Home » Warar »

Cabdiraxmaan Faroole oo Iska Fogeeyay inuu Wax Muddo Kordhin ah uu Samaystay.

. Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Raja Wanaagsan ka Muujiyay Wax Qabadka Xukuumaddiisa Sanadka 2013ka.

. Hay’adda MSF oo Maanta Gebi ahaanba soo AfJartay Hawlihii ay ka Wadday Isbitaalka Magaalada Beled Weyne.

. Xukuumadda Maraykanka oo ka Digtay Suurtagalnimada Qaraxyo Caawa ka Dhaca Nairobi.

. Qarax Ciidamada Amisom Lagula eegtay Is Goyska Al Baraka ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Pontland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamuud Faroole ayaa si faah faahsan uga hadlay hadalo maalmihii dambe Siyaasiinta ka soo hor jeedda ay sheegayeen.Faroole oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin wax muddo korarsi ah oo uu maamulkiisu samaystay dadka hadaladaas wadana ay yihiin kuwo ka shaqeynaya Xasilooni darro halkaa ka dhacda isla markaana la iska horkeeno Maamulka iyo Shacabka

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Maamulkiisu uu dhamaysanayo xiligii loo qabtay isla markaana wixii ay qaban karayaan ay qabanayaan wixii ay qaban kari waayana ay iska dhaafayaan. Cabdiraxmaan Faroole ayaa ugu baaqay kuwa uu sheegay inay isku sheegayaan in ay matalaan Bulshada Punt;land isagoon hoosta ka xarriiqay inaysan Bulshada matalin laakiin ay wataan qorshayaal ay shacabka ku marin habaabinayaan.
Madaxweyne Faroole ayaa wax qabadka maamulkiisa Tusaale uga dhigay Doorashadii Dawladda Federaalka Soomaaliya isagoona sheegay in Maamulkiisu gacan xoog leh uu ka gaystay Ansixintii Dastuurka iyo dhidbadii Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Barlamaankeeda.

“Dadaka ka soo horjeeda Nidaamka Pundland waxaan leeyahay in marka hore ay Akhristaan Dastuurka Pundland aniga waxba kuma aan kororsan Xiligii la igu tala galey”ayuu yiri Cabdiraxman Faroole hase yeeshee Dadka ka soo horjeeda ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Faroole uu Xilka uga eg yahay 9 Janaayo ee 2013 e foodan nagu soo haysa

Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Raja Wanaagsan ka Muujiyay Wax Qabadka Xukuumaddiisa Sanadka 2013ka

Cabdi Faarax Shirddoon Ra’iisul Wasaaraha Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay wax qabadka Xukuumadiisa Sanadkan sii dhamaanaya.Dr Saacid Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisu tan iyo markii la magacaabay in waxyaabo fara badan ay u qabsoomeen isagoona si gaar ah farta ugu fiiqay qaadistii Isbaarinyka laga qaaaday qaybo kala duwan ee Magaalada Muqdisho iyo meelaha ay Maamusho Dawladda ka mid ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay inuu Raja wanaagsan ka qabo Sanadka bilaabanaya in Xukuumaddiisu ay wax badan ka qaban doonto hawlaha loo igmaday.Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in uu raja wanaagsan ka qabo in Afarta sano ee soo socota ay wax ka qaban doonaan Xaaladda Siyaasadeed ee dalka gaar ahaana dhinaca ammaanka oo uu sheegay inuu qorshahooda ugu horeeya uu yahay in ay xoogga Saaraan.

Hay’adda MSF oo Maanta Gebi ahaanba soo AfJartay Hawlihii ay ka Wadday Isbitaalka Magaalada Beled Weyne.

Iyadoo Sideedii Sano ee aynu soo dhaafnay Hay’adda MSF hawlo sama fal ah ay ka wadday Isbitaalka ayaa gebi ahaanba maanta waxaa soo dhamaaday hawshii ay hay’addu ka wadday Isbitaalka Guud ee Magaalada Beled Weyne.

Shaqaalihii Hay’adaas ayaan maanta gebi ahaanba soo xaadirin Isbitaalka iyadoo MSFna ay hore u shaacisey in ay joojin doonto Shaqada ay ka waddo Magaalada Beled Weyne.

Mas’uuliyiinta Gobolka iyo waxgaradka ka soo jeeda Magaalada Beled weyne ayaa maalmahanba waday Mashruuc ay ku abuurayaan sidii isbitaalkaasi u heli lahaa gargaarka uu u baahan yahay isla markaana aysan u joogsan lahayn Hawlihii halkaas ka socday ka gadaal marka ay hay’adda MSF shaqda ay joojiso.

Xukuumadda Maraykanka oo ka Digtay Suurta Galnimada Qaraxyo ka Dhaca Nairobi.

War Qoraal ah oo ka soo Baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay suurta gal tahay in Magaalada Nairobi Habeenka caawa ay ka dhacaan Qaraxo lala beegsanayo meelaha lagu dhigayo Xuska Sanadka Cusub.

Afhayeen u hadlay Xafiiska arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ka digay in Goobaha ay ka dhacayaan Xafladaha loo samaynayo Xuska Sanadka cusub ee 2013ka in ay dhici karaan in Qaraxyo laga fuliyo.

Afhayeenka Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa uga digay Muwaadiniintooda ku sugan Magaalada Nairobi in aysan tegin kana qayb galin Xafladaha Sanadka Cusub loo sameynayo isla markaana marka uu Gabalku dhaco Guryahooda ay ku negaadaan.

Qoraalkan ka soo baxay Xafiiska arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Wadamada kale ee Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya in ay qudhooda suurtowdo in Qarax laga gaysto isagoona arrintaa ku eedeeyay in ay Maleegayaan Xarakada Shabaab.

Qarax Ciidamada Amisom Lagula eegtay Is Goyska Al Baraka ee Magaalada Muqdisho.

Kolonyo Gaadiidka Ciidamada Amisom ah oo Barqanimadii maanta marayay Is Goyska Al Baraka ee Degmada Hodan ayaa halkaas Qaraxyo lagula eegtay. Qaraxyadan ayaa waxaa ku dhaawacmay dad rayid ah oo goobtaa ka dhawaa isagoo Qaraxyaadisan ay ahaayee Bamka gacanta laga tuuro.

Qaraxyadii maanta ka dhacay Degmada Hodan ayaa waxaa ku dhaawacmay sida ay sheegeen dad halkaa ka dhawaa illaa Seddax qof oo rayid ah iydoo Ciidamadii Amisom eel ala eegetey Qaraxaasi aan la ogeyn waxa gaarey Dadka degaanka ayaa sheegay in markaas kaddib ay halkaa soo gaareen Askar ka tirsan kuwa dawladda kuwaas oo halkaa hawl galo ka sameeyay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.