Home » Warar »

Qarax ka dhacay Nairobi oo uu ku dhaawacmay Xildhibaan Yusuf Hassan oo laga soo doorto Kamukunji, Nairobi

Saddex qof ayaa dhintay habeenimadii Jimcada (ee Sabtidu soo geleysey), waxaa kale oo ku dhaawacmay siddeed qof oo uu ka mid yahay xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto Kamukunji Nairobi, kaddib markii qarax ka dhacay meel u dhow Masaajid oo ku taal xaafadda Eastleigh (Islii) ee magaalada Nairobi, sidaas waxaa qortay jariidada Standard.

Laba qof oo kale ayaa u dhintay dhaawacii.

Qaraxaasi waxa uu dhacay 7-dii fiidnimo, meel dadku ay ku badan yihiin oo kaabiga ku haysa Masjid ku yaal aagga lagu magacaabo Muratina Road ee xaafadda Islii.

MP Yusuf Hassan Kamukunji

MP Yusuf Hassan. Isha sawirka: Dailynation

Xildhinaan Yusuf Hassan waxa jabtay lugaha, sida wararku sheegeen, waxaana durbadiiba loola cararay cisbitaalka Aga Khan ee Niarobi, qaar kale oo dhawac ahna waxaa loo qaaday cisbitaalka Kenyatta, dhaawacaas oo lix kamid ah halis ahaa.

Daily Nation waxay intaas raacisay in qaraxani uu dhacay kaddib markii salaadda lagu soo tukadey masjidka Hidaya in uu xildhibaanku la hadlayey dad kamid ah xaafadda laga soo doorto, markaasna uu qof ku soo dhex tuuray bam-gacmeed.

Laakiin gabagabada warkeeda waxaa Jariidadda Daily Nation ku sheegtay in aan weli la xaqiijin waxa sababay qaraxa, ayadoo qof goob jooge ah uu ku andacoodey in qaraxani uu ahaa mid ka dhashay “gas cylinder”, ayey ku sheegtay warbixinteedii hore. Laakiin warbixin kale oo jariidadu soo xigatey taliyaha booliska Nairobi ayaa sheegay in qaraxa laga soo tuurag gaari cad, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Dhanka kale Jariidadda Standard waxay warkeedii Sabtida December 8, 2012 ku sheegtay in laba qof oo kale ay u dhinteen dhaawacii, taasina ay dhimashada ka dhigeyso 5 qof. Qaraxaas oo jariidadu ku sheegtay bambaano gacanta laga soo tuuray.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Qarax ka dhacay Nairobi oo uu ku dhaawacmay Xildhibaan Yusuf Hassan oo laga soo doorto Kamukunji, Nairobi "

  1. Mohamud says:

    Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun
    aad baan uga xumahay in fa;la dhacayiyo dhaawaca Xil.Yusuf hassan
    waxaana leeyahay inta wax gaareen alaaha caafiyo,Yusufna si gaar ah eebe
    ha caafiyo.

  2. qaasim says:

    asc,inaa lilaahi wa inaa ilaahi raaji cuun,dadkii dhintay alaha u naxariisto wixii muslim ah kuwa jirana ala ha caafiyo,aad baab uga xumahay xilibaan yuusuf in ay wax gaaraan waayo waa halyay soomaali ah,geesi ah ,codkar ah,ilaah waxaan uga baryayaa in uu caafimaaddeg deg ah siiyo ,,,,,,,,,,,aamiin………….aamiin,