay kaloo ay wateen Sawirada Wariye CabdiCasuiis Koronto

Ugu dambayntiina Kulanka ayaa ku soo gabagaboobay in si wadajir ah Baaq looga soo jeediyo kaasoo ku wajahan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyagoo Masuuliyiinta ugu sareysa ay ka dalbadeen in Wariye Cabdicasiis Koronto iyo dadka kale ee la xiran si deg deg ah loo sii daayo..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinKhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.