Home » Maqaallo »

HAL BILYAN OO DOOLAR OO SADAQO AH IYO HAL BILYAN OO GUMUC RASAASEED AH !!!!!!

HORUDHAC :

Islaamka wuxuu Allaah u soo dajiyey in uu Ruuxa Bani’aadamka ah uu horomar iyo baraaro gaarsiiyo,

Ee uma soo dajin in lagu hoogo islaamka oo lagu dhibaatoodo .

Allaah wuxuu Quraankiisa ku leeyahay asagoo Nabigiisa NNKH la hadlaaya : (مَا أَنزَلْنَا عَلَيْكَ الْقُرْآنَ لِتَشْقَى ) 20:1 Nabi muhamadoow Quraanka kuuguma aan soo dejinin in aad ku dhibaatooto ama aad ku dhurdarsato.

Diinta Islaamku waxay u timid sida ay Culumadu sheegaan in ay dhawrto shan waxyaalood oo lagama maarmaan ah oo la yiraahdo ( al duruuriyaatul khamsa ) oo kala ah : Diinta,Nafta, Caqliga,Maalka iyo Taranka bani,aadamka .

Ruuxa Bani,aadamka ah Allaah wuxuu u soo dajiyey Diin midda ugu fiican oo islaamka ah (1) wax kale oo Diin ah Allaah kama aqbalaayo Ban’aadanka in ay Allaah u hogaamsamaan mooyee, Allaah wuxuu leeyahay : (ومن يبتغ غير الاسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الاخرة من الخاسرين ) 3:85 Ruuxii Islaamka wax ka soo haray Diin ka dhigta Allaah ka Aqbalimaayo maalinta Aakhirona wuxuu ka mid noqonayaa kuwa khasaaray.

Sidoo kale Diintaan waxay u timid in Nafta bani,aadamka in ay xifdiso, Allaah Ruuxii naf ku dila xaq darro wuxuu la mid yahay mid Dadka oo dhan dilay, Ruuxii badbaadshana wuxuu la mid yahay mid dadkoo dhanba badbaadshay. (انه من قتل نفسا بغير نفس او فساد في الارض فكانما قتل الناس جميعا ومن احياها فكانما احيا الناس جميعا ) 5:32.

Allaah wuxuu kaloo dhawray kuna dardaarmay in Caqliga Bani,aadamka la dhawro lagana ilaaliyo wax kasta oo iin u yeelaaya ama sakhraaminaaya sidaas buu Allaah Khamriga iyo maandooriyaasha oo dhanba u xaaraantimeeyey.

Allaah wuxuu ku leeyahay Quraankiisa : (يأيها الذين امنوا انما الخمر والميسر والانصاب والازلام رجس من عمل الشيطان فاجتنبوه لعلكم تفلحون ) 5:90 .

Kuwa allaah iyo Nabigiisaba NNKH Rumeeyayoow Khamriga iyo khamaarka iyo Asnaamta dhagaxda ah ee Xoolaha lagu dul qalo iyo qorayaha ama leebabka lagu faashado ,kuligood waa shay aad iyo aad u xun oo shaydaanku idiin keenay ee ka taga ,waxaad mudan tihiin in aad liibaantaan haddaad ka tagtaan.

Halkaan waxaan uga jeedaa in Caqliga bani’aadamka uu Allaah Dhawray ,Diinteenuna ka hortimid wax kasta oo waxyeeleynaaya Caqligaas.

Maalka iyo tarankuna Akhristoow kuma seegana oo waa waxa ummaduhu ku kala hormareen, Nabigu wuxuu yiri NNKH ( maal baa nimco yeeshay ku jira Gacan addoon Fiican ) !!! Sidoo kale Allaah uu reebay wax kasta oo Dhabar jaraaya Taranka Bani’aadamka Siduu Allaah Quraankiisa ku yiri : (وَإِذَا الْمَوْؤُودَةُ سُئِلَتْ ) (بِأَيِّ ذَنبٍ قُتِلَتْ ) Maalinta Qiyaamo markuu Allaah weydiiyo Naftii Nolosha lagu Duugay , maxaa gashay oo laguu duugay (2).

