Home » Warar »

Dugsiga Sare ee Suldaan Hurre oo Degmada Xarfo laga dhagax dhigay

Gaalkacayo: Degmada Xarfo oo ka tirsan Gobolka Mudug dhacdana dhinaca Waqooyi barri ee magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa December 6, 2012 laga dhagax dhigay Dugsi sarre oo loo bixiyey “Dugsiga Sarre ee Suldaan Hurre”

Dugsigan sarre ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa Degmada Xarfo laga hirgaliyo. Qabanqaabada iyo dhisida Dugsiga sarre ee Suldaan Hurre ayaa waxaa iska kaashaday Jaaliyada dibadda iyo Bulshada ku sugan deegaanka Xarfo.

Dugisaga sarre ee Suldaan Hurre ayaa qorshihiisu socday labadii sano ee lasoo dhaafay, soona maray heerar kala duwan, fikradan ayaa timid kadib markii bulshada ku dhaqan Degmadda Xarfo ay arkeen baahida loo qabo dugsi Sarre oo Xarfo yeelato. Ardayda ka qalin jabisa Dugsiyada dhexe ee degmada Xarfo ayaa dhibaato ku qabay sidii ay u heli lahaayeen Dugsi sarre si ay usii wataan waxbarashdooda nidaamiga ah, tasoo in badan oo kamid ah ku khasbi jirtay inay magaalada ka guuraan si ay u helaan waxbarasho Dugsi sarre.

Dhagax dhiga Dugsiga Sarre ee Suldaan Hurre waxaa kasoo qayb galay waxna ka dhagax dhigay Gudoomiyaha Degmada Xarfo, Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Gudoomiyha Waxbarasha Gobolka Mudug iyo masuuliyiin iyo waxgarad isugu jira bulshada qaybaheeda kala duwan.

Waxaa ka mid ahaa hadalada Dugsiga sarre ee Suldaan Hurre ay ka yiraahdeen madaxdii kasoo qayb gashay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay ayaa uguna duceeyey inuu noqdo midkii arday badan ka aflaxdo. Sidoo kale Gudoomiyaha waxbarashada gobolka Mudug Bashiir Axmed Khalaf ayaa tilmaamay in Degmada Xafro uu Dugsiga Sarre isbadal waxbarasho ku samayn doono.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Xarfo Cabdullaahi Faarax Bayle soona dhaweeyey madaxda iyo dadka kasoo qaybgalay xaflada tilmaamayna Dugsiga Sarre ee Suldaan Hurre oo noqonaya dugsi sarre oo bulshada deegaanka kaafiya kii ugu horeeyey, wuxuuna bulshada reer xarfo ku booriyey inay ka qayb qaataan dhismihiisa kana faa’iidaystaan, marka uu dhamaado.

Eng. Maxamuud Sheikh Cabdisalaan (Wanaagsane) oo ah Madaxa Shirkadda Maanshiil, Shirkadaas ah oo ah Shirkada qandaraaska lagu siiyey dhismaha Iskuulka ayaa xusay inay ka shirkad ahaan aad ugu faraxsan yihiin inay masuul ka yihiin dhismaha Dugsiga Sarre ee Suldaan Huure.

Xasan Macalin Daahir oo ka mid ah odayaasha deegaanka, ahna howl wadeenada gacanta ku haya hawsha lagu hirgalinayo Dugsiga Sarre ee Suldaan hurre ayaa faah faahin ka bixiyey sida ay uga go’tahay, bulshada gudaha iyo Jaaliyada dibadda hirgalinta Dugsiga Sarre oo noqonaya kii ugu horeeyey oo deegaanka laga hergaliyo.

Suldaanka loogu magacdaray Dugsiga Sarre, Suldaan Axmed Maxamed Maxamud (Suldaan Hurre) oo ahaa Slaadiinta ugu caansan Puntland iyo Soomaaliya, ayaa sida dadban lasocdaan lagu dilay magaalada Kalabayr Agoosto 17, 2002.

Suldaan Hurre ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa Suldaan Mutacalim ah, shahaado sarrena haystay, Suldaan Hurre wuxuu ka aas aasay Puntland meelo ka mid ah xarumo waxbarasho. Wuxuuna aad dhalinyarada ugu dhiira galin jiray waxbarashada, isagoo macalin ka noqday xarumihii waxbarasha oo uu aas aasay mid kamid ah, si uu jahliga ula dagaalamo, Suldaan Hurre ayaa tusaale wanaagsan loo soo qaataa, marka laga hadlayo waxbarashada.

Waana arinta keentay in maanta Degmada Xarfo laga dhagax dhigo Dugsi Sarre oo loogu magacdaray, Dugsiga Sarre ee Suldaan Hurre.

Sawirada: allradiogaalkacyo

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.