Home » Faallo »

Oodo dhacameed siday u kala korreeyaan baa loo qaadaa: Qaybta 3aad

Baabkan iska-hor-imaadku aad ayuu u ballaadhan yahay. Gaar ahaan xilliyadan iyo meelahan imika la joogo ee ay hoos u dhaceen raadadkii iyo khilaafadii nebinimadu, aad ayey ugu badan yihiin masalooyinkan iska hor imaanayaa. Markasta oo raadadkii iyo khilaafadii nebinimadu hoos usii dhacaanna masalooyinkan oo kale way sii kordhaan, jiritaankooduna waxa uu ka mid yahay sababaha fitnada umadda ka dhex abuura. Maxaa yeelay, marka wanaaggii ku dhex qasmo xumaantii waxaa imanaysa in ay isu ekaadaan isna raacaan. Markaas ayaa dadka qaar inta ay wanaagga fiiriyaan ay dhankaas xoogga saaraan, xitaa haddii ay ka dhalanayso xumaan weyni. Dadka qaarna waxa ay fiiriyaan xumaanta oo ay xoogga saaraan, haba ka tagaan wanaag badan’e. Qaybta dhexdhexaadka ah ee labada dhinacba fiirinayana waxaa dhici karta in aysan intooda badan u kala cadaanin qadarka faa’iidada iyo dhibta labada dhinac ba ku jirta, ama ba way u caddahay’e waxa aysan helaynin cid ku kaalmaysa samaynta wanaagga iyo ka tegidda xumaanta. Sababtuna waxa ay tahay hawadii nafta iyo ra’yigii oo is raacay. Sidaas awgeed ayaa waxaa xadiis ku yimid:

{إنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْبَصَرَ النَّافِذَ عِنْدَ وُرُودِ الشُّبُهَاتِ وَيُحِبُّ الْعَقْلَ الْكَامِلَ عِنْدَ حُلُولِ الشَّهَوَاتِ}

“Alle waxa uu jecelyahay fiirada dheer marka shubuhaat yimaaddaan, wuxuuna jecelyahay caqliga dhamayska-tiran marka shahawaat meesha soo galaan.”

***

“Waraabaha ku ruugaaya iyo, aar ku raamsanaya

Sidday kuugu kala roon yihiin, maad u kala reebtid

Ninkii rodolna miisaama ee, kiilo raajiciya

Ee raasamaalkuu helaa, rubuc ka hooseeyo

Xisaabtaa inuu dib u rogrogo, sow ra’yigu ma aha”[1]

***

Caalimka waxaa laga rabaa in uu u fiirsado oo dhuuxo masalooyinkan noocyadooda kala duwan. Waxaana laga yaabaa, sida aan hore usoo caddeeyey, in masalooyinka qaarkood ay waajib tahay in laga aamuso fariddooda iyo reebiddooda, taasna ugama jeedno in la xalaalaynayo ama la ridayo xukunkii masalada. Tusaale ahaan, haddii wanaag uu farayo ay ka dhalanayso macsiyo ka weyni, waxaa laga rabaa in uusan wanaaggaas farin si macsiyadaasi aysan u dhicin. Arrinkan waxaan ku tusaalayn karnaa: qof dembi galay haddii aad u geyso taliye daalin ah oo ciqaabta qofkaas inta uu ku talaxtago ay meeshii ka timaado dhibaato ka weyn dembigii qofkaasi galay.

Sidaas oo kale, haddii reebidda uu caalimku dadka xumaanta (munkaraat) ka reebayo ay keenayso in laga tago wanaag (macruuf) ka faa’iido badan xumaantaas ka tegiddeeda, waa in uu ka aamuso reebiddii (nahyintii), ayada oo laga cabsi qabo in xumaantaas reebitaankeedu uu sababo in laga tago wax Alle iyo Rasuulkiisu amreen oo ka weyn xumaantaas ka tegitaankeeda.

