Home » Faallo »

Kaalintee Kaga Jidhnaa Waxqabadka Bulshadeena?

Qore: Abdirahman Moxamed (Xiddig)

——————————

Bulshadu waxay badbaadaa marka dadkooda cilmiga iyo caqliga leh ay abaabul la yimaadaan. Taariikhda marka aad dib u eegto waxay kuu tabinaysaa dadka anfacay dadkooda in ay la yimaadeen hanweyn iyo hawlkarnimo. Hanka weyn wuxuu ku siiyaa hiraal. Oo horay ayaa waxaa loo yidhi: qof han yar leh, ma hana qaado. Waxaa sidoo kale la yidhi: hawlkarnimada waa hooyada hanaanka guusha. Fakar ficil wata ayeey taabo galiyeen dadkaasi. Markaas baa waxa u soo baxay natiijo wax ku ool leh. Waxay ogaadeen noloshu in ay hormar iyo hagaajin rabto. Waxay xaqiiqsadeen haddii aan horay loo socon in dib loo soconayo. Sidaas daraadeed ayuu nin walba booskii uu kaga jidhay bulshada buuxshay. Kaalintii looga fadhiyey ayuu qof walba ka soo baxay. Waxaa iyadana horay loo yidhi: tagtada waxay tusmo u tahay waxa taagan. Waxa taaganna waxaa looga tusaala qaataa timaatada. Rasuulka (SCW) ayaa si dhamaystiran noogu bidhaamiyey wanaaga uu leeyahay qofkii u istaaga bulshada badbaadinteeda. “Dadka waxaa ugu khayr badan kuwooda ugu anfaca badan” ayuu yidhi Nabiga (SCW) isagoo iftiiminaya wanaaga ay leeyihin dadka kartida iyo hawlkarnimada la yimaada. Tusaalayaal lix ah oo gaagaaban ayaan ku soo gudbin doonaa gudaha maqaalkayga kuwaas oo muujinaya dadkii hore iyo kaalintoodii sida ay uga soo baxeen. Tusalayaashaas waxay kuu sifaynayaan saxaabadii Rasuulka (SCW) iyo booskii bulshada ay kaga jidheen sida ay u buuxsheen. Waxaan is idhi:

  • Iyagaa dadka ugu khayr badnaa oo,
  • Qarnigii Rasuulka (SCW) noolaa,
  • Qawl wixii ay yidhaahdeena La qadariyaa,
  • Ilaa qarnigaana laga qisoodaa,
  • Quluubta Muslimiintana ku qaboowdaa.

Kol haddii ay sidaas tahay dariiqii ay mareen darsi badan baa laga dheehan karaa.

Aan ku hor bilaabo saxaabi magaciisa aan kugu cusbeenoo muslimiinta oo dhan horay ay u wada maqleen iyo kaalintii uu ku lahaa bulshada sida uu uga soo baxay maalin maalmaha ka mid ah.

Tusaalaha 1aad:

Saddex saxaabi ayuu Rasuulka (SCW) magacaabay si ay dagaalka u hogaamiyaan. Wuu la dardaarmay oo dadaala ayuu ku yidhi. Waano iyo wacdi waafi ah ayuu siiyey. Baqdinta Alle in ay laasimaan ayuu ku booriyay.  Karti iyo kalsooni in ay la yimaadaanna wuu ku adkeeyay. Goobtii dagaalka ayeey saxaabadii yimaadeen, iyaga oo raadinaya guul ama geeri. Dagaalkii loo balansanaa ayaa bilowday. Labadii ciidan ayaa food isdaray. Seefihii iyo warmihii ayaa is dhexgalay. Hugunka iyo holaca hubka ayaa hadheeyey goobtii dagaalka. Dagaalkii aad ayuu u kululaaday. Intii la is warjeefey ayaa la is wadaray. Waxaa la dilay hogaamiyihii koowaad ee ciidanka Muslimiinta hogaaminayey (Zayd Ibn Xaarithah). Waxaa hogaanka la wareegay hogaamiyihii labaad (Jacfar Ibn Abii Daalib). Xoogaa ka dib, isagana seeftii ayaa leeftay. Waxaa hogaanka la wareegay hogaamiyihii saddexaad ee ciidanka (Cabdullaahi Ibn Rawaaxah). Mudo ka dib, isagana labadii hogaamiye marinkoodii ayuu maray. Muslimiintii waxaa ku furmay werwer iyo walbahaar. Waxaa soo wajahay khatar iyo qalqal. Waxaa la soo gudboonaadey baqdin baaxad weyn leh. Khaalid (Radiyallahu Canhu) ayeey markiiba Muslimiintii hogaanka u doorteen. Waxa uu wadey dagaalkii iyadoo xaaladu aad u sii xumaaneysey. Sagaal seef ayuu maalintaas Khaalid (RC) galka ka siibay. Wuxuu la yimid Khalid xeelad dagaal oo cajiib badan. Intuu ciidamadii kala wareejiyay, ayuu uga dhigay cadowgii ciidamo cusub in ay u yimaadeen Muslimiinta. Markaas, ayuu si farsamaysan ciidamadii ku soo samatabixiyay. Waxaa la dhihi karaa, wuxuu dareemay Khaalid kaalintiisii in la soo gaaray maalintaas. Wuxuu fahmay in maanta ficil looga fadhiyo. Wuxuu gartay meel hoo rabta hadal in uusan waxba ka tarin. Kolkaas ayuu booskii uu bulshada ku lahaa buuxshay. Khaalid (RC) wuxuu maalintaas mutay magac ilaa maanta dadku maskaxda ku hayaan, waa “Saiful- Laahi al-masluul” oo macnaheedu tahay “seeftii Alle ee galka laga siibay.” Adiga oo ka tusaala qaadanaya Khaalid (RC), kaalintee bulshada kaga jidhaa, ma buuxisay, mise wali way banaantahay?

