Home » Warar »

Taliyaha Ciidamada Uganda oo Sheegey in Xiligaan loo baahan yahay in Ciidamada AMISOM la Kordhiyo

Taliyaha Ciidamada Lugta ee Dalka Ugandha oo iminka booqasho ku jooga Dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Xaaladda ammaanka ee Magaalada Muqdisho iyo Is Bedelada laga dareemayo.Taliyaha oo Magaalada Muqdisho kula kulmay Saraakiisha Sare ee Amisom ayaa sheegay in Xiligii dhawaan loo kordhiyay Ciidamada amisom inuusan ahayn mid ku filan isla markaana aan lagu soo af jari Karin hawl galada ay Ciidamada ka wadaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Taliyaha ayaa ka war bixiyay Is bedelada ay sameeyeen Ciidamada Amisom ee ka hawl gala gudaha Soomaaliya isagoona Tusaale u soo qaatay Magaalooyinkii dhowrka ahaa ee Ciidamada amisom ay ka saareen Dagaalyahanadii Xarakada Shabaabka ee halkaa hore ugu sugnaa.

Taliyaha ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday is bedelka ka muuqda Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee Magaalada Muqdisho oo uu sheegay in Maalin walba ay ka Duulaan ama ay ka soo degaan Afartameeyo Duulimaad halka Dekadda caalamigana uu sheegay in ay yimaadaan illaa shan iyo Toban Markab.

Arrimahaas oo dhan ayuu Taliyuhu sheegay in ay ka dambeeyeen ama ay ku yimaadeen dadaalka dheeraadka ah ee Amisom ay wax kaga qabatay ammaanka Magaalada Muqdisho.Generaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in xiligan loo baahan yahay in la sii ballaariyo Hawl galka Amisom isla markaana Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ogolaado in Ciidamo dheeraad ah la keeno.

Taliyahan ayaa sheegay in Dalkiisa Ciidamada ugu badanAmisom Boliis iyo Milateriba in ay dalka ka joogaan isagoona ballan qaaday in Ciidamo kale oo dheeraad ah ay keenayaan Soomaaliya. Hadalkan Taliyaha oo uu daabacay Wargayska New Vision ayaa waxa kaloo laga sheegay in Xilliga ay joogayaan Soomaaliya Ciidamada Amisom uu ka dhamaanayo Bisha Maarso ee soo Socota isagoona weydiistay in xiliga la sii kor dhiyo maadaama Soomaaliya ay iminka tahay mid aan isku fileyn.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.