Home » Warar »

Ra’iisal Wasaaraha oo maanta booqday qeybo ka mid ah Muqidsho iyo Gobolka Sh/hoose

Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaminayo ayaa maanta booqashooyin ku kala bixiyay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose, Idaacadda Shabeelle, Garoonka Aadan Cadde iyo Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha waxaa booqashadiisan ku weheliyay, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Mudane Cabdishakuur Cali Mire, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Shariif Sheekhuna Maye, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Axmed Macalin Fiqi iyo Saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ugu horeyntii Wefdiga ayaa booqashadooda ka bilaabay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose halkaasoo ay kula kulmeen Odayaasha degmada, waxgaradka, mas’uuliyiinta gobolka Sh/hoose iyo kan degmada Afgooye, Iyagoona ku qaabilay beerta Sheekh Zaa’id ee degmadaasi.

Odayaasha iyo waxgaradkii la kulmay Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka codsaday in maamulka gobalka iyo kan degmada uu noqdo mid ay soo doorteen dadka deegaanka, isla markaana ay raali ka yihiin.

R.Wasaare Saacid ayaa odayaasha iyo waxgaradka u balan qaaday in maamul kasta ee dalka uu noqdo mid ay soo doortaan dadka deegaan islamarkaana ay raalli ka yihiin.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqday xarunta Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho, Isagoo la kulmay maamulka iyo shaqaalaha Idaacada isaga oo uga tacsiyadeeyay geeridii wariye Cabdi Xareed ee maalintii Jimcaha lagu dilay magaalada Muqdisho, wuxuuna khadka telefoonka kula xiriiray Ra’iisul Wasaaruhu eheladii Weriyaha geeriyooday.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa sheegay in aan loo dulqaadaneyn in degmada Dharkinley ay noqoto mid lagu ugaarsado Wariyayaasha arrintaasna ay si adag u baari doonaan Hay’addaha Amniga, wuxuuna rajo ka muujiyay in gacanta lagu soo dhigo dhagar qabayaashii dilka u geystay Marxuum Xareed iyo kuwii ka horeeyeyba.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sidoo kale booqday Garoonka Aadan-cadde, isagoo kormeeray xafiiska garoonka diyaaradaha iyo sida ay u shaqeeyaan. Wuxuuna socdaalkiisa maanta ku soo gaba-gabeeyay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah Hoteelada ugu Caalamisan ee magaalada laga hirgeliyay.

–Dhamaad–

Garad Salad Hersi
Press Officer
Mob.+25261-5536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.