Home » Warar »

1960-kii Aqoonsi, 2013 Aqoonsi, Kee Baa Sax ah?

(Warbxin Xiiso Leh)

– “Waxay ahayd in la yiraahdo waxaa dib u soo laabtey Xiriirkii Mareykanka iyo Soomaaliya… ama la yiraahdo: Soomaaliya iyo Mareykanka oo dib Boorka uga Jafey Xiriirkoodii 22 Sanno ka dib… “

– Waxayna ahayd in Madaxweynaha (Soomaaliya) uu si aad ah isaga Fiiriyo erey bixinta , waayo xitaa Laba Dal oo kala Saxiixanayo Heshiis ayaa mararka qaar ku kala Booda sida loo dhigayo Erey Bixinta…..

Soomaalida waxay Tiraahdaa “Ma Anaa Waalan Mise Cadanaa laga Heesayaa” waxay kaloo yiraahdaan “Hasha Maankeyga Gadayee Ma Masaar Bay Liqdey “ Dhamaan Murtidaan waxay ku tusinayaan marka aad wax la yaabtid oo ay Maskaxdaada ku wareerto , marka waxaan Beryahan Maqlayey iyadoo la leeyahay, ”Mareykankaa Aqoonsi ka helney” marka waxaan is weydiiyey Tolow Ma hadaan Xoriyadda Qaadaney waayo Ereyadaan oo kale waxaa la maqlaa marka uu Dal Xoriiyad uu qaato.

“Waxay Garan la’a yihiin Dadka Soomaaliyeed in Dalka Mareykanka uu Dalkooda la mid yahay , waayo Xoriyad Buu qaatey, Adigana Xoriyad baan qaadaney, mar baa la aqoonsadey, Adigana lagu aqoonsadey , Waa Dal ka mid ah UN-ka, adigana waa ka mid tahay , Ergey baa u fadhiya UN-ka Adigana kuu fadhiya, Calankiisaa ka taagan , kaaga waa ka taagan yahay, Safaarad baa kaaga furan Mareykanka , Isagana uga furan Soomaaliya, marka waxay ahayd in la yiraahdo waxaa dib u soo laabtey Xiriirkii Mareykanka iyo Soomaaliya ee Xumaadey markii Mareykanka Soomaaliya looga diley 18 Askari, wax kale nooma Colaadineynin 22-kaa Sanno ee aan ka ahayn Askartaasi laga Diley oo si Xun loogu jiiddey Dariiqyada Muqdisho , balse waxay ahayd in Soomaaliya Tiraahdo 1500 oo Soomaali ah baa naga Dishey ee aan Furno Baal Cusub oo aan iska Ilowno wixii horey aan isugu geysaney ”.

Sida hadda loo dhigayo oo ah in aan aqoonsi helney , waxaa meesha ka baxay wixii Halgan ahaa ee ay dad badan ay Dhiigooda u daadiyeen si Xorriyad aan u helno ,waxayna arintu ku Biya Shubaneysaa in maanta Soomaaliya ay Xor Noqotey oo ah Sannadka 2013, wixii waqtigaa ka horeeyey wixii Halgan la soo marey ay noqonayaan Hal Bacaad lagu lisey.

Hadaba Xoriyada ama aqoonsiga aan maanta helney sida ay ku Hadaaqayaan Qaar ka mid Masuuliyinta Dowlada iyo Saxaafada Soomaalida , Runtii aniga waxaa u qaatey in 22-kii Sanno ee aan ku jirney dagaalada ay ahaayeen kuwa Xornimo doon ah waayo sidaa ayey u dhigmeysaa, marka wixii Gabood falo ahaa ee dhacay 22 kaa Sanno ee aan isku geysaney ama naloo geystey in ay tahay Abaal Marintoodii.

“ Dadka Soomaaliyeed wax ma Hubsadaan oo wixii Saxaafada reer Galbeedka u Meeriyaan oo welibana Saxaafada Soomaaliya ay sii Buun Buuniyaan ayey ku dhaqaaqaan, malaha Aragti ah in ay iska fiiriyaan ama iska Hubiyaan wax loo Meerinayo, waxaana la yaab leh in maanta la abaabulo Banaanbaxyo la leeyahay waxaan aqoonsi ka helney Mareykanka, oo welibana ay la soo taagan yihiin dad Masuuliyad Sheeganaya”ayuu yiri Cali Jaamac oo la yaabanaa dad la leeyahay waxay ka yimaadeen Banaanbaxyo lagu taageerayo “Aqoonsiga Soomaaliya” waxaa uu ku sii darey

