Home » Maqaallo »

Ha U Soo Banaanbixin Dowlad-goboleedyo Dibeda Laga Maamulayo

 

Gobolada dalka waxaa laga dareemaya ineysan ku xirneyn dowlada dhexe, taas oo loo macneysan karo in dalku uu yahay dowlad la’aan. Waxaa gobolada dalka ka curtay maamul-goboleedyo ku xiran dowladaha wadamada deriska oo ay u muuqato in dalalkaas laga maamulo. Maamulada degaankaas waxay la kufaan oo la kacaan siyaasadaha wadamada deriska, wuxuuna maamul walba qiil ka dhigtay cudurdaar beeleed ama madaxbanaani dhalanteeda si uu uga xarigfurto dowlada dhexe. Waxaan shaki lahayn in danta gaarka ah ee loo curiyey maamul-goboleedyadaas aysan ahayn mid adeeg wanaagsan loogu sameynayo dadka degaanka, laakiin ay salka ku hayso nidaam qowleysatanimo oo madaxda degaanka oo taageero ka heysta tolweynahooda ay doonayaan daqliga ka soo gala canshuurta degaanka iyo deeqahaba iney u maamushaan si kudhisan kelitalisnimo u gaara koox-beleedkooda ugu tunkaweyn degaanka.

Siyaasada degaanka waxaa raadraac u ah lacagta soo gasha meesha ay ku baxeyso, khayraadkaas lacageed oo madaxyaweyntu ay sidey doonaan u maamulanayaan waxey ku tahay awooda dowlada dhexe xijaab adag oo ku dadban mariinka loo marayo dib ugu soocelinta maamuld-goboleedyada gacanta dowlada Soomaalida. Madaxda goboladu waxey helayaan lacag ay sidey rabaan u maamushaan, waxeyna ka soo horjeedaan in degaanka ay la maamusho dowlada dhexe oo u qorsheysa awooda ay lahaan karaan iyo dabagal ku saleysan xisaabtan oo kala dhexeeya dowlada dhexe. Qaarkood waxey doorbidayaan iney ku sii jiraan hantida ay cidlada ku haystaan, waxeyna jeclaan lahayeen iney ku sii jiraan xukunka Nairobi iyo Addis Sababa inta ay hoos imaan lahayeen Muqdisho.

Ciidamada wadamada deriska ka jooga Soomaaliya uma joogaan xasilinta nabadgelyada Soomaaliya, laakiin waxey ilaashanayaan dhowrista maamul-beeleedyada ay ka curiyeen degaanada deriska la ah. Soomalidu beel ahaan wax badan iskuma diidana, diin ahaana sidoo kale wax isguma diidana, laakiin maamul shisheeye kaashanaya ayaa sida badan dhaliya tuhumo ka dhana Soomaalinimada. Gobolada dalka intooda badan waxay gacanta ugu jiraan hogaamiyeyaal beeleed, waxeyna cudud ahaan adeegsanayaan ciidan beeleed, laakiin in badan oo ka mida maleeshiyaadka beelaha waxey dhinac raaceen dowlada Soomaaliyeed oo qorsheyneysa iney dib u tababarto si ay u noqdaan ciidan heer qarana.

Dowlada dhexe waxey ka soo horjeeda in wadamada deriska ay la maamulaan gobolada dalka oo weliba ay abuuraan madax ku fogaatey gacan ku haynta gobolo isku diyaarinaya iney ka baxaan dowladnimada Soomaaliyeed. Qorshaha ay dowlada dhexe ku soo ceshaneyso ka qeybqaadashada maamul u sameynta gobolada dalka waa mid ay ku jirto mugdi oo aysan cadeyn qaabka loo marayo meelmarinteeda. Hubaal ma ahan in xoog ciidan loo kaashanayo in maamulka dowlada la gaarsiiyo dhamaan gobolada dalka, mana sugna xeelad cilmiyeysan oo hogaanka qowleysatayaasha lagu dhalanrogayo. Waxa intaas ka soo hara waa baryo lagu beerlaxawsado qowleysatada iyo deriska ay gacansaarka wada leeyihiin, taana waxey wax ka hirgeli karaan dowlada oo isu dhiibta danaha guracan ee deriska..

Dowlada dhexe waxaa la gudboon marka hore iney madaxtooyada ka dhigto aqal Soomaalida looga wada taliyo oo halkaas ay ka hirgasho qawaniinta dowladnimada Soomaaliyeed. Waxaa lagama maarmaana in ciidan qaran uu ka howlgalo madaxtooyada, waxaa sidoo kale lama huraana in albaabada madaxtooyada loo furo siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa siyaasadoodu dhexdhexaadka ka tahay tan dowlada. Haddii madaxtooyada ilaaladeeda ay yihiin kuwa ku dhisan beel, ama ay noqoto madaxtooyada rug ganacsi ama naadi koox-diimeed, waxaa qiil badan degaanadooda ka helaya qowleysatada aan daneyneyn dowladnimo Soomaaliyeed.

