Home » Warar »

Wasiirka Gaashaandhiga Wadanka Kenya oo sheegey in uu Xilka iska Casili doono haddii aan la joojin Dhibaatada Ciidamada Kenya ku hayaan dadka Soomaaliyeed

. Shacabka Soomaaliyeed oo ka Walwalsan Lacago Shililn Soomaali ah oo Dowlada Federaalka oo hore loogu soo Daabacay Suudaan.
. Dowladda Ingiriiska oo shaaca ka qaadey in ay Magaalada Muqdiosh0 Dib uga Furan Doonaa Safaaradoodii

Yuusuf Xaaji: Waxaan idiin balan qaadayaa in aan iska Casili doono Xilka aan hayo ee Wasiirka Gashaandhiga haddii aan dadka Soomaaliyeed aysan Dowlada Kenya ka joojin dhibaatooyinka kala duwan ee lagu Bartilmaameedsanayo….”

Wasiirka Gaashaandhiga ee Dalka Kenya oo ka qaybgaley kulan ka dhacay Magaalada Nairobi oo ay soo qaban qaabiyeen Soomaalida ku nool Wadankaasi ayaa looga Hadley arrimaha la xiriira Xaalada dadka soomaaliyeed ee Xiligaan ka dib markiim ay soo bateen Cabashada Dadka Soomaaliyeed ee ku aadna Ciidamada wadanka Kenya.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Wadanka Kenya Yuusuf Xaaji oo ka Hadley Kulankaasi ayaa sheegey in uu aad uga Xun yahay Dhibaatada dadka Soomaaliyeed uga Imaanayaan Xiligaan Ciidamada Amaanka Wadanka Kenya isagoo sheegey in ay soo gaareen Cabasho aad u badan oo uu sheegey in ay u soo gudbiyeen dad lagula kacay fafal iyo Xadgududbyo kala Duwan gaar ahaan Magaalooyinka Nairobi iyo Deegaanada Waqooyi Bari ee wadanka Kenya.

“Waxaan idiin balan qaadayaa in aan iska Casili doono Xilka aan hayo ee Wasiirka Gashaandhiga haddii aan dadka Soomaaliyeed aysan Dowlada Kenya ka joojin dhibaatooyinka kala duwan ee lagu Bartilmaameedsanayo dadka Soomaaliyeed , waxaa I soo gaarey Ciidamo Kenyaan ah oo Shabaqle ka buuxinayaan Dadka Soomaaliyeed marka waa fafal aanan u dulqaadan doonin”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegey in Dowlada Kenya looga baahana yahay in ay si wanaagsan ula dhaqmaan dadka Soomaaliyeed ee ku suigan wadanka Kenya.

16 kii Oktobar ee Sannadkii 2011 ayey Ciidamada wadanka Kenya ay soo galeen Qaybo ka mid Gobolada Jubbooyinkaa waxaana wixii Xiligaasi ka Dambeeyey Dalka Kenya uu galey Xaalada u xun ka dib markii ay ku bateen Qaraxyada ,Dilalka iyo Dagaalo oo mararka Qaar dhaca, waxayna arrintaan Saameeyn ku yeelatey daka Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Kenya gaar ahaan Gobolada Wqooyi Bari oo haatan moodid in dad ay ka qaxayaan sidoo kale dadkii soomaaliyeed ee ganacsiga ku lahaa Magaalada Nairobi ayaa haatan waxay iyana Bilaabeen in dib ugu soo laabtaan Gudaha dalka Soomaliya

Shacabka Soomaaliyeed oo ka Walwalsan Lacago Shililn Soomaali ah oo Dowlada Federaalka ka soo wada Wadanka Suudaan.

Markii uu dhawaan uu Booqdey Wadanka Suudaan Madaxweyanha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Booqashaddsi waxaa la iskula soo qaadey Lacago Shilin Soomaali ah oo Dowladii Shiikh Shariif ay ka soo daabacatey Dalka Suudaan Taasoo isugu jirta lacago Waraaqo ah oo isku Dhegen oo ah 100 Kun, 50 kun, 20 kun, 10 kun iyo 5 kun , waxaana uu Madaxweynah uu sheegey in lacagtaasi ku sugan Wadanka Suudaan ay Dowladda dhawaan halkaasi ka soo qaadi Doonto.

