Home » Warar »

Kulankii Calasow iyo Kibaki: in dib loo celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed

iyo Raila Odinga oo magacaabay Ibraahim Axmed Rashiid in uu lataliye uga noqdo arrimaha Soomaaliya ….

Madaxweynaha Dawladda Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Maxamuud Calasow oo gaarey magaalada Nairobi, kulana la qaaday Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa waxaa kulankooda ka soo baxay in ay ku heshiiyeen 11 qodob.

Qodobada 11 ah ee ay ku heshiiyeen Calasow iyo Kibaki waxaa ka mid aha “in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya iyo in la unko xiriir qoto dheer oo ay yeeshaan labada Madaxweyne” iyo qodobo kale, sidaas waxaa laga soo xigtey warbaahinta Villa Soomaaliya.

Dhanka kale Kenya waxay dalbatay in waqtiga loo kordhiyo joogitaanka ay ciidamada AMISOM kusii joogayaan gudaha Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay qabteen ayaa Madaxweynaha DFS waxa uu Kenya uga mahad celiyey in ay Ciidamadooda u direen Soomaaliya.

Wararka ku dhowdhaw kulankaasi ma xusin in labada dhinac ay ka wada hadleen in Kenya ay faraha kala baxdo badda Soomaaliyeed ee la olloga ah Raaskabooni oo heshiisyada shidaal sahaminta kula geleyso shirkadaha shisheeye, taas oo laga filayey dawladdii rasmiga ahayd ee Soomaaliya yeelato 21 sano kaddib in ay Kenya si qayaxan arrintaas ugu caddayso, taas oo u muuqata in lagu hungoobey.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa Ibrahim Ahmed Rashid u magacaabay in uu lataliye uga noqdo arrimaha Soomaaliya, sida ay qortay jariida Standard ee ka soo baxda Nairobi oo intaas raacisay in magacaabistaas ku soo beegantan xilli uu Kenya booqasho ku joogey madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya. Akhri: Raila appoints political advisor on Somalia

Video: Shirkii Jaraa’id ee Nairobi:


Somalia’s newly elected President Hassan Sheikh Mohamud smiles upon arrival at a meeting with Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn at the National Palace in capital Addis Ababa, November 28, 2012 (Tiksa Negeri/Courtesy Reuters). READ MORE….


55 Qof oo Qaxooti ah oo lagu la’yahay Badda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Yemen

55 qof oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa ku qaraqmay ama la la’yahay kaddib marki Talaadadii la soo dhaafay doontii ay saarnaayeen ay ku degtey badda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Yemen, arrintaas oo dhacdadii ugu xumayd oo muddo sanad ah ka dhacdaa halkaas, sidaas waxaa yiri Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobay waxay sheegeen in ay arrintani tahay “Dhacdadii ugu weyneynad ee lagu waayo naf” oo ka dhacda Gacanka Cadmeed laga soo bilaabo February 2011 markaas oo 57 qaxooti Soomaali iyo qaxootiyaal kale oo ka yimi geeska Afrika ay ku qaaraqmeen halkaas iyagoo isku deyayey in ay u gudbaan yemen.

Akhri Wararkii hore ee Tahriibayaasha

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.