Home » Faallo »

Aan Garteena kala goosane gartaada ma qaadan? | Qore: Sheikh Shakuul

Sh. Maxamed Ibraahim Shakuul

Qaybtii 1aad.

 

Hordhac iyo Araar.

Mahad baa Allaah baa leh, Nabadgelyo iyo naxariis Rasuulkeenii suubanaa ha u sugnaato.

Qadar daqiiqado ah ka hor ayaa waxaan isha ku dhaftay qoraal kooban oo uu qoray nin dhalinyaro ah la yidhaahdo Yaasiin Garaad, lagana soo daabay webka somalitalk.com. Qoraalkaas waxaa loogu magac daray “ Sh Shakuul aan garteena kala goosane gogol inoo xaar”, milicsi ka dib, waxaan qoraalkiisa ka dareemay inuu qoraagu xaq raadis yahay,  waxaana ii muuqatay inuu mudan yahay inaan wax ka iraahdo dareenka uu muujiya si laabtiisa isaga inta la wadaagta aragtidaas u shaafi noqoto.

Waxaan qoraaga iyo akhristayaasha ugu bishaareynayaa inaan diyaar u ahay inay gartayda qaato haddii la iga gar helo, waxaa kale oon rumaysnahay in la doodo, la wada hadlo, oo la garnaqsado gogol iyo geedna la wada fariisto, sidoo kale waxaan rumeysanahy in dabacsanaanta iyo isfahanka  waxa lagu heli karo, aan lagu heli Karin cunfiga iyo qalayfka sida uu Allaah Qur’aanka inoogu sheegay “Hadaad ahaan lahayd Qabiid, qalbi adag way kaa kala yaaci lahaayeen” iyo Xadiiskii Rasuulkeenii SAW inoo sheegay “Ilaahay waxaa dabacsanaanta ku bixiyaa, waxaa uusan qalayfka ku bixin”. Hadaba Anigu garteyda waan qaadan’e, qoraaga iyo asxaabtiisa garta ma qaadanayaan tolow? mise meel bay uga  go’an tahay? ?

Qoraaga waxaan leeyahay  malaha waxaa fiicayd inuu bixiyoTacriif dheeraad ah ku saabsan qoraaga liftigiisa si aan ogaado qofka aan la garramayo. Waa kuma horta? Sababtoo ah waxaad mararka qaarkood arkaysa qoraagu isagoo leh “Yeelimayno” si jamac ah u hadlaya, ama sidii qof mas’uuliyad haya. Hadaba Yuu matalayaa, Ma cid uu afhayeen u yahay ayaa jirta ama uu aragtidooda matalaya ayaa jirta

Waxaa iyana muhiim inaan xuso in marka la fiiriyo siyaaqa hadalka qoraaga u socdo,  laga dareemayo  in qoraagu ka mid yahay dadka u olooleeya fikirka xag jirka ee ay qaabaan kooxaha  qaarkood isla markaana ay dhici karto inuu gabbaad ka dhiganayo warbaahinta dhexdhexaadka, mase filayo inuu qoraagu ka mid yahay  kooxaha sufahada ama maangaabka ah oo shaqada ka dhigtay been abuurka iyo aflagaadada ducaada oo aan ka dhawrsan acraada dadka islamarkaasna uu yar yahay qof ka badbaaday, mararka qaarkoodna isku daya in ciddii aragtidooda khilaafta ay la dagaalamaan,  gaaleeyaan, kuna xadgudbaan cirdiga iyo sharafta qofka, bal ay dhici karto inay dhiigooda banaystaan,  taasina waxay muujinaysaa biseyl la’aan, aqoon/khibrad yari iyo tacasub indho la’aan ah. Nasiib wanaagse uma qabo inuu sidaas yahay, hadaanba rumaysnahay inuu qoraagu kuwaas ka mid yahay iskumaba shuqliyeen akhrinta iyo u jawaabista qoraalkiisa, si kastaba ha ahaatee war jiraaba cakaaraha ayuu iman.