“Markaan qaadanay Xoriyada waxaa laga joogaa 53 Sanno marka Dowladdi Rayidka iyo Tii Milatariga iyaga waxay ahaayeen kuwa Ku meel gaar ahaa mar haddi maanta la leeyahay Soomaaliya waxay heshey Aqoonsi, marka aniga waxaan u arkaa in Mareykanka uu na Gumeysanayey Soomaaliya 22-lii sanno ee la soo dhaafey, maanta Afka lala ma taageen in la yiraahdo Soomaaliya waxay heshey Aqoonsi , marka waxaa la doonayaa in si Maskaxiyan ah loo baabiyo Halgamayaashii Soomaaliya sida Axmed Gurey, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo 13 Kii Dhalinyarada ee SYL oo iyagu Naf iyo Maal u hurey Xoriyadii aan ka qaadaney Gumeystihii “ayuu yiri Ismaacil Muumin oo ka mid ah Odayaashii u soo joogey Waqtigii Xoriyadda.

“Waxaa Xaqiiqo ah in aan weli ku jirno Gumeysi Dhinaca Maskaxda ah mana garanayo goorta aan ka Xoroobi doono , aad baan ula yaabanahay in dad maanta ku faraxsan yihiin in aan helney Aqoonsi aniga waxaan aaminsanahy in aan weli helin Xoriyadii saxda ahayd waayo waxaa maalin kasta lagu soo Xadgudbaa Dhulkeennii , Baddeennii iyo Cirkeennii waxaana Xoroobi doonaa marka aan la mid noqdo kuwa noo diidan Sinaanshaha dhinaca Ciidamada , Hubka iyo Technology-da Casirga ah , laakiin inta lagaa hortaagan yahay arrimahaasi weli Xor ma tihid , waxaa ku jirnaa Khiyaali iyo nolol u dhaxeysa Geeri iyo Dhmasho”ayey tiri Xaawo oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo intaa Raacisey sidan:

“Waa wax laga Yaqyaqsoodo in maanta la yiraahdo Waa nala Aqoonsadey oo dib naloo Celiyo, Mareykanka Aqoosigiisa waxaa uu la mid yahay waan Socon weyney ee aan Orodno , Xaqiiqdii intii aan ku Jirney Dagaalada Dowlado ayaa marnaba ka bixin Dalka weliba Safaaradahoodii kuwaas oo Soomaaliya la qaybsanayey Dhib iyo Dheef, waxaan ka mid ahaa Safaardahaasi Liibiya, Suudaan iyo kuwa kale oo weliba nala joogey Xilli Xaaladu adag tahay , marka kuwaa baa abaal weyn nagu leh , waxayna Raxawen Tiraahdaa “Abaar Baxaasee ,Ceebaa Dhaafaase “oo ah Abaar waa Baxeysaa laakiin Ceeb bay Dhaaftaa ama ka tagtaa , marka Qofkii kuu soo Gurman waayey Xiliga aad dhibaateysan tahay Aqoonsiga maanta uu ku aqooonsadey waa mid Qosol ku jab ah, marka Soomaalida waxaan leeyahay nin wax ku tari waayey 22-kii Sanno ee la soo dhaafey oo welibana Dagaal kuugu hayey dhinac kasta ah waxba yaan laga sugin , waxayna arrintu la mid tahay”Nin ku Diley Har kuuma jiido”ninkii is lahow Mareykanaa aqoosigiisa ayaa Barwaaqaa la Durduuran doontaa Sakiin Liq”

Guntii iyo Gabagabadii Dadka Soomaaliyeed Wali waa Nool yihiin , Ciidda Madaxa waa ka Ceshedeen , Sidaa Darteed weli dadka Soomaaliyeed ma fahamsana Dhagarta Reer Galbeed ee ay Dejisteen waqti hore ,waxaa Xaqiiqa ah in aan si dhab ah u Xoroobin Xoriyadii aan qaadanayna 1960-kii waxay ahayd mid aan Dhameystirneyn oo Muuqoodii baa naga tagey waayo iyaga keliya ayaan Hub Sameysan kara , iyaga ayaa Adduunka ugu Ilbaxsan , iyaga ayaa Harumar gaari kara marka waxaana leeyahay Dadka Soomaaliyed isku tashada oo iska daaya hadba waxa la idiin Meerinayo ee ay soo Gudbinayaan Warbaahinta Reer Galbeedka Mideenana ay Faafinayaan oo had iyo jeer Jeebka kala soo Baxa wax iyaga Dan ugu jirto.

