Home » Warar »

Ra’iisal Wasaaraha Oo Boqolaal Dadweyne ah kala qeyb galay Banaanbax Lagu taageerayo go’aankii Dowladda Mareykanka

Isniin, January 21, 2013——-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta boqolaal dadweyne ah kala qeybgalay Banaanbax ballaaran oo ay ku taageerayeen go’aankii Dowladda Mareykanka ay ku aqoonsatay Dowlad-nimada Soomaaliyeed oo ay kala noqotay kadib burburkii Dowladdii Soomaaliyeed 1991, wuxuuna Banaanbaxani ka dhacay Beerta Nabadda oo dhowaan laga dhisay nawaaxiga Isgoyska Ceel-gaab ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne aad u fara badan kuwaas oo ka kala yimid dhamaan degmooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo dadkuna ay wateen boorar iyo sawiro ka tarjumaya soo dhoweynta go’aankii dowladda Mareykanka ay dib ugu aqoonsatay dowladda Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo khudbada xamaasad leh ka jeediyay Banaanbaxan ayaa u mahadceliyay dadweynihii isugu soo baxay maanta goobta si ay u muujiyaan shucuurta faraxada leh oo muujinaysa sida dadka Soomaaliyeed ay faraxsanyihiin go’aankan Taariikhiga ah ee Dawladda Maraykanka ay gaartay. xilli ay jirto cadceed aad u kulul.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in isaga oo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed uu soo dhoweynayo go’aankii Dowladda Mareykanka ee ay dib ugu aqoonsatay Dowladnimada Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa inaan munaasabadan si gaar ah ugu xuso, aqoonsiga ay dowladda Mareykanku siisay dowladda Soomaaliyeed 22 sano kadib, Mareykanka iyo dadkeedaba waan uga mahad naqeynaa talaabadan ay ku garab istaagtay dowladnimada Soomaaliya, waxayna timid waqti xasaasi ah oo aanu u baahneyn, waana saaxiibo na garab istaagay, caalamka kalena gaarsiiya dadaalkeena ayaanu leenahay” ayuu yiri R.wasaare Saacid oo xusay in go’aankani uu ku yimid Dhiiranaan, Wadajir iyo Midnimada ay muujiyeen dowladda qeybaheeda kala duwan sida Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Madaxtooyada.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in talaabadani ay ku timid qiimeyn baaxadleh oo ay dowladda Mareykanku ku sameysay horumarka siyaasadeed iyo isku duubnida dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaanu sameysanay muddo gaaban gudaheeda, Dastuur, Baarlamaan kooban, iyo isbedel ay ku yimaadeen Baalamaan iyo Hogaankiisa, Madaxweyne, iyo Ra’iisal Wasaare, dhamaan talaabooyinkaasina waxay muujiyeen in Soomaalida ay ka go’antahay inay horay u socdaan” ayuu yiri R.wasaare “Saacid”.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada ayaa ka hadlay ololaha nadaafada ee gobolada dalka, arinkaas oo ay go’amiyeen golaha Wasiiradda waxayna bilaaban doontaa 27 illaa 31-ka bishan Janaayo, wuxuuna u ballan qaaday degmooyinka gobolka Banaadir degmadii ku guuleysata kaalinta kowaad in lagu abaalmarin doono lacag dhan 15 kun oo Dollar, degmadii labaad gashana lagu abaal marin doono 10-kun oo Dollar, halka midii kaalinta saddexaad gashana lagu abaal marin doono 5 kun oo Dollar.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey, Maamulka gobolka Banaadir oo soo qaban qaabiyey isu soo baxaan, Fanaaniinta, Wariyayaasha, Barbaarta Gaashaaman, Ciidanka Baambayda iyo Ciidamada kala duwan ee sugayey Amniga.

—–DHAMAAD—-

Garad Salad Hersi
Press Officer
Mob.+252615536608
Mogadishu, Somalia


Maamulka Pundland oo si weyn u soo Dhaweysey Aqoonsiga Dowlada Federaalka ka heshey Mareykanka

Iyadoo dhawaan Dawladda Maraykanku ay aqoonsatay Daw;ladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeeyay waxaa arrintaas ka hadlay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. War saxaafadeed ka soo baxay mmamulkaas ayaa lagu sheegay in maamulka Puntland uu si weyn ugu faraxsan yahay isla markaana uu soo dhaweynayo Aqoonsiga Xukuumadda Maraykanku ay aqoonsatay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Maamulka Puntland weligiisaba uu ka shaqayn jiray sidii dawladda Federaalka Soomaaliya ay u heli lahayd aqoonsi Beesha Caalamka ay siiso taasoo ay war saxaafadeedka ay ku sheegeen in Pontland muddo ay arrimahaas ka shaqaynayasey,War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale farta ku fiiqay in Puntland ay sii wadi doonto ka shaqaynta wanaajinta Xiriirka Caalamka iyo Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa noqonaya maamul Goboleedkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay oo muujiya sida ay u soo dhaweynayaan aqoonsiga Todobaadkan Maraykanku u fidiyay dawladda Soomaaliya.halka Maamulka Soomaaliland oo aad uga walwaley Aqoonsigaasi

Ugu dambayntii ayaa war saxaafadeedkaas waxa lagu muujiyay sida maamulka Pundland u danaynayo in Beesha Caalamku Xiriir toos ah la yeelato Dawladda Cusub ee Federaalka Soomaalaiya. Hase yeeshee dadaka soomaaliyeed qaarkood ayaa si weyn ula yaabey Aqoonsiga Dowlada Mareykanka, iyagoo sheegey in Soomaaliya la Aqoonsadey Sannadkii 1960-kii , hase yeeshee waxaa la yaab leh hadda la yiraahdo Soomaliya ayaan Aooonsaney sidii Dowlad hadda Xoriyad qaadatey.

“ Waa ayaandaro in maanta la yiraahdo Soomaaliya ayaa la aqoonsadey taana waxaa ka Mas’uul Madaxda Dowladda iyo Saxaafadda oo dal Xor ay yiraahdaan waa la aqoonsadey waxaana Habooneyd in la yiraahdo waxaa mar kale Dib Boorka looga jafey Xiriirki Soomaaliya iyo Mareykanka oo muddo 22 Sanno maqnaa “ayuu yiri Aqoonyanahan Soomaaliyeed oo si weyn uga gilgishey in maanta la yiraahdo Soomaaliya ayaa la aqoonsadey.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinKhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.