Home » Warar »

Ciidamada Amisom oo lagu Eedeeyey in aysan wax Mag Dhaw ka Bixin dadka sida Gardarada ah u Dilaan ama u Jiirsiiyaan Gawaaridooda Dagaalka.


. Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kulan la qaatey Dhiggiisa Dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir

. Dowlada Koonfur Afrika oo Soomaalida u Diidey in ay Dalkeeda ka Baxaan

 

Waxaa magaalada Muqdisho waxaa Waqtiyadaan Dambe ku soo badanayey Dilalaka ay geysanyaan Ciidamada Amisom una geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed , waxaana dhacdadii ugu dambeysey ay ahayad markii Ciidamo Amisom ah oo degen Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho ay Dileen Wiil dhalainyoro ah oo aan waxba galabsan kaasoo muddo yiileey Meydkiisa halkii ay ku dileen , waxaana Tododbaadkii hore markii agagaarka Bangigii Ganacsiga ay gaari ku jirrsiiyeen wiil Dhalinyaro oo markaa goynayey Wadada

Sidoo kale Gabar Lix jir ayey Bishii hore waxay gaari ku jiirsiiyeen Degamada Wardhiigley oo hada loo bxiyey Warta Nabada hase yeeshee Dillalkaasi waxay Saraakiisha Ciidamada Amisom ay sheegaan in ay Mag Dhaw ka bixninayaan balse ilaa iyo hadda ma jiraan ruux ay Magdhow siiyeen waxayna dadka dadkooda laga diley ay noo sheegeen in ay ku maaweeeliyaan Saraakiisha Amisom in lacagtooda ay taal Xarunta Midowga Afrika waxana dadkaaas ay noo sheegeen in dadka aysan mag dhow lahayan balse ay Xoolaha ka bixiyaan Mag dhow waxaana kal hore ay Mag dhow ka bixiyeen 11 Neef oo Geel oo waqti Habeen ah ay ku dileen agagaarka Garoonka Diyaaradaha ere Magaalada Muqdisho.

“Warfaafin aad baan ula yaabanahay maxay dabagla ugu sameeyn waayeen dadkii sida Gardarada ay u dileen Ciidamada Amisom balse waxay buun buuniyaan Hadalada Beenta ah ay faafiyaan Saraakiisha Amisom ma jiraan ruux Soomaali ah oo ay Magdhow siiyeen dadkii fara badnaa ee ay Dileen Ciidamada Amisom ama Gaari ay jiirsiiyeen “ayuu yiri nin odey ah Kabaha uga dhamaadeen Xarunta Amisom oo loo sheegey in wiilkiisa Mag dhow ay siinayaan oo markiid Dambe iska quustey oo intaa ku sii darey”Xoolaha Mag Dhow way ka bixiyaan laakiin dadka kama bixiyaan

Ugu Dambeyntii waxaa ugu Baaqey Dowlada Federaalka in ay Baaristaan rasmi ah ku sameyso Dadka soomaaliyeed ee ay Saraakiisha Ciidamada Amisom ay sheegeen in ay Magdhow Siinayaan balse markii Dambe ay Beenowdey islamarkaana waxaa uu sheegey in Dowlada Federaalka looga baahan yahay in ay Guddi u Mogacdo dadkaas sida Gardarada ah loo diley .

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kulan la qaatey Dhiiisadalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta soo gaaray Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan ka gadaal markii uu ka soo kicitimay Gobolka Blue Nail.Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Gobolkaas waxa uu halkaa kaga qayb galay Munaasibad lagu Xusyay Konton iyo Todoba Guuradii ka soo wareegtay Markii Dawlada Suudaan ay Xornimadeeda ka qaadatay Gumaysigii Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray Magaalada Khardduum wuxuu halkaa kulan kula qaatay Madaxweyne Al Bashiir iyagoona ka wada hadlay Xiriirka labada Dal iyo sidii loo sii hor marin lahaa. Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga war bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya is bedelka Soomaaliya ka dhacay iyo hawlaha dib u dhiska ee dalka ka soconaya isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay arrimaha ammaanka.

Madaxweyne Al Bashiir oo isaguna hadlay ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisii sida ay uga soo jawaabeen Casuumaddii ay u fidiyeen.Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in habeenka Caawa uu halkaas kulan kula qaato Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Dalka Suudaan isagoona uga war bixin doona Xaaladaha Soomaaliya ka jira

Dowlada Koonfur Afrika oo Soomaalida u Diidey in ay Dalkeeda ka Baxaan.

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay Soomaali aad u fara badan ay ka soo laabanayeen Dalka Kenya ka gadaal markii loogu baaqay in ay isaga baxaan Dalkaas ayaa dhinaca kale Soomaalida ku dhaqan Dalka Koofur Afrika waxa ay iyaguna bilaabeen in ay halkaas isaga baxaan. Dawladda Koofur Afrika ayaa is ho taagtay sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya Dalkaas bixitaanka Soomaalida dooneysa in ay dib dib ugu noqoto dalkeeda.

Dawladda Koofur Afrika ayaa ku Xidhay Soomaalida ku dhaqan Dalka Koofur Afrika in ay la yimaadaan Baasabooro Cusub iyadoona diiday in ay aqbasho ama u Fiiseyso Baasabooradii ay hore u haysteen.Soomaalida Koofur Afrika ayaa qaarkood waxa ay bilaabeen in Dalkaas si dhuumasha ah ay uga baxsadaan iyagoona gaaraya Dalka Kenya si ay ugu suurta gasho in ay dib ugu soo laabtaan gudajha Dalka Hooyo.

Dadka Soomaaliyeed eek u sugnaa Dalkaas mudadii soomaaliya ay ka jireen Qalalaasaha iyo Dagaalada Sokeeye ayaa waxay kala kulmeen Xadgudubyo aad u waaweyn oo u badnaa Dil iyo Boob loo geyssanayey Hantidoodii ay ku ganasanayeen Dowlada Wadankaasina waxba kama qaban Xadgudbyadaasi oo mudo dheer uu ka jirey dalka Koonfur Afrika

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.