Haddi ay run sheegayaan waxy dhihi lahaayeen Soomaaliya Waa Dal Madaxbanaan oo Xoriyadiisa Qaatey 1960-kii ee Ereyga Aqoonsiga ee aan Shafka ku soo qaadanay,waxay ahayd in Madaxweynaha uu si aad ah isaga Fiiriyo erey bixinta ,waayo Laba Dal oo kala Saxiixanayo Heshiis ayaa mararka qaar ku kala Booda sida loo dhigayo Erey Bixinta ,waxayna ahayd in la yiraahdo”Soomaaliya iyo Mareykanka oo dib Boorka uga Jafey Xiriirkoodii 22 Sanno ka dib ” ama la yiraahdo Mareykanka oo wax ka Badeley Go’aankiisii hore ee Soomaaliya.

Hadaba Su’aasha isweydiinta Mudan waxay tahay 1960 Miyaan Aqoonsi helney mise 2013-ka .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinKhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " 1960-kii Aqoonsi, 2013 Aqoonsi, Kee Baa Sax ah? "

  1. ahmed says:

    Asc marka hore waxaan u mahadnaqayaa soomaalida oo idil oo fikradooda kala duwan ka dhiibatay si kastaba ha ahaatee anigu waxaan aaminsanahay waxa uu mareykanku uu aqoonsaday in ey aheyn madax dowladeed ama dal ee ay tahay dal gumeysi ku jira iyo dadka gumeysiga u madaxda ah dhabtii waxaa is weydiinmudan somaliya ma xorbaa maanta?yaa dowlada soo doortay ? Iyo yaa dakaas difaacaya? Jawaabtuna waa heleysaan hadaad si cafimaad badan arintaas u gadgadisaan .
    Waxaan qoraalkeyka ku soo xiraya xornimada maaha mid lagu siiyo ama laguu sameeyo ee waa mid aad sameysatid oo aad dareemi kartid qudhaada imisaa naga mid ah oo maanta nabad ku helikara dalkoo idil? Yaa inoo sameyey dowlada kadib tii aan burburiney? Yaa namaamula? Yaa fangareya? Halkee looga taliyaa? Xaduudee bey aminsantahay ?maxey u taqaanaa soomaliya?
    Ja waabtu waa mid soomaali oo idil u taalo iyadoo aan qabill aan laheyn.

  2. Run Sheeg says:

    Waxaan aad u Salaamaya Khoraaga ,Amiin Khasaaro, wax badan aad ayaan ula dhacaa Khoraaladaada sababtoo ah marwalbo waxeey cabiraan xaalada markaas jirto. Waxaan isku dayayaa inaan ra’ayigeygi ku cabiro arinku siduu yahay anoo ixtiraamayo midkaada! Hadii aan ka jawaabo Su’aasha ah Somalia, xiliga eey xuriyada qaadatay waa 1960. Aqoonsiga USA ama Maamulka Obama,Somalia aqoonsadey waa hogaanka Dalka ka jiro uu hogaamiye Muddane Hassan Sheikh Madaxweynaha Dalka Somalia.Waxeey Somalia kusoo jirtay 22sano Dagaalo sokeeye iyo Dowlado ku meel gaar ah oo aan heysanin Aqoonsi buuxa eey Calamka kula macaamil tami karaan..Tusaale Dowladahi ku meel gaarka ahaay shaqadooda waxeey aheed ineey Dalka amnigiisa wax ka qabtaan kana gudbiyaan Dalka xaalada ku meelgaar uu ku jiro! Xaqna uma laheen ineey Hantida qaranka ee dalku leeyahay ineey soo qataan. America hada wax eey aqoonsatay ma ahan calanka Somaliyeed iyo Jiritaanka Dal layiraahdo Somalia ee waa Dowlada cusub iyo maamulkeeda! Dhanka erey bixinta si sax ah ayeey u isticmaashay wax qalad ah iigama muqdaan Sababtoo Wasiirada Arimaha Debida ee America ,waxee dhahday wuxuu si buuxdo america u aqoonsatay dowlada somalia ee ma eeysan dhihin Dalka somali. Halkaas waxaa ka cad in aanan meel looga dhicin calanka iyo jiritaanka Dalka somalia. Alloow Dad Cafimaad qaba iyo Dal Nabad ah .Amiiiiiiiin

  3. QOQAANI says:

    SOMALIA waxaa la aqoonsaday 1960 oo ay ka midqotay qaramadamidowday ama UN hada waxay dawlada marekanka aqoonsatay waa dowlada cusub oo ka dhalatay somalia marka waxay la midtahat labo dowladood oo kala qaatay safaaradhooda oo hadana dib uu soo celiyey ,marka waxaa loo bahanyahay dowlada somaliyeed waa in ay raacdo dastuurka somalia loo suubiyey oo waxba ka badalin hada oo la diyaariyo dasttur cusub oo markan shacabka somalia oo dhan afti looga qaado,

