Home » Warar »

Waraysi aanu la yeelanay Cabdulqaadir Maxamed Aden Baariyow oo ku saabsan Milkiyadda Universal TV.

Beryahaanba waxaa soo baxayey muran xooggan oo ka dhex jirey Telefishinka Universal. Arrinta ugu culayska badan ayaa ku aadanayd milkiyadda iyo lahaanshaaha Universal Tv. Haddaba si aan arrimahaas wax uga ogaano ayaa waxa noo suurta gashay in aanu khadka Telefoonka ku Wareysano C/qaadir Maxamed Aden Baariyow oo ku sugan dalka Norway Magaalada Oslo. C/qaadir Baariyow wuxuu ka mid yahay ragga dacwadda ku soo oogay Axmadeey Abuukar. Waraysigiina wuxuu u dhacay sidan:

Su’aal: Goorma ayaa la aas-aasay Telefishinka Universal

Jawaab: “Marka hore, hawlo baaxad leh ayaa laga soo maray dhismaha iyo aasaasidda Universal Tv. Hawluhu waxay soo bilawdeen Sanadihii 2002, 2003 ilaa 2004. Kolkaas oo wax fiican laga soo sameeyey dhismaha Xafiiska, gudbinta leesinka iyo hawo gelidda qaab tijaabo ah. Sanadkii “2005-kii ayaa si toos ah noogu bilaabatay kharashkii Airtime-ka.

Su’aal: Oggolaanshaha inaad Telefishin aad furtid yaa ku siiyay?

Jawaab: “Oggolaanshaha waxaa na siiyey Shirkad lagu Magacaabo British Telecom xiligaas oo ku aadaneyd 2004 ayaana Bilaabey inaan Hawada soo gelino qaab tijaabo ah, taas oo ay si aad ah u soo dhaweeyeen Shacabka Soomaaliyeed oo markaa u Hamuun qabey Warar Muuqaal leh.

Su’aal: Kharash intee le’eg ayaa ku baxay Aas aaskii iyo Bud-dhiggii Telefishinka Universal?

Jawaab: “Waxaa ku baxay Kharash aad u fara badan oo isugu jira Midkii Ogolaanshaha ahaa iyo kii Xafiiska, kuwaas oo isku noqonaya Lixdan iyo Todaba kun oo Pound ( 67 Kun oo Pound). Waxaa kaloo jira kharash ku baxay Airtime-ka muddo 6 bilood ah oo isaguna noqday 260.000 (laba Boqol iyo lixdan Kun) oo Yuuro.

Su’aal: Maxaa Xiligan keenay inaad ku soo Buraarugtid inaad tiraahdo Waxaan leeyahay T.V.ga Universal oo Muddo Dheer shaqeynayey?

Jawaab: “Waa Su’aal aad muhiim ah. Markii aan Aas-Aasanay Universal TV waxaa igu soo booday Xanuun dhinaca Kelyaha ah. Waxaa kaloo jirta in dhiig Madaxa iiga furmay. Arrimahaas waxay keeneen in aan Miyir doorsoomo oo aan wax kala garan waayo. Iyadoo haddaba ay tahay wax laga xumaado, ayuu Axmadey iska dhaadhiciyey in aan anigu dhimanayo sidaas ayuuna ku damaaciyey in uu isa siiyo Telefishinka Universal. Nasiib wanaag dhammaan Dukumentigii lahaanshaha iyo Milkiyadda Universal Tv aniga ayaa gacanta ku hayey. Alxamdulilaal waxaa ii soo noqday caafimaadkeygii, markaasna waxaan u dhaqaaqay sidii aan xaqayga u soo dhacsan lahaa.
Su’aal: Intii aad isbitaalka ku jirtay maxaad wax uga ogaan weydey halka uu marayo T.V.ga iyo Dhaqdhaqaaqiisa ?