Akhristoow Islaamku sharaftaas iyo wanaagaas buu Adduunka u soo horseeday, ilbaxnimo lagu tilmaami karo tii Nabiyulaahi Suleymaan NNKH iyo Tii Boqorkii Dul qarneyn iyo Awoodii Cabdul saalax ee Khadar Iyo Ilbaxnimadii ka danbeysay ee Muslimiintu ku soo biiriyeen Adduunkaan Dhanka Caafimaadka, Kimistariga, Astaronomy-ga, Naqshadeynta Artichet-ka ama Dhismayaasha sida Qubiga ( Dooms) iyo Maanaaradaha ,Xisaabta ,physics-ka, Juqraafiga iyo History-ga oo ah Qorax aan la hilmaani Karin oo ka soo baxday Dhanka bariga sida ay Qortay Haweenay qoraa ah oo Jarmal ah oo ugu magac dartay ( Qorraxdii ka soo baxday Bariga ) !!!!.

Culumadii Islaamkaee Sayniska sida Bayruuni, Khawaarizim, Ibnu haytham,Ibnu Rushdi, Al-ghazali, AL-mandhuufi,Ibnu Sin’a, Al-Razi iyo kuwo fara badan oo aan halkaan ku soo koobi Karin .

Sidoo kale Boqoraddii iyo Imaamadii sida Khulufaddii Hanuunsaneyd ee Nabiga, Khaalid Bin walid,Mohamed ibnu maslamah,abuu musa bin Nuseyr, C/raxmaan Al-daakhil Galeyrkii Qureesheed oo Dhulka Andalus Boqortooyadda Islaamka ka amaamuday,Suldaan Mohamud AL-zinki, Salaaxul Diin Al-ayuubi Ninkii Qudus Xoreeyey, Sultan Mohamed Al-faatix ee furtay Qustandhiiniyah ( Istanbul ) waa Amiirkii Nabigu sii saadaaliyey ee yiri ( Qustandhiiniya waa la furan doonaa waxaa nimco yeeshay Ciidanka Furanaaya ,waxaa nimco yeeshay Amiirkooda ) Hadalkaas wuxuu nabigu yiri 800 sano ka hor wuuna dhaboobay.

Islaamkii sidaas ahaa miyaa maanta Goroyo cawl u hartay ( AL-Qaacidda ) oo Muslimiinta Bireynaaya, oo dab qabadsiiyey Xurumaadkii Muslimiinta !!! Ma Afqaanistaan baa , Pakistaan,Ciraaq, Soomaaliya,Yamen, Maali, Niageria ,ALjeeriya, !!!!

(وَمَا قَوْمُ لُوطٍ مِّنكُم بِبَعِيدٍ ) Reer Luudh wixii gaaray idinkama foga !!! waar sow nin caqli leh idinkuma jiro (أَلَيْسَ مِنكُمْ رَجُلٌ رَّشِيدٌ ) !!!!!.

HAL BILYAN OO SADAQO AH IYO HAL BILYAN OO GUMAC RASAAS AH :

Akhristoow waxaa maalin dhaweyd dhacday in Ninka iska leh Raadyaha CNN ee Ted Turner uu Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ( uno) in uu Jeebkiisa ugu Deeqay Hal Bilyan oo Dollar, waa nin kali ah , waa hal shakhsi, Dawlad ma ahan, waa ruux kaliyah oo Bani’aadam ah, wuxuu u baxshay in uu Adduunka Dadka bani’aadamka ah ee tabaaleysan wax loogu qabto.

Markaas buu u sii mariyey Qaramada Midoobay asagoo marsiin kara Wadankiisa Mareykanka, waxay ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay in uu Bani’aadamka Wax taro adduunka Saaran, Diin kastay haystaan Christain,Yahuud,Muslim , Budhist Iwm.