Caalimku mar wax buu dadka farayaa- sida wanaag cad ama aad u xoog badan-, marna wax buu ka reebayaa- sida fasaad cad ama aad u xoog badan -, marna wax buu bannaynayaa, marna wuu ka aamusayaa faridda, reebitaanka iyo bannayntaba. Marka iska-hor-imaad dhacana waxa uu hormarinayaa kooda muhiimsan ee xoogga badan- sidii aan hore ku sheegnay- hadba intii suurtagal ah.

Laakiin haddii qofka wax la farayo ama laga reebayaa uusan ba ku joogsanayn hadba wixii suurtagal ah, oo uu xad-dhaaf samaynayo, jaahilnimo ama dulmi awgiis, isla markaana aysan suurtagal ahayn in wax laga qabto jaahilnimadiisa ama dulmigiisa, waxa ay u badan tahay in sida ugu wanaagsani ay tahay in laga aamuso oo aan waxna la farin waxna laga reebin. Horaana loo yidhi: masalooyinka waxaa ka mid ah qaar aamusku uu jawaab u yahay, sida Alle ba bilowgii uga aamusay faritaanka iyo reebitaanka arimaha qaarkood ilaa Islaamkii xoog yeeshay oo kormaray.

***

“In su’aal jawaabteed leh

Lala sara kacaa fiican”[2]

***

Caalimkuna waa sidaas oo kale marka uu ku hawllan yahay gaadhsiinta (balaaq) iyo caddaynta (bayaan) xaqqa. Mararka qaarkood dib ayuu u dhiganayaa arrimaha qaarkood in uu caddeeyo oo dadka gaadhsiiyo ilaa laga gaadho wakhti la awoodo in arrinta sideeda loo fuliyo (tamakkun), sida uu Alle ba dib ugu dhigay soodejinta aayadaha qaarkood iyo caddaynta axkaamta qaarkood ilaa laga gaadhay wakhti uu Rasuulka Alle­- sallal Laahu calayhi wasallam- awood u yeeshay oo ay u suuragashay caddayntoodu.

Arrintan xaqiiqadeeda waxaa caddaynaya hadalka Alle- sarreeye-:

﴿وَمَا كُنَّا مُعَذِّبِينَ حَتَّى نَبْعَثَ رَسُولًا﴾

Ma aanu nihin kuwo wax cadaabaya ilaa aan kasoo bixino rasuul

Al Israa: 15.

Xujaduna adoomaha waxa ay ku oogantaa markii la helo laba arrimood: in aqoon loo lahaado wixii Alle soo dejiyey, iyo in awood loo yeesho falgelinteeda iyo ku dhaqankeeda. Haddaba, qofka aan awoodin garashadii- sida qofka waalan-, ama aan karin in uu falkii la yimaaddo, wax amar iyo nahyi ah qofkaas kuma dhacayaan oo waa laga cafiyey. Haddii garasho la’aantu ay ku kooban tahay qaybo ka mid ah diinta, ama uusan awoodin in uu la yimaado falalkii qaarkood, meelahaas gaarka ah waxa uu kala mid noqonayaa qofkii waalnaa ee guud ahaan ba ka go’ay aqoonta diinta awoodna aan u lahayn ku dhaqankeeda, oo waa laga cafinayaa.

Waxa aan ku jirnaa wakhti kalago’ ku yimid diinta u dhaqankeedi (fatro) ee haddii ay dhacdo in la helo cid u qumaysa diinta oo culumada ah, ama hogaamiyeyaasha siyaasadda ah ama labadaba ah, waxaa laga rabaa in ay wixii Rasuulku la yimid dadka ugu caddeeyaan tallaabo-tallaabo, sidii uu Rasuulku ba tallaabo-tallaabo ugu caddeeyey wixii lala soo diray. Waxaana la ogsoon yahay in uusan Rasuulku dadka u sheegeynin wax aysan awoodin garashadiisa iyo dhaqangelintiisa toona. Shareecaduna umaynan soo degin jumlo ahaan hal mar. Waxaana la yidhaahdaa: haddii aad rabto in lagu adeeco, amarkaagu wax la fulin karo ha noqdo.