Tusaalaha 2aad:

Cadowgii oo dhan ayaa iskugu soo habarwacday Rasuulka (SCW) iyo Saxaabadiisa. Waxay go’aansadeen in ay Madiina go’doomiyaan. Afarta gees ayeey ka soo weerareen. Tabar iyo taag waxay lahaayene way isugu geeyeen. Ujeedkooda waa in ay magaalada dagaal ku galaan, deetana Diinta Islaamka gabi ahaanba cirib tiraan. Saxaabadii Rasuulka (SCW), markii ay warka maqleen Werwer iyo walbahaar baa ku furmay. Aduunkiibaa ciriiri ku noqday. Qalbigiibaa afka yimid. Afkiibaa juqda gabay. Markiiba, Rasuulka (SCW) saxaabadiisa ayuu la tashtay. Wuxuu bilaabay in uu fakarkooda fiirfiiriyo. Ra’yigii la keenaba marba dhinac ayaa loo rogrogayey. Markii dambe ayaa waxaa loo riyaaqay Salamaan Al-Faarisi ra’yi uu leeyahay. Wuxuu yidhi:     “ Rasuulkii Allow anigu reer Faaris ayaan ahay. Arin ayaan samaynaa markii nala hareereeyo. Magaalada geesaheeda ayaan godod waaweyn ka qodnaa. Dhufaysyo aysan soo dhaafi Karin cadowga ayaan ka dhiganaa gododkaas. Cadowgana sidaas ayaan ku naafaynaa.” Rasuulka (SCW) aad ayuu ugu riyaaqay ra’yigii Salmaan. Salmaan wuxuu gartay kaalintiisii in la joogo maanta. Wuxuu buuxiyay booskii uu bulshada ku lahaa. Cidina uma dirine, isaga ayaa isxilqaamay. Sidaas ayaa magaaladii Madiina ahayd cadowgii ku soo socday looga hor istaagay. Anagoo ka tusaale qaadanayna Salmaan, sidee baan u badbaadin karnaa bulshadeena bay kula tahay?

Tusaalaha 3aad:

Wuxuu ka mid ahaa maalqabeenadii Muslimiinta. Maalka waxaa u dheeraa magac. Oo waxaa lugu magacaabi jiray ninkii labada nuur lahaa (Dul Nurayn). Wuxuu ka mid ahaa tobankii Jannada loogu bishaareeyey. Wuxuu ka mid ahaa ragii Islaanimadooda horaysey. Quraanka ragii qalbiga ka qaybey ayuu ka mid ahaa. Waa ninkii Malaaiktu ka xishoon jirtey. Hordhaca hadalka yuusan ila tegine ninka aan ka hadlayo waa Cuthmaan Bin Caffaan (RC). Isagoo fadligaas leh ayuu kaalintiisii buuxshay maalin baahidu ay badnayd. Rasuulka (SCW) ayaa istaagay isaga oo ku boorinaya saxaabada in ay sadaqaystaan. Ciidan ka mid ah ciidamadii Muslimiinta ayaa la qalabaynayey. Cuthmaan wuu istaagay oo boqol neef oo geela ayuu gacanta u taagay in uu bixinayo. Mar labaad ayuu istaagay oo wuxuu la baxay labo boqol oo neef oo geel ah. Mar saddexaad ayuu istaagay oo wuxuu ku deeqay saddex boqol oo neef oo geel ah. Maalintaas, sahaydii ciidanka oo dhan isaga ayaa ku filnaadey. Cuthmaan wuxuu dareemay kaalintiisii in la joogo maanta. Wuxuu fahmay in looga fadhiyo booskiisa in uu buuxsho.  Cidina uma dirine, isaga ayaa isxilqaamay. Anagoo ka tusaale qaadanayna Cuthmaan, Cashar intee le’eg ayaan ka qaadan karnaa deeqdiisa?

