Home » Faallo »

Oodo dhacameed siday u kala korreeyaan baa loo qaadaa: Qaybta 1aad

Shareecadu waxa ay usoo degtay si loo helo loonaa dhammaystiro waxyaalaha danta iyo faaiidadu ku jiraan (maslaxooyinka), iyo si loo yareeyo loona baabi’iyo wixii dhibaatooyin ka imanayaan (mafsadooyin). Waxa ay na shareecadu xoogga saartaa labada khayr hadba kooda khayrka badan, labada sharna hadba kooda sharka badan. Sidaas oo kale waxa ay ku dedaashaa laba maslaxo tooda weyn sidii loo heli lahaa, ayada oo ka tegaysa ta yar, waxa ayna hor istaagtaa laba dhibood tooda weyn, ayada oo qaadanaysa ta yar.

Falalka Alle iyo Rasuulkiisu ina fareen waa waajib ama mustaxab, kuwaas oo Alle amaanay ballanqaad fiicanna raaciyey samayntooda. Falalkan waxaa la yidhaahdaa xasanaat ama wanaag. Isla mar ahaantaana waxaa la inaga reebay falal xaaraan ama makruuh ah, kuwaas oo Alle xumeeyey goodina raaciyey samayntooda, waxaana la yidhaahdaa sayyi’aat ama xumaan. Diintuna waa amarka Alle iyo Rasuulkiisa oo la raaco oo waxa ay fareen la sameeyo waxa ay reebeenna laga tago. Arrimahan  fulintoodana Alle wuxuu ku xidhay awoodda, karitaanka iyo tabarta qofku u leeyahay. Waxa uu na Alle - sarreeye- yidhi:

﴿فَاتَّقُوا اللَّهَ مَا اسْتَطَعْتُمْ﴾

“Alle waxaad ka cabsataan intii aad awoodaan”

At Taqaabun: 16.

Sidaas oo kale wuxuu Alle – sarreeye- yidhi:

﴿لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إلَّا وُسْعَهَا لَهَا مَا كَسَبَتْ وَعَلَيْهَا مَا اكْتَسَبَتْ﴾

“Alle naf kuma xil-saaro tabarteed iyo awoodeed wax ka badan, naf la arkaaba waxay leedahay waxay suubsatay oo wanaag ah, korkeedii waxaa ahaanaaya waxay galabsatay ee xumo ah”

Al Baqarah: 286.

Waxaa kale oo Alle – sarreeye- yidhi:

﴿يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ﴾

“Alle wuxuu idin la doonaayaa fudayd, ee idin la doonimaayo culays”

Al Baqarah: 185.

Waxaa kale oo Alle- sarreeye- yidhi:

﴿مَا يُرِيدُ اللَّهُ لِيَجْعَلَ عَلَيْكُمْ مِنْ حَرَجٍ﴾

“Alle ma rabo inuu yeelo korkiina dhib”

Al Maa’idah: 6.

 

Waxyaalaha la reebay markuu ka hadlayey, Alle wuxuu yidhi:

﴿وَقَدْ فَصَّلَ لَكُمْ مَا حَرَّمَ عَلَيْكُمْ إلَّا مَا اضْطُرِرْتُمْ إلَيْهِ﴾

“Alle waa idiin kala dhigdhigay wixii uu idinka xarrimay oo waa laydiin caddeeyey kii maahaane la idiin dhibaata geliyey”

Al Ancaam: 119.

Waxa uu na yidhi- sarreeye-:

﴿فَمَنِ اضْطُرَّ غَيْرَ بَاغٍ وَلَا عَادٍ فَلَا إثْمَ عَلَيْهِ﴾

“Qofka la dhibaata geliyey, isaga oo aan xad gudbaynin, dembi korkiisa ma aha [in uu cuno waxyaalihii la xaaraantimeeyey sida bakhtiga iyo doofaarka]

Al Baqarah: 173.

 

﴿فَمَنِ اضْطُرَّ غَيْرَ بَاغٍ وَلَا عَادٍ فَإِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَحِيمٌ﴾

“Qofka la dhibaata geliyey, isaga oo aan xad gudbaynin, Alle mid dembi dhaaf iyo naxariis badan weeyaan”

An Naxal: 115.