Jawaab: “Sidii aan horeba kuugu soo sheegay. Xanuun daran ayaa I haleelay. Kelyaha ayaa la iga beddeley. Dhiig-kar ayaa igu dhuftay ilaa Baralays aan ka gaaro. Marka xaaladdaas adag qof ku gaaray oo arrinkiisuba nolol iyo Geeri u dhaxeeyo, waxba kama ogaan karo meel wax marayaan. Alxamdulillaah, Markii Caafimaadkaygu ii soo noqdayna, haddee nin iyo xoolihiis aragti baa ka dhexaysa, waana u dhaqaaqay sidii aan ku heli lahaa xaqayga iga maqnaa.

Su’aal: Yaa kugula taliyay in Hawsha T.V.gu sii socoto?

Jawaab: “Waxaa igula taliyay Qareenadeyda. Waxay igula taliyeen in hawsha aan la joojin si loo helo raadraac dhammaystiran oo lagu helayo hantida faraha badan ee TV-ga ka maqan. Marka Taladaas ayaan qaatay, waxaana gadaal aan ka ogaadey in Axmadeey Shirkado kale uu ku dul samaystay hantidii uu Universal Tv iska lahaa.

Su’aal: Baaristii arrintaas ay ku sameeyeen Qareenadaada goormay Bilaabantay?

Jawaab: “Hadda Baarista way soo Gabagabowdey, waxayna socotay muddo Lix Bilood ah, waxaanan filaya in Bishaan gudaheeda hadduu Alle idmo in Dacwadeyda Maxkamad laga hor dhegeysto.”

Su’aal: Wax Caddeymo ah ama Document ah miyaad u haysataa lahaanshaha Telefishinka Universal?

Jawaab: ”Haa waxaan Haystaa Docomintiyo Rasmi ah iyo Dad Soomaali ah oo arrintaa ka Marqaatiya sidoo kale waxaan hayaa Heshiisyadii aan Shirkadda British Telecom kula saxiixday oo ah heshiiskii la iigu ogolaaday inaan Telefishinka Univ tv (Universal) sameeyo.

Su’aal: Weli arrinta taagan Maka wada hadasheen adiga iyo Axmadeey?

Jawaab: Haa…mar buu igu yimid Oslo si aan uga wada hadalno Halka uu marayo Telefishinka Universal, hase yeeshee arrin aan fahmi waayey ayuu iila yimid, waana mida Markaan Xoogaa aan Caafmaad heley keentey in aan dib u raadiyo Xoolaheygii mudada Dheer iga maqnaa.

Su’aal: Gudaha Dalka ma ka qabsatey wax Qareen ah?

Jawaab: Haa… Qareen Gudaha ah waan qabsadey weliba baaritaan dheer bay ku sameyn doonaan wixii ku saabsan Gudaha Dalka ee lagu lunsadey lacagihii Telefeshinka Universal. Midda Dibada ee Qareenada iyaga howshoodii way wataan. Waxaanu hadda samaynay in la isku xiro Qareenada dibadda iyo kuwa gudaha si ay hawshoodu u wada socoto oo baarista dibadda iyo tan gudaha la isku xiro waxaana Waqti aan sidaa u dheereeyn Dacwada ay ka Bilaaban doontaa Gudaha Wadanka .

Su’aal: Maxaa Shacabka u sheegeysaa maadaama ay in badan Maqlayeen Cida Maamuleysey Televishankaasi?

Jawaab: Ummadda Somaliyeed, waxaan ku wargelinayaan in Mustaqbalka dhow la kala ogaan doono cidda leh Milkiyadda Telefishinka Universal. Marka waxaan Shacabka leeyahay ha Sugaan waxa ay ku dambeyso Dacwada ku furan Axmadeey Abuukar. Sidoo kale waxaan u mahad celinaynaa dadka gacanta nagu siiyey in aan ka dacwoono khaladaadka uu ku kacay Axmadeey Abuukar iyo sidii loo soo celin lahaa hantida la lunsaday.

Qofkii Dooonaya Faahfaahin dheeraad ah ama in ay helaan Xog Dheeraad waxay la Xiriir karaan
Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyow
Oslo Norway
Tel 004745565593
E-Mail oslo-5@hotmail.com

Waxaa Wareystey Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.