Home » Faallo »

Oodo dhacameed siday u kala korreeyaan baa loo qaadaa: Hordhac

بسم الله الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله

Bismillaah, Alle ayaa mahad oo dhan iska leh, salli iyo nabadgelyana Rasuulkii Alle dushiisa ha ahaadeen.

Maqaalkan waxa aan jeclaystay in aan ku soo bandhigo qormo aan soo gaabiyey oo uu leeyahay Shaykhul Islaam Ibnu Taymiyah- Alle ha u naxariistee– taas oo aan rajaynayo in ay inoo fududayso sidii aan uga jawaabi lahayn su’aashan:

Xilligan diintii laga fogaaday la lana dagaalamayo, umaddiina madaxa looga taagan yahay, maxaa la gudban dadka raba inay xaaladda taagan wax ka bedelaan? Sidee ayey usoo celin karaan ku dhaqankii shareecada? Maxay tahay in ay xoogga saaraan kuna dedaalaan? Maxayse dib u dhigan karaan?

Shaykhul Islaam Ibn Taymiyah- Alle ha u naxariistee- waxa uu caan ku yahay fikir bisil oo waaqici ah lana socda xaaladda bulshadu ay hadba ku jirto, kaas oo ujeeddadiisu ay tahay: “sidii wanaagga loo badin lahaa loona dhammaystiri lahaa, xumaantana loo yarayn lahaa loona baabi’in lahaa.” Arrinkaas oo mararka qaarkood keensanaysa in la sameeyo shay caadi ahaan aynu u naqaano “xaaraan”, mararka qaarkoodna in laga tago waxyaalo aynu u naqaan “waajib”, ayada oo laga fiirinayo hadba sidii maslaxada iyo dantu ku jirto, lana raacayo qawaaniinta shareecada, oo aan hawo iyo waxa ay naftu jeceshahay lagu soconaynin.

Qoraalkan asalkiisa waxaa laga helayaa kitaabka Majmuucul Fataawaa, Mujalladka 20aad, bogagga 48-61. Dabcada Mujammac Malik Fahad ee lagu daabaco Musxafka Shariifka ah, Madiinah al Munawwarah. Soo gaabinta aan qoraalka sheekha ku sameeyey ma aha mid wax u dhimaysa ama bedelaysa ujeeddadii sheekha, ee waxa ay ku kooban tahay tusaaleyaal aan mid ka soo qaatay, aayado isku macne ah oo aan qaarkood ka tegay, faahfaahin dheeraad ah oo aan yareeyey, iyo wax la mid ah.

Soomaaliyi suugaan bay wax ku fahantaaye, meelaha qaarkood waxaan geliyey meerisyo kooban oo ku habboon.

Waa camal Banii Aadan, dedaal na halkaas ayuu ila gaadhay ee wixii aan saxay Alle ayaa mahaddeeda iska leh, wixii gef ahna waxa aan rajaynayaa oo aan codsanayaa in la saxo. Sidaas oo kale, wixii talo iyo tusaale ah aad ayaan usoo dhowaynayaa.

Waanakan qoraalkii sheekha oo aan soo gaabiyey ee akhris wacan…

Muxammad Yusuf.

Email: muxammadbulbul@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.