Hadaba mar haddii taas aan la hubin, waxaan jeclahay inaan qoraaga siiyo fursad “the benefit of doubt” oo aan rumeysto hadalkiisa ah inuusan koox gooni ah u hadlayn, sababtoo asalku waa “Bara’atu Thima” ama (muslimow run sheeg, muslimow run uga qaado).

Waxaa suurtogal ah in aragtidayda qadiyada laga hadlayo ku wajahan aan ku khaldanahay, qayrkeyna saxan yahay, sida ay taas lidkeedu suurtogal u tahay. Waxaanan rumaysanahay in masiirka ummadda cidna aan laga xigin, qof kastaana xaq u leeyahay inuu ray’igiisa ka dhiibto, waliba ay dadka waxgaradka iyo culimada waajib ka saran yahay hagidda bulshada iyo raadinta xalal shaqaynaya oo diinteena waafaqsan ummadana lagu badbaadinayo, middaas ayeyna aragtideydu ku solaysnayd. Waxaan insha Allaah maalmahan soo socda soo bandhigi doonaa qoraal taxane ah oo koobkooban oo aan kaga jawaabayo dareenka uu kalmadaydii ka muuhijyey Walaalkey Yaasiin Garaad.Waxaan jeclahay in qoraalkani horseed u noqdo xiwaar nadiif iyo dood cilmiyeysan oo ka dhex bilowda dadka aqoonta leh ee madaxa bannaan ee saaxada siyaasiga iyo dacwiga ah ee soomaalida ku jira.

Qore: Sh. Maxamed Ibraahim Shakuul


Shiikh Shakuul: Aan garteena kala goosanee gogol inoo xaar!

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

15 Jawaabood " Aan Garteena kala goosane gartaada ma qaadan? | Qore: Sheikh Shakuul "

  1. Ahmed says:

    marka hore allah ayaa mahadsan .marlabaad waxaan filkayaa in jawaabta uu bixiyay ninkan shakul layiraa ileen sheikh dhihimayno oo waan baranay waxa uuyahaye,ay tahay xaqiiqadad uu Garaadu kahadlay .waxan lasoconay intii muda ahba in shakuul uu cidacadaha,iyo tvda uu aad isugu dhabarjabiyay in been iyo probogando uu usameeyo Gumaysiga asagoon xeerin dhiiga daadanaya iyo walaalaha xasuuqa,dilka,kufsiga,iyo xariga aan kalasooca lahayn uu kusocdo. wuxuuna taas badalkeeda dhafsaday sidii uu udahiri lahaa mabda ay Ethiopia uguxaroodeen. waxaana aad ulayaabay waraysiyo badan oo uu siiyay BBCsomali OO UULEEYAHAY laamiyada iyo hormarka kajira DDS kenya kamajiraan.wuxuuna meesha kasaaray in ayba Ogadenia amxaro haysato isagoo sheegay in QOF af amxari kuhadlayaa uuna joogin Ogadenia . taas oo ulajeedo anagaa ismamula,waxa kale oo aad isgu dhabarjabiyay in meesha lagaba saaro in Ethiopia ayba gumaysitahay. waxan kaloon hada lasoconaa waxa uu nairobi hada kawado .

  2. Aslaamu caleykum akhyarta sharafta leeh, marka hore waxan kacodsaan laha mamulka somali talk aysan dadka qarkood lo ogalanin inay wax macna an lehen oo aniga an uu arkay inay cullumada aflagado ku tahay websitkana sharaftisa hoss u digayso aban lo ogolanin. mida labad waxan oran laha yasin garad wu qaldanyahay ee ha iis qaabto, wayo shiekha iyo yassin garad isku faac maahan , koley na wixi sheikh oo kugu edeyayna wax ba kajiro, wayo maanta uma maleynayi in shiekh iyo adiga la idin kala gaar kalasari karo, wyo shiekh wa caaqil wax garad ah , aqoonyahan , iyo wadad kamid ah culumada somaliyed , ee garado faraskada hakaderenin.

