Home » Warar »

Hooyo Luul Waa Dhibane Haddana Xabsiga ku Nuujineysa Canug yar oo ay Dhashey

Codsi ku jeeda Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha – 

Waxaa Maalintii Shalay ahayd Xabsiga loo gudbiyey Wariye Cabdicasis Maxamed Nuur (Koronto) ka dib markii isaga iyo Dhowr Qof oo ay Booliiska ku eedeeyeen ina ay ka Been Abuureen Fal kufsi ah hase yeeshee Cabdicasiis Korornto iyo Dadkaasi ayaa igu ku andacoonaya in aysan sameeyn wax been abuur ee ku aadan Falkaasi Kufsiga ah.

Markii shaley Tagey Halkii uu Warbxinta ku dhiibayey Xeer IIaaliyaha Guud ee Qaranka Cabduqaadir Maxamed Muuse ee Maxkamadda Sare ayaa mar waliba Indhaheyga qabanayeen Haweeneey Xambaarsan Canug yar oo marka qaar ay ka soo baxyeen ereyo ay ka mid ahaayeen “ Hooyo Aaamus .. Hooyo Aaamus “Markii aan u kuur galey haweeneydaas ayaa waxaa la ii sheegey in ay Tahay Haweeneydii la sheegey in la Kufsdey ,.

Markii aan Ogaadey in ay tahay Haweeneydii La kufsdey ayaa waxaan Bilaabey in aan si hoose u wareysto in kastoo aan la ogoleyn in lala hadlo haddana waxaan ku dadaaley sidii aan u heli lahaa Xogteeda , waxaan War Wareego mar ay Mashquulsanyeen Ciidamadii ilaalinayey ayaa u soo dhawaadey waxaan iri “ Adiga Miyaa Haweeneyda la sheegey in la kufsdey , markaas bey si hoose ii tiri “ Haa aniga waaye”  Waxaan sidoo kale danaynayey in aan wax ka ogaado Canuga yar ee ay Dhabta ku wadey markaas baan iri’ Canuga ma adigaa Dhalay” waxay ii gu jawaabtey “ Haa Aniga ayaa Dhalay.

Labada Qareen ee u Doodeysa Cabdicasiis

Hadalkaasi marka ka maqley aad baan u Jirirricoodey waayo” Mar Cunaga yar waa la istaageysey marna waa la Fariisineysey ,Marna waa Nuujineysey “ waxayna Hooyadaas ahayd qof aan la socon wax meesha ka socda iyo Warbxinta uu Xeer Ilaaliyaha uu jeedinayey ,waxay ku Mashquulsaneyd Canuga ay Dhabta ku siday, waxaan weydiiyey ma weydey Canuga Cid kaa reebta inta u kiiskaada meel u dhacayo , waxay ku jawaabtey” Haa waxaan waayey Cid iga reebta marka waan ku qasbanaadey in aan Xabsiga kula jiro” .

Waxaan damcay in aan sawir ka qaado Hooyo Luul iyada iyo Canugeeda hase yeeshee iima Suurta gelin , balse waxaa ii suura galey in aan ka qaado Sawiir guud iyo dadka la xiran ee uu ku jiro Wariye Cabdicasiis Koronto , waxaana mar kale weydiiyey sida ay u aragto Xabsiga ay ku jirto mudda labada Tododbaad ah waxay ku jawaabtey ” Waad garan kartaa Haweeney uu Nuugayo Canug yar , Cunto igu filan ma helin , iskaa daa Jiif oo Habeenkii oo dhan baa soo jeeda waa mar aan aamusninaya Canuga yar iyo mar isagaa Naaska u dhigayaa, Walaahi Runtii Xaalad adag ayaan ku noolahay.

Wariyey Cabdicasiis oo ku dhex jira Dadkii ay soo eedeeyeen Booliiska

Hooyo Luul Cali Cismaan waa dhibane oo aan dhihi karo waxaa Dhibkeedii loogu darey dhib kale , waayo Waxay Xabsiga kula jirtaa Canug yar oo Bilooyin jira oo ay nuuijineyso , Sidoo kale waxaa Xabsiga kula jira Ninkeeda Muxyadiin oo Qareenada u doodaya dadkaan ay sheegeen in ay aad u la yaaban yihiin waxa uu Xabsiga uu ugu Xiran Muxyadiin maadaama Haweentiisa la Kufasdey sidoo kale waxay aad ula yaabeen in Haweeney oo markii hore Dhibane ahayd in iyadoo Canug Nuujineysa ay Xirnaato muddo 17 Maalmood ah waxayna Qareenada ay ku qaylinayeen” Meesha Cadaalad ma taal” Ma waxay Xeer Ilaalinta Qaran waayeen in Hooyo Luul in ay Damiin ku sii daayaan maadaama ay tahay Hooyo Ilmo nuujineysa , oo markii loo baahda loo yeero.

Layla Maxamuud Cabdulle oo ah Haweeney u dooda Xaquuqda Aadanaha gaar ahaan Bahda Saxaafadda iyo Xasan Cali Geeseey oo ah Agaasimaha Idaacada Dalsan oo Warbaahinta kula hadlayey Afaafka hore ee Maxkamada Sare ayaa Cadaalodarro ku tilmaamey in Dad aan la Xukumin in Xabsiga loo taxaabo ,waxayna Dowalada Federaalka ay ka Codsadeen in ay Deg Deg wax uga qabtaan Xariga Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Dadka kale ee la xiran.

Xasan iyo Leyla

Hooyo Luul waxay ka Codsaneysaa Madaxweynaha , Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka in ay soo Farageliyaan Kiiskaan waayo waxay sheegtey in ay tahay qof Dhiban oo lagu Xadgudbey , weliba waxay sheegtey in ay u sii dheer tahay in ilmo yar oo ay dhashey ku Nuujinayso muddo 17 Maalmood ah Xabsiga Gudihiisa welibana uu ninkeeda la xiran yahay waxayna is weydiisey waa kee Sharciga Dhigaya in sidaa loo galo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo markii hore Dhib loo geystey .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinKhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Hooyo Luul Waa Dhibane Haddana Xabsiga ku Nuujineysa Canug yar oo ay Dhashey "

  1. warkaan mid la mid ah waligeey ma maqal haddii kufsiga haweeneyda dhab yahay iyada iyo wariyaha warkaan baahiyay waxaay xaq u leeyihiin billad sharaf tii ugu qaalisaneyd abid ee dowlad soomaaliyeed siisoo muwaadiniin dalka u dhashay qof la kufsaday looguna daray xabsi iyada cunugeeda yar iyo saygeedii dunida laguma arag marka eebbe ha u naxariisto dhibanayaasha aamiin

  2. Abu Muxammad says:

    Ilaahey dhibka ha dul qaado
    Aamiin