Tusaalaha 4aad:

Wuxuu ahaa wiil qurux badan oo ka soo jeeda qoys magac iyo maamuus ku leh magaalada. Waa loo hanweynaa oo hawlkarnimo iyo horseed ayaa laga sugayey. Wax walba oo uu hamiyo wuu heli jiray. Dahabka iyo Dirhamka agtiisa waxba kama ahayn. Marba dharka cusub ayuu ku xaragoon jiray. Gabdhaha magaaladana isha ayeey la raacraaci jireen quruxdiisa.  Maalin ayuu is yidhi ka war doon warka Nabi Mohamed (SCW). Markaas ayuu go’aansaday in uu soo galo gurigii uu kaga sugnaa magaalada Makkah. Wuxuu arkay Rasuulka (SCW) oo u akhrinaya saxaabada Quraanka iyo Axaadiista. Muscab (RC) qalbigiisii daqiiqado ayuu isku badaley. Oo wuxuu helay macaankii iimaanka. Rasuulkana (SCW) duco ayuu ugu daray. Muscab (RC) wuxuu dareemay dadaal weyn in looga fadhiyo. Intuu dadaaley ayuu Diinta bartay. Oo tacliinta iyo tarbiyadaba Nabgia (SCW) ka qaatey. Tawxiidka ayuu si dhab ah u taaba galiyey. Sidaas daraadeed, Wuxuu nasiib u helay safiirkii koowaad ee Islaamku in uu noqdo. Oo waxaa loo diray Madiina in uu dacwada gaarsiiyo. Waxaa ku soo hanuunay gacantiisa madaxdii reer Madiina oo dhan. Kaalintaas weyn ayuu kaga jiray bulshadiisa. Da’diisa iyo dadaalkiisa isma lahayn, laakiin libin weyn oo lama ilaawaan ah ayuu u soo hoyay Islaamka. Tollow! Muscab iyo hiraalkiisa ma hirgalin karnaa bay kula tahay maanta?

Tusaalaha 5aad:

Fadligiisa lama tirin karoo faraha ayuu ka batay. Wuxuu wehel joogta ah u ahaa Rasuulka (SCW). Dhib iyo dheefba wuu la qaybsan jirey. Wuxuu ka mid ahaa tobankii jannada loogu bishaareeyey. Wuxuu ahaa shaqsigii ragga u horeeyay ee ku dhawaaqa shahaadada. Wuxuu u ahaa Suubanaha (SCW) saaxiib saadiq ah. Madaxweynihii ugu horeeyey ee maamulay Muslimiinta ka dib markii Rasuulka (SCW) geeriyoodey ayuu ahaa. Waxba yeysan ararto ila tegine waa Abuubakar qofka aan ka hadlayo. Markii uu Rasuulka (SCW) geeriyoodey ayeey qabiilo badan oo Carabta ka mid ahaa rido ku dhaceen. Diintii ayeey damceen in ay dhinac iska dhigeen iyagoo ku andacoonaya  Rasuulka (SCW) in uu dhintay. Waxay diideen sakadii iyo astaamihii Islaamka in ay la yimaadaan. Waxay go’aansadeen in ay ka xuubsiibtaan xeendhaabkii Islaamka. Waa arin adag oo ku soo korortay Muslimiinta. Haddii loo daayo hawadooda dadkaasi, dadka oo dhanbaa ku dayanaya oo diintii waxay noqonaysa wax jaantaa furan ah. Saxaabadii fadhi deg deg ah ayeey fadhiisteen. Waxay rabaan go’aan rasmi ah in ay ka soo saaraan arimaha soo siyaaday. Cumar (RC) iyo rag uu ka mid yahay waxay ku taliyeen in loo kaadsho maadaama xaalad kale Muslimiinta ay ku suganyihiin. Waxay is tuseen dagaal hadda ah in uusan daawo ahayn. Abuubakar maalintaas wuxuu qaatay go’aan adag oo geesinimo leh. Wuxuu yidhi “ma anigoo nool baa la nusqaaminayaa Diinta Alle, Wallaahi haddii ay diidaan xadhiga geela lugu dabro in ay bixiyaan, waa la dagaalamayaa.” Abuubakar (RC) maalintaas kaalintii bulshada uu ku lahaa ayuu buuxshay. Abuubakar (RC) cidina uma dirine, isaga ayaa isxilqaamay. Wuxuu fahmay ficil dhab ah in looga fadhiyo. Wuxuu noqday maalintaas hogaan aan habacsanaanta aqoonin. Tollow! maxaan ka baran karnaa Abuubakar (RC) iyo go’aankiisa geesinimada lahaa?