  3. Guled alifle says:

    Somalida inta badan afka baarkiisa uunbay wadaniyiin ka yihiin inbadan oo caadifaad wadaniyadeed oo aan meel gaadhsiisnayn lahayn ba baa halkaa na dhigtay hadaan nahay umada her ogadenya cadowga itoobiya ee aad afka ka sheeganaysan inaad nacebtihiin yaa nookiin dhaama maanta sheekh shakuul na hadii uu ugartay in maslaxadanadu ku jirto inaan intoobiya la noolano kuma uu gaaloobaye wuu ku saxanyahy inuu itoobiya tagana danbi ma aha idinkuba xamar oo afrikan haysto malin walba waad tagtaan waadna ka midaysantihiin inti na badan in la idin nabadeeyo oo hormarsataan agana waan ka daalnay qori aake ah oo labatan sano lala ordayo oon meela gaadhay waxuu noqon lahaaba cadaalad daro la hadhay marka sheekha maxaa udiidaya inuu kismaayo ka dhiso madarsado wardher ka dhiso oo bini aadanku hakala fikir duwanaadane uu u weciya kifirkiisa halku isleyahay dantaa ku jirta ragan wadaniyada iyo diinta is garab dhigaya waxan odhan laha wadaniyad aann dhab idinka ahayn 50 sano yaad nagusoo lugaynayseen hadan nahay her ogadenya ilaa maantana dhib waxan ahayn oon idinka dhaxalay ma arko shacabkani ha tashadee faraha ka qaada ama anagaa amxaara ka go ayna ama raacaynee

  4. Abdirahman says:

    SC.
    Inatay gadh lasoo baxdo ooy hadalka ku bilowdo bismilaah walxamdu ayay moodaa inaanay umada soomaaliyeed lahayn wiil halyeey ah oo hadii xitaa qoorta la jarayo aan ka waaban inuu difaaco sharafka dadkiisa,dalkiisa iyo diintiisaba.

    Adeer Shakuuloow, ku noqo markale oo isku day inaad inaba holin karto xaqiiqda uu inankan soomaaliyeed soo bandhigay ee cadaymaha maqlka iyo muuqaalkaba ah loo hayo,Alla taariikhda jecliyaa iyadaa is qoraysa!! shalayna maanta ma’ahan.

    @Yaasiin garaad my dear brthr. haduu hadal dambe oo dooda ka baxsan oo xag xgasha ah ku dhaqaaqo koleey waa dhaqayoo goor dambuu inayr oo bilaa xigmad ah soo tuuriye, waxaad samaysaa baadhitaan aad ka bilaabayso magaalada Nashville gobolka Tn,ee dalka marakanka oo ninkan gadhka leh Ethiopianka ahi uu masaajid ka hayn jiray waxaan hubaa inaad waxbadan ka soo helayso.

  5. Axmed Kuluc says:

    Bismilaah
    A W w
    Salaan kadib walaaha qoraalkeyga dhaliilay.
    GUULEED walaal Sh Abdiraxman macsuum ma aha waxaan leeyahay waa kalimo xaq ah laakiin loolajeedo baadil, waayo baryahaan danbe waxaa batay dhalin yaro culumada intey hilibkooda cunaan hana dhaha macsuum ma aha.
    waarun macsuub ma aha hadana in ay macsuub aheyn micnaheedu ma in hilibkooda lacunaa maya maya.
    culumadu waxaad kudhaliisho hadaad xaq raadis tahay utag kalana nigaash waahadaad cilmi leedahay, hadaad magacraadis tahayna idaacadaha tag halugumaglee adigoo sun kadhaygay.
    SAMATALIS walaal maadigu maceebaa haa maadigu marbuu ceeb noqdaa waa marka adiga oon diintaada waxba ka aqoonin qur,aankii alaah markaad aqrineyso u aqriya sidii nin hada soo islaamay oo shidka iyo medka, idqaamka iyo idhaarka aad kala saari weydo,
    Maadigu markuu fiican yahay waa markaan diinta sugto.
    FEISAL walaal maah maahdu meela badan ayaa loo isticmaalay waadna kumadsan sahaty baraarujintaada wax xanaf ahna malaheen.