  4. mahad says:

    Qoraa Amiin yuusuf aad ayaad u mahadsantahay waxaad cabirtay waxii maankayga ka guuxayay somalı badan ay jeclaan lahaayeen inay sidaan oo kale u cabiraan, si kastaba waxaa muuqata baraaruga dadkeena ınuu hoos u sıı dhacaayo, waxaase ısıı cara galısay buunbuunınta saxafadda ıyo masuulıyıınta dowladda ay sameynayaan.
    arinka hoos galıs ama ku qanacsanaan ereyga sıdda loo dhıgay.. jawaabtaadda oo kooban Sidda ay dowladdu u dhaqmayso Somalıya 2013 ayay xuroowday oo ay aqoonsı heshay taasina waxay tılmaamaysa inay hoos u dhıgto rajadıı laga qabay horumar ıyo Somaliya oo cagaheeda ku ıstaagta.

  5. haa waxaan ka halmaamay wallaalkeey amiin inaan ugu daro amiin xagee jirtay22sano ee la soo dhaafay?miyaadan la socon in ceeb noo dhiman iyo sharaf in uusan jirin miyaadan ogeeyn in aaan gun noqonayoo aadan asaagaa is gees istaajin karin maaha in uu jiro nin iskala keey weeyn laakiin miyaad halmaantay in uu magacii soomali noqday qaxoori gaajo iyo abaar dagaal iyo qax iyo in ay iscunaan sidii yaahidi miyaad halmaantay in 40,000 caruur soomaaliyeed ah ay bil walba u dhimayeen gaajo ay sabatay abaar iyoi degaal aan anagu siugu wacanahay miyuu hadl noo banan yahay rag caruurtoodii quudin waaye dumarkoodina ka celin waaye yaahida iyo yeeyda oo noqdeen gabdhaeeni kuwa meel walba rafaad ka dhargay,miyaadan la socon in liibiya kaliya lagu heeysto 1000 gabdhood ka badan oo si la doono laga yeelo oo ay marna dhahaan carabtu orod reer kiina wac hasoo direen lacag madax furasho ah marna la xoogo miyaadan la socon in dhalintii soomaliyed gabar iyo wiilba maalin walba la degaan doomaha ay naf lacaariga ku yihiin uwan xabsi walba ku jiraan ayagoo la leeyahay waa burcad badeed kuwan isga xiran yihii africada dhexe ilaa iyo carbaha waa wadan la,aan 10neeyo sano marka ma mareeykan baad gees istaagi kartaa ah odagii dunidan ,waan la dagaalanay oo wa run laakiin xitaa carab ayadoon ka haysan ogalaansho maku siin karto hal kumi wa furihii dunidan waa milkilaha leh shirkadaha dunida ugu waaweey ilaah baa weeyne waa kan maraakiibtuusu ka kacdo 100 f16 isku mar dayax gacmeedkana dira nasa maalin walba marka african gaajeeysen oo is cunaya oo xitaa quutul yoonki u gooyey ma gob baa mise gun.?
    Amaa bacda ma jiro qof iga soomaali jecel iyo nin ninnimadiisa iskula weeyn aan cidna hoos u fiirin ahna ehlu diin aaminsan alle iyo awoodiisa laakiin siyaasadu waa arin kale waa dantii yaqaan in aad noqotaa si aad u soo ceshata sharaftaadi iyo karaamadaadi dowladnimo iyo dadnimo adoo dhulka hurda mala dagaali kartaa nin taagan soo ma aha marka hore in aad soo fadhiisato oo kadibna istaagtid markaa baa faca iska celin kartaa marka wallalayal caqliga ha shaqeeyo oo hala taageero dowladeena iyo midnimadeena ka dib baan mareeykan iyo gaalo sanka ka gali karnaa laakiin maanta may aan istagno marka hore