“Waa Lacag si weyn ay Dowlada ugu baahan tahay waxaa hore u daabacay Dowladii naga horeysey marka waxaan marka hore aan dooneynaa in aan Qorshayaal u sameyno Lacaghaasi “ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh oo sidoo kale Sheegey in Dowlada Federaalka ay la soo wareegi doonto Lacagaha fara badan ee yaal Dunoda dacaladeeda oo ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed

Shacabaka Soomaaliyeed ayaa durba Walwal ka muujiyey Lacagahaasi Cususb ee ay Dowlada Dhawaan soo gelin doonto waxay sheegeen in haddii lacagahaasi Dowladda ay keento in dadlka uu geli doono Xaalad Sicir Barar waayo lacagtii Kunka ahayd ayey sheegeen in dalka ay gelisey Siciri barar aad u baahsan mark waxay kuila Taliyeen Dowladda Federaalka in Lacagaasi ay geni ahaanba joojiso haddi kale ay Dowlada Qorshayaal rasmi ah u sameyso

22 kii sanno ee la soo dhaafey waxaa dalka Soomaaliya ka Baaba’ay lacagihii ay lahaayeen waxaa Sannadihii Sagaashameeyadii la waayey lacagihii yar yaraa ee ka dib waxaa iyana meesha ka baxay lacagtii Shanta Boqol waxaa haatan gabaabsi ku jira lacagtii Kunka Shilin waxaana haatan dadka wax ku gala iibsadaan lacagta Doolarka ah oo la isku mariyo Mobilada oo Xitaa waxaa la isticmaalaa Centiyo oo mararka qaar aad ku iibsan karto Koob Shaah ah

Dowladda Ingiriiska oo shaaca ka qaadey in ay Magaalada Muqdiosho Dib uga Furan Doonaa Safaaradoodii

Ra’iisul Wasaare ku Xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Xaaji Yuusuf Aadan oo dhawaan Gaartay Dalka Ingiriiska ayaa Kulan kula qaadatay Magaalada London Xoghayaha Arrimaha Dibadda Biritin William Huge.Kulanka oo intiisa badan Saxaafaddu dibadda ka joogtay ayaa gebagabadiisii waxa ay labada dhinac si wadajir ah u qabteen Shir Jaraa’id.

Xoghayaha arrimaha Dibadda Ingiriiska oo shirka Jaraa’id bilaabay ayaa ugu horeynba u mahadceliyay Wasiirka arrimaha Dibadda ee dawladda Federaalka Soomaaliya isagoona sheegay inuu aad ugu farxsan yahay kulankii ay wada qaateen.

Huge ayaa sheegey in Xukuumaddiisu ay taageersan tahay Soomaaliya isagoona hoosta ka xarriiqay in maanta ay dareensan yihiin in Soomaaliya ay leedahay Dawlad Rasmi ah ee Beesha Caalamku aqoonsan tahay. Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in labada dhinac ay isla garteen in labada Magaalo ee London iyo Muqdisho laga kala furso safaaradihii Dalalkaas isagoona xusay in ammaanka Soomaaliya xiligan uu yahay mid si weyn isu soo taraya.

Marwo Fowsiyo oo iyaduna Shirkaas jaraa’id ka hadashay ayaa sheegtay in ay isku af garteen Xukuumadda Britain Xoghayaheeda arrimaha Dibadda sidii loo sii wanaajin lahaa Xiriirka ka dhaxeeya labada Dal iyadoona u mahad celisay Xukuumadda Britain.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Wasiirka Gaashaandhiga Wadanka Kenya oo sheegey in uu Xilka iska Casili doono haddii aan la joojin Dhibaatada Ciidamada Kenya ku hayaan dadka Soomaaliyeed "

  1. abdirisaaq says:

    Aad ayaan ugu faraxsanahay in ,waleelkeen ka gubtay arinta ay kenya ku samaynayso dadka Soomalida ku nool Kenya .waa talaabo weyn oo noo hogaminaysa inaan midowno. Oo gumeysiga cad iyo kan maddow iska waabino.Abdirisaaq Germany

  2. Sama_Kataliye says:

    Yusuf Xaaji markii doorashaddii Kenya soo dhawaatay in uu dadka Soomaalidda ah ku beer laxawsado waan iscasilayaa waa laga fiican yahay arrintaas. In uu iscasilo waxaa ka fiican arrimo badan oo kale, sida in uu hawl galiyo labadda wasaaraddood oo uu madaxda ka yahay waa wasaaraddaha difaaca iyo internal securitiga oo uu la wareegay ka bacdi markii uu dhintay Prof. George Saitoti. Kursiga Yusuf Xaaji waa mid ka mid ah kursiyadda ugu sareeya dalka Kenya ee intuu dowlad iska dhigo Yusuf dadkiisa hawshaqeeyo. Fuley xukun doon ah baa carara marka ay arrintu dhiida iyo dhabta tagaan tahay sida maanta oo kale…………Allow Alle!