﴿وَلَيْسَ عَلَيْكُمْ جُنَاحٌ فِيمَا أَخْطَأْتُمْ بِهِ﴾

“Kuna dembaabi meysaan arrinkii aad ku geftaan”

Al Axsaab: 5.

﴿وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَأَعْنَتَكُمْ﴾

“Haddii Alle doonana waa idin mashaqayn lahaa”

Al Baqarah: 220.

 Arrimihii iskahor-imaanayeyna wuxuu Alle ka yidhi:

 

﴿يَسْأَلُونَكَ عَنِ الْخَمْرِ وَالْمَيْسِرِ قُلْ فِيهِمَا إثْمٌ كَبِيرٌ وَمَنَافِعُ لِلنَّاسِ وَإِثْمُهُمَا أَكْبَرُ مِنْ نَفْعِهِمَا﴾

“Khamrada iyo khamaarka bay wax kaa weydiinayaan ee waxaad tidhaahdaa gudahooda waxaa ku sugan dembi weyn iyo manaafic (dhaqaal) baa dadka u ugu sugan, dembigooda ayaana ka weyni badan wax-tarkooda”

Al Baqarah: 219.

Wuxuuna yidhi- sarreeye-:

﴿كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِتَالُ وَهُوَ كُرْهٌ لَكُمْ وَعَسَى أَنْ تَكْرَهُوا شَيْئًا وَهُوَ خَيْرٌ لَكُمْ وَعَسَى أَنْ تُحِبُّوا شَيْئًا وَهُوَ شَرٌّ لَكُمْ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ﴾

“Waxaa la waajibiyey korkiina dagaalamid kaas oo qoonsimaad idiin ah, waxaa sugan inaad wax qoonsataan  kaad qoonsateenna uu idiin fiicnaan badan yahay, waxaana sugan inaad wax jeclaataan kaad jeceshiin baana idiin belo badan, Alle ayaana wax walba og idinkuse wax ma ogidin.”

Al Baqarah: 216.

Wuxuu na yidhi- sarreeye-:

﴿وَالْفِتْنَةُ أَكْبَرُ مِنَ الْقَتْلِ﴾

“Fitnada ayaana ka weyn dilka”

Al Baqarah: 217.

﴿وَوَصَّيْنَا الْإِنْسَانَ بِوَالِدَيْهِ حُسْناً﴾

“Dadka waxaanu u dardaarannay waalidiintii inuu wanaag u sameeyo”[1]

Al cankabuut: 8. ilaa laga gaadho:

﴿وَإِنْ جَاهَدَاكَ عَلى أَنْ تُشْرِكَ بِي مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ فَلَا تُطِعْهُمَا وَصَاحِبْهُمَا فِي الدُّنْيَا مَعْرُوفًا وَاتَّبِعْ سَبِيلَ مَنْ أَنَابَ إلَيَّ﴾

“Hadday labadii waalid kugu dhibaan inaad wax ila wadaajiso wax aadan cilmi u lahayn ha adeecin adduunyadana wanaag kula dhaqan waxaadna raacdaa wadada kuwa aniga iisoo noqday”

Luqmaan: 14-15.

***

“Xaqu waa sunniyo faral

Marna waa sir iyo caad

Misna waa sal iyo baar

Camalkaa sed lagu xidhay

Qofba saami mudan yahay,

In sinnaanta laga dhigo

Kala-soof in gudashada

Qofba dhinac ku sara-kaco

Rabbi waa samaalee

In samaan-u-xilashada

Samihiisa lagu helo

Samo samo la dhaafshiyo

Sare iyo tu hoosiyo

Isa-sudhan ha noqotaa

Sababuhu u dhacayaan.”[2]

***

Waxaa cad in wanaagga samayntiisu ay faa’iido wadato, ka tegiddiisuna dhibaateeda leedahay.  Dhanka kale, xumaantii waxa ay wadataa dhib, makruuhiina, isaga oo dhib leh, xoogaa wanaag ahna wuu la socdaa.

