Home » Warar »

Shacabka ku Dhaqan Magaalada Kismaayo oo ka Cabanaya Bandow Halkaa lagu soo Rogay

Iyadoo Maamulka ka arrimiya Magaalada Kismaayo uu Bandow ka bilaabanaysa Lixda Maqribnimo ku soo rogay Magaalada ayaa waxaa arrintaa si weyn ay u saameysey dadka Reer Kismaayo oo xiligan si aad ah uga cabanaya baandowgaas.

Qaar ka mid ah Ganacsatada Magaca ku leh Magaalada Kismaayo ayaa Maamulka Magaaladaasi u gudbiyay Codsi ay ku weydiisanayaan in Magaalada laga qaado Bandowga iyagoona sheegay in Bandowgaas uu si weyn wax ugu dhimay Ganacsigii Magaalada.

Ciidamada Maamulka ku meel gaarka ee Magaalada ka arrimiya horey Magaalada ugu wareejiyay Gaadiid lagu xiray Samaacadaha codka dhaa dheer kaasoo shacabka Reer Kismaayo loogu sheegayo in wixii ka bilowda salaadda Maqrib kaddib Magaaladu Baandow tahay cidii la qabatana Xabsiga la dhigayo.

Arrintan ayaa waxa ay walaac badan ku abuurtay dadkii ku dhaqnaa Magaalada gaar ahaana Ganacsatadii oo xiliga Habeenka ka shaqaysan jiray goobahooda Ganacsiga.Cabshadan ay soo jeediyeen Ganacsatada Magaalada Kismaayo ayaan waxaan ka jawaabin Maamulka Magaalada iyagoona ka gaabsaday in ay ka jawaabaan dalabka ay dadku ku dalbanayaan in Baandowga laga qaado si ay u ganacsadaan Habeenkii.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka oo goor sii horeysey hadlay ayaa sheegay in ay sii wadayaan hawlgalada ay ku baadi goobayaan kooxo ay sheegeen in ay gacan saar la leeyihiin Xarakada Shabaab oo weli ku sugan gudaha Magaalada inta ay ka sifeynayaana uu hawlgalka iyo Bandowguba socon doono. Si kastaba Magaalada kismaayo ayaa wixii ka dambeeyay markii halkaas laga saaray Xarakada Shabaab waxaa ku soo badanayay Dilalka qorsheysan iyo Qaraxyada lala bar tilmaameedsanayo fariisimada Ciidamada Dawladda Kenya iyo kuwa Dawladda ee halkaa ku sugan.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ”Sababta loo Bartilaameedsanyo Kenya waxay Tahay Maxaa Soomaaliya u Caawineysaan.

Madaxweynaha Dawladda fderaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdigiisii ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka gadaal markii ay soo dhamaysteen booqashadii uu ku tegay Dalka Turkiga.

Xasan Shiikh oo Ragga Wararka dira kula hadlay Garoonka Diyaaradaha caalamiga ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dawladda Turkiga ay soo kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo caalami ah.

Madaxweynaha Somaliya ayaa u mahad celiyay Xukuumadda Turkiga isagoona sheegay in ay ahayd Dawladdii u horeysey ee u soo bareedha Soomaaliya xilli dhibaato xun ay ka jirtay.

Madaxweynaha Xasan Shiikh ayaa hoosta ka xarriiqay in Xiriirka labada dal wixii ka dambeeyay Sanadkan uu heer sare gaari doono isla markaana Turkigu ka samayn doono Soomaaliya dhowr Mashaariic oo kala duwan.

Xasan Shiikh ayaa xusay inay jiraan Guddiyo Fartsamo oo soo odorosaya baahida Soomaaliya kaddibna u gudbinaya dawladda Turkiga taasoo iyaduna wax ka qaban doonta.

Madaxweyanaha ayaa ugu dambayntii soo hadal qaaday Qaraxii xalay ka dhacay Dalka Kenya isagoona uga tacsiiyay qoysaskii dhibtu ka soo gaartay una sheegay Dawladda Kenya in ay la qaybsanayaan dhibaatada soo gaaray dadka Shacabka ah.

Madaxwynaha ayaa sheegay in Xukuumadda Kenya sababaha loo bar tilmaameedsanayo in ay tahay sidee Soomaaliya u caawin kartaan.Si kastaba Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole iyadoona loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.