Ted Tuner waa hal shakhsi oo Allaah Maal siiyey, bal Akhristoow wali ma maqashay Sacuudi Carabiya oo wax 100 kun ka badan bixineysa !!! Boqor Cabdallah Hal bilyan lacagta uu gaar u leeyahay ayaa ka badan se ma laga yaabo in Sacuudi oo dawlad Qani ah ay intaas bixin karto !!!!.

Ted Tuner Sida aan annigu hubo (3) wax Ajar uu ka helaayo ma jiro arrinkaas Aakhiro ahaan oo waa Hal Bacaad lagu lisay sida uu Allaah sheegay :

(مثل الذين كفروا بربهم اعمالهم كرماد اشتدت به الريح في يوم عاصف لا يقدرون مما كسبوا علي شئ ذلك هو الضلال البعيد ) Allaah wuxuu Quraankiisa ku yiri : ( kuwa kufriyey ee camal fiican sameynaaya wuxuu camalkoodu noqonayaa Maalinta Qiyaamo Sida Bus oo kale oo Dabeyl xoogan ku timid Maalin Duufaan jirto oo kala tuurtay, waxay kasbadeen waxba ka helimaayaan, taasi waa dhumis aad iyo aad u fog ) 14:18.

Laakiin Boqoradda Muslimiinta iyo Madaxweynayaashooda oo qaarkood hantidooda lagu tilmaamay 4 bilyan,6 bilyan,10 bilyan,12 bilyan iwm.

Haddii ay wax ka hormarsan lahaayeen Maalinta Qiyaamo ayey u fakan lahaayeen.

Se waxaa hubanti ah Ted Tuner in uu Dad bani’aadam ah caawiyey oo u beer naxay sidii waligeedba ay u dhici jirtay sida Abuu Judcaan oo ahaa Nin waaggii Jaahiliga ee nabiga ka hor noolaa, oo Caan ku ahaa Quudinta Masaakiinta ilaa la sheegay Digsiyadda uu Wax ku Karin jiray waxay le’ekaayeen Nin joogiis !!! Markaas ayey Umunaa Caa’isha Nabiga weydiisay Yaa Rasuululaah Maalinta Qiyaamo Ibnu Judcaan Wixii uu Hormarsaday wax ma u taraayaan ? markaas buu ku yiri maya maxaa dhacay maalin kaliyah Waligiis ma oran : (غْفِرَ لِي خَطِيئَتِي يَوْمَ الدِّينِ ) Ilaahoow Danbigeyga ii Dhaaf Maalinta Qiyaamo ee la is abaalmarinaayo.

Akhristoow Ted Tuner kaligiis sidaas wax uma sadaqeysto waxaa kaloo ka mid ah Maal qabeenada Reer Galbeedka sida Bill Gates iyo kuwa kale oo fara badan oo malaayiin Doollar Sanad kasta ku Deeqa Abaaraha Adduunka ama Waxyeelooyinka ay keento Duufaantu, Dhul gariirka ,Tsunaamisa Dabka ,Daadka iwm.

Haddaba aan u soo daadago waxay Kuwa Diinta Sheeganaaya ee Al-qaacidda iyo Taalabaan iyo Al-shabaab iyo Boca Xaraam maxay Ummadahooda u qeybsheen Hal bilyan oo Gumuc rasaaseed ah !!!!

Maalin kasta Dagahaaga ayaa diidaaya Muslimiinta Adduunka Rasaas Darteed iyo Banbooyin ku Dhimanaaya ,maxay Hooyo ka oohisiiyeen, maxay Abbo Goblamiyeen, maxay dad aan waxba galabsan Qudha ka jareen !!!! Maxay …. maxay maxay…. ?????? !!!!!!.

