Home » Warar »

Dawladda ay Hoggaamiyaan Calasow, Shirdoon iyo Jawaari oo aan weli ka jawaabin Hadalkii Qareen Maraykan ah oo ku saabsanaa Badda Soomaaliya – 200 vs 12-miles

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaan muddo toddobaad kor u dhaaftay wax jawaab ah ka bixin hadalkii ka soo yeeray Garyaqaanad ka tirsan Dawladda Maraykanka:

  •  “inkasta oo qareenada difaacayey ay soo bandhigeen caddaymo farabadan oo muujinayey in Soomaaliya ay sheegatay 200-mile badeed oo ah Territorial Waters ah, haddana waxay ku guul daraysteen in ay muujiyaan in Soomaaliya ay madax-bannaani buuxda u haysato meel 40 miles u jirta xeebteeda, halkaas oo fal-dembiyeedka la sheegay in uu ka dhacay,” ayey tiri Garyaqaanad ka tirsan maxkamadda Maraykanka..

Arrintan ayaa la xiriirta dacwad ka socota Maraykanka oo lagu soo oogey Burcad badeed Soomaaliyeed oo loo haysto dil saddex qof oo Maraykan ah oo sanandkii 2011 ka dhacay meel xeebta Soomaaliya u jirta 40-miles.

Dilkaas oo dhacay kaddib markii doon ay afduubeen burcad-badeed Soomaaliyeed uu Markab Ciidanka Badda ee Maraaykanka  uu isku deyey in uu kala dhexgalo doonta iyo xeebta Soomaaliya, halkaasna ay rasaasi ka dhacday oo ay ku dhinteen saddex Maraykan ah oo saarnaa doonta la afduubay.

Qareenkii u doodayey burcad badeedda Soomaaliyeed oo tiradoodu tahay saddex ayaa ku dooday in fal-dembiyeedku ka dhacay gudaha dhul-badeedka Soomaaliya (Somalia Territorial Waters oo ah 200-mile-badeed). Halka Qareenadii ku mudacayey ay ku doodeen in dhul badeedka Soomaaliya ku kooban yahay 12-miles. Maxkamaddu waxay taageertay fikradda dambe.

Qareennadau doodaya burcad badeedda ayaa ku celceliyey in fal-dembiyeedkaasi uu ka dhacay gudaha dhul-badeedka Soomaaliya (Territorial Waters) oo ah 200 maly-badeed, taas oo ay ku saleeyeen xeerka Soomaaliya ee soo baxay 1972. Sidaas daraadeedna  waa in dacwaddaas lagu qaado gudaha Soomaaliya, ayey ku doodeen qareenada u doodaya  saddexda loo haysto falka dilka ah.

Arrintaas waxaa Jimacaddii (Nov 30, 2012) ka jawaabey Garyaqaanad ka tirsan maxkamad Maraykan ah oo sheegtay in dacawaddaasi ay ka dhacayso Maraykanka, ayadoo sheegtay “inkasta oo qareenada difaacayey ay soo bandhigeen caddaymo farabadan oo muujinayey in Soomaaliya ay sheegatay 200-mile badeed oo ah Territorial Waters ah, haddana waxay ku guul daraysteen in ay muujiyaan in Soomaaliya ay madax-bannaani buuxda u haysato meel 40 miles u jirta xeebteeda, halkaas oo fal-dembiyeedka la sheegay in uu ka dhacay,” ayey tiri Garyaqaanaddu.

Xukuumadda Muqdisho weli kama jawaabin arrintaas, welina caddayn qayaxan kama soo saarin in badda Soomaaliya (Territorial Waters) ay tahay 200-mile badeed, xornimadeeduna ay hoos tagto Qaranka Soomaaliya, sida ku cad Qodobka 1aad ee Sharciga No. 37 ee Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea) ee soo baxay 10 –kii September 1972 waxa uu dhigayaa sidan:

  • 1. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya (Territorial Sea) waa qayb kamid ah badda oo gaaraysa 200 mayl badeed (nautical miles) ee xeebaha qaaradda iyo xeebaha jasiiradaha, oo lagu xadeeyey sida ku qeexan qodobka 2aad iyo 3aad ee Sharcigan.
  • 2. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya waxa uu soo hoos gelayaa Xornimada (Sovereignty) Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Dembiyada ku saabsan xagga caafimaadka iyo ammaanka shacabka ee lagu galo maraakiib maraaysa gudaha xuduudka dhulbadeedka Soomaaliya, waxaa lagu xukumayaa Sharciga Soomaaliya.