  6. MOHAMAD says:

    Waxaan u mahad celinayaa walaalaha doodan bilaabay waxaanan rajaynayaa in ay noqoto dood xaalaala, waxaan saa u leeyahay, waxa aad u badatay in inta badan doodo ay noqoto nin iska cali,xaqiiqadan laga fogaado! waxaan codsan lahaa in laga fogaado in lays shaanbadeeyo si si fudud dooda loo leexiyo.
    waad mahad santihiin.

  7. Gogashu waxay ubaahantahay odayaal
    Assalaamu Alaykum walaalyaal Sheekh Shakuul iyo yaasiin Garad.
    Waxaan kamid ahay dadkii akhriyey qoraaladii aad isdhaafsateen, hal qoraal iyo video uu leeyahay Sheekh Shakuul iyo lobo qoraal oo uu leeyahay Yaasin Garad.
    Anigoo xeerinaya dhaqanka Soomaalida, ayaan jecleystey inaan gogasha kasoo qeybgalo waa haddii ay fitsantahay oday ahaan ee aan kamid qeyb kamid aheyn dooda hada socota. Haddiisa loo baahdo odayaal kale way soo galikaraan.

    Waxaa xusid mudan inaan labadiinaba idin garaneyn. Yaasin inta muda ah waxaan ku arkayey Somalitalk, maanta oo aan qoraalkiisa akhrinayey ayaan ogaadey qofka uu yahay. Sheekh Shakuulna, Ramadankii lasoo dhaafay ayaan Nairobi ku arkey anigoo latukaday khudbad jumca, walow aan la’iskaayo barin!

    Aan lafuula yaasin marka hore, maadama uu igala yaryahay Sheekha: Yaasiinow, qoraaladaada qofkii akhriyo wuxuu kadhandhansanaya inuu jiro wax hore oo idin dhexmaray adiga iyo Sheekhan oo kahoreeyey videoga aad meesha soo dhigtey waayo waxaad kashaqarinaysaa waxyaabo uu sheekha horay uyiri taas oo loo fasirinkaro inaad tihiin labo biyo hoostood iska taabtay!
    Tan fadwada iyo ra’yiga culimada ma’ahan Qur’aan ee ijtihaad kudhisan xaalad markaas taagan oo haddii ay isbadasho laga noqonkaro.
    Tankale markii uu sheekha fatwa soo saaro, waxaad helikartaa mid ka soo horjeedo oo aad qaadankartid.
    Sheekh Shakuulow, hadalkaada gobolada jubooyinka ilama aheyn mid aad ula jeedey ummadda Soomaaliyeed ee wuxuu ila ahaa hadal hordhac u ah mustaqbal siyaasadeed oo aad maagantahay.
    Inkasta oo ay dhicikarto inaan qaldanahay, fahankaan Waxaa kala dhexbaxay su’aashii lagu weydiyey ee aad kagaabsatey ee aheyd mustaqbalkaada siyaasadeed iyo inaad isu soo taagi doontid xukunka jubooyinka.
    Hadalkaada isagoo waaqici yahay oo ummadda Soomaaliyeed ay waxba gacanta ugu jirin bad iyo beri, hadana ma irahdeen Ethiopia ayaa stakeholder ka ah arinta jubooyinka!

    Ugu danbeyntii, anigoon waxba idin qarineyn waxaad u egtihiin nin oo inta mudo ah aragti siyaasadeed wada lahaa hadana ku kala qeyb samay oo iminka kudagaalamaya wax baxsan arinta Videoga.
    Waxaan rajaynaya wixii qoraal dambe ee aad isdhaafsataan uu ku ekaado qadiyada Jubooyinka oo runtii aheyd waxa dooda kiciyey oo dad badan oo aan aniga kamid ahey doonayaan inay wax kafahmaan.
    Xusuus: Emailka sheekh Shakuul ma arag si aan fikradayda email ahaan u gaarsiiyo oo waayo waxaa dhicikarto inuusan akhrinin fikrada dadka

  8. Adan ali says:

    waxaan jeclaan lahayn in arinka ku koobnaado wixii la is weydiiyey ee aan loo gudbin wixii qalbiga ku jira ee taa Allaah uunbaa garanayo . Yaasin waxaa la weydiiyey wuxuu yahay , wuuna sheegey meesha uu waxku soo bartey iyo cidda ama fikirka uu cabirayo , sidoo kale waxaan jeclaan lahayn in sidoo kale Sh.Shakuul asaguna uu noo sheego taariikh waxbarashadiisi si aan u ogaano ama u sixi karno waxa jira . mahadsanidiin walaalaha somalitalk ee barnaamijkaan daadihinaya.