Gobolada ay ka taliyaan qowleysatada waxaa loo baahan yahay in laga abuuro fac maskaxdoodu ka xoroodey ku tiirsanaanta shisheeyaha iyo si xun u adeegsiga dakhliga degaanka. Dowlada waa iney dhiirogelisa jiilkaas ku xiran Soomaalinimada iyada oo aan laga tageyn danaha degaanka oo ku saleysan ismaamul ay dadku u madaxbanaan yihiin iney soo doortaan madaxdooda. Waxaa intaas wehlisa in dowlada ay haqiijiso in xiriirka wadamada aduunka aysan ku barbar cararin maamulada ka tirsan gobolada dalka oo deeqda dhaqaalaha horumarinta gobolada ay soo maraan dowlada dhexe si dowlada ay fursad ugu hesho la xisaabtamida madaxda gobolada, dadka degaankana ay u helaan fursad ay ku soo doortaan dadkooda wanaagsan.

Dad badan oo aaminsan in wadamada deriska la ah Soomaaliya ay beeshooda ku taageerayaan hanashada maamul-goboleedyo iyaga si gaara awood u siinaya ayaan garwaaqsaneyn hagardaamada ay wataan derisku. Waxa ka dhacaya Kenya waa in Soomaalidu ku waayoaragnimo qaadato, danta gaarka u ah wadamada deriska waa mid ka fog soo kala dhaweysiga Soomaalida, mana kala jecla kuwa ay soo dhaweysanayaan iyo kuwa ay iska fogeynayaan, markasta dantooda cida kala shaqeyneysa ayey si kumeelgaara ugu daneysanayaan. Waxaa wadanka soo maray jabhado badan iyo madax badan oo siyaasad ahaan ku tiirsanaa u qidmeynta danaha wadamada deriska, kuwaas oo ka soo kala jeedey beelaha Soomaaliyeed dhamaantood. Taariikhda Soomaaliya ma soo marin madaxweyneyaal danaha wadamada deriska uga dhega nuglaa madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Madaxweyne Sheekkh Sharif, labadooduna abaalkoodu wuxuu dhaxal siiyey iyago ka fara maran saaxiibtinimada deriska iney cidlo aan hiil lahayn uga baxeen madaxtinimada Soomaaliya. Hadeerna waxaa yimid kuwo doonaya maamul-goboleedyo cusub oo si xamaasadeysan ugu hamuun qaba u qidmeynta Kenya iyaga oo aan ka danqaneyn gaboodfalka ay Kenya kula dhaqmeyso Soomaalida ku nool dhulka Soomaaliyeed oo ay kenya haysato iyo kuwa ku soo qaxay Kenya. Madaxda Kenya waxey xalaaleysay ka ganacsiga dadka Soomaaliyeed oo beeca ka hor qofka Soomaaliyeed la marsiinayo ciqaab jirkiisa lagu waxyeelayo, kadibna uu naftiisa ku furanayo hanti ama uu ku baxsanayo calaacalka ay u sameeyaan wakiilada Soomaalida ee ka tirsan dowlada Kenya. Isku haleys ma leh siyaasadaha deriska oo dantooda keliya iney meelmarto mooyaane aysan u muuqan qiimeynta dadnimada Soomaalida iyo danaha madaxbanaanidooda. Haddii kenya ay ka jirto xoolo ka furashada Soomaalida, Itoobiyana ay Soomaalida xoog ciidan kula dhaqmeyso, labadooduna ay isaga mid yihiin iskaashiga ay uga mideysan yihiin in Soomaaliya aysan ka bixin xerada ay ku ood-gooyeen, miyeysan habooneyn in Soomaalidu ay danaheeda u tashato. Waayoaragnimadii aan ka dhaxalnay siyaasadihii u muuqdey garabsiinta ee wadamada deriska waxey na tuseysa tilmaan u eg qosolka dhurwaaga oo aan rumeysanay daacadnimada dhagar la’aantiisa. Danaha Soomaalida waxey dhab ahaan ku jirtaa ineysan shisheeye isku kaashan oo ay ka tanaasulaan xooga ay xeelad ahaan isugu adeegsanayaan. Ma jirto Soomaalida walaaltinimo wax uga wanaagsan oo ay wax ku wadeegi karto. Dadku ha ku waano qaato wixii u dambeeyey kuwii danaha deriska daacadnimada ugu adeegi jirey.

 

Dr. Saciid Ciise Maxamud

Xisbiga Dadka Soomaaliyeed

saciidciise258@aol.com

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.