Home » Warar »

Golaha Wasiiradda ayaa isku raacay inaysan aqoonsanayn dhamaan dhulka dowladda ee la iibsaday, la bixiyey, lana kireeyey wixii ka danbeeyey 1990

Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirada Dawladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in DFS aysan aqoonsayn gebi ahaanba dhulkii dawladda ee la iibsadey,  la bixiyey ama la kireeyey laga soo bilaabo 1990.

Warsaxaafadeed ayaa si qayxan u sheegay “golaha Wasiiradda ayaa isku raacay inaysan aqoonsanayn dhamaan dhulka dowladda ee la iibsaday, la bixiyey, lana kireeyey wixii ka danbeeyey 1990.”

Warsaxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in arriintaas ay “xukuumaddu u xilsaartay guddi ku sameeya baaritaan dhulka iyo hantida dowladda, wuxuuna gudigaas ka kooban yahay shan wasaaradood oo kala ah, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Garsoorka, Wasaaradda Maaliyadda,iyo Wasaaradda Gaadiidka, waxaana hurmuud u noqonaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha.”

Warsaxaafadeedka oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan:

Shirkii Golaha Wasiirada.

Muqdisho, Isniin, 21, Jan, 2013….Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, waxaana shirka looga hadlay qoddobo dhowr ah oo ay ugu horeysay qorshaha dib-u-xasilinta dalka, Dhismaha maamulada gobolada iyo dagmooyinka, dhulka iyo hantida Dowladda ee lahaysto.

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Cabdulaahi Abyan Nuur oo saxaafada la hadlay markii uu soo idlaaday kulanka ayaa ka warbixiyey.

Golaha ayaa ka dooday sidii loo dar-dar galin lahaa qorshaha nabad galyada iyo dib-u-xasilinta dalka, kaas oo soo bilowday xiligii lagu jiray KMG. Waxaana lagu wargaliyey Wasaarad kasta in ay soo magacowdo guddi u matala ka tala bixinta iyo dhamaystirka qorshaha ballaaran ee lagu xasilinayo dalka.

Sidoo kale golaha ayaa isla soo qaaday sidii loogu samayn lahaa maamulo gobolada iyo dagmooyinka laga xoreeyey Alshabaab. Waxaana howshaas loo xilsaaray Wasaaradda Arrimha Gudaha inay maamul ku meel gaar ah u sameyso Gobolada iyo Dagmooyinkaas, wuxuuna goluhu dib u dhigay hindisa ay soo gudbisay Wasaarada Arimaha Gudaha oo ka hadlaya qaabka ugu wanaagsan ee loo dhisi karo maamulada Gobolada iyo Dagmooyinka, iyadoo guluhu isku raacay in khamiista soo socota cod loo qaado sharcigaas.

Ugu danbayntii golaha Wasiiradda ayaa isku raacay inaysan aqoonsanayn dhamaan dhulka dowladda ee la iibsaday, la bixiyey, lana kireeyey wixii ka danbeeyey 1990, waxaana xukuumaddu u xilsaartay guddi ku sameeya baaritaan dhulka iyo hantida dowladda, wuxuuna gudigaas ka kooban yahay shan wasaaradood oo kala ah, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasaaradda Howlaha Guud, Wasaaradda Garsoorka, Wasaaradda Maaliyadda,iyo Wasaaradda Gaadiidka, waxaana hurmuud u noqonaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

—-DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Golaha Wasiiradda ayaa isku raacay inaysan aqoonsanayn dhamaan dhulka dowladda ee la iibsaday, la bixiyey, lana kireeyey wixii ka danbeeyey 1990 "

  1. Igo says:

    waa talaabo muujinaysa inay golaha wasiiraddu ka go’antahay yag-leelida markale soomaali qab leh milgo leh cirkana ku gannan.! malahaygee waxaay hilmaameen inay dar-dar galiyaan bud-dhige iyo dabadhoona u noqdanan inta balan-bashay ee hantidooda looga heysto xamar mudada ka badan 22’ka gu’.

    Marka caddaaladu leedahay ilko ay wax ku gooyso waxaa afbeela caddaalad darada!

  2. si wanagsan weeye go’aanka Golaha sare ee Wasiradda,waxbase kamaqan,waxay yirhden dhulka ama hantida dawladda somaliyed 1990 waxii kannbeyey oo labixiyey ama lagatay waxaba kama jiran,hase yeshe waxan garan wayey hantida shicibka somaliyed oo xooga iyo bobka lagu haysto maxay kayirahaden? mise sharci kale iyo fadhi danbe ayaa laga hadi dona?

  3. waa sax in aan la aqoonsan dhamaan dhulkii qaranka lahaa ee la iibsaday ama aay bixiyeen maamulo aan sharci u laheyn waa in golaha wasiirada ka dhabeeyaan arrintaas

  4. Cabdiqaadir says:

    MARKA HORE WAXAAN UMADA SOOMALIYEED KU BOORINAYAA INAY TAAGEERAAN DAWLADA FEDERALKA SOMALIYA UUNA HOGAAMINAYO MADAXWEYNAHA, RASUL WASAARAHA, GOLIHIISA WASIIRADDA IYO DHAMMAANBA CIDII KU HOWLAN TAAGISTA DAWLADA.
    WAXAAN UMADA SOOMAALIYEED FARAYAA INAY BANEEYAAN DHULKII DAWLADA SI LOOGU SHAQEEYO.
    WAXAAN MADAXDA WASIIRADDA KA CODSANAYAA IN AANAY KA AQBALIN IN HANTIDA DAWLADA LOO XALAALEEYO QOF SHACAB AH,
    IN AAN LA AQBALIN AMA LA AQOONSAN DHUL LA BIXIYEY AMA LA KIRAYSTAY OO U GACANGALAY SHACABKA MUQDISHO, AMA 18 GOBOL EE SOMAALIYA KA KOOBANTAHAY
    UGU DAMAYTII WAXA CID WALIBA OO GACANTA KU HAYSA AMA DEGEN UGU BAAQAYAA INAY KA GUURAAN AYNA GACANTA U GELIYAAN DAWLADA MAANTA KA TALISA DHUL.