  9. ali says:

    sheekadu waa inay sii socotaa yaasiin garaadna waan u hanbal nyeeynayaa waayo shakuul wax badan baa ka khaldan oo aan ogahay aniguba sidaas raadeed waa in laga salgaaraa sheekada shakuul ee gabadhaclayneeysa ,mar,ilay ubood mar sheekh ibraahin dheere ayaan afhayeen u ahay dheh mar jubbalandheh walee labagoloow anigu kaama guraqsheeko

  10. Ina Jiiroow says:

    Qoraaga maqaalkaan wuxuu ku dhacay wax aanan laga fileyn nin aqoon ehel uh – sida uu sheegtay ( magaciisa wuxuu hordhigay “Sheekh”). Yaasiin G. ayuu SHAABADEYEY.

    Sh. Shakuul wuxuu yiri “Waxaa iyana muhiim inaan xuso in marka la fiiriyo siyaaqa hadalka qoraaga u socdo, laga dareemayo in qoraagu ka mid yahay dadka u olooleeya fikirka xag jirka”

    Maxaa taa ugu wacan? Waxaan ognahay tubtaa inay ADEEGSADAAN dadka raba inay TOOSHKA iska wareejiyaan. Waxa meesha taagana ku beddela wax aan meesha oolin. MA wuxuu rabaa inuu nagu maaweeliyo sheekada? Muxuu raba – waxa lagu heysto inuu u bedelo, shey labo qof is heystaan oo kale?

    Waa yaab. Oday Bush ayaa waxaa taariikhda ugu diwaan-gashan oraahdii ” Ama nala jir ama naga jir”. Sh. Shakuul tii wax u eg ayuu la taagan-yahay.

    Adeer waxa lagugu heysto KA JAWAAB.

    Ina Jiirow

  11. Guuleed says:

    Ahmed Kuluc
    Sh. Abdirahmaan ma malaa’igbaa ma qaldamo miyaa. Miyey san run ahayn wixii Yasin ku haystay oo ahayd inuu oran jiray C/llaahi Yusuf waa gaal uuna Shariif iyo Ina Iley la fadhin. Mida kale asagaa oran jiray ina Iley waa Dadkii Muslimiinta ahaa ayuu gaajo iyo xabad ku laayey. Hadii asagii saas oran jiray hoos fariistay miyeyna xaq ahayn in la eedeeyo.
    Mise adiga Abdirahman wanaagiisa kaliya ayaad aragtaa ee xumaantiisa ma aragtid.

  12. Marka uu yaasiin Garaad dhahayo “Ciirtaada dhame ayaa caydaada yaqaan” waan ka dhagaystay mareegaha internetka, balse ninka uu ku dhahayo waa Faarax Macallin Dawaare- afhayeenka baarlamaamka Kenya, ma ahayn sheekh Cabdiraxmaan sheekh Cumar. sidaas darteed ninka Axmed Kuluc qoraalkiisa waxaa fiicnaan lahayd inuu ka saxo qodabkaas oo aan u arkay inuu faallo aan habboonayn oo dheeraad oo Sheekh Cabdiraxmaan ku saabsan sii raaciyay, iyada oo aysan jirin warkaas inuu yiri Yaasiin, Bal Mareegihii dib u hubi oo dhagayso.
    ujeeddadaydu ma ahan inaan difaacayo Yaasiin Garaad balse waxaan saxayaa qoraalkaas walaalkeen Axmed Kuluc oo aan u arkay inuusan dhab ka sheegin wixii laga dhegeystay mareegaha.
    www