Haddaba, iska-hor-imaadku waxa uu ka iman karaa laba wanaag oo aan la kulmin karin ama aan mar la wada samayn karin, waxayna tahay in hadba kooda wanaagga badan la hor mariyo. Sidoo kale, iska-hor-imaadku waxa uu ka iman karaa laba arrimood oo xumaan ah, kuwaas oo ay khasab tahay midkoon in lagu dhaco. Markanna waxaa la hor istaagayaa ta xumaanta badan ayada oo la qaadanayo xumaanta yar. Waxaa kale oo iska-hor-imaadku u dhaxayn karaa arrin wanaagsan iyo mid xun oo is-wata oo aan la kala sooci karin, wanaaga oo la sameeyaana uu keensanayo in xumaantiina lagu dhaco, xumaanta oo laga tagaana ay kallifayso in wanaaggiina laga tago. Markan waxaa la isu fiirinayaa faa’iidada ka imanaysa wanaagga iyo dhibka ka imanaya xumaanta, waxaana la qaadanayaa hadba koodii xoog bata.

Hadda bal aan tusaaleyaal ku caddayno arrimahaas. Laba wanaag oo iska hor yimaadda waxa ay la mid tahay waajibkii iyo mustaxabkii oo iska hor yimaadda ama fardul caynkii iyo fardul kifaayihii oo iska hor yimaadda. Tusaale ahaan, deyntii la isaga fadhiyey ee guditaankeeda hadda la rabey (arrin waajib ah) waxa ay ka hormaraysaa sadaqadii oo mustaxab ah. Sidaas oo kale waxaa ah quudinta ehelka iyo labada waalid (fardul cayn) oo laga hormariyo xoolihii lagu bixinayey jihaadka fardul kifaayaha ah, sida ku timid xadiiska saxiixa ah [oo saxaabigu Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- waraysanayo]:

{أَيُّ الْعَمَلِ أَفْضَلُ ؟ قَالَ : الصَّلَاةُ عَلَى مَوَاقِيتِهَا قُلْت : ثُمَّ أَيُّ ؟ قَالَ : ثُمَّ بِرُّ الْوَالِدَيْنِ قُلْت . ثُمَّ أَيُّ ؟ قَالَ : ثُمَّ الْجِهَادُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ}

“Camalka kee ugu fadli badan? Wuxuu yidhi: salaadda oo wakhtigeeda la oogo. Waxaan idhi: kadibna maxaa xiga? Wuxuu yidhi: dabadeedna labada waalid oo baarri loo noqdo. Waxaan idhi: kadibna maxaa xiga? Wuxuu yidhi: dabadeedna jidka Alle oo lagu jihaado.”

***

“Adoo dayr-cad soofshoo

Seko lagugu leeyahay

Suuradaha ka baadhoo,

Maqaar-saar ma bixin layd?”[3]

***

Laba xumaan oo ay khasab tahay midkood in lagu dhaco waxaa tusaale u ah: haweenayda hijroonaysa oo safarka hijrada oo ay u baxdo maxram la’aan (xaaraan) ka hormarisa in ay kusii negaato dhul gaalo (Daarul Xarbi) (xaaraan). Haweenay Umm Kulsuum (أُمُّ كُلْثُومٍ) la dhihi jirey ayaa sidan yeeshay, oo ahayd haweenaydii sababkeeda Alle ku soo dejiyey Aayadda Imtixaanka (آيَةَ الِامْتِحَانِ):

﴿يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إذَا جَاءَكُمُ الْمُؤْمِنَاتُ مُهَاجِرَاتٍ﴾

“Dadka xaqqa rumeeyayoow hadday idiin yimaaddaan gabdho Alle rumeeyey ayagoo soo hijrooday”

Al Mumtaxinah: 10

Waxaa kale oo tusaale ah; naf dilitaankeeda oo laga hormariyo gaalnimo, sidii uu Alle­- sarreeye- u yidhi:

﴿وَالْفِتْنَةُ أَكْبَرُ مِنَ الْقَتْلِ﴾

“Fitnada (qofka laga fitneeyo diinta)ayaana ka weyn dilka”

Al Baqarah: 217.

