Home » Warar »

Prof Gaandi ”Dadaalkii lagu Bixiyey in Maamul Loo sameeyo Gobolada Jubbooyinka waxaa Cagta ku Dhiftey Dowladii Shiikh Shariif “

  • iyo Dowlada Kenya oo sheegey in Amnidarada ka jirta Dalkeeda ay ka Dambeeyaan Ciidamadii iyo Saraakiishii loo Soo Tababarey Dowladii Federaalka.

Juhdigii iyo Dadaalkii loo sameeyey Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka waxaa Is hortaagey Dowladii Shiikh Shariif…

Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo Hogaamiya Urur la Magacbaxay Azaaniya ayaa mar uu u waramayey Telefishinka SomSat waxaa uu ka Hadley arrimo ku aadan Gobolada Jubbooyinka oo Sannadkii 2011 ay qabsadeen Ciidamo ka tirsan Wadanka Kenya.

Gaandi waxa uu sheegay in Caqabadii ugu weyneyd ay kaga timid Dowladii Ku meel gaarka ahayd ee uu Hagaaminayey Shariif , taas oo uu sheegay in ay is hor taagtey in maamul loo sameeyo Gobolada Jubbooyin.

“Juhdigii iyo Dadaalkii loo sameeyey Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka waxaa Is hortaagey Dowladii Shiikh Shariif ka dib markii laga dhaadhiciyey in Qabiil Ogaadeen ah ay wataan “ayuu yriri Prof Gaandi oo intaas raaciyey in Sannadkii 2011 uu Shiikh Shariif la Dhacsanaa Maamul u sameynta Jubbooyinka hase yeeshee markii Dambe waa uu ka baxay Qorshahaasi wuxuu sii raaciyey “in Sannadkaasi mar uu Shiikh Shariif yimid Magaalada Kambala waxaa si Cad u sheegey in ay ka soo horjeedaan in mamul loo sameeyo Gobolada Jubbooyinka .

Prof Gaadi waxaa uu sheegey in sidoo kale ay dhibaato kale ka imaaneyso Beelaha Dega Gobolada Jubboyinka kuwaas oo uu sheegey in aysan weligood ku heshiisn maamul u sameytaan Goboladaasi , waxaa kale uu sheegey in Magaalada Kismaayo ay ka jiraan ilaa far Kooxood oo kala ah Azaaniniya , Ahlu Suuna , Rakambooni iyo Harti Group waxaana uu sheegey in Koox kasta ay doonayso in ay Maamusho Goboladaasi, marka wey adag tahay in dadka ku nool Goboladaasi ay Maamul u sameytaan Deegaamadooda, sida laga soo xigtey Gaandi.

Dowlada Kenya oo sheegey in Amnidarada ka jirta Dalkeeda ay ka Dambeeyaan Ciidamadii iyo Saraakiishii loo Soo Tababarey Dowladii Federaalka.

Tan iyo markii Ciidamada Kenya ay soo galeen Deegaano ka tirsan Gobolada Jubooyinka Bishii Oktoobar ee Sannadkii 2011 ayaa waxaa Dalkaasi Kenya ka dhaca Dagaalo, Qaraxyo iyo Toogashooyin,  gaar ahaan Deegaanada Gobolka Waqooyi Bari iyo Magaalooyinka waa weyn ee Wadankaasi iyadoo taasi ay jirto ayaa Saraakiil iyo Gudoomiyaha Degamada Gaarisa uu ku jiro waxayna uu ku Eedeeyeen in Qalalaasahaasi ay ka Dambeeyeen Dowlada Federaalka Gaar ahaan Ciidamadii Soomaliyeed oo ay soo Tababbartey Dowladii Ku meel gaarka ahayd .

Warkaan oo aan ka soo xiganay Wargeyska Daily Nation waxa Sheegeen Xubnahaasi in Ciidamadii loo diyaariyey Dowlada Federaalka si ay gacan siiyaan inta Shaarkii badesheen ayey sheegeen in ay ku biireen Xarakada AlShabaab kuwaas oo Qalalaase dhinaca Amaanka wada.

“Ciidamaasi iyo Saraakiishooda waxaa loo tababarey in ay Dowladii Shiikh Shiikh Gacansiiyaan si wadanka Soomaaliya Nabad ku soo dabaalaan hase yeeshee Ciidamaddasi waxy ku soo jeesteen Dalka Kenya kuwaas oo Qaraxyo , Dilal iyo Dagaalo ka wada Wadanka Kenya oo ay ku jirto Magaalada Gaarisa “ayey yiraahdeen Xubnahaasi wuxuuna Hadalkaani ka horimaanayaa markii Xubnaha ugu sareeya Dowlada Kenya ay sheegeen in Qalalaasaha iyo Amnidarada ka jirta Wadanka Kenya ay ka dambeyaan Xarakada Alshabab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.