Home » Warar »

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Sheegay in Wax Khilaaf ah Uusan Kala Dhaxayn Xukuumadda Kenya.

  • Madaxweynaha DFS ayaa ka hadlay Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya wuxuuna sheegay inaysan jirin wax Caqabad ah isla markaana Kenya ay kaalin ka qaadanayso nabadeynta dadka Soomaaliyeed isagoo dhinaca kalena sheegay dhinaca maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka in Kenya wax shaqo ah aysan ku lahayn Gobolada Jubbooyinkana ay Xaq u leedahay in dawladda Soomaaliyeed ay go’aankeeda qaadato.

Prof. Xasan Shiikh Maxamuud oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda BBCd laanteeda afka Soomaaliga ayaa ka hadlay arrimo dhinacyo badan taabanaya. Madaxweynaha ayaa ugu horeynba ka hadlay wax qabadka Xukuumaddiisa mudadii ku dhawaadka Sedaxda Bilood ahayd ee ay jirtay isagoona soo qaatay illaa Lix qodob oo mudnaanta la kala siinayo.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Mudnaanta Koowaad ay tahay sidii loo sugi lahaa ammaanka taasina ay wax badan ka qabteen kuna guuleysteen isagoona xusay in Lixdan Isbaaro oo Magaalada Muqdisho tiilay lagu guulaystay in halkaa ay ka qaadaan.Madaxweyne Xasanm ayaa sheegay in ay u diyaarinayaan Dhallinyaradii Isbaaradaas joogi jirtay farsamooyin kale sida in Ciidamada ay ku biiraan ama loo sameeyo xirfado kale oo ay ku shaqaysan karayaan.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dagaalyanahada Xarakada Shabaab isagoon ku celiyay hadalkii uu hore uga yiri ee ahaa in kuwa Shisheeyaha ah ayan kala dhaxayn wax wada hadal ah hase yeeshee dhallinyarada Gabdho iyo Wiilal ee ka tirsan Shabaab ee Soomaalida ah ay ugu yeerayaan in ay dib ugu soo laabtaan Bulshadooda isagoona intaa raaciyay in arrintaas ay u xil saareen kuna hawlan yihiin Odoyaal dhaqameed iyo Waxgarad.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaliya ayaa ka hadlay arrinta SomaliLand iyo hadaladii hore u bilowdey isagoona hoosta ka xarriiqay in wada hadaladii sidoodii ay yihiin wax is bedelna aysan jirin marka ay u soo jeestaana ay halkoodii ka sii wadi doonaan.

Ugu danabayntii Madaxweynaha ayaa ka hadlay Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya wuxuuna sheegay inaysan jirin wax Caqabad ah isla markaana Kenya ay kaalin ka qaadanayso nabadeynta dadka Soomaaliyeed isagoo dhinaca kalena sheegay dhinaca maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka in Kenya wax shaqo ah aysan ku lahayn Gobolada Jubbooyinkana ay Xaq u leedahay in dawladda Soomaaliyeed ay go’aankeeda qaadato.

Si kastaba Hadalkan Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli muddooyinkii danbe Dawlada IGAD iyo Keenyaba lagu Eedeynayay in ay faraha kula jiraan Maamul u samaynta Gobolada Jubbooyinka taasoo ay ku timid isqabqabsiga u dhaxeeye Wadamada Igad .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.