Sidaas awgeedna waa la dilayaa qofkii sababayey in Iimaanka laga fitnoobo. Maxaa yeelay, dhibka ka imanaya gaalnimada ayaa ka weyni badan dhibka ka imanaya naf la dilo. Tusaale kale waxaa ah: tuuggii oo gacanta la gooyo, qofkii sinaystay oo dhagax lagu dilo (la rajmiyo), iyo qofkii khamrada cabbay oo la shaabuugeeyo. Sababta oo ah gacan-goynta, rajminta iyo shaabuugeynta dhibka ka imanaya waxaa ka weyn oo la hormarinayaa dhibka ka imanaya xaditaanka, sinada iyo cabitaanka khamrada.

Dhammaan ciqaabaha kale ee shareecadu ina fartay – iyada oo asal ahaan ay xun yihiin dhibna wataan- waxaa looga dan leeyahay in la hor istaago arrin kasii dhibaato badan, kaas oo ah dhibka ka dhalanaya falalkaas (jariimada). Maxaa yeelay, lama joojin karo fasaadkaas weyn (sida sinada, xaditaanka, iwm) haddii aan fasaadkan yar (ciqaabta) la samaynin.

Sidaas oo kale marka jihaadka laga hadlayo, ayada oo la ogsoon yahay dilka qof aan dagaalka ka qayb qaadanin- sida haweenka iyo ilmaha- in ay xaaraam tahay, haddana markii laga marmaari waayo in la adeegsado hub culus- sida madaafiicda (manjaniiq)- ama ba in la miro oo dagaal lagu qaado habeennimadii, way bannaan tahay in hawlgalkaas la sameeyo ayada oo dadkii dhiigooda la dhawray ay wax ku noqon karaan. Hore na way u dhacday markii Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- magaalada Daa’if uu go’doomiyey madaafiicdana lagu garaacay ayada oo mushrikiintii guryahoodii ay joogaan. Tanina waxa ay tusinaysaa ayada oo lala dagaalamayo fasaadka fitnada haddii ay meeshii ku dhintaan dad aysan bannaanayn in ula kac loo dilo in la xamili karo dhibkaas, maadaama fasaadka fitnadu ka weyn yahay dilka nafta.

***

“Caynkii aadan ka darayn iyo

Camalkii aadan hurayn baa

Danta loo cuskadaa”[4]

***

Arrinta afraad; wanaag iyo xumaan is-wata oo aan la kala sooci karin, waxaa ka mid ah oo tusaale u ah bakhtigii oo la cuno marka ay jirto gaajo aad u darani (الْمَخْمَصَةِ). Maxaa yeelay, cunitaanku waa wanaag waajib ah laakiin aan suuro gelaynin ilaa la sameeyo falkan xun (bakhtiga oo la cuno), maslaxada ku jirtaana ay ka weyn tahay dhibka ka imanaya xumaanta.


[1] Sheekhu wuxuu is-dhexgeliyey qaybta hore ee aayadda 8aad, suurat Al Cankabuut, iyo aayadda 15aad ee suurat Luqmaan. Aayadda Luqmaan حُسْناً kuma jirto, laakiin micnaha waxba iskama bedelin.

[2] Suubban: M.I.W. Hadraawi

[3] Salaan Guud: Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye

[4] Caqli-Celin: Jaamac Kediye Cilmi

Qaybaha kale ee Qoraalka ka eeg halkan

Muxammad Yusuf.

Email: muxammadbulbul@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Oodo dhacameed siday u kala korreeyaan baa loo qaadaa: Qaybta 1aad "

  1. faafoole says:

    Walaaayoolw ma waxaad daliil loogana dhina in qof aan waxba galabsan la dili karo dhacdadii DAAif…oo lawada ogyahay inwax madfaca uusan jirin dad xabad magaydo ahna anan lagu dilin..in la yiraahdo sidii mas aladii bakhtiga aa loo adegsana…Billahi calaykum wxaan oran karna islaamka burburkiisa ayaad u soo tafa xaydateen lkn Alle wa arke ogaal badan..waaa caddahay in qofkas loo dilaa ay dambi weyn tahay…..waxaan aa aad wadaana ader yaaloow carabtii aa horay ugu soo baaba day..dadkiinana aad haada ugu laynaysaan..Diintu xoog iyo qasab maahan oo ALLe haddii uu doonaaayo isagaa ka adag wixii diida