Sidaas oo kale, qofka diintii Rasuulka raba in uu cusboonaysiiyo (majaddid), iyo ka raba in uu sunnadiisi nooleeyaba waxaa laga doonayaa in ay dadka gaadhsiiyaan hadba inta ay garan karaan oo ay dhaqangelin karaan, sida qofka diinta Islaamka soo gala ba aysan isla markiiba suurtagal u ahayn in loo laqino shareecada oo dhan lana faro in uu fuliyo kulligeed.

Sidaas oo kale, qofkii denbiyada ka toobad keenay, ardaygii, iyo kii hanuun-raadiska ahaaba suurtagal ma aha in isla markiiba la faro dhaqangelinta diinta oo dhan loona sheego cilmiga oo dhan. Maxaa yeelay, waa uusan ba awoodin. Haddii uusan awoodinna waajib kuma aha inta uu xaaladaas awood yarida ah ku jiro. Haddii uusan waajib ahaynna caalimka iyo amiirku xaq uma laha in ay diinta oo dhan ku waajibiyaan billowga ba, ee waxa ay dhaafayaan faridda (amarka) iyo reebitaanka (nahyiga) waxyaalaha aan markaas la awoodin garashadooda iyo ku dhaqmiddooda ilaa laga gaadhayo wakhti ay suuroobayaan, sidii uu Nebigu ba u dhaafay waxyaalaha qaarkood ilaa laga gaadhay wakhti munaasib ku ahaa caddayntooda.

Arrintanina ma noqonayso waxyaalo xaaraan ah oo la aqbalay ama waajibka fariddiisi oo laga tegay. Maxaa yeelay, waajibnimada iyo xaaraantinimadu waxa ay ku shardisan yihiin suurtagalnimada aqoontooda iyo dhaqangelintooda, waxa aynuna kasoo qaadnay in shuruuddani aysan oofsamin, ee ku tadabbur  asalkan aad ayuu u faa’iido badan yahay’e.

***

“Orod kuma gashoo taladu waa oodo dhacameede

Arrimaha dar baa jira dib-dhigad lagaga eertaaye

Irridahana qaar bay dan tahay ago maroo dhaafe

Aad yaruun tallaabsada dhakhsaad u abyi doontaane”[3]

***

Waxaana halkan ka caddaanaysa sababta arrimo badani adoomaha uga dhacaan ee looga cafiyo, ayaga oo asal ahaantooda waajib ama ba xaaraan ah. Maxaa yeelay, waxa aan suurta gelin gaadhsiintii (balaaq) ay ku oogmaysay xujjada Alle ee waajibnimada iyo xaaraantinimadu. Awoodid la’aantuna waa ay riddaa amarka iyo nahyiga, asalkiisu waajib haba ahaadee. Alle ayaana u ogaal badan sida ay tahay xaqiiqadu (Wallaahu aclam).

Baabkani aad ayuu u ballaadhan yahay ee si fiican ugu fiirso oo dhuux, “daankana dhig”[4]!

***

Noloshuna ka-samirkiyo

Ha sabbayso maahee

Sifo-lagu daryeeliyo

Suxul lagu ilaashiyo

Sacab lagu hor joogiyo

Sunta malab-ka-luliddaa

Hiyi lagu sarbeebaa.”[5]

***

…………..

Qoraaga asalka: Shaykhul Islaam Ibn Taymiyah

Waxaa soo gaabiyey, Af-Soomaalina u bedelay: Maxamad Yuusuf

muxammadbulbul@gmail.com

 


[1] Jilbo Riiq: Dhoodaan.

[2] Sirta Nolosha: M.I.W. Hadraawi

[3] Aqalka Leegada: X. Aadan Afqalooc

[4] Daanka dhig: odhaahdan waxaan ka qaatay Sheekh Cumar Faaruuq- Alle ha u naxariistee-.

[5] Suubban: M.I.W. Hadraawi

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.