  13. Asalaama Calaykum

    Aad baan oga helay qoraalka uu ninka hore aragtidiisa oga dhiibtay! Laakiin ninkan dambe ee iska dhigaya in uu YASIN GARAAD yaqaano waxay illa tahay in aadan wax badan ka aqoon odayga; Yasin Garad waxaan aqaanaa ku dhawaad 20 sanadood! Nin ka qiimo iyo xikmad badan indhahayga ma saarin! Runtii waa ragga dhaliinyaradda fara ku tiriska ah ee maanta illaahay siiyey ummadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah; Waa aqoon yahan; hadii waagii hore wadaadadu ay damiiniin u badnaayeen; Mida kale waxaan kala garan waayey halka aad u kala saarayso maadiga iyo diinta; Madigu diintuu ka yimid; sida diintaada in aad ugu dadaasho lagaaga dioonayo si la eg ayaa lagaaga doonayaa in aad aduunkaaga ugu dadaasho; intaad maalinba wax barakaynayaa iyo dhaqaale hala iisoo uruursho aad oran lahayd! Arintaa quraankaa gaar ahaan Suuradda Qasas ayaa si wanaagsan oga warantay!

    Hadalkayga waxan ku soo dhamaynayaa in aad Yasin Garaad xaal ka siiyo oo aa iraahdo; saaxiib anigaa kaa dhaqay wixii lagu mariyey oo dha; Habeen wanaagsan.

  14. Asalaamu caleykum,
    walaalayaasha qoraankaan isu direy ee shiikh shakuul iyo yaasiin garaad waxaan talo idiinku soo jeedin lahaa in wixii labadaan qoraal ka danbeeya aad si gaara privete ah wax isugu dirtaan oo halkaas isu qancisaan hadda si wanaagsan ayaad iasugu jawaabteen, laakiin waxaa suuro gal ah in qof kasta jameeco ama group kasoo jeedo oo is

  15. Axmed kuluc says:

    Asalaamu caleykum Waraxmatulaahi
    Salaan kadib sheek shakuul anigoo aad u jeclaa in aan dagdagin oonsugo sida uu isu tacriifiyo yaasiin garaad hadana yaasiin garaad waanin aan aad u aqaano waxaanan aqaanaa mudo kabadan 15 sano,
    waagii hore wuxuu ahaa nin kamid ah ardada kuxiran xalaqaadka masaajidda laakiin modadii danbe ubatay xaga maadiga,
    magaciisa saxda ahna waa cali dhalin, Ninkani sidaan oogu ogaa daalib wanaagsan ayaa waxaan arkay isagoo waxkasheegaya culamadii oogu waaweyneed north America sida sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar iyo kuwakale,
    Hadda kahor waxaan arkay isagoo wareysi Siinayo mareego aad ooga shaqeyso xumaha iyo waxkasheega culumada rabaaniyiinta ah waa mareego internetka ah.
    Waxyaabihii run ahaantii aan aad ooga naxay waxaa kamid ahaa markaan arkay maqal iyo muuqaal isagoo kudhahayo sheekh Cabdiraxmaan ciirtaa cabaa caydaada yaqaanaa oo uu oola jeeday saan ufahmay sheekh cabdiraxmaan waareer soomaligalbeed soomaliya ayuu waxkubartay marka ciirtii soomaaliya ayuu cabay.
    Sidoo kale waxyaabihii uu mareegahaa kuqoray waxaa kamid ahaa, walaalihii soomali galbeed oo uu aad wax ooga sheegay iyo masaajidka Abuubakar Sadiiq Minneapolis,mn waagii dacaayada lagu furay oo faafinta beentaa hubka oogu weyn oo loo isticmaalayey uu ahaa.
    Run ahaantii isaga lamayaabin markaan arkay qoraalkiisa waxaanse aad oolayaabay somalitalk oon islahaa waa mareeg fiican oo dad la aamini karo ayaa waxkuqora, markaan ku arkay yaasiin garaad oo wax kuqorayana waan kashakiyey.
    Hal arin ah waan kaa codsanaa in aad dadka kajaahilbixiso arintaa ood dimadaada bari yeeshid, laakiin waxaan kudhihi lahaa waqti hakuluminin yaasiin garaad waayo waxan waa caadadii ceebtii ma aha.
    w w w