Home » Warar »

Cabdiweli Cali Gaas oo Dowlada Kenya uga Digey in ay Dib u Celiso Qaxootiga Soomaaliyeed

Dowladda Dalka Kenya ayaa mar kale waxa ay ka hadleen Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Gudaha Magaalada Nairobi gaar ahaana Xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii. Xukuumadda Kenya ayaa amar ka soo saartay Qaxootigaas gaar ahaana kuwooda haysta Kaararka Aqoonsi ee ay bixisey Hay’adda UNHCR oo cadeyneysa Qaxootinimadooda kuwaasoo loogu baaqay in ay dy dib ugu laabmaan Xeryaha Qaxooti eek u yaala Waqooyiga bari ee Kenya.

Dawladda ayaa amar cad ku siisay Qaxootigaas in ay dib ugu laabtaan Xeryaha halka dadka aan Qaxootiga ahayna ee dalka Sharcidarada ku jooga loogu baaqay in iyaguna ay dib ugu laabtaan Soomaaliya. Amarkan ayaa waxaa cabasho xoog leh ka bixiyay Soomaalida ku dhaqan Magaalada Nairobi kuwaasoo sheegay in Xaaladda Xeryahaasi in aysan wanaagsanayn isla markaana aysan ku noolaan Karin.

Maryan Ciid oo ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Xaafadda Islii oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in markii ay ka soo tagtay Xeryaha Qaxootiga muddo lix sano ay ku nooleed Xaafadda Islii iyadoona sheegtay in halkaas ay ka bilowdey Nolol Cusub oo ah Ganacsi ay halkaa ku leedahay. Haweeneydaan ayaa sheegtay in ay ka mid tahay Qaxootiga Soomaalida ee haysta Sharciga Qaxootinimo isla markaana ay leedahay Lix Caruur ah kuwaasoo nol;oshooda ay ka soo saarto Ganacsiga ay ku leedahay Magaalada Nairobi.

Maryan ayaa farta ku fiiqday in Nolosha Nairobi iyo tan Xeryaha Qaxootigu aad u kala durugsan yihiin isla markaana ay ka codsanayso Dawladda Kenya in aan dib loogu celin xeryihii lix sano ka hor ay isaga soo tagtay. Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa Dawladda Kenya waxa ay soo saareysey amaro ay ku Xakjamaynayso Qaxootiga Soomaalida ah ee ku Sugan Dalkeeda kuwaasoo ay u aanayso in ay gacan ku leeyihiin falalka amnidarro ee ka dhaca gudaha Magaalada Nairobi iyo Xeryaha

Dhinaca kale C/weli Maxamed Cali {Gaas} oo mar soo noqdey Ra’isul Wasaare Dowladihii ugu Damabeysey ee Soomaaliya hadda ku sugan Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dadka Soomaalida ah ee Qaxootiga ku ah Kenya iyo war ka soo baxay dowladda Kenya oo sheegtay inay joojineyso diiwaangelinta Qaxootiga Soomaaliya e ku soo qulqulaya Dalkeeda ,

Dr. Gaas waxa uu sheegay in Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya ay yihiin kuwo aan gelin wax dembi ah, isla markaasna amaan iyo xasilooni u soo doontay gudaha Kenya.“Inkastoo amarka ka soo baxay Kenya uu yahay mid aan la diidaneyn haddana waa in dowladda Kenya ay wax ka bedeshaa siyaasadeeda ku aadan xaaladda dadka qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkeeda, runtii ma fahmi karno sababta ay Kenya go’aankaasi u qaadatay, iyadoo xaaladda amaanka ee hadda ka jirta Soomaaliya la wada ogyahay, dowladda Kenyana ma soo saarin amarkaan xilligii loo baahnaa” ayuu yiri Xildhibaan C/weli Gaas.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan aysan raali ka aheyn falalka ay geystaan Al-Shabaab, isagoo xusay in dadku ay diyaar u yihiin inay gacansiiyaan dowladda Kenya si ay nabad ugu noolaadaan dalkaasi, balse aan abaal gud looga dhigin in dalka Kenya oo dhan laga wada ceyriyo maadama ay weli taagan tahay Xaaladiihii markii hore keeney Kenya.

