Home » Warar »

Shir Looga Hadlay Horumarinta Degmada Dolondole ayaa ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen beelaha ka soo jeeda degamada Dolondole ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho 9ka December 2012. Shirkaas oo ay soo abaabuleen xildhibaanada ka soo jeeda degmada Dolondole ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala gedisan ee bulshada oo ay ka mid yihiin odayaal dhaqameedka, siyaasiyiinta, wax-garadka, qurba-joogta, ganacsatada iyo dhalinyarada.

Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa maamul u samaynta degmada Dolondole loona horumarin lahaa.

Degmada Dolondole oo ah degmo istraatiji ah kana tirsan gobolka Baay ayaa waxay 90kms u jirtaa degmada Baydhabo.

Xildhibaan Maxamud Yaxye ayaa ugu horeyntii furay shirka kana warbixiyey ujeedada kulanka iyo baahida loo qabo in maamul oo helo degmada si horumarkeed looga shaqeeyo.

Waxaa halkaas hadalo guubaabo ha ka soo jeediyey Malaq Cusmaan, Malaaq Deerow, Malaaq Aamin Barawani, Malaaq Kusow iyo Malaaq Maalin Salaad.

Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay xildhibaanada degmada Dolondole Xil. Maxamed Borow, xil. Cusman Miirow iyo Xil. Khalif Duuray.

Maxamed Shaahiyow, Daahir Sh Mad iyo Edin Hasan ‘kalamow’ ayaa ka hadlay mashaariicda ilaa iyo hadda laga fuliyey degmada iyo sida qurba joogta diyaarka ugu yihiin inay qeyb libaax leh ka qaataan dhismaha iyo horumarinta degmada.

Jibriil maxamud Cabdullahi ‘Pakisan’ iyo Maxamed Aden ‘Farkeeti’ ayaa talo bixin ka soo jeediyey qaab-dhismeedka maamulka iyo doorka qeybaha bulshada ku leeyihiin horumarinta degmada.

Geba-gebadii shirka waxaa laysku raacay qodobadan:

• In si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta degmada Dolondole

• In odayaalka dhaqanka ay bilaabaan dib u heshiisiin dhab ah kana shaqeeyaan wacyi gelinta bulshada

• In loo saaro guddi farsamo oo ka kooban 5 xubnood oo soo diyaariya qaab-dhismeedka maamulka degmada

• In xildhibaanada, guddiga farsamada iyo odayaal dhaqameedka ay warbixin ka dhaqeystaan guddiga farsamada muddo labo usbuuc gudahood.

Ka soo qeybgalaasha shirka waxay mahad u soo jeediyeen xildhibaanada suurta geliyey kulanka.

Mustafa Mohamed
must201218@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.