Tusaalaha 6aad:

Inkastoo Islaamnimadiisa ay dambaysey haddana door weyn ayuu ku lahaa fidinta Diinta. Magaalo walba oo ay Muslimiintu degaan macruuf ayuu ka yahay. Wuxuu ahaa imaam mujtahid ah, faqiih xaafid ah. Cilmiga iyo cibaadadu calaamad ayeey u ahaayeen.  Aduunyada wuu ka haajirey oo iskuma uusan hawlin. Oo dhalanteedkeeda  iyo dhalaalkeeda iskuma uusan dhibin. Maalinna wuu qadi jiray, maalinna wuu qadayn jiray. Intaas waxaa u dheeraa sida uu baariga ugu ahaa hooyadiis. Oo wuxuu ka shaqeeyey hanuunkeeda. Hadh iyo habeenna heegan ayuu ugu jiray hawlaheeda. Saxaabiga intaas kulansaday waa Abu-Hurayrah (RC). Qisadiisa buugaag badan ayeey u baahantahay in laga qoro. Qoraalkiisana hal qalin kuma filnaan karo. Oo wuxuu leeyahay taariikh tusaalayaal mudan. Ninkii akhriyaa wuu ku il qabowsanayaa Abuu Hurayrah. Haddana intuu qoomamoodo ayuu qirayaa isaga oo kale in ay adagtahay in la helo qarnigan. Boos muhiim ah ayuu Abu Hurayrah u buuxshay Muslimiinta. Wuxuu ku keydshey maskaxdiisa kumanaan kun oo axaadiista Rasuulka (SCW) ka mid ah. Kaalintiisa si weyn ayeey uga muuqatay Muslimiinta dhexdooda oo wax walba oo Rasuulka (SCW) yidhaahdo wuu weeleyn jiray. Rasuulkana (SCW) ducu ayuu ugu daray markuu arkay dadaalkiisa. Abuu Hurayrah kaalintaas cidina uma dirine, isaga ayaa isku xilqaamay. Wuxuu fahmay ficil dhab ah in looga fadhiyo. Wuxuu la yimid hami weyn. Anagoo ka tusaala qaadanayna Abuu-Hurayrah iyo hamigiisii weynaa, sidee baan kaalinteena bulshada uga qaadan karnaa?

Gabagabadii iyo gunaanadkii, qof walba kaalintiisa kaga aadan bulshada in uu buuxsho waa arin isaga looga fadhiyo. Cilmi anfac leh iyo caqli isticmaal leh ayaa bulshada hor u wada. Horay ayaa waxaa loo yidhi: Taariikhdu waxbay hagtaa, Dadkuna wuu haybsadaa, Adduunkuna waa hayaan, Hogaankuna waa cilmiga. Khaalid (RC) xeeladiisii-dagaal ee uu la yimid magac buu ku mutaystey lugu maamuusay ilaa maalinta qiyaame. Salmaan (RC) ra’yigiisii Madiina oo dhan baa lugu difaacay. Cuthmaan (RC) wuxuu baxshay maalkiisa maalin ay baahidu badnayd. Muscab (RC) hiraal buu la yimid, markaas ayuu gacantiisa Alle ku soo hanuuniyay Madaxdii reer Madiina oo dhan. Abuubakar (RC) go’aan geesinimo leh ayuu muujiyay maalin murugada iyo mashaqadu ay badantahay, markaasaa go’aankiisii lugu badbaaday. Abu-Hurayrah kumanaan kun oo axaadiista Rasuulka (SCW) ka mid ah ayuu ku keydshey maskaxdiisa, ilaa iyo maanta magaciisa waa la xusaa. Saxaabada Rasuulka (SCW) sidaas ayuu nin walba u buuxshay kaalintii uu ku lahaa bulshada. Waxay iyaga oo dhan la yimaadeen han weyn iyo hawlkarnimo. Markaas ayeey dunida dacaladeeda diinta gaarsiiyeen. Waa taariikh mudan tusaaleyn, tix galin iyo taabo galin.

“Ninkii rodolna miisaama ee kilo raajiciya,

Ee raasamaalkuu helaa rubuc ka hooseeyo,

Xisaabtaa inuu dib u rogrogo sow ra’yigu ma aha”- Dhoodaan

Abdirahman Mohamed (Xiddig)
Xiddig@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.