  6. s/c bacdu sallan waxaan rabaa sida aan anigau fahmay in aan dadka u kala cadeeyo aqoonsiga dowlada iyo aqoonsiga soomaalidal ahan.1960 waxaa loo aqoonsaday dalka soomaaliya dal xor ah kana mid noqday jimciyada qaramada midoobay ilaa maantana ka ah lid.laakiin marka la leeyahay mareeykanka ayaa aqoonsaday dowlada somaliya micnaheedu waa in uu mareeykanku u aqoonsaday dowlada in ay tahay dowlad sax ah oo aan aheeyn kumeel gaarna aheeyn oo matasha dalka iyo dadkiisaba kana masuul ah oo uuna kala xisabtmayo arimaha quseeya soomaaliya.marka waa midaa tan ah maadaam ay dowlad aduunka la macaamisha oo wadanka ka talisa ay u danbeeysay dowladii dhexe ee madaweeyne jaale siyaad AUN ee dhacday 1991 dii.marka waxaa war fiican ay u aragtay umada soomaaliyeed in aan m,aanta ilaa 21kii sano ee u danbeeysay helnay dowlad dalka iyo dadka matasha noona horseedi karta horumar maadaama ay soo dhacsan karto karaamadii dolwladnimo sida soo celinta hantidii qaran ee ku xayiran nmeela bada sida bangiga aduunka iyo tan maguurtada ahba iyadoo gali karta heshiisyo caalami ah deeynsan karto lacago ay dalka dib ugu dhisto ama ku abuuro ilahii wax soo saarka iyadoo hada dagaal ugu jirto kuna guulaysanaysa maadaama ay hada heshay aqoonsi dib u dhiskii ciidankla qalabka sida ee somaliyed. marka miyuu aheeyn arinkaa mid lagu farxo aniga hadaan iska hadlo subaxii qosol ayaan ku soo kacaa iyo farxad aan igu jirin 21kii sano ee la soo dhaafay..

  7. Cabdalla says:

    Anigoo ra’yiga qoraaga ixitiraamaya ayaan rabaa inaaan dhowr arrimood ka idhaahdo.

    1. Jawaabtaa su’aashaada: Xornimada waxaan qaadanay 1960.
    2. Aqoonsigaan cusub ee Mareekanku waa aqoonsi DAWLADDA (maamulka) Soomaaliya; laakiin DALKA Soomaaliya waa hore ayuu aqoosaday Mareekanku. Taasi macnaheedu waxa weeye: Mareekanku wuxuu hadda aqoonsaday in dawladda uu Xassan Sheekh uu madaxda ka yahay inay tahay qolada kaliyaata ee matasha ummada Soomaaliyeed, dawladda Mareekankuna ay la macaamili doonto si rasmi ah.
    3. Aqoonsigaan haku khaldin midka kale ee yimaada marka madaxbanaanida la qaato. Labadu way kala duwan yihiin. Aqoosigii 1960 wuxuu ahaa aqoosi ummada soomaaliyeed jiritaankeeda iyo dalkeeda. Laakiin kan cusubi waa aqoonsi hoggaangii ummaddaas. Taas waxaa ka dhalanaysa waxyaabo badan oo muhiim ah. Sida baasaboorka Soomaaliya oo ay dawaladda Mareekanku si rasmi ah u aqoonsado.
    4. Markaa, eray bixinta “AQOONSI” waa mid ku habboon meesha.

  8. Aniga waxaan dhihi lahaa aniga oo hadalka soo koobayaa waxaa fiican in wax kasta laga fiirsado gaar ahaan marka ay noqoto erey bixin iyo wixii la mid ah sida walaalkeen sheegay, hase yeeshee, aniga waxaa ila haboon in laka saaro dalka soomaaliya baa la aqoonsaday iyo dowladda/xukuumadda Soomaaliya baa la aqoonsaday. Maxaa yeelay dal aqoonsi waa mar qura iyo sidii lixdankii na loo aqoonsaday…sida qoraagu sheegay soomaalidu waa dad aan waxba hubsan!!

  9. kalkaal says:

    waa su’aal dad badani is weydiinayeed; laakiin waxaa haddana dadkii su’aasha isweydiiyey isku qancinayeen; malaha aqoonsiga ayaa kala ah:

    1- Aqoonsi heer Waddan iyo jiritaankiisa; tusaale, Soomaaliya, Suudaan.
    2- Aqoonsi heer Dowlad waqti cayiman Wadan ka arrimisa amaba dhowaan laga unkay.

    sidaas daraadeed, waxaan u arkaa quddeydu in uun ey ku xirantahay cidda ku dhawaaqeysa ama faafineysa ereyga iyo waxa ey ka aaminsantahay qaddiyadaan, ereygu waa jiidmi kara dhan walba(micno ahaan).

  10. dr.hassan says:

    waa ilaah mahdi,haddii ay jiraan dad wixii sir ah iyo wixii faa,ido iyo khasaare kal garta.laakiin waxaan oran lahaa dadaalaa gaara.caano daato waa la dab qabtaa.waxkasta waa la saxi karaa haddii la helo.dad wax garad ah daacad ah oo welina aad u tiri badan,haddii kale carruurta hadda soo dhalata ha la abaro wadaniyada si reer galbeed qorshaheeda fog wax looga qabto….