Arrintani maadaama ay khusayso xornimada Dhul-badeedka Soomaaliya ayaa in badan oo Soomaali ah waxay rajaynayeen in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay caddayn doonto in ay ku dhaqmayso in dhulbadeedka Soomaaliya (Territorial Waters) uu yahay 200-mayl-badeed oo hoos yimaada xornimada Qaranka Soomaaliyeed.

Ahmed Muse Salad, Abukar Osman Beyle iyo Shani Nurani Shiekh Abrar oo lagu eedeeyey dacwad lal xiriirta dil. Sawirka: Wavy Tv

Gaar ahaanwaxay jawaab ka sugayeen Xafiiska Madaxweynaah DFS Xasan Maxamuud Calasow, golaha wasiirada ee uu ra’iisul Wasaaraha ka yahay Cabdi Faarax Shirdoon iyo Baarlamaanka uu guddoomiyahay ka yahay Maxamed Cismaan Jawaari.

Burcad badeednimadu waa arrin aan ku bannaanayn shaciga Soomaaliya, halis ku ah amniga, una baahan gacan bir ah oo lala tiigsado sharciga. Balse arrinta hadda muranka ku jirta ayaa ah xornimada dhul-badeedka Soomaaliya, taas oo markii ugu horeysey taariikhda Soomaaliya ay Dawladdii KMG ahayd ee Shiikh Shariif muranka gelisey kaddib markii ay heshiis loogu yeeray Is-faham la saxiixatay Kenya, balse taas ay ka hor tegey baarlamaankii hore.

Hay’adda wararka ee AP ayaa warbixin ay hore u qortay waxay ku sheegtay: waxaa muranka arrintaas sii kordhinaya waa in dalka Maraykanku aysan ilaa hadda ansixin ama dhaqan gelin Sharciga Badaha Adduunka ee Law of Sea Treaty, inkasta oo in Maraykanku ay sharcigaas ansixiyaan ay ku baaqeen hoggaanka Militariga Maraykanka, ganacsatada iyo maamulka Obama.

Qareenka difaacaya (Soomaalida) waxa uu ku dooday in arrintaasi macnaheedu yahay in Maraykanku uusan adeegsan karin (ama cuskan karin) sharci uusan isagu ansixin si markaas uu u qararro dhul-badeedka Soomaaliya.

Halkan ka akhri warbixintii hore ee dacwadda

AP published on Dec 3, 2012: On Friday, U.S. District Judge Rebecca Beach Smith denied the request for dismissal. Smith wrote that the 12-mile limit is part of customary international law, even if Somalia maintains its claims to a 200-mile territorial limit.
In sum, although the defendants provide ample evidence that Somalia has claimed a 200-mile territorial sea, they fail to demonstrate that Somalia possesses exclusive territorial sovereignty 40 miles from its shore, where the alleged offenses occurred,” she wrote.
“The argument that these offenses took place in Somalia’s territorial sea must fail.”
A jury trial for the men is scheduled to begin in June. If convicted, prosecutors have said they will seek the death penalty. More HERE

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Dawladda ay Hoggaamiyaan Calasow, Shirdoon iyo Jawaari oo aan weli ka jawaabin Hadalkii Qareen Maraykan ah oo ku saabsanaa Badda Soomaaliya – 200 vs 12-miles "

  1. Omer says:

    Fadlan comment kaygii horre tan ku beddela. Mahadsanidiin.

    Run ahaantii arrintani waxay u baahantahay in loo sameeyo guddi ka kooban khubaro soolaaliyeeed oo cilmi badeedku ku xeeldheer oo waliba khibrad fiican u leh sharciyada la xidhiidha xudduuda soomaaliya, dawladduna waa inay taageero buuxda siisaa guddidaa, si cadna u aqoonsataa wixii ay soo jeediyaan.

  2. osaama says:

    aniga waxay ila tahay horta dastuurka somaliya ee looga baxay KMG-nimada ma caddeynayaa sharciga dhul badeedki somaliya
    tan kale safiirka somaliya ee marykanka fadhiya muu ka jawaab bixiyo intii la sugaayo calasow iyo shirdoon iyo jawaari

    mase wax safiir ah maba joogo washington