Home » Warar »

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka Hadlay Heshiis Milatari oo Dhawaan ay kala Saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga

iyo Dowladda Itoobiya oo Walwal ka Muujisey Heshiiska Miltari ee Soomaaliyaiyo Turkiga

– Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Cod Aqlibiyad ah ku Ansaxiyey Miisaaniyada Dowladda Sannadka 2013

– Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo iska Casiley Xubintii Xildhibaanimada Booskiisana waxaa Buuxiyey..

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa caadiga ahaa ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho Kulankan oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa waxaa looga hadlayay Heshiis dhawaan ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Gaaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga.

Xubnahii Baarlamaanka ee kulankaas soo xaadiray qaarkood ayaa weydiistay in Tafaasiil dheeraad ah laga siiyo Heshiiska waxa uu ka kooban yahay islamarakaana waxay Codsadeen in Wasiirka Gaashaandhiga uu horyimaado Baarlamaanka soomaaliyeed si loo helo Xog Dhameystiran.

Xildhibaanada ayaa loo sharaxay in Heshiiskaasi uu ku kooban yahay oo keliya heshiis labada Wasaaradood ay ku gaareen sidii Dawladda Turkigu u Tababari lahayd Saraakiisha Ciidamada Dawladda, taasina ay ay codsatay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya mar dhawaan ay booqasho dalkaas ku tageen Wafddi uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirka Gaashaandhiggu ka mid ahaa.

Xildhibaanadii Barlamaanka ayaa intaa kaddib ogolaaday in Heshiiskaas la meel mariyo maadaama uu yahay Heshiis ay Dawladdu u soo gudbisey Baarlamaanka, waana Heshiiskii ugu horeeyey ee ay wada Saxiixdaan Dowladda Turkiga iyo Dowlada Soomaaliya oo ku aadan dhinaca Milatariga , wuxuu ku soo beegmey xili Weli Soomaaliya ay saran tahay Cunaqabateyn dhinaca Hubka ee lagu soo rogey Sannadkii 1992 dii iyadoo Dowlada Federaalka ee la doortay Bishii September ee Sannadkaan ay Durbadiiba ay Codsatey in laga qaado Cunaqabteynta Hubka iyadoo Dowlada Itoobiyana ay Dadaal ugu jirto in Soomaaliya ay sii saarnaato Cunaqabteyntaasi Hubka.

Dhinaca kale Heshiiska Dhexmarey Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ee Dhinaca Gaashaandhiga ayaa waxaa welwel ka muujiyey Dowladda Itoobiya oo iyadu sheegtey in heshiiskaasi uu keeni karo in mar kale uu Dagaal uu dhexmaro Soomaaliya sidoo kale waxay Dowlada Itoobiya Sheegtey in Hubka ay Dowlada Turkiga Bixi doonto laga yaabe in uu gacanta u galo wax ugu yeertey Kooxaha Argagixisada .

Kulankii maanta ee Baarlamaanka ayaa waxaa lagu ogolaadey Miisaanyada Xukuumada ka dib markii dhawaan lagu celiyey Xukuumada laguna wargeliyey in ay wax badan ka soo bedesho Miisaaniyada iyadoo Wasiirka Maaliyada Maxamuud Suleymnaa Cawil uu sheegey in ay kordhiyeen Mushaarkii Ciidamada oo markii hore aad u yaraa.

Kulanka Maanta waxaa fadhiyey 176 Xildhibaan waxaana Cod Gacantaag loo sameeeyey Miisaaniyada Dowlada waxaa ogolaatey 175 Xildhibaan Cidna ma diidin Hal Xildhibaan baa ka aamusey.

Dhanka kale raiisul wasaarihii hore Dowladii Federaalkae e ku meel gaarka Cabdiweli Maxamed Cali Gass ayaa Xilkii Xildhibaanimo ku waraajiyey Cabdiladiif Muuse ooo isagana waxaa lagu hor Dhaariyey Baarlamaanka Hortiisa

Ma ahaa markii ugu horeysey ee ay Booskii Xubinimadii Xildhibaanimo baneeyaan siyaasiyiin waxaa hore isku Caslley Duqa Magaalada Muqdisho waxaana Booskiisa Buuxiyey Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle, sidoo kale waxaa isna Baneeyey Xubanimadii Xildhuibaanimo Madaxweynaha Dowlada Federaalka waxaana Booskiisa Buuxuyey Cabdulaahi Xaaji.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaasro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka Hadlay Heshiis Milatari oo Dhawaan ay kala Saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga "

  1. Walaal waad salaamantihiin marka hore. Waxaan rabaa inaan idling sheego heshiiska ma xuma, laakiin Dowlad Soomaaliyeed oo hanan karta hub iyo milateri wali ma hayno, sababtoo ah shanta nin oo maalinba meel diyaarad u saaran ee is daba ordaya dad qaxaya ma dhoti karno waa madaxweyne iyo wasiiro. Waxaa yaqiin ah hadii hub lageeyo muqdisho in lagu weerarayo Bay iyo Bakool, ama Jubbooyinka xitaa Hiiraan. Madax ku sheega waxaa ilaaliyo ciidamo Afrikaan ah war nin isagaba nin shisheeya ah ilaalinayo oo laga ilaalinayo dadkiisa inay dilaan baa codsanayo in hub loo keeno. Aniga waxaan hadalkayga kusoo koobayaa, qiyaaliga iyo beenta loo sheegayo umadan soomaaliyeed halla joojiyo. Alaa minkum rajulun rashiid yaa Hawiye.

  2. Cali says:

    Asc dhaman bahda somali talk waad ku mahadsantihin sida faahfahsan ee ugu sogudbisan wararka sugan bulshada somaliyeed

  3. Cali says:

    Waa sax in aan iskaashi milateri layeelano dal muslim ah oo hadana taariiq kuleh hugaaminta dadyawga muslimiinta ah