SHIIKH UMAL HA LA IGA GAARSIIYO :

Shiikhayga sh Mohamed Cabdi Umal ayaa Muxaadaradiisii uu Al-shabaab KHawaarijta ku tilmaamay yiri : ( Taalibaan waxay leeyiihiin 70 culumo oo shuuro ah oo Dagaalka hogaamisa, sidaas bay ku guuleysteen !!! Jihaad aan Culumo Hogaamineynin sida kan shabaab meel ma gaaro ) !!!!!

Shiikh Umuloow sow maadan maqlin gabadha yar ee 14 jirka ah ee malaa ee lagu lagu toogtay Swat valley , maxaayeelay waxay u ololeysaa in Haweenku wax bartaan ama gabdhaha Dugsi la geeyo !!!!.

Fiqhigee keenaaya 14 jir waliba gabar ah in la dilo, waa caalimkee ku dhiiran kara in 14 jir Doodeeda loo adkaysan waayey oo lagu xaliyo Xabbad ama gumac Rasaaseed !!! waa islaamaah aaway Islaamkaygii aaway Islaamkeygii !!!!

Gabar 14 jir ah Caalimka u dul qadan waayey Hadalkeeda tolow ma shabaab baa ??? Tolow ma cali dheeraa , tolow ma Xasan Turkibaa ??? tolow ma Godanaa !!!

Akhristoow kuligood waa isku sinji Al-qaacidda, Taalabaan, Al-shabaab, Boca xaraam , Sacdiyiin , iwm.

Akhristoow gabadhii ma dhiman oo isbitaal baa debedda loo geeyey Wadanka ingiriiska, waxay Taalibaan ku Hanjabeen haddii ay Swat valley ku soo noqoto waa tooganeynaa !!!! Allaah Yaa Rabi Xikmad yaraa ,caqli xumaa !!!!.

Waxaan Maqaalkayga ku soo Afmeerayaa Xadiiskii Nabiga NNKH uu yiri :

[ ( Faaris Islaamku wuu jabin doonaa, se Romanka ilaa qiyaamo Boqortooyadoodu wey jiraysaa ) ama sidaas oo kale ayuu nabigu yiri !!!! Markaas buu yiri Raawigii Xadiiska oo ahaa Camar bin Caas Haddii Roomanku Boqortooyadoodu ilaa Qiyaamaha jireyso waxayy ku kasban doonaan Caddaalad ay dadkooda u sameeyaan, Haweenka Ragoodu dhintay iyo Carruurta Agoonta ah ayey caawin doonaan, Dadka waayeelka ah iyo masaakiinta ayey u Gargaari doonaan iwm ] .

Marka Akhristoow Nin Hal bilyan sadaqeystay oo Ban’iaadam Caawinay iyo Midka Qoriga iyo banbada la rooraayo kala mudan Wanaag !!!!

CAQLIGII WANAGSANI ITAAL IN UU KA ROON YAHAY BAL EEGO U FIIRSADA !!!

FII AMAANI LAAH !!!!

SHIIKH SAAHID MOHAMED YUSUF

USA,VA

sahidyusuf@yahoo.com

AL-MUTAKHASIS FIL XARAKAAT AL-ISLAAMIYAH.

1) Diimaha Nabiyada oo dhanba waa Islaam.

2) Carabtii hore ayaa gabdhaha nolal ku duugi jiray.

3) Ted tuner asagu markuu wax bixinaayo sadaqo ayuu ka wadaa sida pop koodu u sheegeen.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " HAL BILYAN OO DOOLAR OO SADAQO AH IYO HAL BILYAN OO GUMUC RASAASEED AH !!!!!! "

  1. Waa qoraal waxyaabo badan xanbaarsan oo kaweyn cinwaankiisa. Waxbixinta, diinta iyo asbaabaha loo soo dajiyey iyo ugu danbayntii Al-Shabab waa mawaadiic mudan in laga duwo oo mid weliba goonidiisa looga hadlo.
    Aad iyo aad ayaad umahadsantahay ee halkaas kawad

  2. omar says:

    jazaa kalaahu khayr shiikh ilaahay ha kaa abal mariyo
    waa mid dadka anfacaya..