Home » News »

Dhacdo La yaab iyo Amagaag leh oo lagu arkey Wadanka Sacuudiga

Haddii ay aad Maqli jirtey Dad Soomaali ah baa Madaxfurasho loogu Haystaa Liibiya, Koonfur Afrika , Yaman, Koofurta Suudaan, Kenya , Musaambiik, Tansaaniya, Angola, Zaambiya iyo Wadamo kale , waxayna dadka Soomaaliyeed Madaxfurshadaasi ku bixiyaan lacag aad u fara badan, si loo siidaayo la Haystayaasha , iyadoo taasi jirto ayaa dhacdo la yaab leh waxaa laga soo Calaamadeeyey mid ka mid ah Wadamada ugu Xasiloonida badan Dunida oo aan laga fileyn in Dhacdo Noocaas ah ka Dhacdo.
“Anigaa ku jira Goob laga Xawilo lacagaha ayaa waxa ii so galey Haweeney aan si wanaagsan isku Garaneyney ,markaan iska qaadney Salaantii ayey Xoogaa Afka Moroojisey , markaas baa ku iri “ Hooyo Sidee waxa u jiraan , Markaasey igu tiri “iska aaamus wax la yaab leh baa soo kordhey,waxay sii daba dhigtey Tanina ma ii Harsaneyd ,reer Xamarka ayaa yiraahda “Cimrigaada oo Dheeraaday Geel Dhalaa ku Tusiyaa”

Inta soo fariisiyey ayaa isi hoose u iri “Hooyo maxaa dhacay , markaas baa iri “ Ma yara waxa kaa yaabiyey ee Hooyo ii waran “ Markaas bey tiri “ Nin aan yaabin ayaa ku leh waa yaabey” waxay sii raacisey “Ma fududda waxaan maanta i keeney Xawaaladaan” Markaas baa ku iri “Sow hore uma imaan jirin “ Maya ..Maya oo Maxay yihiin waxa maanta halkaan ugu soo Muraadeey waxayna tiri.

“Wiilkeygii oo Sacuudiga Jira ayaa Xaley i soo wacay markaasuu yiri “Hooyo waan Xiranahay,marka waxaa la iga rabaa Lacag MadaxFursho ah? Markii uu Wiilka hadalkaasi i yiri “ Taleefoonkii baa tuurey oo aan iiri “Hoogayeey .. Hoogayeey .. Hoogayeey , ma maantaa Sacuudigii ka bilaabantey in Soomaalida lacag Madaxfursho looga qaato walee waa yaab”

Waxaa weydiiyey Hooyo Lacagta Madaxfurashada ah waa imisa . waxay ku jawaabtey waa “Sideed Boqol oo Doolar” .waxaan sii weydiiyey oo Hadii lacagtaasi la bixiyo ma la siideynayaa Wiilka “ Waxay tiri “haa”waxay sii raacisey Isaga keligiis ma aha waa dhowr Qof oo loogu hanjabey in haddi aysan lacagtaasi bixin Tarxiilka lagu dari doono”

Hooyo Wiilka ma weydiisey Cidda ay u xiran yihiin oo Madaxfurashda ka dooneysa,waxayna ku jawaabtey “War waa Soomaali iyo Sacuudiyaan isku jira arrimaha noocaan oo kale ka bilaabey Sacuudiga “ Hooyo maxaad u oran weydey Wiilka Tarxiilka ii soo raaciya inta aad bxin lahayd lacagtaas faraha badan “waxay tiri ‘ Hadda ayuu Saucudiga galey marka Calaacalkii buu igu badiyey marka waan ku qasbanaadey in aan bixiyo lacagtaasi “

Waxaa weydiiyey armuusan Xirneyn oo uu Lacagta si kale kaaga doonayaa.waxayna ku jawaabtey “ Waa wax dhici kara ,Wiilkeyga Run baan ku aqaaney u maleyn maayo in sidaa wax ku raadinayo,marka dadka Wiilkyeyga haysta waa Soomaali iyo Sacuudiyaan iyagaa ila soo Hadley mid af Soomaali buu ku hadlayey,waa kii noo kala Dab qaadayey midna Afka Carabiga ayuu ku hadlayey, aniga kiligeyga maahina dad baa Wiilkeyga la xiran oo Madaxfurasho laga doonayaa”

Laba maalmood ka dib ayaa Hooyadii wacay waxaan ku iri “ Wiilkaadii ma laguu soo daayey “ waxay tiri “Hooya haa.. waa la ii soo daayey , waa Ilaah Mahadii haddi Wiilkeygii Xoryahay , waxaan Dowlada Sacuudiga ugu baaqayaa in arrimaha Sacuudiga ku soo kordhey ay wax ka qabtaan oo Baaraan, maadaama ay tahay dowlad aan ogoleyn dhacdooyinka noocaan oo kale ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dhacdo La yaab iyo Amagaag leh oo lagu arkey Wadanka Sacuudiga "

  1. Abdi says:

    Soo celiya dheh, wadankiisa ninkii ka cararaa muxuu filayaa. Dejiya, dhista oo ku noolaada wadankiina. Biyo meel godan bay isugu tagaane haddii aad gurigaaga wanaajiso iyadoo la socdaa laguu iman. Mida kale Soomaali lacag unbaa ka soo horaysaba. Haddii saas oo loogo hoo buu ku leeyahay markaa cid kastaa fahamtey!

  2. yusuf says:

    ninka mahad qaran sitoow adiga oo soomaali ahba soomaalida ma jeclide ama soomaalidii ayaa aduunka isugu necebe maxaad carab ku eedayn
    sharaftaadu waxay ku xidhan tahay sharafta dawladaada” somalia markii ay dawlad sharaf leh oo awood lihi ka jirtay somalida wadamada carabta waalaga sharfi jiray markiise aad adigu sharaftii iska qaaday :harti maxaad ku geli eebahay horor haduu keenay
    ogowna falalka noocan ah waxayu badan yihiin soomaalida yaman laga soo tahriibiyo ee saudi arabia la keenayo dad soomaali ah ayaana ka dambeeya oo masuul ka ah ,xaqiiqduna waxay tahay dhibaato kasta oo qof somali ah haysata meel kasta aduunka haka joogee walaalkii soomaaliyeed uun baa masuul ka ah

  3. Mahad qaran says:

    Aad ayaan oga xumahay arintaan dadka somaalidaa ku dhacday lkn wax igu weyn maaha dadka reer sucuudi somaalida aad ayey u nicibyihiin aniga shaqsi ahaantayda ma jecli dadkaas waayo qofkii ku jecel ama ku qadariyo ayaa la qadariyaa carabtuna dambiyada ay naga gashay ma aha ku muslinimada qaabilsan