Waxaa uu ugu baaqay Kenya inay ka fiirsato hadalkan ay ku sheegtay inay dib u celinayso qaxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku sugan, isla markaasna qaxootiga Soomaaliyeed aysan jirin meel ay u laabtaan, isagoo xusay in Soomaaliya weli ay ka taagan yihiin xaaladihii ay ugu soo carareen dadka qaxootiga Dagaalada aan dhamaadka lahayn.

Munaasabad Xariga looga Jarayey Shirkada FRUITSOM oo Dhoofineysa Muuska Soomaaliya oo ka dhacdey Magaalada Muqdisho

Munaasabad Xariga looga jareyey Shirkada lagu Magacaabo FRUITSOM oo la sheegey in ay dhoofin doonto Muuska Soomaaliya ayaa maanta lahu qabtey Hotel Amabasadoor Magaalada Muqdisho , waxaana ka soo qaybgaley Saamileyda Shirkada kuwaas oo sheegey in ay Xiligaan Go’aansadeen in ay Dhoofiyaan Muuska Soomaaliya

Shirkada FRUITSOM waxaa Salka u dhigey 11 Xubnood oo Aqoonyahano Sooomaaliyeed kuwaas oo doonayey in ay Aqoontooda uga Faaiideeyaan Beeraleyda Sooaaliyeed oo muddo dheer aan dhoofin wax Muus ka dib markii Dalka ay ka dhaceen Dagaalo aan dhamaad lahayn,

Guddoomiayaha Guddiga Fulinta Shirkada FRUITSOM Mudane Cismaan Xayle Caruush ayaa waxaa uu faahfaahin ka biixiyey Sababaha kalifey in Xilgaan ay dhaoofiyaan Muuska Soomaaliyeed isagoo sheegey in markii ay arkeen Baahida Dunida ay u qabto Muuska Soomaaliya ay go’aasadeen in ay dhoofiyaan Muuska Soomaaliya oo muddo 70 sanno ah si weyn looga yaqaaney Suuqayada Caalamka

“ Uma Baahna in Dacaayd loo sameeyo ama Xayeysiin Muuska Soonmaaliya waayo hore ayaa loo ogaa Tayadiisa iyo Waxtarkiisa marka waa Muus aad looga jecel yahay Dunida “ ayuu yiri Mudane Cismaan Xayle Caruushe oo sheegey in Ciddii dooneysa in ay saami ku yeelato Shirkadda FRUITSOM ay Gacmo furan ku soo dhaweynayaan

Shirkada FRUITSOM oo Xafiis ka furatey Hotel Amabasadoor ayaa waxaa kaloo halkaa ka Hadley Shiilkh Cali Wajiis oo ka mid Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxaana uu ku booriyey Dowlada Federaalka in ay dhiiragelin u sameyso Ganasatada iyo Beeraleyda Go’aansadey in ay dhoofiyaan Muuska Soomaaliyeed oo muddo dheer Xanibnaa Dhoofintiisa

Waxaa kaloo uu sheegey Shiikh Cali Wajiis in la gaarey xiligii Muuska Soomaaliya uu mar kale uga dhex muuqan lahaa Suuqayada Caalamka isagoo sheegey in Dhoofinta Muuska ay shaqooyin ka heli doonaan dada fara badan oo Soomaliyeed kuwaa maanta aan hayn wax Shaqo ah sidoo kale waxaa ka hadley Munaasabadaas Milkiilayaasha Beeraleyda Muuska oo iyana soo dhaweeyey in Muuska Soomaaliya mar kale la dhoofiyo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinklhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.